Golaha Midnimada iyo
Badbaadada Soomaaliyeed oo
ka soo horjeestey hadalkii
Geeddi...
Golaha
Midnimada iyo Badbaadada
Soomaaliyeed wuxuu aad uga
xunyahay, wax layaab lehna
ku noqotay in Cali Max弾d
Geedi oo mas置uliyad Qaran
sheeganaya uu war-baahinta
Caalamka (British
Broadcasting Corporation,
11/11/2005) ka sii daayo
hadal ay ku inkirayo, ku
dafirayo xaqiiqada qadiyadda
aaya ka talinta gobalada
Soomaaliyeed ee wali ku jira
gacanta Gumeysiga laga soo
bilaabo 15-kii November 1884
shirkii ka dhacay Baarliin
(Scramble of Africa) ilaa
hadda.
Sidaas owgeed wuxuu goluhu
cambaareynayaa hadalkaas
qeyru mas置ulinmada ah ee
lagu baab段naayo xuquuqda
aayo ka talinta dadka
Soomaaliyeed ee wali ku jira
gacanta gumeystaha.
Hadaba wuxuu goluhu ku war
galinayaa bulshada Caalamka
inuusan Cali Max弾d Geedi
wakiil Soomaaliya uga ahayn
hadalka uu warbaahinta
siiyay Taariikhdu markii ay
ahayd 11/11/2005 ee ku
saabsaneyd qadiyadda
Gobalada Soomaaliyeed ee la
gumeysto uuna warkiisu yahay
mid shakhsi ah oon qadiyadda
Soomaaliyeed waxba ka bedeli
kareyn, wuxuuna goluhu
Bulshada Caalamka ka
dalbanayaa inay taageeraan,
oy garab iyo gacanba siiyaan
ummadaha la gumeysto oo u
dagaalamaya xaq aayo ka
talintooda.
Dhanka kale wuxuu Goluhu ugu
baaqayaa ummadda
Soomaaliyeed inay la socdaan
kana dhiidhiyaan dhagarta
socota oo ah in
Jamhuuriyaddii Soomaaliyeed
ee xorta ahayd 45 sano ka
hor loo kala qayb-qaybinayo
6 meelood taasoo looga
gol-leeyahay in lagu
baab段iyo midnimada ummadda
Soomaaliyeed mustaqbalkana
la hoos geeyo caddowgeeda.
Ugu dambeyntii waxaa ummadda
Soomaaliyeed looga fadhiyaa
iney meel iska dhigaan
khilaafyadooda ma dhaleyska
ah ee dhexdooda ah oy meel
uga soo wada jeestaan
midnimadooda iyo difaaca
qaranimadooda.
Xuseen Siyaad Qoor-Gaab oo
ah xoghayaha golahaasi oo
qoraal saxaafaadeedkaasi
golaha kaddib la hadlayay
saxaafadda ayaa waxa uu
sheegay in goluhu uusan mar
dambe ogolaan doonin hadalka
kasta oo ka soo yeera qof
Soomaaliyeed ha noqdo
mas置ul ama yuusan noqon oo
kala dhantaalaya midnimada
Ummadda Soomaaliyeed.
W/D Amiin Yuusuf
Khasaaro
Email
amiinkhasaaro@hotmail.com
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 27, 2005
サGABAY:
DACWO- Gabay ku socda C/Lahi Yusuf |
Dhagaafe
サMAANSADA "GURMAD":
Gabay ku socda Cali Geeddi


|