FOOLJEEXEY
SIDEE TAHAY
Maax
Ibrahin
Marka
hore waxaan salaamayaa dhamaan umadda
Soomaaliyeed meel ay joogaanba. Waxaan
doonayaa in aan halkan idiinku soo
bandhigo Tuuladda lagu magacaabo
Fooljeex oo dhanka koonfureed kata
beegana Magaaladda Q/Dahare.
Qarnigan
maanta lagu jiro waa qarnin qofna uu ku
haminayo hormar & barwaaqo qofna uu
halkuu eebe ku abuuray uu ku seexanayo
cabsi & walwal taas oo uusan garanaynin
haduu gabalku u dhoco in uu waagu u
baryi & inkale.
Umad
dagaalanta hadaad aragto waxaa jira wax
ay saluugan yihiin ama ay diidan yihiin,
sidaan qoraalkaygii hore ku xusay
xukuumadda Itoobiya waxay xoog ku
haystaan dhamaan dhulka Ogaadeenya oo ay
mudo dheer xoog ku jogaan kuna bahdilaan
umadii u dhalay dhulkaas.
Hadii aan
sawir yar ka bixiyo Ogaadeenya, waa dhul
balaadhan oo barwaaqo ah waxaana ku nool
xoolo aad u badan badan, waxaakale oo
aad uga baxa Xabagta, dhulku wuxuu u
kala qaybsan yahay dhulka dibirka loo
yaqaano ama caro adayga oo ah dhulka
inta badan laga helo Xabagta, Malabka,
Madheed Cadaad, iwm. Dhulna waxaa loo
yaqaanaa Suubaanka, waa dhulka inta
badan laga helo Midhaha sida Ciidka,
Hohobta, Gomashaha, Gobka, Gob, Madheedh,
iwm. Waa dhul markuu qofka ku nool
xoolaha raaco uu soo hoyanayo isagoo
dharagsan. Waxaa kale oo laga cunaa sida
Damanyulugda & Likaha oo ku hoos jirta
dhulka hoostiisa markay soo baxayso
dhulka ayaa dil-dilaaca waana lagaran in
ay halkaas ku jirto. Qoraal kuma soo
koobi karo waxa laga helo dhulka oo ah
dhul aad barwaaqo u ah shakina kuma jiro
hadii ay dadku xor u noqon lahaa dhul
caan ah oo caalamka oo dhan ay
xiiseeyaan.
Akhristoow
waxaan u daadagayaa dulucda qoraalkayga
oo aan doonayaa in aan sawir yar ka biyo
Tuuladda Fooljeex oo ah Tuulo aan xili
badan la daganayn waxaana ladagay
tuladan 1991 waxayna ku talaa meel aad
ugu haboon in tuulo laga dhigo, waxay
isku xidhaa magaalooyinka Q/Dahare &
Shilaabo, marka aad dhanka Q/Dahare ka
timadid waxaad soo maraysaa banka weyn
ee looyaqaana Banka Qorahay oo ah ban
aad u balaadhan barwaaqana ah, markad
banka aftintiida (Fiidiisa) soo gashid
waxaad arkaysaa hadii uu xili roob yahay
xoolo aad u balaadhan oo daaqaya bankan
dhexdiisa, waxaad soo mari oo kale
Qalcadda uu daganaan jiray Halyaygii
Sayid M Cabdile Xassan ood arkayso
markaad baabuurka saran tahay waxayna ku
taala halka loo yaqaano Malka Af-weyn
waana marka aad buundada talaabayso oo
toga Faafaneed aad gudbayso.
Waxaa
banka hareerihiisa & dhexdiisaba laga
beertaa raashinka Masagadda oo uu caan
ku yahay banka Qorahay.
Dadka
dagan Tuuladda waxay inta badan ku
xidhan yihiin ama ay aad u yimaadaan
Magaalada Q/Dahare oo u ah halka ay ka
adeegtaan waxayna tuuladau leedahay
Makhaayado dhowr ah oo inta badan ay wax
ka gataan dadka u kala socda labada
Magaalo waa Q/Dahare & Shilaabo waxaa
kale oo ay Tuuladuu leedahay Bakhaarada
raashinka lagu kaydiyo oo markuu qofku u
go’a raashinka ayuu Tuulooyinka ku
hareeraysan Banka Qorahay ay geyaan oo
ooga raqiisan Magaaladda Q/Dahare. Hadii
uu qofku u go raashin dhan 20 Jawaan
wuxuu siinayaa 2 Jawaan oo uu
bakhaarlugu kiro u haysan hayo waana
nadaam lagaga dhaqmo halkaas.
Xaqmiyaa
in Fooljeex gabi ahaanba lagubo oo dadka
ku dhaqanaa ay maanta gabi ahaanba ay
guri la’aan yihiin, waa arinaad murugu u
leh waana arin ay taarikhdu marnaba
iloobi doonin maxaa yeelelay lama
garanayo ilaa hadda sababta dhabta ah ee
loo gubay Fooljeex, waxaa lagu gubay
Fooljeex 6000 oo kintaal raashin masago
ah oo ay kayd u haysteen dadkii halkaas
daganaa waana raashin ay xoogooda ku
berteen sugayeena mudo shan 2 bilood,
waxayna ku abuureen gacantoodo mana
jirto qalab caawiya oo ay haystaan
dadkas waxaana u diiday gumaysiga oo
qofka u dhashay degaankaas hadii uu
damco in uu hormar ka sameeyo shulkiisa
waxaa loo arkayaan in uu yahay qof
hormarinayo sidaas daraadeed horumarinta
waddankaas waa ka mamnuc dhanka
xukuumadda mulatariga ah een cidna ka
amar qaadanin.
Dhulku
wuxuu caanku yahay horu marin la’anta
waxaadna arkaysaa markaad Magaalooyinka
fiirisid dhibaatada ka haysata dhanwalba
oo uu qofka bani aadamka ah u baahan
yahay, Q/Dahare waxay kamid tahay
magaalooyinka waa weyn markii ay 15 Nov,
2005 ay cidanka mulatarigu ku xasuuqeen
magaaladda dadkii daganaa kuna laayeen
dad u badan Maxaabiistii ay haysteen
waxaa dhaawac xun soo gaadhay gabadh la
dhoho Sahra Cabdi Haybe oo markii loo
waayay dhiig joojin waxaa losii qaaday
Magaaladda Jig-Jiga waxaana halkaa
lagaga gooyay lugtedii markii Jig-Jigana
looga waayay dhakhtar xaaladeeda wax ka
qabta ama lodiiday in xaga Adiis losii
qaado.
·
Gidigeed Aduunyada kaloo Guul u
mohonaysa,
·
Gidigeed Aduunyada kaloo Gama’san oo
Jiifta,
·
Gidigeed Aduunyada kaloo Nabad u
Geedwaaban,
·
Aduunyadoon wax guur-guuri jirin oo
Gadaandhaba ah,
·
Aduunyadoon wax goomani ka jirin amse
Gaajaysan,
·
Ogaadeenya Goortii walbana waa un
Galilye.
Dadkanagu
Gadaaf & Dhibuu gooniduyahaye,
·
Gumac labu shabaaxaa bartiyo Gawrac
Joogta ahe,
·
Kol horaba guriyo wayqabee Gowra &
Layne,
·
Dadkanagu Gadaaf & dhibuu gooniduu
yahaye,
·
Maantana biyaa ugu galay god &
Meeldheere,
Akhristoow
dadku waxay ku jiraan laba dhagax
dhexdood waxaana waajib ah inaan u
fikiro oon dhibaatada walaalaheen loo
gaysto ee ah dhanwalba aan ka danqano,
waxaana ku talin lahaa dhacdooyinka uu
gumaysigi ka gaysanayo Ogaadeenay waa
mid taariikh ah, waxaana ku soo food leh
Tuulooyin kale oon cidna u baahnayn oo
is anfacay in lagubi doono waxaana
keenaya gumaysiga oo u jeedadiisu tahay
in dadka la gumaado oo lagu sameeyo
dhaqan badan dhanwalba ah. Waxaan
aragnay in layiri ma aasi kartaan dadkii
ay ku laayeen magaaladda Q/Daher &
Magaalooyin ban oo kamida Ogaadeenya.
Waxaan ku
soo gunaanadayaa qoraalkaygan Fooljeex
hadaan laga danqanin in ay kuwo kale oo
badan ku xigi donaan, dadka maanta ku
bara kacay Fooljeex dadka ay garab ka
sugayana ay yihiin inaga waxaana alleh
ka baryayaa in uu duliga ka dulqaado
umadda Soomaaliyeed meel ay joogaamba
mideeyana codkooda oo ay fahmaan
dhibaatadda dadkooday haysata waxaana
rajaynayaa in ay Fooljeex caadi ku soo
boqoto.
Maax
Ibrahin