| 
 
 
	
		
			|  Daabaco 
			Boggan | Print |  
			| Geedi: 
			Horta qofka afka dowladda ku hadli kara aniga waaye. Cid kale kuma 
			hadli karto afka dowladda. Warka rasmiga ah anigaa sheegaya. Qof 
			kasta kama hadli karo dowladda arrimaheeda. Anigu waxaan iri 
			baaritaan baa lagu sameynayaa arrintaas, guddi baana u saaray. 
			Guddigii oo aan keenin wax natiijo ah lagama hordhici karo. Waxaan 
			aniga u arkaa dadka weerarkaas fuliyey inay ahaayeen dad aan dowlad 
			rabin. 
			GUJI.... |  
			|  |  
			|   1894 ayaa heshiiska loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa 
			wada garey Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo 
			Itoobiya [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. 
			Talyaaniga waxaa lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo 
			waagii dambe loo bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu 
			wuxuu aqoonsaday in Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee 
			Soomaaliya ee loo yaqaan Ogaden.  
 |  
 
	  
	Waad Salaaman tihiin saaxiibada Webka iyo 
	Netka Somaliyeed. 
	  
	Summary. 
	  
	Wasiirka kowaad ee Somalia jawaabihii uu ka 
	bixiyay aqoonsiga JSL iyo Qoomiyadaha Somaliyeed ee Itoobiya iyo Kenya dad 
	bay jinni waalan ku rideen oo qaylo af labadii kala qaaday weyna ku qaldan 
	yihiin sida ay Somali badani qabto. 
	  
	Analysis. 
	  
	Siyaasaddu ma aha wax weligeed meel taagan. 
	Waxa ay isku bedeshaa sida harka labadiisa gelin. Siyaasaddu cadow joogta ah 
	ma leh sida aanay saaxiib joogta ah u lahayn. Waxay se leedahay dan joogta 
	ah. Wasiirka 1aad ee Somalia Md. Prof. Cali Maxamed Geedi jawaabihiisu waxa 
	ay ahaayeen qaar cilmiga ku fadhiya oo xaqiiqada ka run sheegahaya. Marka ay 
	dunidu aqoonsato JSL haddii dawladda Muqdisho aanay aqoonsan JSL maxaa kale 
	ee ay samayn lahayd ? Waxa ay dadka qaar ka xumaadeen ee Madaxweynaha 
	Wasiirada Somalia lagu haysto waa intaas. 
	  
	Dadku waxa aanay aqoon u lahayn waa u cadow. 
	Waxa sidaas ka dhigan qofka aan maanta la socon dabaysha siyaasadda caalamku 
	dhinaca ay u socoto ee aan la jaan qaadi karin. Qofka ay aqoontiisu hoosayso, 
	garashadiisu liidato ama aan siyaasadda u dhuun daloolin waxa lagu gartaa 
	caadifadda iyo hadalada dhowdhow ee sadxiga ah ee ka fog diploomaasiyadda 
	iyo weerar qaawan oo qof shakhsiyadiisa oo gaar ah lagu weeraro illaa laga 
	gaaro reerkiisa. Waxa kale oo lagu gartaa qofka aynu soo sheegnay 
	maskaxdiisa ayuun buu weligii dib u jiidaa ama u ceilyaa oo wax laga soo 
	gudbay oo aan diin ahayn ayuu weli ku dheggan yahay. Qaar baa waxa ay weli 
	taagan yihiin Ina Cabadalla Xassan ayaa Ingiriis la dagaalay. Bal maxaa uga 
	shan-iyo-toban ah siyaasadda maanta Ina Cabdalla Xassan. Bal se haba la 
	dagaalo Ingiriis, waxa ay tahay su'aashu maxuu ka dagaalamay ama uu kula 
	dagaalay ee uu Sayid Maxamed Cabdalla Xassan ka doonahayay Ingiriiska? 
	  
	Diin ma wadin Ina Cabdalla Xassan oo dadku muslim isaga 
	uga aqoon badan diinta ayay ahaayeen oo masaajidku waa dhisnaa marka laga 
	reebo meelo ka mid ah dhulka hadda loo yaqan Puntland. Dawladnimo muu wadin 
	oo waa kii diiday markii uu ingiriisku ugu yeertay magaalada ODWEYNE in uu 
	dalka xukumo oo boqor ka noqdo Ingiriiskuna xeebaha u ilaaliyo intii muddo 
	ah. Isticmaar iyo adoonsi ma jirin oo dadka Somaliyeed laguma hayn dhibaato 
	ee iyaka ayaa la barayay nadaafadda, qaabka nolosha fiican iyo ilbaxnima - 
	sida dharka loo xidho ee qaawanaanta looga gudbo ama musqulaha loo aado iwm. 
	Dalka JSL (Ex.Somali Protectorate ) xubnaha Ingiriiska ah ee joogay 
	waqtigaas kama ay badnayn dhammaan illaa toban ( 10 ) sarkaal iyo 
	xaasaskooda oo dadka u adeegayay muqaabil la'aan sida waxbarshada, 
	nabadgelyada, caafimaadka iyo maamulka xafiisyada ( administration ). 
	Somalida ayaa kharash iyo lacag lagu bixinahayay in ay wax noqdaan. Sheekada 
	Ina Cabdalla Xassan waxa dadka qaarkiis ka dhigteen sinaariyo ay maalinba 
	meesha ay rabaan ula kacaan in ay ku maxaafsadaan oo xoolo ku raadiyaan ama 
	ay kuwa awoodda helay iskaga dhaadhiciyaan sidii ku dhacday Siyaad Barre iyo 
	Ingiriiska oo maanta lala maagan yahay in Taleex loogu yeero in uu xoolo 
	keeno magdhow ah. Qaar baa waxa ay soo qoraan in Ina Cabdalla Xassan 
	diidanaa qayb-qaybintii xududaha caalamiga ah ee 1884 heshiiska lagu gaaray 
	iwm oo aan waqtiba ka dhaxayn. 
	  
	Ingiriis isaga ayaa loo baahnaa joogistiisa 
	sida maantaba loo hoos dhooban yahay guryihiisa LAAKIIN Ingiriis waxba ugama 
	baahnayn Somalida sida aanu maantaba waxba uga baahnayn. Sidaas darteed 
	dagaalkii uu qaaday Ina Cabdalla Xassan waxa uu ahaa mid aan cilmi ku 
	fadhiyin. Waxa uu ahaa dagaal aan lib iyo ladnaan midna Somali u soo hoynin 
	magac laga dhaxlayna ma jiro oo aan ahayn wadaadka ayaa dad gumaaday oo 
	annaga ayuu ahaan jiray. Dadka lagu cambaareeyo in ay ka hor yimadeen halgan 
	sax ah oo uu waday Ina Cabdalla xassan waxa ay ahayeen kuwii ugu horayn 
	taageeray ka hor intii aanay ogaanin qalloociisa iyo maskax-falluuqa uu 
	qabay sida kuwa hadda dilahaya ee laynhaya dadka ajnabiga ah ee u soo 
	gurmaday wax-tarka dadka maatida ah ee dagaalka sokeeyay burburiyay ee 
	cilmiga iyo caafimadka la daba socday. Wadaadku na waxba waa kii maqli wayay 
	in uu dadka dhibaatada ka joojiyo. Taasina waxa ay natiijadeedi noqotay 
	in la iska qabto oo ay ka jeestaan dadkii taageeray oo ay ugu horreeyeen 
	kuwii xaruntiisa joogay oo cid walbo leh oo inta ay qabteen ay si 
	gobonimo ku jirto isu dhaafiyeen iyaga oo ahaa kuwii hadana sii gelbiyay ee 
	si nabagelyadiisu ku jirto isu dhaafiyay iyaga oo kari karayay in ay 
	Ingiriis gacanta u geliyaan hadana ka xishooday in ay sidaas yeelaan Somali 
	jacayl darteed iyo in ay ahaayeen dad hiddo iyo dhaqan u leh saamaxaadda iyo 
	wanaag doonka dadnimada leh. 
	  
	Waxa laga yaabaa in uu Ina Cabdalla Xassan 
	dadka qaarkiis baray sida salaadda loo tukado oo aanay hortii aqoon u lahayn 
	sida loo tukado. Haa ! kuwaasi waxa dhihi karnaan isaga ayaa sida loo tukado 
	na baray oo waxa uu ahaa Darwiish Saalixiya ah oo MakKa ka yimid dadka janno 
	geliye ahaa haddii aanu qofku xujoobin. Aniga oo aan ku sii dheeraanahayn 
	sheekada wadaadka waxa aan ku soo koobayaa in uu ahaa nin ay dadka qaarkiis 
	talo xun ku lugooyeen isaguna noqday kii markii danbe iyaka lugaha wada 
	gooyay. Dagaalkiisu waxa uu ahaa mid naxariis daran oo macangeg ah oo aan 
	dumarka iyo caruiurta u nixin. Kaas oo aan waxba ka duwanayn kii Siyaad 
	Barre ( True copy ) ee ay qaadi jireen oo kale kuwii ahaa qabqablayaashii 
	casriigii dhexe ee dunida ee xoolo doonka iyo madaxnimo doonka u weertay una 
	waashay. Balwad geedda ah na waa lagu sheegi jiray wadaadka sida ku cad qaar 
	ka mid ah gabayadiisa. 
	  
	Awowgay Ducaale Hadal-Wanaaje oo ka mid ahaa 
	raggii qaawiyay Ina Cabdalla Xassan tala xumada isaga iyo qaar ka tirsan 
	reer abtigii ay wadeen ayaa ku tilmaamay su'aalo uu sayidku weydiiyay 
	dhinaca qabyaaladda oo ka yaabisay Ducaale waxa Sayidka ku soo celiyay 
	qabyaalad Somali uu lahaa waxbaan idiin qabanhayaa oo u 
	sheeganhayay hogaamiye wax xoraynhaya ayaa ku tilmaamay su'aalaha Ina 
	Cabdalla Xassan uu wediiyay qaar aan xayawaanka na la weydiin waxa uu na 
	weydiiyay Sayidku!!  
	  
	Waxa loo soo qaatay tixraacan aragtidan kooban 
	ee wadaadka ku saabsan in aay iska dhaafaan dadka qaarkiis maskaxda oo dib 
	loo celiyo marmarsiinyo doon - arki jiray doon marka laga hadlayo waxa 
	maanta jooga iyo mustaqbalka ummadda JSL iyo Somalia ama Somali guud 
	ahaan oo waqti badan laga lumiyay hore na loo soo hoojiyay. Waxa ay dantu ku 
	jirtaa oo la door-bidahayaa hor-u-socod iyo in dunida lala jaan qaado oo wax 
	lala qabsado si loo gaadho nolol deggan oo aan cillad iyo caqabado lahayn. 
	Waxa fiican in la ixtiraamo oo la aqoonsado dhammaan xuduudda caalimaga ah 
	ee la isla ogolaaday 1884 iyo dawladihii ka dhashay, Jinsiyadda, dhalashada, 
	Qaranimada, xeerarka caalamiga ah iyo qawaaniinta dawliga ah. Qabiil keli 
	ahi dhowr qaran ayuu ku kala noolaan karaa oo dunida oo dhan ka jirta. 
	Fikrad saxan ma aha tolkay ayuun baan la dal iyo dawlad ahaanayaa. Meeshaasu 
	talo ayay uga baahan tahay qayb ka mid ah dad ka tirsan JSL ee deggan meelo 
	ka mid ah gobolka Sool iyo magaalada Laascaanood. Weli waxa la 
	isweydiinahayaa waxa ay Boorama garatay ee ay Laascaanood wada garan 
	la'dahay !! 
	  
	Maxay tahay macnaheedu marka kuwii 
	shalay gaystay xasuuqa iyo dabargoynta dadka muslimka ah ee rayidka ah la 
	difaaco ee madaxa la saarto dhagar qabayaal cuqdad jirta awgeed isla 
	markaasna la cambaareeyo xukunka caddaaladda ah ee lagu fuliyay kuwa dunida 
	fasaadka geliyay ee dadka gargaarka waday dilay iyaka oo gurigooda jooga. 
	Kuwa wax dilaya oo aan lahayn ujeedo cad oo sharci ah oo ay sidaas u 
	yeelahayaan.  
	  
	Si kastaba ha ahaatee marka loo soo noqdo 
	jawaabta Md. Geedi, wasiirka kowaad ee Somalia waxa uu ka hadlay waa wax 
	jira oo run ah oo waaqici ah. Marka sidaas loo eegona waxa uu ku 
	sifoobay Md. Geedi in uu yahay aqoon yahan siyaasi cusub oo casri ah 
	iyo geesi edeb leh oo runta ku dhawaaqay oo aan halkan la soo taagnayn indho 
	caddayn, inkiraad iyo muran jaahilnimo. Waxa ay dadka qaar la doonahayeen in 
	uu Md. Geedi yidhaahdo Somaliweyn ayaa maanta jirta oo aan gacanta idiinku 
	hayaa oo uu halkaas waqtigu kaga dhaco sidii Jaalle Cabdo-Qaasim. Waxa 
	nasiib darro ah kuwii Somaliweyn halkaas dhigay oo maanta ku canaananaya Md. 
	Geedi in uu Somaliweyn samada ka soo dejiyo aan dariiq loo hayaa jirin 
	maanta sida ay tahay oo uu sii wado beentii iyo fandhaalkii lagu dhex 
	walaaqi jiray ummadda ee u diidi jiray in ay wax qabsato oo ay kala degto oo 
	uu qof waliba meesha uu Ilaahay dhigay wax ku noqdo horta, markaasna wixii 
	is qaadan karayay ay waxa ay rabaan isula yimaadaan. Midnimada macnaheedu 
	waa in ay dhinacyo shuraakowbaan ee ma aha in uu dhinac isa siiyo dhinaca 
	kale iyo wixiisa oo uu jeebka ku rito. Midnimadu waa in ay tahay mid si 
	dhab ah dhinacba dhinaca kale ku qadariyo oo ay raali iskaga wada yihiin dan 
	ku jirta awgeed. Dunida oo dhan ayaaba iska midaysan ( eeg kulanka ITU iwm 
	). Sida ay tahay midnimadu waxa ay imaan kartaa marka aanay 
	jirin is-dhexyaac, is-ku-dul noolaansho xoog-xoog, khiyaano,. cabbudhin, ha 
	i arkin aan kaa dul laliyo, aniga ayuun baa jira iyo edeb darro inteeda leeg 
	oo lagu habsaamay in ku dhow nus qarni. Waxyaalaha aanay Somalidu dhiqi 
	karin ee aanay ku wada shaqayn karin waxa ka mid ah shuraakada oo intii isku 
	qoyska ahayd aysan weli waxba isku darsan karin ama aan qaadhaan la aruuriyo 
	qof lagu aaminaa jirin oo uu yar yahay. 
	  
	Culimada taqaan dhaqanka Waraabaha ( 
	Habar-dugaag ) waxa ay dhahaan waraabe dhinacii loo eryaaba waa u toos ! 
	Wixii uu afka la helaana waa u xalaal ! Ninkii shalay talo-xumadiisu jebisay Ina 
	Cabdalla Xassan, Jebisay Siyaad Barre ee jebisay Somaliweyn dhab ah ( And 
	not Daarood-weyne ) ayaa waxa uu doonayaa in uu maantana ku jebiyo 
	talo-xumantii oo kale dawladda Md. Geedi ( Somalia ) oo lafaheeda u 
	dhitinaysa khiyaano, mu'aamarado iyo ladqabo lagula dhex jiro awgeed. Haddii 
	loo dhabbo galay mushkiladda Somalida haysata ninkii garanayow waxa ay 
	noqotay maska laba madax leh. Somalida mar dhow iyo mar dheer toona waxba u 
	hagaagi maayaan haddii aanay iska garan sida looga takhaluso maska labada 
	madax leh ee doogga cagaarka isku dhex qarinhaya ( Somali weyn ) ee diidan 
	in ay  Somalia iyo Somaliland horta is-aqoonsadaan oo ay wanaag iyo 
	walaalnimo ku wada jaar noqdaan kuwa kale na ay ku raadiyaan dariiqad 
	macquul ah oo ay kuwa la xuraynhayo ay ka dhab tahay in ay xoroobaan oo 
	aanay noqon foosto gun la' oo goor walbo la dhaaminhayo. Kuwaas oo aan 
	khasaarayn tacabka ay walaalahood goor walbo la garab taagan yihiin oo aanay 
	Jan. Siyaad Barre, Col. Cirro, Col. C/Yuussuf iyo hal-iyo-Nirig aanay iska 
	hor keenin sidii shalay dhacday ee la soo maray. Shacabku haddii uu is wada 
	raaco waa dhab in wixii uu doonayhayo uu heli doono isaga oo aan cid kale 
	iskuba hallayn. 
	  
	Jawaabtii Md. Geedi ee ku saabsanayd 
	siyaasadda dawladiisa ee ku wajahan J.Jibuuti, JSL, Somalida Galbeed iyo NFD 
	ninkii ay jinni ku ridayow saalo iyo saan dhurwaah ( waraabe ) doono oo isku 
	shid  sidaas baa Jinniga lagu bixiyaa xaafadda Gubta ee Ciise Cabdi Xamar ka 
	raadso daawadaas!!!  
	  
	Wasiirka kowaad dawladda Somalia Md. Prof. 
	Cali Maxamed Geedi waa geesi aqoon leh oo wax garad ah, nadiif ah, isku 
	kalsoon, qabiil wanaagsan ka dhashay oo dhalad iyo nasab ah. Waxa gef ah in 
	la xagxagto oo lagu mudmudo afkii dhererka badnaa ee dhuunta dheeraa ee la ogyahay 
	itaalkiisa iyo inta uu gaari karo ee haw-hawda dadka ku dhego barjayn jiray. 
	  
	J. Somalia waa in ay aqoonsato J. Somaliland 
	sida ugu dhaqsaha badan dunida kale horteed oo aan libta looga dheerayn 
	sidii ay u aqoonsatay J. Jabuuti taas oo ugu horaynta dan u ah Muqdisho iyo 
	Hargaysa iyo inta ku dhex nool. Dadka Somalia qaarkood waxa lagu been 
	abuuray in Somaliland shalay ogolayd midnimada ee waxa ay maanta ku diiday tahay 
	dadka qaarkood oo aan la rabin madaxnimadooda iyo khuraafaad la mid ah. Taas 
	oo aan sal iyo baar lahayn. JSL waxa ay xaq u leedahay in ay qaranimadeeda 
	gaar u lahaato oo ay goonideeda isu taagto iyada oo qaran ah la mid ah 
	Somalia iyo Jabuut oo aan la daalin..... Waxa ay rabtaa JSL in ay kala 
	baxaan runta iyo beenta lagu soo jiray ilaa iyo 1960kii oo xalaal lagu kala 
	baxo. Somalida waxa u fiican in ay iyaku xisaabtamaan inta aan cid kale 
	xisaabin. Waxa fiican in laga tago qalaqa ama werwerka oo nolosha la bilaabo 
	marba inta la hayo ee kula itaalka ah. 14 Dawladood ayaa Somalida soo maray 
	intii ay gobonimda haysteen oo marba mid si dhaqso ah ku dumaysay ( A. Cadde, 
	Cabdirashiid, Cabdirazaaq, Cigaal, Ina Siyaad-Cirib-weyn, Cali Mahdi, 
	Caydiid, Cabdiraxmaan-Tuur, Cigaal, Cabdo-Qaasim, Cabdullaahi , Cadde Muuse, 
	Rayaale, Cabdullaahi Yussuf oo xarafka caynka magacoodu ka wada kaco mid 
	mooyee). Haddii si cilmiyaysan looga jawaabo sababta ay dawladnimada 
	Somalidu la sal dhigi weyday waxa kuu soo baxaysa sees xumaanta midnimada 
	loo dhigay iyo khiyaano goor walba ku dhex jirto. Waxa ay ka dhigan tahay 
	guri seesku qallooco oo mar walba dabaqyo la kor saarayo kii hore dumay. Waa 
	dabiici in uu gurigaasu dumo wayo seeska ayaa qallooc u dhigan si aldan. Waxa 
	la garan la'yahay in seeska guriga sida uu u yaal dib loogu noqdo. JSL iyo 
	Md. Prof. Geedi ayaa la oran karaa in ay sidaas garteen. 
	  
	waxa ay shacbi weynaha Somaliyeed ( 5ta ) 
	taageersan yihiin siyaasadda xakiimka ah ee uu adeegsaday Md. Geedi iyo xidhiidhka 
	fiican, walaalaynta Somaliyeed iyo sida uu maanta ku jiro wanaagga ummadda 
	Somaliyeed guud ahaan ee looga bixi karo tiiha iyo nolol xumada. Qof waliba 
	waa ogyahay in Somalinimadu tahay wax la wada leeyahay LAAKIIN ay xaq tahay 
	in lagu qadariyo  mid walba meesha uu leeyahay oo loo daayo talada sida uu 
	dalkiisa ku maamulanhayo oo la iska dhaafo inkiraadda iyo indho caddaynta 
	jinniga qabta. 
	  
	Wa Allaahu Al-Muwafaq. 
	  
	Ducaale Hadal-Wanaaje II
	
	
	ducalewanaje2@hotmail.com 
	Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga 
	ku saxiixan Faafin: SomaliTalk.com Nov 18, 2005 
  
						
						 
 
						
						 
						
						 |