Waxaa laga yaabaa in bahwaynta akhrisata
shabakadaha internetka ay todobaadkii tagay siweyn ulasocdeen doodaha iyo
fikradaha kala duwan ee laga bixiyay hadalkii raiisal wasaaraha dawlada
kumeel gaadhka ah ee somaliya prof. cali maxamed geedi, kaga jawaabay
su,aalihii laga waydiiyay aqoonsiga somaliland.
Hadaba jawaabta prof. geedi waxay farxad
galisay guud ahaan dadka somaliland oo imika aaminsan in c/laahi yuusuf iyo
raiisal wasaarihiisu ogolyihiin in somaliland la aqoonsado, iyadoo dhinaca
kalena c/laahi yuusuf laga maqlay tibaaxo sheegaya in uu kuwargaliyay
itoobiya iyo midawga Africa in uu raali kayahay hadii ay aqoonsadaan
somaliland .
Waxaa sidoo kale hadalada raiisal wasaare
geedi kacadhaysiiyay dadka u ololeeya midnimada somaliya oo qaarkood
dalbadeenba in prof.geedi shaqada laga eryo.
"Dadweynaha ku dhaqan gobollada
Sool, Sanaag ,Haylaan yo Cayn run ahaantii hadalkaasi waxa uu ku noqday Hadal
aanay ka filayn mas’uul sida Geeddi oo kale ah oo xil qaran haya, waxayna la
yaabeen ugu horayn waxa lagu magacaabo Somaliland goobta uu u yaqaano, ma waxa
uu u yaqaanaa, Burco iyo hargeysa, mise wuxuu sheegayaa dhulkii ingiriisku
gumaysan jiray midowga ka hor."
Asad (Laascaanood)... Guji... |
Marka hadaba akhriste arinka loo dhabo galo
waxaa cad in hogaanka dawladii lagusoo dhisay nairoobi garwaaqsaday in
Somaliland buuxisay dhamaan shuruudihii dawladnimo iyo somaliya oo wali
taagan halkii ay taagnayd 1991kii oo ay tahay in somaliland loo oglolaado
waxaa ay uqalanto oo ah wakhtigii lafasixi lahaa kolhadii aanay jirin wax
astaan dawladnimo ah oo koonfurta kasoo naaso cad.
Waxaase cad in iyadoo hogaankii dawlada
kumeelgaadhka ahi si rasmi ah ugu dhawaaqin aqooniga somaliland ay hadana
lakulmeen durba cadho xoog leh taas oo laga yaabo in xataa hadii ay aqoonsi
hamigooda kujiray ay candhuuftooda dib uliqayaan , inkastoo raga
udhuundaloolaa siyaasada c/laahi yuusuf sheegaan in hadii uu wax damco aanu
cidna ujoojin.
Marka akhriste aynu dhinaca kale eegno
hadii la-isberber dhigo somaliland iyo somaliya waa kaaf iyo kala dheeri ,mana
noqon karaan gobolo laisla sugo si markale loo mideeyo waayo waxaa cad in
somaliland ay kahorayso koonfurta somaliya 15 sanno suurto galna aanay ahayn
in laisla sugo.
Waxaa somaliland laga hirgaliyay nabad cago
adag kutaagan in taa kabacdina waxaa laga hirgaliyay dooroshooyin xor ah ,
waxaa shaqaynaya goleyaal deegaan oo ladoortay ,madaxweyne ladoortay , iyo
baarlamaan oo dhawaan ladhaarindoono ,balse akhriste maskax caafimaad qabta
ku milicso dhinca koonfurta , intaasi oo horumar ahi maka hirgashay? ,
iskadaa doorasho oo nabad galyadii waad lasocotaan , magaalo walba waxaa
kataliya in kabadan lix hogaamiye kooxeed oo mdi waliba midka kale iska
eegayo, hadaba xalku mawaxaa uu kujiraa dawlad lagusoo dhiso dhul shisheeye
oo ladul keeno somaliya , inagoo og inta maamul lasoo macmalay fashilmay oo
kii udanbeeyay aynu imika arkayno.
Hadaba maxaa xal u ah nebed kadhalata
koonfurta somaliya ?, somalidu iyadaa is aftaqaan oo is dhaqantaqaan ,
nebed kahalata koonfurtuna waxay kujirta gacmaha somaliland , iyadoo taas
macneheeku tahay in somaliland uga faaiidayso khibradii ay kadhaxashay
nabadayntii iyo dhismihii somaliland , balse waxay xukuumada somaliland ku
xidhay in marka hore reer koonfureedku aqoonsadaan somaliland , taas oo aynu
odhankarno imika waxaa taagan ifafaaleheedii,, waxaanay taasi keeni kartaa
aqoonsiga kadib in xukuumada somaliland marti galiso iskuguna yeedho dhamaan
raga kuhirdamaya siyaasada koonfurta somaliya.
Ugu danbayntii waxaa faaladanai talo
kubixinaysaa in hogaamiyeyaasha koonfurtu ay garwaaqsadaan in xalkoodii
halkan yaalo oo ay huraan wax kasta oo xalkoodu kujiro si loosoo gebogebeeyo
15 sanno oo dhiig sokeeye kudaadanayay koonfurta somaliya .
Allaa mahad leh