SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - GEEDI


Daabaco Boggan | Print
Dr. Max’ud Jaamac Sifir oo si kulul uga Jawaabay Hadalkii Geedi: Axdi Qarameedku wuxuu sheegayaa in midnimada Soomaaliyeed ay tahay Muqaddas aan meelna looga weecan karayn Guji
abdullahi YusufMadaxweynaha Soomaaliya oo ka dalbaday maamulka Puntland in aysan Kalsoonida kala laaban Raiisul wasaare Geedi.
maamul Gobaleedka Puntland waxa uu shaaca ka qaaday in uu burburay heshiiskii shidaalka ee dhex maray DGPL iyo Ra’isul Wasaare Geedi... Guji

MUQDISHO::: Xubnaha Labada oo Cambaarayn Kulul u soo Jeediyey Hadalkii Geeddi
Kulan ay maanta Hotel Saxafi ku yeesheen xubnaha labada gole ee ku xugan Muqisho ayaa lagu soo dhisay guddi kaddib markii..
Guji


Cali Maxamed Geedi oo Maamulka Puntland uga Baxay Eayadii ku Qornaa Warqad Qarsoodi ahayd oo uu Qoray
Warqadaas oo uu Ra'iisul wasaaraha DFKMG ku... Guji...

Madaxweyne ku xigeenka Puntland Xasan Daahir (Af-qurac) ayaa si weyn u dhaliilay hadalkii dhawaan ka soo yeeray Ra’isul Wasaare Geedi. Guji...


Madaxweyne Gaaray Hadafkiisii (mission accomplished) iyo Khudbadiisii Xusuusta Reebtay. Guji | Wardheere


Qosolka Dhurwaaga ragba run u moodey
Maamulka Tigreyga ee uuhogaaminayo Mudane Mele Zanawi waxey taageero maaliyadeed ka heshaa ururada sirdoonka kuwa dunida ugu waaweyn Guji

 

 

 

 Ku. Dhamaan dadweynaha Soomaaliyeed.

Ku: Dhamaan dadweynaha Soomaalida Ogaadeenya.                          23/11/05

Ku: Jaaliyaadka Soomaliida Ogaadeenya ee ka jira wadamada dibada.

Ku: Dadweynaha u dhashay Gobalka Qoraxey. 

Ujeedo: Codsi Gargaar dadweynaha Tuulada Fooljeex ee Degmada Q/dahare. 

Walaalayaal iyadoo ay shan maalmood oo kaliya ka soo wareegtay Xasuuqii ka dhacay Magaalada Q/dahare. ayaa sidaad ka war haysaan waxaa 20kii bishan Ciidamada Gumaysiga Itoobiya gubeen dhamaan Guryihii iyo Hantidii taalay Tuulada fooljeex oo ka tirsan  Degmada Q/dahare ee Gobolka Qoraxey  dadkaas Shacabka ah oo ayna jirin waxay ku galabsadeen Ciqaabtaas, ayaa waxay maanta La'a yihiin meel ay ka galaan Dhaxanta, Qoraxda, Roobka IWM. waadna Garankartaan Murugada haysata maanta ninka leh 10 Caruur ah iyo Hooyadood oo uusan Hu, Hoyi iyo cunto midnaba u heynin. 

Walaalayaal markay dhacaan Masiibooyinkan oo kale waxaad aragtaan Darisyadiina oo ka kooban dadyowga dunida oo Gaal iyo islaamba leh siday oogu gurmanayaan kuwa masiibooyinku haleelleen. ayagoo eegaya Bini-aadamnimada oo kaliya. xusuunana in Masuubadu kolba qaar haleesho Bini-aadamka. Hadaba hadii dadku Bini-aadamnimo darteed sidaas isugu caawiyo. waxaa waaajib inagu ah Maanta inaan walaalaheen oo aan Dhiig, Dhalasho, Dhaqan iyo Dhulba wadaagno Caawino ku waa soo Cadow ka taagroon oo aan u naxaynin ka gubay Hooy iyo Hanti waxay la haayeenba. 

Walaalayaal waxaan dhamaan inta warqadani ku socoto si naxariis leh ooga codsanayaa inay u istaagaan Caawinta walaalahooda dhibaataysan, isla markaana ay galaan abuul iyo dhaqaale u ruurin Lagu taageero dadka reer Fooljeex ee Gumaysigu Naafeeyey.

waxaan si gaar ah ooga codsanayaa dhamaan dadweynaha Gobalka qoraxey ee dibadaha jooga inay Taageero u raadinta dadka Wallalahood ah Bud dhige u noqdaan oo ay  u istaagaan howshaas. 

Waad mahadsan tihiin 

Cabdiwali Xuseen Gaas

gudoomiye ku xigeenka

Garabka Badbaadinta Jabhada Wadaniga Xoraynta Ogaadeenya

Badbaadintajwxo@yahoo.com .

Afeef: Aragtida gabaygan waxaa leh qoraaga ku saxiixan

Ciidamada Itoobiya oo Gubey Tuulada Fooljeex
Ciidamada Xabashidu ayaa dab qabadsiiyey tuulo u dhow Qabridaharre.. Akhri halkan ama Dhegeyso halkan

Faafin: SomaliTalk.com | Nov 23, 2005 


 
Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH



HTML CD