Tiisa 
		daryeela tu kale ku dara! 
			Ikraam Cali-kaar
		
			Gothenburg- Sweden
		
	 
	
		 
	
		Waxaa la yiri "xaqa haddii Afka laga 
		daboolo feeruhuu ka dilaaca!
	
		 
	
		Itoobiya dhulkeena ma joogto, 
		ciidankeedana ma soo galin gudaha Jamhuuryaddii xorta aheyd ee 
		Soomaaliya, farahana kulama jirto arrimaha siyaasadeed ee dalka haddii  
		aad shalay la'eyd cid runta kaaga sheegta ama shaki kaaga jiray, dagaal 
		oogeyaalka Soomaliyana ay inkirijireen maanta iyadoo mas'uulkii ugu 
		sareeyey qirtay runso. Wuxuu yiri Cali Maxamed Geedi" Hadaan been la 
		sheegeyn dowladdii C/qaasim waxaa burburiyey Itoobiya" hadalkan markuu 
		sidaas leeyahay duqa waxaa loo sheegay in dowladii isaga ka horeysay 
		dharaar cad la cabay fuudkeed tiisana aan loo daaheyne uu aayar danaha 
		laga leeyahay dalka fuliyo haddii kale sheekadiisu noqoneyso" 
		Isha Cali ka lulato" 
		Haddaba indhawaale waxaa taagneyd dood 
		ku saabsan xorreynta Soomaali galbeed iyo NFD goorta ay xor noqonayaan, 
		sidoo kale waxaa iyadana taagneyd aqoosi uu sheegay in proff aan 
		aqoontiisa dhaafin xoolaha uu ku fududaay inuu siinayo Somaliland haddii 
		waxa u ku sheegay beesha caalamka ay siinayaan. Doodahan waa kuwo 
		siyaalo kale duwan ay aragtidooda uga dhiibteen bulshada weynta 
		Soomaaliyeed.
 
	
		 
	
		Xaqiidiise intaan la gelin doodaha 
		kusaabsan Somaliland, Soomaali galbeed iyo NFD, waxaa mudan marka hore 
		in runta la isku sheego lana abaaro xaqiiqda jirta iyo sidii xal loogu 
		heli lahaa. La iskuma diidana in dalka uu jiro marxalad xun oo aan 
		weligeed soomarin. Taariikhda madow ee Soomaalida waxey waqtigan 
		sheegeysa in hogaankii ummadda laga arrimiyo Addis Ababa taasina sidey 
		waxey ku dhacday markii talada dalka loo dhiibay kuwo aan wadani aheyn 
		soona dhaweystay cadowgii soo jireenka ahaa, shacabka Soomaaliyeed 
		markaas ayaa igoo nool la duugay intaan la gaarin tii dhabta aheyd.
		
	
		Soomaali galbeed dadka ku nool in badan oo 
		iyaga kamid ah dooonimayaan iney la xoroobaan Soomaaliyadii xorta aheyd, 
		shalay markii laga qaaday heeryaddii gumeysiga marna lagama maqal 
		mas'uulinta dhulkaas iney walaalahood ku biirayaan. Maantana haddii 
		lahelo ilama ahan labaddii gobol ee xorta ahaa oo hada is qoonsaday iney 
		ku soo biirayaan sababo jiro awgeed.
		Somaliland maamulkeed maahan kuwa hada 
		diyaar u ah iney koonfur la midoobaan iyagoon laga daweyn boogta ku taal 
		ee koonfuri u geysatay. Midna waxaa u dheer iney si toosan iyo si 
		dadbanba ay usoo dhaweysteen cadowgoodii gaar aheeneed iyagoo ka 
		raadsanaya aqoonsi. (Tusaale waxaa kuugu filan dekada Barbara waxaa 
		maalin walba ku soo xirta maraakiib u raran cadowga Itoobiya iyadoon 
		abaal looga heyn, halka Amxaaro taagan tahay lafo maroodi iyagaa midba 
		mar la isku jabshaa)
 
	
		 
	
		Koonfur dadka siyaasadeeda siddii 
		dameerihi isku hirdinayana maahan kuwa doonaya iney nabad helaan hadey 
		taasi timaadana waxey ogyihiin iney cadaalad hor imanayaan, marka 
		nabaddeey weligaaba ha iman bey taagan yihiin. NFD- laftooda waa lamid 
		kuwa Soomaali galbeed ku nool ma rabaan iney xor noqdaan, mana doonayaan 
		waqtigan nin gurigiisa gubinaya iney iyagana ku gubtaan, Allow sii 
		dhameystir bey mareysaa xaalkoodu.
	
		 
	
		Itoobiya iyo Kenya waa kasiman yihiin arrinka 
		ah Illaahow adigaa cadowgeenii noo jashay Allow luguha ha u kabin. 
		Xasuus waxaa mudan maalintii doorashaddii madaxweynimada kooxda Embgathi 
		in wargeyska Daily Nation uu qoray, maqaal uu ku sheegayo inaaney 
		Itoobiya iyo Kenya marna rabin nabad guud oo ka islaaxda dalka 
		Soomaaliya, sidoo kale madaxweynihii hore ee dalkaas Moi waa kii 
		jaamacad ku taal Washington ka sheegay in Keenya iyo Itoobiya ay geed 
		dheer u koreen siddii aaney u dhalan dowlad awood badan oo xagga 
		Soomaaliya ka timaada , taasoo ay u arkaan iney jirtaankooda dhul 
		ahaaneed  boobka gumeystihii foosha xumaa ee Ingiriis ku siiyey halis 
		yihiin.
	
		 
	
		Haddaba intaas aan soo sheegay iyo kuwo 
		kale iyadoo ay jirto dhibaataddii dalkii xorta ahaan wax laga qaban 
		siddee meelo kale loo haweysan karaa? Horey waxaa loo yiri "Miro 
		gunta ku jira mirro geed saaran looma daasho" Soomaaliya maanta 
		uma baahan iney ka hadasho qadiyadaha Soomaali Galbeed iyo NFD, taasi 
		markey timaado dowlad awood badan u babac dhigi karta cadowgan mindiyaha 
		soofeysanaya ayaa qeybaha maqan la soo dhacsan karaa. Hana la ogaado 
		nimaan heysan waran iyo gaashaan in aanu libaax neef geel ah ka ridi 
		karrin.Waqtigan anagaa is dilnay 
		waxaan u baahanahay nabaradaan isku dhifanay inaan iska dheyno markaan 
		caafimaadnana aan awood u yeelan karrno inaan waxkasta sameyno. Haddii 
		kale sheekadu dhaafimeyso" habar fadhiso legdin la fududaa" 
		ugu dambeyntii waxaan ku soo gunaanadayaa hadalkeyga soomaali waxey tiri" 
		Tiisa daryeela tu kale ku darra" Axmaaro iyo Keenyaati waxaad u babac 
		dhigi kartaan markaad kasoo kabataan jabka idiin ku dhacay ee yaan la 
		haweysan meelaan la hanan karrin, dowladahan awood waqtigan kuma dhamin 
		shalayna nagumeeysan dhameyn,beritana waan heleynaa awoodeeni shalay iyo 
		mid kasii badane ee ha isku calool fiyoobaado hana laga hortago cadowga 
		halista u ah dhulka hada xorta ah haddii kale weligeed lagama baxayo  
		duliga maanta na saaran.
 
	
		 
	
		Ikraam Cali-kaar
	
		Gothenburg- Sweden
	
	Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga 
	ku saxiixan
	Faafin: SomaliTalk.com Nov 18, 2005