Geeddi: Haddii Somaliland Go’do waxba 
	kama Qabno; Madaxda Puntland: Wuxuu Aabbe (korneylku) Qabo baan Qabnaa 
	Ilaah baa 
	mahad leh. Nabadgelyo iyo naxariis nabi Muxamed korkiisa ha ahaato.
	
					
					
	Cabdulwaaxid Khaliif 
	cabdulwaxid@hotmail.com
	London, UK
	Hadalka 
	Geeddi wuxuu ka dhiganyahay haddii Banaadir go’do waxba kama qabo! Maxaa 
	yeelay waxaan xisaabta kusoo baranay haddii B = T; T = J sidaas darteed B = 
	J. Geeddi iyo wasiirradiisa oo Jowhar jooga baa gobollada Soomaaliyeed u 
	qeybiyey lix waaxood oo 
	Somaliland 
	iyo Puntland ka mid yihiin. Geeddi sida uu Banaadir waax gooni ah uga dhigay 
	buu Somalilandna uga dhigay. Micnuhu waa labada qeyboodba isagaa 
	ra’iisulwasaare u ah. Laakiin waxaa dadkii ka yaabiyey markuu 
	
	British Broadcasting Corporation 
	ka yiri haddii adduunku aqoonsado 
	Somaliland 
	waxba kama qabo. Taasi waxay ka dhigantahay haddii adduunku Banaadir 
	aqoosado; Geeddi waxba kama qabo.
	Runtii 
	qofkii fikraddiisa dhiibta qof dheh sida Geeddi. Maaddaama Soomaaliya qaab 
	qabiil wax loo qeybsaday, ceeb ma leh inaan magacyo qabiil xusno. Meeye 
	xubnihii xildhibaannada iyo wasiirrada uga jiray reer Puntland? Kuwii Harti 
	uga jiray? Maaddaama ra’iisulwasaaraha dowladda federaalka ku-meelgaarka ah 
	uu arrintaas yiri, waxaa la rabay iney u jawaabaan wasiirrada iyo 
	xildhibaannada ku jira dowladdaas ee maahayn iney u jawaabaan madaxda 
	maamul-gobolleedka Puntland. Waxaan ilaa hadda maqley in 
	madaxweyne-ku-xigeenka Puntland mudane Xasan Daahir Af-qurac uu ka 
	dhiidhiyey hadalka ra’iisul wasaaraha. Mahad haka gaarto Af-qurac, waxaadna 
	mooddaa inuu leeyahay:
	“Dirquu 
	igu qabsaday hadalka inaan anigu dooxaaye”
	
	Sidoo 
	xildhibaanno iyo wasiirro Xamar jooga, qorayaal iyo dadweyne badan ayaa 
	arrintaas khiyaamo qaran ku sheegay. Neynaasta Af-qurac, isaga ama aabbihiis 
	ama awoowgiis hala haadee waa mid ka tarjumeysa, siday ila tahay, nin hadal 
	adag oon la gabban fikraddiisa; sidoo kalana kaga xanuujiyey dad badan. 
	Geeddi wuxuu ka midyahay dadka uu muday hadalkaasi. Geeddi wuxuu magaalada 
	Brussels ka sheegay sida Somalitalk qoreen inuu dadweynaha Soomaliyeed ku 
	yiri ma jirto maamul-gobolleed soo faragashankara shidaalka iyo macdanta 
	Soomaaliya; waxaana ka  hadlikara oo keliya dowladda federaalka ah! 
	Somalitalk waxay soo bandhigeen warqaddii Geeddi u saxiixay maamulka 
	Puntland markey Jowhar kula kulmeen Geeddi isagoo si cad u sheegay inuu 
	ogolyahay in Puntalnd iyo shirkadahaasi baaritaan ka sameeyaan Puntland. 
	
	Waxaan aad u yaabay markaan maantadan 
	(18/11/05) ku arkey Allpuntland akhbaar sheegeysa in maamulka Puntland 
	ka dalbadeen UN-ka in mucaawanada ku socota Sool iyo Sanaag la soo mariyo 
	Garoowe (Puntland). Inkastoo Af-qurac ahaa ninka shirkaas guddoominayey oo 
	isagu ka hadlikaro arrinta Sool maaddaama  uu Geeddi u jawaabay laakiin 
	meeye kuwii kale? Ma markay cunto iyo hiil joogto baa Sool, Howd iyo 
	Sanaag-Bari isku dad nahay? 
	
	Maxay qabaan siyaasiyiinta Puntland ka soo jeeda?
	Markaan 
	ka hadleyno kuwa ku jira dowladda federaalkaa, ma ahan kuwa leh meel loogu 
	soo hagaago ama qaddiyad leh. Waxba ma diidi karaan sidoo kalana waxna ma 
	yeeli karaan. Wax kastoo dhaca, waxay ku dabofeylaan aabbahood, korneylka. 
	Waxay iila midyihiin sheeko la sheego markii reer Banaadirka la 
	dacaayadeynayo. Waxaa la sheegaa in wiilal ay aabbahood weydiiyeen inta naas 
	oo geelu leeyahay. Aabbahaas Soomaaliyeed wuxuu ilmihiisii u sheegay inuusan 
	aqoon laakiin uu adoogiis oo iyaga awoow u ah uu weydiindoono. Markii 
	odaygii oo da’ ah loo tagay oo qisadii loo sheegay buu iska ooyey! Markii la 
	weydiiyey waxa odaygu la ooyayo buu ku jawaabay: haddaan dhiman lahaa yaa 
	idiin sheegi lahaa? Markaasuu odaygii yiri: geelu hal naas buu qabaa! Odayga 
	laftiisu wuxuu arki jiray awrta siyaarooyinka iyo tacsida loo qali jiray! 
	Hadda, haddii madaxweynihii la lahaa isagaa Soomaali wax ka qabankara oo ay 
	arrintaas aammineen siyaasiyiinta reer Puntland uu hadda 
	ra’iisulwasaarihiisii leeyahay waxba kama qabo haddii Soomaaliya la kala 
	gooyo? Soow micnuhu maaha reer Sool oo intaas Soomaalinimo raadinayey oo la 
	leeyahay: idinka waxaa nooga weyn waxa adduunku qabo. Hadday berri  
	Xabashidu aqoonsato Somaliland waxaan aamminsanay inaan C/hi iyo Geeddi 
	midna wax ka dhihi karin.
	Marar 
	badan baa dad korneylka taageersan oo qaarkood ka soo jeedo Sool, Howd iyo 
	Sanaag-bari igu dhihi jireen waxaad tahay nin dadkiisa iyo dhulkuu ku 
	dhashay neceb. Anigu, sheekada Geeddi internetka iyo idaacadaha Soomaaliyeed 
	qaarkood baan ka radiyey. Marka ninkii aan mantoo kale difaaci karin geyiguu 
	ku dhashay iyo Soomaaliweyn guud ahaan baa nacab ah. Marka waxaan maqaalka 
	kusoo xirayaa: 
	Aw-Muuse 
	mooyee af gabay haatan agab beelye
	haddii 
	erayo laga 
	oran 
	lahaa kiisa laga oogye 
	Marka 
	hadda waxaan ka ahayn Xasan Daahir Af-qurac  oo Puntland ka soo jeeda oo 
	siyaasiyiin ah oo qaddiyad leh oo wax laga qoro ma leh.
	Mar baa 
	Xuseen-dhiqle wuxuu ari isagu daray Ilaah iyo Sayidka mar uu dhurwaa la 
	hadlayey wuxuuna yiri:
	Ariga 
	Eebbaa leh
	Eebbe iyo 
	ustaadkaa leh
	Sayidku 
	arrintaas wuu dhibsaday wuxuuna xusay inaan Eebbe iyo qof kale wax la isagu 
	darin. Marka haddii korneylku Puntland iyo dadkeeda leeyahay waa la 
	arkidoonaa. 
	Cabdulwaaxid Khaliif 
	cabdulwaxid@hotmail.com
	London, UK
	Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga 
	ku saxiixan
	Faafin: SomaliTalk.com Nov 18, 2005