| 
 
									
									Ra’isul Wasaare Geedi iyo 
									wafdi uu hogaaminiyo oo ka dhoofay Garoonka 
									Jowhar..
									 
Nov 30, 2005 
            Ra’isu Wasaare 
Cali Max’ed Geedi iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa Nov 30 ka ambabaxay Magaalada 
Jowhar, waxaana wafdigiisa ka mid ahaa Wasiirka arrimaha dibadda ee Dowladda 
Federaalka C/llaashi Shiikh Ismaaciil, Wasiirka qorsheynta qaranka C/risaaq 
Cismaan Jurile iyo xubno kale. 
            Ra’isul Wasaaraha 
ayaa dhowr maalmood ku sugnaan doona Magaalada Nairobi, kaddibna waxaa la 
sheegay in uu u duuli doono qaar ka mid ah wadamada Yurub, hase yeeshee Wasiirka 
arrimaha dibadda ayaa isagu u kicitimi doona Magaalad Maka Al-Mukarama oo uu 
kaga qaybgali doono shirka wasiirada arrimaha dibadda ee Islaamka, wuxuuna u 
gogol-xaarayaa Madaxweynaha Dowladda Federaalka C/llaahi Yuusuf Axmed oo isagu 
si rasmi ah uga qaybgalay shirka hogaamiyaasha Islaamka oo isagu ka furmi doona 
todobaadka soo socda Magaalad Maka Al-Mukarama.   
Dhoofkan dambe ka hore, Nov 
27, 2005 ayey ahayd markii uu Cali Maxamed Geedi ku soo laabtay Jawhar. 
Xilligaas oo uu soo maray wadamo Yurub ah, Kenya iyo Itoobiya. 
 Isha Sawirka: Wargeyska dalka::
 
Dhanka safarkii Itoobiya, Sida laga soo xigtey 
shabakada internetka ee wasaaradda arrimaha dibedda dalka Ethiopia, waxaa 
ra'iisul wasaare Cali Maxamed Geeddi uu uga warbixiyay ra'iisul wasaare Zenawi 
xaaladda Soomaaliya iyo wadahadalkii uu dhowaan mas'uuliyiinta midowga yurub uu 
kula yeeshay magaalada Brussels. 
Dowladda 
Federaalka oo heshiisyo la gashay wadamada Itoobiya iyo Kenya.. 
Nov 29, 2005 
Waxa maalintii 
Nov 29, 2005ahayd xurunta Gobalka Sh/dhexe ee Jowhar oo saldhig u ah qayb ka mid 
ah Dowladda Federaalka heshiisyo ku kala saxiixday Dowladaha Soomaaliya, Kenya 
iyo Itoobiya, waxaana heshiisyadaasi ay ahaayeen kuwo isugu jira mid dhaqaale, 
mid siyaasadee iyo mid nabadgelyo. 
Haddii aan soo 
qaadano midkii ay kala Saxiixdeen Itoobiya iyo Soomaaliya wuxuu dhigayaa in 
Dowladda Itoobiya ay istimcaali karto Dekedaha Boosaaso, Muqdisho iyo Kismaayo, 
sidoo kale waxaa heshiiku dhigayaa in si wada jir ah looga shaqeeyo xuduuda 
dheer ee u dhexeysa Itoobiya iyo Soomaaliya gaar ahaan dhinaca nabadgelyada iyo 
isku gudubka ganacsiga. 
Sidoo kale 
Dowladda Federaalka waxay heshiis la gashay Dowladda kenya waxa uuna 
heshiiskaasi dhigayaa in Labada Dowladood ay is dhaafsadaan arrimhaa ganacsiga 
iyo sidii looga shaqeyn lahaa dhinaca nabadgelyada, waxaana Soomaa-iya 
heshiiskaan u saxiixay Wasiirka arrimaha dibadda C/llaahi Shiikh Ismaaciil, 
waxaana Kenya u saxiixay danjiraha Soomaaliya u qaabilsan ee Max’ed Cabid Afey. 
Heshiiska Itoobiyana waxaa saxiixay Wasiiru dowlaha arrimaha Dibadda ee 
Itoobiya, waxayna heshiisyadaani ku dhaceen jawi is afgarad ah.  
 Dalka - (Midig) wasiirka 
arrimaha dibadda dalka Soomaaliya C/llaahi sheekh Ismaaciil  oo soomaaliy 
au saxiixay heshiiska yo Wasiiru dowlaha arrimaha dibadda ee wadanka Ethiopia mr. 
Alawe. Sawirka: Wargeyska dalka
 
Wufuud ka socota wadamada 
Kenya iyo.Itoobiya oo soo gaarey Jowhar. 
Nov 28, 2005 
            
Wufuud ka kala 
socota wadamada kenya iyo Itoobiya ayaa shalay galabnimadii ka soo degay 
Magalada Jowhar oo xarun u ah qaar ka mid ah Dowladda Federaalka, waxaana la 
sheegay in wufuudaan ay ka qaybgalayaan kulan Nov 29 la furmaya Magalada Jowhar 
oo ay isugu imaanayaan Wasiiradaa arrimaha dibadda ee IGAd. 
            
Dowladda Kenya ayaa waxay soo diratay wakilkeeda u qaabilsan arrimaha Soomaaliya 
Max’ed Cabdi Afey, sidoo kale Dowladda Itoobiya ayaa waxay soo diratay Wiisru 
dowlaha arrimaha dibadda ee Itoobiya, waxaana shalay ka sugayay wasiirada 
arrimaha dibadda ee wadamada Uganda, Ereteriya, Jabuuti iyo Suudaan, hase 
yeeshee warar aanu helnay waxaa sheegayaan in wadamadaani aysan imaan doonin 
Magaalada Jowhar. 
            
Kulankaan ayaa waxa uu ku soo beegmay xili wadamada ku bahoobay urur gobaleedak 
IGAD uu ka dhexeeyo khilaafyo isla markaana aysan isla fahamsaneyn xaaladda 
wadanka Soomaaliya. 
            
Kulankaani haddii uu furmo waa guul weyn oo u soo hoyatay shacabka Soomaaliyeed 
gaar ahaan Dowladda Federaalka, maadaama aan Soomaaliya wax shir ah lagu qaban 
15-kii sano oo ay dagaalada sokeeye socdeen ha noqdeen kuwo heer caalami heer 
Gobal iyo heer Degmo. 
Cali 
Maxamed Geeddi oo Ka Qayb Galay Shirka JNA (Joint Needs Assessment) 
Nov 23, 
2005 
 Sawirkan waa sawir ku soo baxay shabaka 
JNA ee hor dhaca loogu samaynayey barnaamijka lagu darsayo Horumarinta 
Soomaaliya (JNA) - Waa sawir Jaadka (Qaadka) u muujinaya wax qurux badan - 
iyadoo la ogyahay dhibatada dhaqaale iyo mujtamac ee Jaadku (Qaadku) ku hayo 
Soomaalida. [ Eeg halkan]
 
Shirka oo Nairobi ka furmay oo socdey muddo afar 
maalmood ah waxaa loogu talo galay in wax laga ogaado baahida Soomaaliya si loo 
horumariyo, waa sida laga soo xigtey ilo u dhowdhow ka qayb galayaasha shirka. 
Maamul Gobaleedka Puntland 
oo aad u dhaliiley Ra'iisul Wasaare Geedi 
Nov 16, 2005 
Madaxweyne ku 
xigeenka Puntland Xasan Daahir (Af-qurac) ayaa si weyn u dhaliilay hadalkii 
dhawaan ka soo yeeray Ra’isul Wasaare Geedi oo ahaa in haddii la aqoonsado 
maamulka la magac baxay Soomaaliland ay Dowladdu aqoonsan doonto, wuxuuna 
Madaxweyne ku xigeenku hadalkaasi ku tilaamamay mid xadgudub ku ah sharciga iyo 
dastuurka Dowladda Federaalka. 
“Ma aheyn in Ra’isul Wasaaruhu 
dhex galo arimo noocaas oo kale ah oo ah mid u hiilinaya in Soomaaliya la 
googooyo” ayuu yiri Madaxweyne ku xigeenka oo sheegay in la doonayo in ra’isul 
Wasaaruhu u raagelin ka bixiyo hadalkaasi oo ah mid u keeni kara Dowladda 
Federaalka ah sumcad xumo. 
Waxaa maalmahan dhaliil 
xoogani soo gaarsay Ra’isul Wasaare Cali Max’ed Geedi kaddib markii uu sheegay 
in haddii la aqoonsado maamulka Somalilnad uu isna dhiniciisa uu aqoonsanayo 
taasoo shacabka Soomaaliyeed ku noqotay layaab iyo amakaag. 
Xildhibaan Xasan Dhimbil “Ra’isul Wasaare Geedi waxaa uu ku xad gudbay.. 
Nov 15, 
2005 
            Xildhibaan Xasan Dhimbil Warsame ayaa shalay soo hor dhigay Golaha 
Baarlamaanka Mooshin uu ku leeyahay in Ra’isul Wasaare Geedi uu ku xadgudbay 
axdigii Qaranka isla markaana uu galay khiyaano Qaran, sidoo kale waxa uu 
sheegay in Xubnaha Dowladda ay soo daabacdeen lacago been abuur ah oo doraad 
lagu qabtay Garoonka Diyaaradaha ee Dubai. 
            Xasan oo hadalkiisa sii wata waxa uu sheegay in Ra’isul Wasaaraha uu 
afkiisa kaga dhawaaqay in uu aqoonsanayo maamulka Somaliland, haddii ay aqoonsi 
hesho taasoo Xasan Dhimbil ku tilmaamay mid jabineysa lahaanshihii dhuleed ee 
Soomaaliya iyo waliba midnimada ummaadda Soomaalieed, isagoo hadalka Ra’isul 
Wasaaraha ku tilmaamay mid ah khiyaano Qaran oo uu ka galay bulshada 
Soomaaliyeed. 
            Waxaa kaloo uu ka dalbaday Golaha Baarlamaanka in ay baaritaan ku 
sameeyaan lacago been abuur ah oo ay soo daabacatay Dowladda Federaalka ah ee 
fadhigeedu yahay Magaalada Jowhar laguna qabtay dalka Imaaraadka Carabta, 
lacagtaas oo uu sheegay in ay qaadi lahayd diyaarad lagu magacaabo Mudan una 
qaadi lahayd Magaalada Boosaaso. 
            “Ma garan karo in Dowladdu ay leedahay iyo in Ganacsato leeyihiin, 
laakiin waxaan codsanayaa in baaritaan lagu sameeyo” ayuu yiri Xasan Dhimbil 
Warsame.       [War 
dheeraad ah oo lacagtaas ku saabsan ka akhri halkan]]. 
Ra’isul 
Wasaare Cali Max’ed Geedi iyo wafdi uu hogaaminayo oo (NOV 13) ka ambabaxay 
Jowhar  
Nov 
13, 2005 
Ra’isul Wasaare 
Cali Max’ed Geedi iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa  ka ambabaxay Garoonka 
Diyaara-daha ee Jowhar, waxaana Ra’isul Wasaaruhu uu ku hagan doonaan dalka 
Itoobiya caasimaddiisa Adis-Ababa, waxaana la sheegay in uu halkaasi kulan kula 
yeelan doono Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Miless Zinawi iyo mas’uuliyiin ka 
tirsan Ururka Midowga Afrika, kaddib Ra’isul Wasaaruhu waxa uu u safri doonaa 
dalka Biljam halkaas uu kula kulmi doono mas’uuliyiinta Ururka Midowga Yurub oo 
ay isla soo qaadi doonaan arimo la xiriria sidii Mdowga Yurub ay u dhameystiri 
lahaayeen howlaha dib u dhiska dalka Soomaaliya. 
            
Ra’isul Wasaraha ayaa la filayaa in uu qudbad ka jeediyo baarlamaanka Midowga 
Yurub, iyadoo dhawaan Ururka Midowga Yurub uu xogaa lacag ah soo gaarsiiyay 
Dowladda Federaalka oo ay ugu talagashay dib u dhiska Hay’adihii Qaranka, 
 
Warar ayaa waxay 
sheegayaan in Ra’isul Wasaaruhu u sii gudbi doono Wadanka Talyaaniga, waxaana 
Ra’isul Wasaaraha safarkiisa ku wehliya Wasiirka Maaliyadda ahna Ra’isul Wasaare 
ku xigeen Saalim Caliyow Ibrow, Wasiirka qorsheynta iskaashiga caalamiga ah 
C/risaaq Cismaan Jurile iyo xubno kale.  {eeg 
halkan} 
W/D AmiinYuusauf KhasaaroE-Mail amiinkhasaaro@otmail.com
   Faafin: SomaliTalk.com | Dec 1, 2005  
 
						
						 
						
						 |