SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

Barnaamijkii Radio Xoriyo

16 September. 2005 

  • Maamulka Hargaysa oo xidhxidhay dhalinyaro Ogaadeenya u dhalatay
  • Golaha Ammaanka oo cadaadis saaraya xukuumadda itoobiya
  • Eritereya oo xidhxidhay dad u shaqaynayay safaarada Maraykanka
  • Meles oo sheegay iuu la hadlayo OLF
  • Iyo Barnaamij gaar ah oon ugu magac-darnay "Xog-warran"

======================

 
 
Maamulka Hargaysa oo xidhxidhay dhalinyaro Ogaadeenya u dhalatay  

Maamulka Hargaysa ayaa toddobaadkan gudihiisii xabsiga u taxaabay dhalinyaro u dhalatay Ogaadeenya oo la sheegay inay ka shaqaysanayeen tuulooyin ka baxsan magaalada Hargaysa. Dhalinyarada xabsiga loo taxaabay waxay tiradoodu dhan tahay 7 dhalinyaro ah, waxayna kala yihiin:

1- Xasan Maxamuud Maxamed

2- Faarax Nadiif Caydiid

3- Maxamed Maxamuud Ibraahin

4- Shugri Cumar Cabdi

5- Cabdilaahi Ismaaciil Ibraahin

6- Shugri Cabdi Cumar

7- C/laahi Cabdi Xasan

Dhalinyaradan waxaa lagu soo xidhay saldhig ciidan oo ku yaalla badhtamaha magaalada hargaysa. 

Maamulka Hargaysa ayaa ku andocoonaya in dhalinyaradani ay diyaarinayeen qorshe lagu qarxinayo tuubbooyin biyaha qaada oo ku yaalla tuulada Geed-Deebleh oo ku taalla duleedka magaalada Hargaysa, hase yeeshee ma jiraan wax caddaymo ah oo tilmaamaya denbigaas uu maamulku u haysto dhalinyaradan xoogsatada ah. 

Dhinaca kale Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Ogaadeenya ee OHRC ayaa arbacadii soo saaray war-saxaafadeed uu kaga hadlayo xaaladda maxaabiista Ogaadeenya ee sida dulmiga ah ugu xidhxidhan xabsiyada mamulka Hargaysa. War-saxaafadeedkani wuxuu si wayn uga hadlay xadgudubyada uu maamulka Hargaysa u gaysto dadwaynaha rayadka ah ee Soomaalida Ogaadeenya ee ku sugan gobollada woqooyiga soomaaliya, iyo sida uu raalli gelinta gumaysiga Itoobiya dartii ugu tunto xuquuqda dadwaynaha safarrada iyo danaha kale u yimaadda woqooyiga Soomaaliya. 

OHRC wuxuu beesha caalamka ka codsaday in si wayn loogu dhabba-galo xadgudubyada ay xukumadda Itoobiya iyo maamulka iskii isu magacaabay ee Hargaysa u gaystaan xuquuqda aadanaha. 

Wuxu kaloo Qaramada Midoobey ka codsaday inay magacawdo ergay gaar ah oo wakiil uga noqda xuquuqda aadanaha ee dalka Ogaadeenya. Wuxuu kaloo ururka OHRC tilmaamay in loo baahan yahay in xukuumadda Itoobiya lagu soo oogo denbiyada ay gasho, sida dilka wadarta ah, dadka la waayo, xidhayga aan aaba-yeelka lahayn, jidhdilka iyo falalka cadowtinimada ah ee bani’aadamnimada ka dhanka ah ee ay kula dhaqanto shucuubta ay gumaysato. 

Golaha Ammaanka oo cadaadis saaraya xukuumadda itoobiya 

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa cadaadis cusub saaraya xukuumadda Itoobiya, si loo dhammeeyo colaadda shan jirsatay ee u dhexaysa iyada iyo Eritereya, isla markaana ay si buuxda ugu aqbasho qaraarkii maxkamadda adduunka ee ku saabsanaa xal u-helidda khilaafka xuduudda. 

Qaraar ka soo baxay Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale lagu go’aamiyay in xilliga loo dheereeyo ciidammada Qaramada Midoobey ee nabad ilaalinta u jooga xadka Eritereya iyo Itoobiya, kuwaasoo xilliga loogu daray lix bilood oo kale. 

Golaha Ammaanku wuxuu xukuumadda Itoobiya ka dalbayaa inay si buuxdo u oggolaato go’ankii maxkamadda adduunka oo ay qaaddo tallaabooyinka daruuriga u ah in si kama denbays ah loo asteeyo xadka ay Eritereya la wadaagto. 

Eritereya oo xidhxidhay dad u shaqaynayay safaarada Maraykanka 

Dawlada Eritereya ayaa xabsiga u taxaabtay labo qof oo Eritereya u dhashay oo u shaqaynayay safaarada Maraykanka ee magaalada Casmara, kuwaasoo lagu eedeeyay inay dad tahriibiyeen. 

Wasiirka warfaafinta Eritereya Cali Cabdu Axmed ayaa sheegay in labadan qof ay xabsiga ku jiraan, iyadoo loo qabtay fal-denbiyeed la xidhiidha dad ay tahriibiyeen. Wasiirka faahfaahin intaas dheer ma aanuu bixinin. 

Dawlada Eritereya waxay sidoo kale dhawr toddobaad ka hor dalkeeda ka saartay hay’adda gargaarka u qabilsan dalka Maraykanka ee USAID, iyadoon sharraxaad badan ka bixinin sababta ay hay’addaas u caydhisay. 

Saraakiisha safaarada Maraykanku ku leeyahay magaalada Casmara ma ayna sugin in laba qof oo u shaqaynayay la xidhay, mana ayna diidin, hase yeeshee afhayeen safaarada Maraykanka u hadlay ayaa sheegay in labo qof oo kale oo safaarada u shaqayn jiray oo la xidhay sannadkii 2001 ay wali xidhan yihiin, iyadoo waliba uu Maraykanku marar badan codsaday in la sii daayo ama denbi lagu soo oogo. 

Meles oo sheegay iuu la hadlayo OLF 

Keligii taliye Meles Zenawi ayaa daboolka ka qaaday inuu diyaar u yahay inuu wadaxaajood la galo jabhadda xoreynta Oromiya ee OLF. Waraysi uu BBC siiyay wuxuu keligii yaliye Meles Zenawi ku sheegay in la sameeyay xidhiidh wadaxaajood noocaas ah oo lagu baadi-goobayo.

Keligii taliye Meles Zenawi ayaa sannadkii hore sheegay inuu OLF wadaxaajood la gelayo oo kaliya haddii ay marka hore hubka dhigto oo ay qaab nabad ah ku raadiso yoolka ay higsanayso. 

Hase yeeshee OLF ayaa arrintaas kaga jawaabtay inay diyaar u tahay inay Itoobiya wadaxaajood shuruud la’aan ah la gasho, balse ayna diyaar u ahayn in aqbasho wadahadallo shuruud ku xidhan. 

Hadda waxaa Meles Zenawi la waydiiyay inuu diyaar u yahay inuu OLF la hadlo iyadoon hubka dhigin, wuxuuna yidhi; "wax dhibaato ah arrintaas uma aragno" oo macneheedu yahay waan yeelayaa. 

Dabaca Zenawi ka muuqda waxaa lagu tilmaamay inay sabab u tahay doorashadii guul darradu ka raacday ee la qabtay 15 May, taasoo keentay inuu yiqiinsado inuu meel cidla’ ah taagan yahay, markii ay amxaaradu si wayn uga hortimid siyaasadiisa. Sidaas darteed wuxuu hadda raadinaya xulufo cusub oo amxaarada laga hortego.

QAYBTA KALE EE BARNAAMIJKA XORRIYO HALKAN KA DHEGEYSO

 
Radio Xoriyo

16 September. 2005

Axmed Gaal-eri 

info@radioxoriyo.com

radioxoriyo@ogaden.com
raadioxoriyo@yahoo.com

Radio Xoriyo waxaad ka dhegaysan kartaa Mawjadda 19 MB ee dhererkeedu yahay 15670 KHZ, Maalmaha Talaadada iyo Jimcaha 7: 30PM waqtiga Afrikada Bari

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 16, 2005


Maxaa Run Ka ah Hadalkii "Wakiilka" Terry u Fadhiya Magaalada Garoowe
Mucaawinadii uu Soomaaliya u soo diray Brian Morrison laakiin wakiilka Terry uu sheegay in Guji

Maxamuud Wardheere oo Ku Baaqay in Masaajidada iyo Culimada Islaamka la Ixtiraamo
Qoraal uu Minneapolis ka soo saaray ayuu Guji


»Digaag Gata si Puntland Shidaal Loogu soo Saaro| C/waxid
»»
Jowhar Ma Masaaru- Shariif baa? |  Amiin Yuusuf

Puntland maku Tusaale Qaadan Doontaa Khiyaamadii Ku Dhacday Somaliland iyo Ra'iisul Wasaare Geedi
Xabsigii loo taxaabay Mr. Meier kaddib markii ay ka fashilantay shirkadii shidaalka ka baari lahayd... Guji...


Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD