| 
 MAANSADA "GURMAD" Gabay ku 
socda Cali Geeddi (GURMAD) 11/22/2005
  Maxamuud 
Axmed Cabdalla Email: 
abdalle9@hotmail.com
 Hordhac: Dhammaanba ummadda soomaaliyeed meel kastoo aad 
joogtaan salaan iga guddooma. Mar aan dhowaan dhegaha u raariciyey waraysi laga 
qaaday ra’iisal wasaaraha ku meel-gaadhka ah—ayaa wuxu igu noqday amankaag iyo 
layaab. Waxan filayaa inaanay aniga gaar tani ii ahayn ee dadweyne fara badani 
ka gadoodeen hadalkii Cali Maxamed Geeddii 
British Broadcasting 
Corporation u sheegay kaasoo odhanayay in dawladda uu hoggaanka u yahay 
ictiraafi doonto Jamhuuriyadda la magac baxday Somaliland—haddii caalamka kale 
aqoonsado. Sidoo kale, wuxu sheegay inaanay jirin dad soomaaliyeed oo la 
gumaysto haba yaraatee. Waxan is weydiiyey, malaha Mr. Geeddii wuxu rabaa inuu 
taariikhda soomaaliya dib u qoro. Gebagebadii, qoraallo fara badan oo lagaga 
	ficishamayo dhacdadan ayaan akhriyey. Si kasta ha ahaatee aniga aragtidayda 
	suugaaneed ayaan rabaa inaan kaga qayb qaato, maansadan la magac baxday 
	“GURMAD” waxan ka tiriyey hadalkii naxdinta lahaa ee PM Geeddi ka soo 
	faruurmay. Fadlan ha loo gudbiyo tixdan isagiyo madaxweynaha C/lahi Yuusuf. 
	Akhris wanaagsan, wixii faallo ah ku soo hagaaji emailka kor ku qoran:  
	Gabay 
	waanigii daayay oo gaabso doorbidayeGodolkiisii 
	waayadan ma libin iyo ganuunkiiseAan 
	gorfeeyo waataan ahaa gogol dhiggiisiiye
Cali 
	geeddiyoow xaajadaad goobta kala yeedhay Gacalloow 
	malaayiin daday gaadhay qayladiyeGocashiyo 
	xusuustii qalbigu ila guhaadoowye
Soomaaliland 
	goosta tiri garashadaadiiyeGarabyadii 
	maqnaa tiri amxaar haydin guursado’e Ma gabbaatibaa ciiddu waa dhaxal ma 
	guuraane
Walaalow 
	gef waa laga ordaa godobta qaarkeedeGashi iyo mag waa laga baxshaa aano 
	goonniyaheKala geynta qaran waa midaan gari 
	ahaanaynee
Gabtay oo hoggaankii caloow waakan 
	gaasirayeXilkii giiji lagu yidhi haddaad gudo aqoon 
	weydey ma geydide u dhiib shacabkii way kugu 
	gedoodeene
Afartaa garsooraye mid kale gocanayaa 
	mooyiNin gujaa murtida lagu yiqiin waan ka 
	gaagaxayeAan giraangirshee mawlahaan iga gulaalayne
Hal gawdiidda gubadkoo harraad gooha 
	ololaysaOo gabannadeedii l’edeen gaajo kala 
	qaartayGacan midigle kuma aammineen inuu la 
	guulaaye
Gunta hadalku madaxweynuhuu gaar u sii 
	yahayeGaroommada inuu kaa dhigaan talo ku 
	gaadhsiineGoolaaftan maahee runtaan geedka ka 
	caddayne
Weli guul kamaad hoyn xilkaa guudka kuu 
	sudhaneIndha gabadhsi bay kuu ahayd maalin 
	gelinkeedeIn lagaa gabbaanayday adaa goob xunta is 
	dhigaye
Guclahaagii kama badan inaad nacab 
	garbaysaayeGadhwadeen Zinaawaa tihiyo goosatiyo tuugeAdigiyo intii kula guntani waad ku 
	geleysaane
Goblamaan ka diirayn dhibtaa guriga noo 
	taaleGalaayuuska maatada kolkaad gawda 
	maqashiisayGuullaa u maqan Fahad horuu kuugu guud 
	maraye
Afartaana 
	ganay oo horaan uga gudabaayaayeGobol 
	aan tilmaan ugu noqdaan kugu garwaaqsiineCaliyoow 
	garaadkaa kolley gob’odu waa meele
Geyigaa 
	aad kala geyn rag baw go’ay daraaddiise Gubniyaa godka u galay markii laysu soo 
	galayeGurey iyo darwiishkii u hure gebi 
	naftoodiiye
Geeridiisi xalanaan ilmada gob’o ka 
	siiyaayeGabayguu tirshey timacaddaan gama’ la 
	diidaayeGeddii faarax uun baan niyada gocanayaa 
	mooyi
Waxaan gole ka maagiyo afkaan gawsaha u 
	giijayGorod 
	rogadka socodkayga iyo gaanannimadayduGunnimaan 
	ka fiigaa inaan laygu gooddiyine
Waxa 
	geesi lagu gawracee iilka lagu gaabsheyEe 
	lagu gembiyey ciidda ee aakhira u gooshayEe 
	godolka maandeeq ka qaday gocanayaa mooyi
Galda’aagii 
	caliyoow haddaan gaadh lagaa qabaninGar loo gubay haddii aanay noqon gubiyo 
	xaalkeedaIs gunaanad gobanimiyo sharaf ma aha 
	gaankaaye!  Maxamuud 
Axmed CabdallaEmail: 
abdalle9@hotmail.com
 Afeef: Aragtida gabaygan waxaa leh qoraaga ku 
saxiixan 
 
					
					 GABAY 
COD AH OO 
KU SOCDA CALI MAXAMED GEEDDI... (Siciid Xaaji Axmed) Faafin: SomaliTalk.com | Nov 23, 2005  
 
						
						 
						
						 |