Ururka Dhallinyada Sool,
Sanag, iyo Caynhawd oo ku baaqay kalsooni kala
noqosho Xukuumada Madax-weyne C/laahi Yusuf, Hadalkii uu
Yiri Ra'iisul Wasaare Geedi Awgeed...
Ra'iisal wasaare Mudane
Cali Maxamed Geedi, jawaabtii uu laanta af-soomaliga ee
British Broadcasting
Corporation ka sheegay ayaa waxay dadka degaanka
u cadaysay in aanay ka mid ahayn dadka ay u dhalatay
Xukuumada Ku/meelgaarka ah ee Soomaaliyeed maadaama uu
mawqifkiisa ku cadeeyey Saxaafada in aanu waxba ka qabin
go'tiaanka Maamulka hargeysa......
Ku-Xukumada Federaalka
Kumeelgaarka ah ee Somalia..............Jawhar
Ku-Maamul Goboleedka
Puntland
...........................................Garowe
Ku-Saxaafada Madaxa banaan...............................................Fadhigooda
Ku-Waxgaradka Soomaaliyeed...............................................Fadhigooda
Ku-Hay,adda UNDP Xafiiska
Somalia........................................Nairobi
Kenya
Ku-Madax dhaqameedka
Somaliyeed.......................................Fadhigooda
Og-Hay,adda Xaquuqda
aadanaha Dr.Ismacil Jimcale..................Mugadisho
Ujeeddo-: Baaq kalsooni
kala noqosho Xukuumada Madax-weyne C/laahi Yusuf Axmad,
Anaga oo ka soo jeedna
isla markaasina ah Dhalinyarada Degaanada Sool, Sanaag
iyo Caynhawd Soomalia waxaan Goobaha Qoraalkani ku socdo
halkan ugu soo gudbinaynaa Baaq ka turjumada mawqifka
dhalinyarada Degaanada aan kor ku xusnay,in aanu maanta
oo taariikhda tahay(26/11/2005)dib ugala laabanay
Kalsoonidii aanu u hayney Xukuumada uu madaxa ka yahay (Mudane
C/laahi yusuf axmed iyo Pro.Cali maxamed Geeddi,) anaga
oo u sababaynay arimahan hoos ku cad,
-
MUSTAQBALKA
SUGAYA MADAXWEYNE CABDILAAHI YUSUF AXMED... "ha
mucaaradin ilaa aad aragto wax aad mucaaradi
kartid"
Guji... Oct 2004
URURKA
DDP OO TAAGEERO IYO HAMBALYO U DIRAY MADAXWYNAAH
CUSUB::: "Waxaan kugu bogaadineynaa in aad
ummadda wax u qabatid, midnimadeedana soo
celisid, sidaas oo keliya ayaad magac iyo
maamuus ku heli kartaa."
Guji Oct 2004
Waxaanu
codsanaynaa in ay dowladan cusub noqoto mid ku
dadaasha cadaalada, sinaanta iyo in ay si xoog
ah ula dagaalanto kala sareenta quursiga,
takoorka, dhaca, iwm. Taas oo ay ku
dhibaataysnaayeen muwaadiniin fara badan kuna
waayay xuquuqdii ay ku lahaayeen dhulkoodii
hooyo ..
Guji... Oct 2004
waan
soo dhoweynayaa dhammaan madaxweynaha iyo
xildhibaanada sharafta leh ee baarlamaanka
soomaaliyeed, waxaana u rajeynayaa guul iyo
horumar weyn. Soomaalida waxay si dhab ahaantii
ugu ooman yihiin nabad iyo dowlad caaddil ah,
cunugii dhashay billowgii dagaallada sokeeya
maanta waa qaangaar"...
Guji... Oct 2004 |
Dadka ku dhaqan isla
markaasina ku abtirsada Degaanada Sool, Sanaag iyo
Caynhawd, waxay mudadii buruburka Soomalia ku soo jireen
dhibaatooyin badan,sida Colaado,iyo abaaro,kuwaas oo
naafeeyey inta badan adeegyadii bulshada,iyo
nolosha,iyada oo taasi jirto hadana dadka degaanku waxay
taas ka muujiyeen bisayl iyo wadaniyad jacayl dheeri ah
- Ka dib dhalashadii
Xukuumada Ku/meelgaarka ah ee Soomaaliyeed waxay siiyeen
Kalsooni buuxda iyaga oo la garab taagnaa hiil iyo hooba
isla markaasina ay ka muuqatay yididiilo ay ku filayeen
in ay soo laabatay midnimadii Soomaaliyeed ee ay
sugayeen Mudada dheer ee dhamayd (15.Sano)
- Mudada (15.sano) dhan
degaanka Sool, Sanaag,Iyo Caynhawd hay,adaha Samafalka
UNka iyo kuwa kale marka laga reebo (NPA, iyo Marcy
US)oo aan wax badan qaban ama sidii la rabey aan ugu
hagar bixin , degaanku kama helin xaqii uu u lahaa in la
caawiyo,qaramada midoobayna ma garowsan qoraalada iyo
qayla dhaanta degaanka ka timaada,wayna
dheyelsadeen,waxayna ku maaweeliyeen in ay dhaqaalihii
loogu talo galay raaciyeen dhinaca Maamulka Hargeysa oo
degaanka ku ah duulaan isla markaasina dhaqaalihii loogu
tala galay degaanadaas waxay u adeegsadeen Saanada iyo
Ciidan oo ay ku qabsadaan degaanada Sool,Sanaag iyo
Caynhawd,
- Anaga oo ah
Dhalinyarada degaanka Sool,Sanaag iyo Caynhawd waxaay
qaramada midoobay gaadhsiinay qoraalo cadaynaya
dhaqaalihii ay ugu talo galeen degaanadaas ee loogu talo
galay hawlaha (Biniaadaminomo) in loo adeegsado wax ka
soo hor jeeda qawaaniinta caalamiga ah iyo Xaquuqda
aadanaha,iyada oo dhaqaalahaas loogu talo galay
degaanadaas wax badan lagala hadlay Madaxda UNka ee
Somalia hadana way ka indha qarsadeen in ay ka hadlaan
ama ka run sheegaan isla markaasina muujiyaan xaqa
degaanadaasi ay ku leeyihiin Kaalamada ay siiso Soomalia
Qaramada midoobay iyo deeq bixiyayaasha caalamiga ah,
- Anaga oo ah
Dhalinyarada Degaanka Sool, Sanaag, iyo Caynhawd ee
Degan Wadanka Kenya isla markaasina og dhibaatada ka
taagan Degaanka aan ka dhalanay sida Amiga, Caafimaadka,
wax-barashada,iyo Hawlaha Bini'aadamino ee ay u baahan
yihiin ayaa Xukuumada Federaalka Soomalia ka indha
qarsatay Degaankaas,taas oo aanay cadayn ilaa hadana
dhaqaalaha la qaybiyey meesha loogu daray degaaanadaas
Xukuumaduna ka meermeertay in ay cadayso,
- Ra'iisal wasaare
Mudane Cali Maxamed Geedi, jawaabtii uu laanta
af-soomaliga ee British
Broadcasting Corporation ka sheegay ayaa waxay
dadka degaanka u cadaysay in aanay ka mid ahayn dadka ay
u dhalatay Xukuumada Ku/meelgaarka ah ee Soomaaliyeed
maadaama uu mawqifkiisa ku cadeeyey Saxaafada in aanu
waxba ka qabin go,tiaanka Maamulka hargeysa,
- Anaga oo ah
Dhalinyarada Degaanka Sool,Sanaag,iyo Caynhawd ee
Soomaliyeed degana Wadanka Kenya anaga oo ku hadlayna
Magaca Dadka degaankaas meel kasta oo ay joogaan waxaan
Kalsoonidii aanu u hayney si aan gabasho lahayn ugala
noqonay Xukuumada Ku/meelgaarka ah ee Soomaliyeed,isla
markaasina waxaan cayanaynaa in aanay metelin Beesha
raga ku jira Xukuumada iyo Baarlamaanka Soomaliya,
Ururka
Dhalinyarada Sool, Sanag, iyo Caynhawd Somalia
Gudoomiyaha Ururka
Maxamed Maxamuud Gutaale
Tel: 254.722-840181
Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | Nov 27, 2005
»GABAY:
DACWO- Gabay ku socda C/Lahi Yusuf |
Dhagaafe
»MAANSADA "GURMAD":
Gabay ku socda Cali Geeddi


|