| 
 
					D a c w o 
					Abwaan 
					maxamed dhagaafe cilmiEmail:
					
					m_dhagaafe@hotmail.com
 Mbale, Uganda
 _____________
 __________
 ____
 
						
							|  Maxamed Dhagaafe 
							Cilmi
 
 |  Maansadan 
					waxaa curiyay Abwaan maxamed dhagaafe cilmi 
					Oo ku nool magaalada Mbale ee dalka Uganda. 
					Maansadan waxa 
					Aay soo baxday 26ka 
					November 2005.  Maansadan waxa aan uga dacwoonayaa
					Haddalkii kasoo yeeray raisal 
					wasaaraha dawladda kumeel gaarka ah Ee soomaaliya, haddalkaas 
					oo uu ku sheegay in aysan jirin dad soomaaliyeed Oo la adoon 
					sado  oo ku jira gacan gumaysi  asaga oo intaas kuma ekaane 
					yiri Waxaan aqoon sanayaa Somaliland haddii aduunku aqoon 
					sado, malaha markii Uu saad u hadlaayay odaygu maba eegin 
					xilka uu u hayo ummadda Soomaaliyeed Iyo culayska uu xanbaar 
					san yahay, waxaan isku dayay inaan u dacwoodo madaxweyanaha 
					Soomaaliya mudane c/laahi yusuf axmed  inleen asagaa horay u 
					magacaabaye....  akhris wacan akhyaarreey:    Dacwo!!  
	
	Inkastoonan deelleey
	Marka damacu ii galo
	Aanan daal kamudanoon
	Sida geel darloo dhigay
	Wiillal doorra shubayaan
	Aan dardaro wadaantoon
	Daadwararac kaga dhigo
	Misna kuma dagdago oo
	Madeeysaa anoo laan
	Haddba daalacdaayoo
	Daymada ku eeggaa
	Xaajo aan ladayn Karin
	Dagdag baan u doontaa
	Qalikiyo dawaaddoo
	Dabadeed dantaydaan
	Daaha kaga iftiinshaa.!
	 
	Afartaas cirda`ay iyo
	
	Doog iyo xareed warran
	Arar diiran weeyaan
	Afarkalana doorkaan
	
	Dareenkii ikiciyiyo 
						
						Dantii gabayga weeyaan!
						 
						Damac 
						lala xishoodiyo 
						Warku 
						daah ku wacanaa
						
						Haddalkaan duxfiicnayn
						Dadku 
						kugu amaanayn
						Ka 
						dal doorso roonaa!
						Ninna 
						door hadduu yahay
						Ama 
						duub u xidhan yahay
						
						Dagdag kuma haboonee
						Dib u 
						fiirso wacanaa!
						 
						Maah 
						maah da`waynbaa
						Duul 
						hore wuxuu yiri
						
						Dherigaan dabool culus
						Dusha 
						uga hadeysneyn
						
						Dhakhso daadi fuudkiis.
						 
						Duni 
						yaabbab badaneey
						
						Duhurka iyo fiidkaad
						Midba 
						xaal ladaris tahay!
						 
						Doog 
						iyo Abaar laay
						Dib 
						jir iyo nin maallaay
						
						Deeqsi iyo bakhayl laay
						Doqon 
						aan xil gudan iyo 
						
						Daacad iyo kidaab laay
						Nabad 
						iyo dagaal laay
						
						Markii xaalku doorsamo
						Xabad 
						la isku dabar jaro
						
						Abwaan doona nabaddoo
						U 
						damqada dadkiisiyo 
						Mid 
						dagaal ka huriyoo
						Shar 
						u duuban leeyeey!!
						 
						
						Intaan daa`in abid jiro 
						Waxa 
						xumo dushaadiyo 
						
						Mindhaa dacar ma fiiqsado
						Waana 
						kaa dig toonahay!!
						 
						
						Afartaas kadaba tuur 
						
						Arartii daboolleyd
						Ka 
						dag awrka diihaal
						
						Darantiyo ugbaad kiyo 
						
						Daaculaha ha daaqee!!
						 
						
						Haddii geel dibood yahay
						Kuray 
						laguma daayoo
						
						Diihaalka oonkiyo
						Diyow 
						gaa u halisee
						
						Dalkeennii lahaystiyo 
						
						Dadkeennii la duud siyay
						Nin 
						kaan doorka moodnoo
						
						Shalay duubka loo xiray
						
						Hadduu dayrshay oo yiri
						
						Duulkaas xorweeyaan
						
						Dariskeena weeyaan
						
						Ayagaana door biday
						Dadka 
						ay la joogaan!!
						 
						In 
						difeeto gaadhiyo 
						Duud 
						sina warkiis daa!
						Anna 
						doorka maantaya 
						Waxba 
						dood kamaan qabo
						Caku 
						darajadiisee
						
						Dadkiisii ma eeddeen?!!
						Yaanu 
						uga dacwoonaa
						
						Ninkii duubi gii iyo 
						
						Daqaydiiba feentaa 
						Lagga 
						loogu darayaa
						Dul 
						mi iyo dhib badanaa!
						 
						
						Hadduu dogob harleeyahay
						Dadku 
						ugama leexdeen
						
						Daraciyo quraan yada
						
						Waxaan uga danleeyahay
						In 
						amxaarro daran tahay
						Dad 
						inoogu neceb tahay
						 Waa 
						tii doraadtaba 
						Qabri 
						daharre lagu dilay
						
						Dumarkiyo ciyaallada!!
						 
						Ineey 
						Kenya digif tahay
						
						Dadkeenii xasuuqeen
						Ninka 
						diiddan oo yiri
						Wax 
						dukheeyay lama arag
						Yaanu 
						uga dacwoonnaa?
						Duqii 
						aaway ina yeey?
						 
						
						Hadduu diiday waa hore
						In 
						goldogob amxaar dago
						Muuka 
						diiro maantana
						Mise 
						ruux dantiis helay
						
						Dadkaleeto uma naxo?!!
						 
						Ninka 
						yiri madiidani 
						 Kuwa 
						doc isku taaggiyo
						
						Doonaaya goosmada
						
						Dunidaan aqoon sane
						
						Haddii dowlad loo qiro
						Waxba 
						doodad kama qabo!!
						War 
						yaan uga dacwoonaa?
						Duqii 
						aaway ina yeey
						Geedi 
						ina ka daayoo
						Rag 
						dareen wadani loo
						Uusan 
						dowrin maankiyo
						Aynu 
						duubno odayaal
						Darsa 
						xaaladdaha jira
						Ama 
						duubka noo dhigga
						Aannu 
						duul damqaayiyo 
						Dad 
						aqoonle saarnee…   Dhamaad Abwaan 
					maxamed dhagaafe cilmiMbale,uganda email:
					
					m_dhagaafe@hotmail.com
 Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku 
saxiixan Faafin: SomaliTalk.com | Nov 27, 2005  MAANSADA "GURMAD": 
Gabay ku socda Cali Geeddi 
 
						
						 
						
						 |