Guddoomiyaha
Baarmalaanka oo kula kulmay
laba senator Magaaladda Washington
D. C.

Coleman/Dayton meet
with Somali Parliament Speaker and Dpty Prime Minister
On September 12th, 2005
Waxaa maanta (Sept 12) ka dhacay xafiiska Sentator Coleman
ee ku yaal Magaalada Washington D.C. kulan u ka qeyb galay,
Guddoomiaya Baarlamaanka Federaaliga KMG ah ee Jamhuuriyada
Soomaaliyeed Md. Sharif Xasan Sh. Aden, Wasiirka Warfaafinta
ahna Ra’iisul wasaare ku xigeenka 1aad Md. Mohamud Jama
Sifir, Md. Zakaria Mohamud Haji Abdi, Dr. Cali Khalif Glayr
iyo Mr. Xasan Saciid oo ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee
ku nool Washigton D.C..
Kulankaas waxaa ka soo qeyb galay dhinaca Mareykanka laba
Senator oo kala ah Senator Comelman iyo Senator Dayton oo
laga soo doorto gobolka Soomaalidu ku nooshahay ee Menisota.
Kulankaas waxaa looga hadlay arrimo dhowr ah oo kala duwan.
Guud ahaan waxaa laga siiyey warbixin guud oo dhinac walba
taabanaysa.
Waxay uga warameen ujeedada socdaala Mareykanaka, ka dib,
waxay uga warameen xaalada murugsan ee Soomaaliya manta
mareyso iyo khilaafka ama kala qeybsanaanta haatan ka dhux
jirta Hay’adaha Dowladda Federaaliga ah (TFI’s) iyo waxa
lagu kala qeybsamay. Sidoo kale, waxay u soo bandhigeen
baahida deg deg ah ee Soomaaliya u baahay iyo kaalinta ama
taageradda loo fidin karo Soomaaliya si wax looga qabto
dhibaatadan daba dheeratay iyo sidoo loo kobcin lahaa
hay’adaha dowladda tayadooda iyo wax qabadkooda.
Waxay sidoo kale lagu qeexay ahamiyada go’aanki golaha
amaanka iyo dadaalka nabadeed ee uu wado ergayga gaarka ah
ee qaramada modoobay Amb. Fall ee looga dan leeyahay in
khilaafka lagu soo afjaro iyadoo axdigu saldhig u yahay.
Inta waxa sii dher in la tilmaamay in manta loo baahayn in
Soomaaliya laga dhisho maalmul ku dhisan dimoqraadiyad
saldhigeedu yahay rabitaanka shacabke, saraynta sharciga,
xukun wanaag iyo ku dhaqanka sharciga si loo soo afjaro kala
danbayn la’aanta dalka ka jirta iyadoo wax kastaba loo
marayo wado nabadeed, sababta oo ah Soomaali wey ka daashay
colaad iyo dagaal, waxay u baahan tahay nabad, xasilooni iyo
adeeg kala duwan, arrimahaasna laguma gaari karo, ilaa la
helo, kalsooni iyo is aminid salka ku haysa wada shaqeyn wax
kool ah iyo in qof walba in laga ilaaliyo wixii dhibaya
laguna tix galiyo rabitaankiisa sharciga waafaqsan, si loo
dhiso wax Soomaali u wada cuntama sida ummaddaha kale.
Warbixinta ka dib, labada Senator, waxay soo bandhigeen
su’aalo dhowr ah, oo ay ka mid ahayeen sida ay wax ula qaban
karaan Baarlmaanka ama Soomaaliya guud ahaan.
Kulankaasi wuxuu ku dhammaaday guul, iyo in kulankan la sii
wado lana sii balaariyo, si loo gaaro wada shaqeyn buuxda oo
dan u ah labada dal iyo labada shacab.
wixii faahfaanin ah fadalan booqo cinwaanka
http://coleman.senate.gov/
Madaxweynaha Soomaaliya oo ku sugan
Xarunta Qaramada Midoobay
- Kulan Dhex Maray C/Laahi
Yuusuf iyo Kofi Annan

Sawirka madaxda
adduunka |
Wafdigii uu
hogaaminayey Madaxweynaha Soomaaliya C/laahi Yuusuf
Axmed ayaa gaaray Xarunta Qaramada Midoobay ee New-York
oo uu ka socdo shirkii lamagac baxay (UN.MILLENIUM)oo ay
ka soo ka qeyb-galeen Madax gaareysa 160, oo ka kala
yimid Daafaha ADuunka.
Madaxweynaha iyo
Wefdigiisa,oo ka soo degay xalay New-York International
AirPort, ayaa waxaa si weyn oogu soo dhaweeyay Madaarka
Jaaliyada Soomaaliyeed ee ku nool Dalka Mareykanka,oo
ay hogaaminayeen Fanaaniin, oo ay ka mid yihiin Saado
Cali warsame, Axmed Cali Cigaal iyo Maxamed C/laahi
Sangub iyo Fanaan kale oo aan halkaan ku soo koob karin.
Wefdiga Madaxweynaha
ayaa ka qeyb-galay casho sharaf xalay loo sameeyay
Madaxda Dunida oo ka dhacday, Magaalada New-York, C/laahi
Yuusuf oo uu safarkani u yahay kii oo gu horeeyay oo uu
ku tagay Dalka Mareykanka tan iyo waagii loo doortay
Madaxweynaha Soomaaliya ayaa lagu wadaa in uu kulamo
gaar ah la qaato Madaxda Aduunka, isagoo kulankiisii
oogu horeeyay maanta la yeeshay Xoghayaha Guud ee
Qaramada Midoobay Koffi Annan.
Qodobada oogu muhiimsan
oo laga hadlayo kulankan ayaa ka mid ah:
1-ka hortaga Argagaxisada.
2-ka hortaga Macluusha.
3-Isbedel lagu sameeyo
hanaanka Hey'ada Qaramada Midoobay.
4-In la balaariyo kuraasta
loo yaqaan (SECURITY-COUNCIL).
Iyo qodobo kale oo u
qarsoon
Madaxda shirka Wefdiga
balaaran oo uu hogaaminayo Madaxweynaha waxaa ka mid ah
Xubno ka kooban Wasiiro, oo ay ka mid yihiin:
1-Wasiirka Arimaha
Dibeda:Mudane C/laahi sheekh ismaaciil.
2-Wasiirka Horumarinta
Reer Miyiga:Mudane Maxamed Maxamuud Gacmadheere.
3-Wasiirka Dekadaha:Mudane
Cali ismaaciil Giir.
4-Wasiirka
Madaxtooyada:Mudane Khaalid Cumar.
5-Wasiirka
Warfaafinta:Mudane Maxamuud Maxamed Xayir.
6-Wasiir-kuxigeenka
Haweenka:Khadiijo Diiriyo iyo Xubno kale.
Maalinimada Beri oo ay ku
beegan tahay Jimco 16ka Septembar ayaa lagu wadaa in
Madaxwenaha Soomaaliya uu khudbadiisa ka soo jeediyo
kulanka loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.
Xuseen Yaasiin Gode-Gode
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 15, 2005
Maxaa
Run Ka ah Hadalkii "Wakiilka" Terry u Fadhiya Magaalada Garoowe
Mucaawinadii uu Soomaaliya u soo diray Brian
Morrison laakiin wakiilka Terry uu sheegay in
Guji
Maxamuud
Wardheere oo Ku Baaqay in Masaajidada iyo Culimada Islaamka la Ixtiraamo
Qoraal uu Minneapolis ka soo saaray ayuu
Guji
»Digaag
Gata si Puntland Shidaal Loogu soo Saaro|
C/waxid
»»
Jowhar Ma Masaaru-
Shariif baa? | Amiin Yuusuf
Puntland
maku Tusaale Qaadan Doontaa Khiyaamadii Ku Dhacday Somaliland iyo Ra'iisul
Wasaare Geedi
Xabsigii loo taxaabay Mr. Meier kaddib markii ay ka fashilantay shirkadii
shidaalka ka baari lahayd...
Guji...
Dr.
Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan
Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex
markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo
dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2 |