| 
 "HADALKA GEEDI WAA MID AANAN 
LAGA SUGAYNIN QOF MASUUL AH." Wararysi: Asad Caddaani Ibraahim | 
SomaliTalk.com | Nov 25, 2005 
	
	... waxaa la 
yaabay ugu horayn (Geedi) waxa lagu magacaabo Somaliland goobta uu u yaqaano, ma waxa 
uu u yaqaanaa, Burco iyo Hargeysa, mise wuxuu sheegayaa dhulkii ingiriisku 
gumaysan jiray midowga ka hor... 
 Waxaa 
noo suurta gashay in aanu waraysi la yeelano suxufiga iyo qoraaga Asad Caddaani 
Ibraahim, oo ah suxufi aad loga yaqaano Guud ahaan Soomaaliya gaar ahaana 
gobollada Puntland siiba Sool. Waxa uu Asad Agaasime kayahay website-ka 
Radiossc.net, xaruntiisa soomaaliya oo xafiiskiisu yahay magaalada Laascaanood, 
waxaana wax ka weydiinay arrimo badan oo ku  saabsan xaaladda guud ee gobolada 
Puntland iyo tan magaalada Laascaanood iyo sida dadweynaha gobolada Sool, Sanaag 
iyo Cayn u arkaan hadalkii uu dhawaan sheegay Raysal wasaare Cali Maxmed geedi.  Su’aal: Asad Caddaani waxaad nooga 
warantaa xaaladda guud ee Puntland?.  Jawaab. Xaaladda guud ee Puntland marka 
loo eego gobollada kale ee Soomaaliya waxaa kuu soo baxaysa in ay degan tahay, 
oo nabad galyadu hawgu horaysee xasiloon tahay, inkasta oo ay jiraan arrimo 
badan oo muddooyinkan danbe ku soo kordhayey siiba muddooyinkii ugu danbeeyey oo 
dhalin yaro lagu magacaabo fay Cali soo baxeen, dhaqaalaha oo muddooyinkan danbe 
aad u liitayna waxa uu keenay in ay soo baxaan cabashooyin badan oo dhinaca 
mushaharka ah..  Su’aal. Waxaa jirtay in ay muddo hada 
laga joogo sanad duleedka magaalada Laascaanood dagaal ku dhex maray ciidamada 
labada maamul ee Puntland iyo Somaliland , xaaladdaasi waa sidee? Maxayse 
kudanbeysay?.  Jawaab. Xaaladda jiidaasi guud ahaan xilligan 
wey degan tahay, walina labadii ciidan sidii ayey isu hor fadhiyaan, in kasta oo 
labada dhinacba aad ugu dadaalayaan in ay isbadel ku sameeyaan goobaha ay joogan, 
haddana xilligan wax dhaqdhaqaaq ahi ma jiro, halkii ay hore u kala joogeen 
xilligii dagaalka ayey joogaan.  Su’aal. Waxaa jiray maxaabiis lakala 
qabsaday, iyagu xaalkoodu halkee ku danbeeyey, mise u badan tahay in la sii 
daayo?. Jawaab. Run ahaantii arrinta maxaabiista 
waxaad moodaa labada dhinacba in ay ka mideysan yihiin in isbadel lagu sameeyo, 
oo la sii daayo, dhawaan mar aan waraysi la yeelanay madaxweyne ku xigeenka 
Puntland Xasan Daahir Afqudhac oo aanu arrinta maxaabiista la kala haysto wax ka 
weydiinay, waxa uu noo sheegay in aanay dhinaca Puntland wax dhibaata ku hayn, 
oo ay u arkaan dad Soomaaliya oo dhiig iyo dhalashaba la wadaago, waxa loo sii 
hayaana ayba qalad tahay, xilliyadan danbena waxaaba soo baxaya in labada dhinac 
ee Puntland iyo maamulka Hargeysa ay magacaabeen laba guddi oo sidii loo sii 
deynlahaa u kuur gasha, ilo xog-ogaal ahina waxayba sheegyaan in dhawaan la 
siideyn doono, hasa yeeshee goobtii laysku weydaarsn lahaa hadda 
laysweydiinayo.  Su’aal. Markaad eegtid dhinaca horumarka 
magaalada Laascaanood maxaa ku soo kordhay, waayo Soomaaliya dawladii dhexe 
markii ay ka dhacday waxa gobol waliba ku dadaalay in ay dadkiisu wax qabsadaan, 
Laascaanood maxaa u qabsoomay?.  Jawaab. Waa su’aal wanaagsan, run ahaantii 
magaalada Laascaanood muddooyinkii ay dawladii dhexe ee Soomaaliya jirtay , 
siday ahayd iyo xilligan marka lays dhinaca dhigo waxaad odhan kartaa waxa ay ka 
mid tahay Laascaanood magaalooyinka kobcay 80%, sababta oo ah intii ay markii 
hore ahayd dhisme ahaan way ka baladhatay, dhinaca, dhaqaalaha way ka kobocday, 
isgaadhsiinta waxay la jaan qaaday gobollada kale ee Soomaaliya waxaana ka 
hawgala afar shirkadood oo isgaadhsiiinta ah, dhinaca Dugsiyada waxa laga 
dhigtaa dhamaan marxaladaha kala duwan ee waxbarashada, dhawaana waxaaba laga 
furay jaamacad lagu magacaabo Nugaal, hasa yeeshee magaaladu waxaa jira intii ay 
sidaasi u kobcaysa in aan dhinaca caafimaadka xil laysa saarin, waxaana ku yaala 
Cisbitaal aad u weyn oo aan sidii loo baahnaa u shaqayn, marka  laga reebo 
dhinaca caafimaadka horumar aad u muuqda ayey magaaladu gaadhay.  Su’aal. Dhawaan waxa uu sheegay raysal 
wasaaraha Soomaaliya Cali Maxamed Geeddi in ay Somaliland aqoonsanayaan, haddii 
aduunku aqoonsado, sidee looga arkay hadalkaas gobolada Sool,Sanaag iyo cayn?. 
	
		|  "Hadaba 
		jawaabta prof. geedi waxay farxad galisay guud ahaan dadka somaliland oo 
		imika aaminsan in c/laahi yuusuf  iyo ra'iisal wasaarihiisu ogolyihiin 
		in somaliland la aqoonsado, iyadoo dhinaca kalena c/laahi yuusuf laga  
		maqlay tibaaxo sheegaya in uu kuwargaliyay itoobiya iyo midawga Africa 
		in uu raali kayahay hadii ay aqoonsadaan somaliland." Qodax (Hargeysa).. Guji..
 |  Jawaab. Dadweynaha ku dhaqan gobollada 
Sool, Sanaag, Haylaan iyo Cayn run ahaantii hadalkaasi waxa uu ku noqday Hadal 
aanay ka filayn mas’uul sida Geeddi oo kale ah oo xil qaran  haya, waxayna la 
yaabeen ugu horayn waxa lagu magacaabo Somaliland goobta uu u yaqaano, ma waxa 
uu u yaqaanaa, Burco iyo hargeysa, mise wuxuu sheegayaa dhulkii ingiriisku 
gumaysan jiray midowga ka hor.  Dhamaan dadweynaha ku dhaqan gobollada Sool, 
Sanaag, Haylaan iyo Cayn waxa ay ka soo saareen qoraalo ay ku canbaaraynayaan 
hadalka geeddi, isla markaana ay ku cadaynayaan in ay gowsdanbeedka ku haystaan 
midnnimada ummaadda soomaliyeed, Geeddina loo baahan yahay in talaabo sharciya 
laga qaado, maadaama uu si badheedh ah ugu xadgudbay axdi qarameedkii, waxaana 
loo arkay hadalkiisa mid uu ku shukaan sanayo dadka aaminsan fikirka goni 
goosadka, laakin aan marnaba la aqabali Karin, hadalkan Issimada, madaxda 
puntland oo uu ugu sareeyo Xasan Daahir afqudhac ayaa ka hadlay, ururada 
bulshada dhamaantoodna way canbaareeyeen hadalka ka soo yeedhay Geedi.  Su’aal. Adiga had iyo jeer 
qoraaladaadu waxay u badan yihiin in aad ka hadashid in aanay jirin wax la 
yidhaahdo Somaliland, miyaan la odhan Karin waad ku talaxtagtaa ka hadalka 
arrinkaas?.  Jawaab. Waa su’aal wanaagsan, 
horta goobta ay bulshadan Sool, Sanaag Hayland iyo Cayn ilaahay ku beeray ayaa 
ah halbawle qiime weyn ugu fadhiya midnnimada Soomaaliya, markaa bulshada 
deegaankan waa lagama maarmaan in la maqlo codkeeda, si loo ogaado halka ay ka 
taagan yihiin midnnimada Soomaaliya, karaamada iyo sharafta marnnaba aan shaki 
la galin Karin, markaa taas ayaa keenaysa in la cadeeyo mab-da’a, muqadaska ah 
ee midnnimada Soomaaliya, run ahaantiina bulshada deegaankani waxay aaminsan 
yihiin in ay dhiig badan u soo daadyeen xilli Soomaali inteeda kale aanay ku 
baraarugsanayn dhibaatada gumaysiga. Waxaa waraysatay Somalitalk Faafin: SomaliTalk.com | Nov 25, 2005  
 
						
						 
						
						 |