WARQAD FURAN: MADAXWEYNE MUXUU GEEDI KAA MUDAN-YAHAY.
						
						
						
						Fahad Yaasiin Xaaji Daahir
						
						
						fahadsom@gmail.com 
						
						:::FAALLADII 
						ISNIINTA EE FAHAD:::
						 Nov 
						14, 2005
						
						
						Mudane Madaxweyne.
						
						
						Asalaamu Calaykum.
						
						Maanta waa maalin Isniin 
						ah bishuna tahay 14/11/2005. Waxaan ahay nin Soomaaliya 
						midnimadeeda u danqada. Waxaan ahay nin goob-joog 
						ka’ahaa maalintii ay Soomaali kuu dooratay inaad 
						Madaxweyne u noqoto, guushii aad heshay nin ujeeday baan 
						ahay. 
						
						Waxaad tahay dastuur ahaan 
						qofka ugu sareeya dalka. Waxaad tahay sida ku cad Axdiga 
						KMG ah astaanta midnimo ee Jamhuuriyada Soomaaliya.
						
						Waxaad tahay Hogaamiye aan 
						wali afkiisa laga maqal isagoo si dadban ama si cad 
						usheegay inuu raali kayahay kala-goynta Jamhuuriyada 
						Soomaaliya.
						
						Intaasba hadaad tahay sow 
						xaq umalihin inaan kuu dacwoono? Sow gar ma’ahan inaan 
						kusoo gaarsiino dareenka ay bulshadu qabto? Sow waajib 
						nooguma lihid taladii wanaagsan inaan kusiino? Sow 
						Madaxweynuhu ma’ahan hay’adda ugu sareysa ee looga 
						dacwoodo qofkii khiyaamo qaran ku dhaca? Haday intaasba 
						dhab tahay, weyba tahayee, waxaan kaa codsanayaa inaad 
						dacwadaan dhagaysato, kadibna wixii rabi kaa waafajiyo 
						aad ku go’aan-qaadato.
						
						Taarikhdu markay ahayd 
						11/11/2005 ayaa waxaa 
						British 
						Broadcasting Corporation laga waraystay Awga aad 
						u magacawday sanadkii hore R/Wasaare inuu kuu noqdo, oo 
						uu hawlaha fulinta kaa xigsado. 
						
						Hadaba wuxuu waraysigaa 
						kasiidaayey hadalo aad u dhawacaya mustaqbalka dowlada 
						aad madaxda utahay, sidoo kale wuxuu af-mugiii ugu 
						hadlay arimo shacabka Soomaalida agtooda muqadas ka’ah 
						oo uu qaab khiyaano qaran ah ugu dhacay.
						
						Mudane Madaxweyne yaanan 
						kugu daalin inaan dib kaaga kuugu celiyo ceebtii 
						maalintaa dhacday, oo aan ku eekaado inaan codsigayga 
						sheegto.
						
						Waxaan kaa codsanayaa 
						Madaxweyne laba qodob inaad yeesho. 
						
						1.    Inaad xilka ka qaado 
						Cali Maxamed Geedi sababaha aan codsigaas kuugu soo 
						gudbinayana waa kuwan.
						
						A: Axdi Qarameedka qoran 
						waxa ku yaal in Midnimada Soomaaliya ay muqadas tahay, 
						oo Jamhuuriyada Soomaaliya ay hal tahay. Qodobkaas ninka 
						khilaafay waa hogaamiye aan Axdiga ku dhaqmaynin, sidaas 
						awgeed wuxuu mudan-yahay xilka-qaadis.
						
						B: Axdigu wuxuu qorayaa in 
						Madaxweynuhu yahay astaanta midnimo ee Jamhuuriyada 
						Soomaaliya, Geedina wuxuu ogolaaday in Somaliland ay 
						go’i karto, walibana uu aqoonsanayo hadii ay go’do.
						
						
						Taas macnaheedu waxaa 
						weeye in Geedi uusan Madaxweynaha u aqoonin inuu yahay 
						astaan qarameed, ee uu u qabo iney tahay midnimada 
						qaranka hawl xukuumada u taal.
						
						C: Wuxuu meesha ka saaray 
						loolankii dhuleed ee udhaxeeyey Jamhuuriyada Soomaaliya 
						iyo dowladaha dariska ah, waana qorshe uusan wali isku 
						afgaran shacabka Soomaaliyeed, taasoo iyana udhiganta u 
						adeegid dano shisheeye. 
						
						2.    Inaad saartid 
						Maxkamad qaran, laguna xukumo inuu yahay khaa’inul-wadan, 
						lana tuso shacabka Soomaaliyeed in dawladaadu tahay 
						dowlad midnimo, qofkii taas ka horyimaadana uu noqonaya 
						khaa’inul-wadan. Sidaasna waxaan kaaga codsanayaa 
						sababahan. 
						
						A: Wuxuu muujiyey inuusan 
						dhib u arag Jamhuuriyadii burbursanayd hadii lasii kala 
						jaro, wuxuu si cad u yiri. Somaliland hadday dunidu 
						aqoon-sato anaguna waan aqoon-sanaynaa. 
						
						Hadalka intaas le’eg 
						hadduu oran lahaa muwaadin iska caadi ah wuxuu ku 
						mutaysanayaa hadii lagu xukumo Dastuurkii shacabka 
						aftida looga qaaday inuu yahay khaa’in heer qaran ah, 
						kadibna toogasho mudan.
						
						Hadii uu maanta yahay 
						ninka hadalkaas leh qof sita maamuska R/Wasaare 
						Soomaaliyeed muxuu isagu xukunkiisa noqon-doonaa? 
						Madaxweyne adiga ayey kuu taalaa arintaas.
						
						B: In Cali Geedi yiraahdo 
						waanu aqoonsanayaa Somaliland haday go’do, waa hadal aan 
						kashido yarayn kii Cumar Carta Qaalib yiri isagoo R/Wasaare 
						Soomaaliyeed ah, ee ahaa “Ciidamada qalabka sida 
						hubkooda haku warejiyeen jabhadaha” waana hadalkii 
						Soomaali kala-diray ee sida ay maanta utaal ka dhigay.
						
						
						Sidoo kale hadalka Cali 
						Maxamed Geedi wuxuu noqonayaa hadal kaas ka culus oo uu 
						R/Wasaare Soomaaliyeed ku dhawaaqo oo ah in Gobol kasta 
						oo Soomaali ah uu xaq uleyahay inuu go’, waliba isagoo 
						R/Wasaare ah uu u aqoonsanayo sidaas, xitaa haday rabto 
						jawhar kaliya haku soo hartee.
						
						Waxaan rajaynayaa in 
						Madaxweynaha Soomaaliya uu tallaabo cad kaqaado Cali 
						Maxamed Geedi. Waxaan ogahay in shacabka Soomaaliyeed ay 
						ku farxi doonaan kolka aad marka hore xilka ka qaado 
						Geedi, kolka xigana aad kiiskiisa u gudbiso Maxkamad 
						sare oo heer qaran ah.
						
						Dad badan oo qoraalkan 
						akhrinayaa ayaa is oranaya miyaad waalantahay marka aad 
						codsi sidaas ah udirayso Madaxweynaha? Mase 
						tuhunsan-tahay in warkaada wax ka soo qaad yeelanayo?
						
						Waa midda horee: 
						Madaxweynaha intaan maqlay isagoo hadlay ma’aanan arag 
						isagoo hadal dabacsa xitaa ka leh arinta midnimda 
						Jamhuuriyada Soomaaliyeed, cadaaladuna waxay dhigaysaa 
						inaan ruux waliba wuxuu ku wanaagsan-yahay aan u qirno. 
						Sidaas awgeed shaki iigama jiro in Madaxweynuhu uu kun 
						jeer ka wadanisan-yahay Geedi.
						
						Waa midda labaadee: Waxaan 
						si xog ah ku hayaa in Madaxweynuhu uu si kulul u 
						canaantay Geedi isagoo u muujiyey inuu ka xunyahay 
						hadaladii-saas uu Idaacada kasiidaayey, waxanse warqadan 
						ugu diyrayaa inaan xusuusiyo Madaxweynaha in khaladkan 
						oo kale aysan canaan kaliya ku filneyn ee ay mudantahay 
						xil kaqaadis wajiga hore ah  iyo xukun saaris wajiga 
						labaad ah.
						
						Anoo rajo kaqaba in 
						codsigayu meel mar noqdo, waxaan sii tilmaamayaa hadii 
						aan taladaas layeelin, oo waliba tan hore aan 
						lagu-dhaqaaqin, in si’aan shaki lahayn ay iigu muuqato 
						in C/Laahi Yuusuf uu mari-doono halkii uu maray Cali 
						Mahdi. Sidoo kale Cali Geedina mari-doono halkii uu 
						Camar Carte maray.
						
						Rabbow Soomaali adaa u 
						maqan.
						
						
						
						
						
						
						
						