Ku: Saxaafadda Gudaha & Dibadda ee 
	Soomaaliyeed
	Ku: Saxaafadda caalamiga ah
	Ku: Saxaafadda Dowliga ah 
	Ra'iisul Wasaaraha Soomaaliya oo Gaarey Italy
	Tuesday, November 15, 2005 10:57 AM
	Ra段sul wasaaraha xukuumadda Federaalka KMG 
	ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya Md. Cali Max弾d Geedi iyo wafdigii uu 
	hogaaminayay oo ku sii jeeda magaalada Brussles ee dalka Bilgium-ka ee 
	xarunta midowga Yurub kana qeybgalaya shirka ururka EU shirka wadamada Yurub 
	ayaa socdaal gaaban ku jooga magaalada ROMA ee dalka Talyaaniga. 
	Ra段sul wasaare Geedi oo socdaalkiisa ay ku 
	wehliyaan xubno ka tirsan xukuumaddiisa oo ay ka mid yihiin Ra段sul wasaare 
	ku xigeenka ahna wasiirka Maaliyadda Md. Saalim Caliyow Ibrow, Wasiirka 
	qorsheynta iyo iskaashiga caalamiga ah C/risaaq Jurille iyo Madaxa 
	horumarinta mashaariicda ahna xiriiriyaha hay誕daha samafalka iyo maamulka 
	gobolka Sh/dhexe Mr. Ahmed Cumar Xabeeb
	 ayaa maalintii shalay gaaray dalka 
	Talyaaniga waxana habeenkii xalay ay kulamo la qaateen madax sarsare oo ka 
	tirsan dowladda talyaaniga kuwaasoo hordhac u ahaa kulan lagu wado maanta in 
	uu dhexmaro Ra段sul wasaaraha Soomaaliya iyo wasiirka arimaha dibadda ahna 
	ku xigeenka Ra段sul wasaaraha ee dalka Talyaaniga. 
	Wafdiga uu hogaaminayo Ra段sul wasaare 
	Geedi oo ka kooban 5 xubnood ayaa bilaabay kulamo ay la yeelanayaan 
	saraakiil sarsare oo ka tirsan dowladda Talyaaniga waxaana habeenkii xalay 
	dhacay kulan laba geesood ah oo ay yeesheen wafdiga Prof. Gedi iyo 
	saraakiisha horumarinta iyo mashaariicda u qaabishan dowladda Talyaaniga.
	Kulankan oo ahaa mid heer qaran ilaa heer 
	gobol ah socdayna muddo dhan 5 saacadood ah loogana hadlayay qodobo muhim ah 
	oo ku saabsan sidii ay dowladda talyaaniga uga qeyb qaadan lahayn 
	horumarinta mashaariicda iyo maalgashiga dalka Soomaaliya iyadoo la段sku 
	afgartay dhamaan qodobadii laga wada hadlay, waxana dowladda Talyaanigu 
	balan qaaday in sida ugu dhaqsiyaha badan ay gacan ka mug leh siin doonto 
	xukuumadda FKMG ah sidii ay u qaadi lahayd talaabo weyn oo ku aadan dib u 
	dhiska iyo horumarinta dalka Soomaaliya. 
	Shirkan oo dhinaca Soomaaliya ay u 
	fadhiyeen wasiirka qorsheynta iyo iskaashiga Caalamiga ah Mr. Jurille iyo 
	Madaxa horumarinta mashaariicda ahna xiriiriyaha hay誕daha samafalka iyo 
	maamulka gobolka Sh/dhexe Mr. Axmed Cumar Xabeeb Jaandhay ayaa dhinaca kale 
	ee dowladda Talyaaniga waxaa u fadhiyay saraakiil sarsare oo ay ka mid 
	yihiin Suzane Raswant oo ah Senior planning officer special emergency 
	program service ee  Emergency operation and rehabilitation devision iyo 
	Sherines-treiss oo ah Acting programe officer iyo T.Y.SBITANIHIRWE oo ka 
	socotay Technical cooperation department. 
	Ra段sul wasaare Geedi iyo wafdigiisa ayaa 
	lagu wadaa in maanta kulan la yeeshaan wasiirka arimaha dibadda iyo ra段sul 
	wasaaraha dowladda Talyaaniga iyadoo saacadaha danbe ee maanta la filayo in 
	Ra段sul wasaaruhu u duulo magaalada Burussles ee wadanka Bilgium-ka halkaas 
	oo uu kag qeybgalayo shirka wadamada Midowga Yurub.
	BY:
	ABUUKAR GACAL
	GOVERNMENT WEBMASTER
	Faafin: SomaliTalk.com Nov 15, 2005