| 
 
									 Miless Zanawi oo sheegay 
in ay wada shaqeyn xoog u dhaxayso Dowladiisa iyo Dowlada Federaalka 
 Ra’siul Wasaaraha wadanka 
Itoobiya Miless Zanawi oo u waramayay wakaaladda wararka ee Itoobiya ee Ena aya 
waxa uu sheegay in wada shaqeyn xoog leh ay u dhexeyso Dowladda Itoobiya iyo 
Dowladda Federaalka. 
Miless Zanawi waxa uu sheegay 
in ay si aad ah u daneynayaan in Soomaaliya ay hesho Dowlad si ay shacabku uga 
baxaan dhibaatada, waxaa kalloo uu sheegay in Dowladda Soomaaliya ay ahmiyad 
weyn ugu fadhido wadamada geeska Afrika. 
Mar wax laga weydiiyay waxa ay 
isla soo qaadeen isaga iyo Ra’isul Wasaaraha Soomaaliya Cali Max’ed Geedi waxa 
uu sheegay in ay ka wada hadleen sidii loo sii xoojin lahaa ama loo sii adkeyn 
lahaa xiriirka u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, waxa uuna beeniyay in 
Dowladda Itoobiya ay hub siisay Dowladda Federaalka. “Wadamada IGAD hadafkoodu 
waa sidiii Soomaaliya hub ka dhigis loogu sameyn lahaa, anagu taa ayaan 
taageerasan nahay” ayuu yiri Miless Zanawi. 
Dhawaan Magaalada Jowhar waxaa 
heshiis ku kala sixiixday mas’uuliyiin ka socday Itoobiya iyo Dowladda 
Federaalka, wuxuuna heshiis-kaasi dhigayay in la iska kaashado arrimaha 
dhaqaalaha siyaasadda iyo nabadgelyada.     
W/D Amiin Yuusuf KhasaaroEmail amiinkhasaaro@hotmail.com
 Faafin: SomaliTalk.com | Nov 23, 2005   
 Nov 23, 2005:  Madaxweyne ku 
xigeenka DGPL, Xasan Daahir Afqurac, oo u waramayey idaacad ka soo hadasha 
Australia, isagoo ka jawaabayey hadalkii Geedi, waxa uu yiri: Prime Minister-ku 
(Ra'iisul wasaarahu) wuu khaldanaa,
Charterka 
(Dastuurka) Federaalka Soomaaliya qodobada ku qoran waxaa ka mid ah in midnimada 
Soomaaliya ay muqaddas tahay, Siyaasada Dawlada Federaalkuna waxay ku 
shaqayneysaa midnimada iyo isu keenida dawladii Burburtay, marka laba siyaabood 
ayuu u khaldamay Ra'iisul wasaaruhu, mid waxaa weeye Charterkii uu ku 
shaqaynayey wixii ku qoraa wuu khilaafay, tan labaadna waxaa weeye siyaasadii 
dawladiisa Federaalku ay ku soconeysey wuu khilaafay, Arrintaasi waxay u taalaa 
dawlada Federaalka, gaar ahaan Baarlamaanka iyo Madaxweynaha, xaggayaga 
baarlamaankayaga ayey  hadda hor taala waana ka tashanayaan. Marka Arrin 
khaldan ayey ahayd si khaldan ayey uga baxsadatay, taasna meeshii ku shaqada leh 
ayaa kula xisaabtameysa. [Dhegeyso 
halkan...] Nov 22, 2005: Baarlamaanka Dawlad 
Goboleedka Puntland oo u codeeyey in laga jawaabo hadalkii Geedi. Codaynta ayaa 
ka dhacday magaalada Garoowe, kaddib markii arrintaas laga dooday ayaa xubinihii 
baarlamaanka Puntland badankoodu (Aqlabiyad) u codeeyey in jawaab lag abixiyo 
hadalkii Cali Maxamed Geedi, Ra'iisul wasaaraha Dawlada Soomaalida loogu soo 
dhisay Kenya. Baarlamaanka Puntland shaaca kama qaadin waqtiga jawaab sugan laga 
bixinayo hadalka Geedi. Nov 21, 2005: Ciidamada Itoobiya ayaa 
dab qabadsiiyey tuulada Fooljeex oo u dhow magaalada Qabridaharre. Ciidamada 
Itoobiya waxa ay dab qabad siiyeen ugu yaraan 40 guri. [Eeg 
halkan] | [Dhegeyso 
sida loo gubey tuulada Fooljeex] Nov 21, 2005: Cali maxamed Geedi ayaa 
soo gaarey Nairobi, kaddib markii uu soo maray magalada Addis Ababa ee dalka 
Itoobiya, safarkiisii talyaaniga iyo Belgium ka dib. Nov 19, 2005: Madaxweynaha DFKMG ee 
Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf Axmed, ayaa 
ka dalbaday maamulka Puntland in aysan 
Kalsoonida kala laaban Raiisul wasaare Geedi... [Eeg 
halkan] Nov 19, 2005: Xubnaha labada gole ee ku 
sugan magaalada Muqdisho ayaa Hotel Saxafi ku yeeshay kulan lagu soo dhisay 
guddi ay kamid yihiin Xildhibaanada kala ah Shariif Saalax, Avv. Xasan Dhimbil, 
Cabdi Cabdulle Siciid (Jinni-boqor) & C/fataax Rashiid kaddib markii kulankaas 
laga akhriyey warqad lag asoo daabacay SomaliTalk oo ah tii uu Fahad Yaasiin u 
diray Madaxweynaha DFKMG, warqadaas oo kaga ilmaysiisay qaar kamid ah 
xildhibaanada... [Eeg halkan] Nov 18, 2005: Cali Maxamed Geeddi ayaa 
gaarey dalka Talyaaniga, isagoo kasoo kicitimay Belgium. Markii uu gaarey 
magaalada Roma waxa uu dad la kulmay u sheegay in wax iska bedeleen socdaalkii u 
qorshaysnaa ee ahaa in uu Talyaaniga booqasho ku joogi lahaa dhawr maalmood, 
laakiin uu war degdeg ah ka helay Jawhar ah in uu dhaqso ugu laabto, sida uu 
sheegay si uu uga qayb galo dib u heshiisiinta ay xubnaha ku sugan Muqdisho ku 
imanayaan magaalada Jawhar. Nov 18, 2005: Cali Maxamed Geedi oo jooga 
Belgium ayaa yiri: “Dowladdii Cabdiqaasim haddaanan been isu sheegeyn waxaa 
dumiyey Ethiopia, mana ahan inaan annagu maanta isku dirno Ethiopia ee waa inaan 
xiriir dhow la sameysanaa. Nin wadaad ah ayaa la weydiiyey Fandhicil ma xalaal 
baa, mise waa xaaraan, wuxuu ku jawaabay sheegsheeggiisa ayaaba laga roon yahay.” 
[Eeg halkan] Nov 16, 2005: Cali M. Geedi oo gaarey Belgium 
oo su'aal laga weydiiyey kala hadalka isaga iyo madaxweynaha ayaa yiri: Horta 
qofka afka dowladda ku hadli kara aniga waaye. Cid kale kuma hadli karto afka 
dowladda. Warka rasmiga ah anigaa sheegaya. Qof kasta kama hadli karo dowladda 
arrimaheeda. Anigu waxaan iri baaritaan baa lagu sameynayaa arrintaas, guddi 
baana u saaray. Guddigii oo aan keenin wax natiijo ah lagama hordhici karo. 
Waxaan aniga u arkaa dadka weerarkaas fuliyey inay ahaayeen dad aan dowlad rabin. 
[Eeg halkan] Nov 16, 2005: 
Madaxweyne ku xigeenka Puntland Xasan Daahir (Af-qurac) ayaa si weyn u dhaliilay 
hadalkii dhawaan ka soo yeeray Ra’isul Wasaare Geedi. 
waxana uu yiri 
“Ma aheyn in Ra’isul Wasaaruhu dhex galo arimo noocaas oo kale ah 
oo ah mid u hiilinaya in Soomaaliya la googooyo” ayuu yiri Madaxweyne ku 
xigeenka oo sheegay in la doonayo in ra’isul Wasaaruhu u raagelin ka bixiyo 
hadalkaasi oo ah mid u keeni kara Dowladda Federaalka ah sumcad xumo. [Eeg 
halkan]. Nov 16, 2005: Wafti 
ka socdey dawladda Itoobiya oo maalmahaas joogey magaalada Jawhar ayaa 
heshiisyo 
kala saxiixday Dowladda Federaalka Soomaaliya. Heshiiskaan ayaa waxaa la sheegay 
in uu faa’iido ugu fadhiyo Dowladda Dowladda Itoobiya oo iyadu dooneysa in ay 
isticmaasho qaar ka mid ah Dekedaha Soomaaliya. Nov 
15, 
2005: Xildhibaan Xasan Dhimbil Warsame ayaa soo hor dhigay Golaha Baarlamaanka 
(muqdisho) Mooshin uu ku leeyahay in Ra’isul Wasaare Geedi uu ku xadgudbay 
axdigii Qaranka isla markaana uu galay khiyaano Qaran - 
isagoo hadalka Ra’isul Wasaaraha ku tilmaamay mid ah khiyaano Qaran oo uu ka 
galay bulshada Soomaaliyeed. [Eeg halkan..] Nov 15, 2005: Waxaa 
magaalada Qabridaharre ee dhulka Soomaalida xogga looga haysto lagu xasuuqay 
maxaabiis ku xirnaa magaaladaas iyo dad rayid ah. [Eeg 
halkan].. ama [HALKAN KA 
DHEGEYSO FOCUS ON 
AFRICA...] Nov 15, 2005: Waftigii uu hoggaaminayey 
Cali Maxamed Geedi ayaa gaarey dalka Talyaaniga, iyagoo uga sii ambabixi doona 
Belgium 
[Eeg halkan] Nov 13, 
2005:  
Ra’isul Wasaare 
Cali Max’ed Geedi ayaa  ka ambabaxay Garoonka Diyaara-daha ee Jowhar, waxan uu u 
duulay Addis Ababa si uu ula sii kulmo Ra’isul Wasaaraha dalka Itoobiya Miless 
Zinawi, intii aan Geedi usii ambabixin dalka Belgium. 
[Eeg 
halkan..] NOV 11, 2005: Cali Maxamed Geedi ayaa yiri "Dadka 
iyo Dalalka Soomaaliyeed waxay maqnaan jireen waagii gobanimo doonka, laakiin 
sidii gobannida dalku u qaatay, dalalka deriska iyaguna gobanimo ayey qaateen.... 
Dadkaasi waxay ka mid yihiin dawladaha deriskeena, gumeysina kuma hoos jiraan..." 
[HALKAN 
					KA DHEGEYSO] 
 
						
						 
						
						 |