SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - WARAR

  • C/Laahi Yuusuf: "Golaha Ammaanku waa in ay Cuna-qabataynta Hubka ka Qaadaan Soomaaliya"
  • Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo Qaabilay Madax ka tirsan dunida
  • Wasiirka Arrimaha Dibadda DFKMG oo Khudbad Ka Jeediyey Kulankii Madaxda Adduunka ee Lagu Qabtay Xarunta Qaramada Midoobey...
  • Reysalwasaare Geedi oo Xafiis ka furanaya Magaalada Muqdisho

"Golaha Ammaanku waa in ay Cuna-qabataynta Hubka ka Qaadaan Soomaaliya" Sidaas waxaa yiri Madaxweynaha Soomaaliya oo ka Hadlayey Golaha Qaramada Midoobey


Cabdullaahi Yuusuf Axmed, MDFKMG, oo ka hadlayey kulankii 60aad ee Qaramada Midoobey, Sept 17, 2005 | Sawirka: AP

VIDEO::: Daawo | TEXT: Akhri

Sept 17, 2005- Madaxweynaha Dawlada Federaalka Kumeel Gaarka ah oo maanta ka hadlayey kulanka Qaramada Midoobey ayaa ku baaqay in Soomaaliya laga qaado cunaqabataynta Hubka.

"Cuna-qabatayntaasi waxay si toos ah u curyaamineysaa Xaqa ay dawladu u leedahay iyo isku daygeeda daacada ah ee ay ku dhiseyso ciidanka Ammaanka Qaranka, kuwaas oo difaacaya shacabka, dhawrayana ammaanka iyagoo xoojinaya sharciga iyo kala dambaynta dhammaan Soomaaliya" ayuu yiri Cabdullaahi Yuusuf Axmed. Waxana uu intaas raaciyey "Intaas waxaa dheer in cunaqabatayntaasi ay himmad-jebineyso dalalka saaxiibka ah ee raba in ay caawiyaan Soomaaliya, gaar ahaan xagga ammaanka iyo qawaaniinta sharciga iyo kala damnaynta".

Waxana uu xusay in cuna-qabatayntasi ay dib u dhigtay ciidamadii nabad ilaalinta ee IGAD ee la keeni laha Soomaaliya.

Waxa kale oo uu yiri "Kala daadashada qaranka iyo la aanshaha sharciga iyo klaa dambayntu waxay sabab u noqoneysaa in ay kobcaan fal dembiyeedyada ay geysnayaan shakhsiyaad iyo kooxo ay ka mid yihiin kuwa ka faa'iida dagaalka iyo argagixisada. Waxay kuwaasi rumaysan yihiin in xaalada hadda ee Soomaaliya ay iyaga dan u tahay. Waxay markaas samaynayaan wax kasta oo ay awoodaan sida soo cusboonaysiinta iska hor imaadka, in ay ka hor yimaadaan sharciga iyo kala dambaynta"

Isagoo ugu yeeraya Golaha Ammaanku in ay dib u eegaan, ugu dambayntana qaadaan cuno qabatayntaas, waxa uu yiri "Wax macne ah uma samayneyso caqliga saliimka ah in Soomaalida laga caawiyo in ay heshiis siyaasadeed oo meel mar ah ka garaan is khilaafkoodii dheeraa, isla mar ahaantaasna loo diido awoodooda ay ku dhisan lahaayeen maamul ay kaga gudbi karaan sharci darrada dalkooda ka jirta."

Meeshii ama booskii Cunaqabataynta, waxa uu Qaramada midoobey ugu yeeray in ay abuuraan "ciqaab ku wajahan kuwa isku deyaya in ay carqaladeeyaan fursadda nabada Soomaaliya."

Waxa uu beesha caalamka ugu baaqay in dawlada ka caawiyaan dhaqaalaha ay u baahan tahay iyo in ay siiyaan taageero siyaasadeed, isagoo hadalka ku xoojiyey in Soomaaliya u baahan tahay caawinaad si wax looga qabto barakaca, hub ka dhigista iyo dib u dhiska iyo wax ka qabadka arrimaha kale ee la xiriira ammaanka.

  • Khudbadii Madaxweyne C/laahi Yuusuf::: VIDEO::: Daawo | TEXT: Akhri (English)


C/Laahi Yuusuf oo Jooga New York, USA

Tarjumadii SomaliTalk.com | Sept 17, 2005


Minnesota::: SomaliTalk.com oo Waraysi la Yeelatay Xildhibaano Ka Tirsan Baarlamaanka DFKMG iyo Ra'iisul wasaare Wasare Kuxigeenka Koowaad, ahna wasiirka Warfaafinta oo Booqasho Ku Yimid Minneapolis/St. Paul, USA... Guji....


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya oo Qaabilay Madax ka tirsan dunida

Sept 17...Jowhar.Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane cabdullahi Yuusuf Axmed ayaa Hotelka uu dagan iyo Xarunta uu Shirka ka socdo ee New York ku qaabilay Madaxweynayaal,Raiisul Wasaarayaal,Wasiir Arrima Dibadeedyo iyo Xoghayaal Guud.

Madaxweyne Yuusuf Madaxda uu la kulmay waxaa ka mid ah Madaxweynaha Jabuuti Mudane Ismaaciil Cumar Geelle, Ra'iisul Wasaaraha Itobiya Mudane Meles Zenawi, Ra'iisul Wasaaraha Sweden, Wasiirka Arrimaha Dibadda Dalka Liibiya C/ramaan Shalqam,Xoghayaha Guud ee Ururka Jaamacadda carabta Al-saydi Camir Mussa, U-qeybsanaha Xoghayaha Guud ee Qaramadda arrimaha Joojinta Colaadaha iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Boqortooyadda Maroko

Madaxweynaha Soomaaliya Mudane cabdullahi Yuusuf waxa uu Masuuliyiintaasi uu la kulmay uu uga warbixiyay Dadaalka ay Dowladda federaalka KMG ee Soomaaliya ay ku dooneyso soo celinta Amaanka iyo kala dambeynta iyo sidii loogu dhisi la Hay'adihii Sharciga, wuxuuna Madaxweynayaasha, Ra'iisul Wasarayaasha uu ka codsaday in Dowladiisa gacan lagu siiyo sidii ay dib ugu hanan laheyd Qaranimadii Soomaaliya.

Madaxweynaha Dowladda Federaalka KMG Mudane Cabdullahi Yuusuf Axmed waxaa la filayaa in saacadaha soo socda uu la kulmo Wadahadalana uu la yeesho Madaxda kala ah Raaisul Wasaraha Kanada, Madaxweynaha Dalka Shiinaha, Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Ruushka, Madaxweynaha Ciraaq iyo ku-xigeenka Xoghayaha Arrimaha dibadda ee Dalka Mareykanka. 

Isha Warka:: Xafiiska Ra'iisul wasaaraha | Jawhar, Soomaaliya


Wasiirka Arrimaha Dibadda DFKMG oo Khudbad Ka Jeediyey Kulankii Madaxda Adduunka ee Lagu Qabtay Xarunta Qaramada Midoobey...

  • Tarjumadii SomaliTalk.com | Isha: UN.org | Sept 16, 2005
Photo
Wasiirka Arrimaha dibada DFKMG, Cabdullahi Sheikh Ismaaciil. Inkasta oo sawirkaan ay AP ku tilmaantay in uu yahay Madaxweynaha DFKMG, Cabdullaahi Yusuf Axmed oo ka khudbaynayey Qaramada Midoobey, balse sawirku waa wasiirka oo Qaramada midoobey ka khudbaynayey. Eeg halkan

Hadalkii Wasiirka oo dhamaystiran oo ku qoran Af Ingriisi Ka Ka Akhri Halkan... GUJI


Wasiirka Arrimaha dibada DFKMG, Cabdullahi Sheikh Ismaaciil, ayaa Jimcadii (Sept 16) khudbad dheer waxa uu ka jeediyey xarunta Qaramada midoobey oo ay isugu yimaadeen madaxda adduunka.

Khudbadiisa oo SomaliTalk.com si kooban u tarjumtey waatan:::

Wasiirku ugu horayn waxa uu Maraykanka uga tacsidayeeyey dadkii ku tabaaloobey duufaantii ka dhacday aagga ku xeeran gacanka xeebta Koonfureed ee Maraykanka, halkaas oo ay dad badani ku dhinteen, kumanaal kalena ku barakacen, ayna ku burbureen magaaloyin badani, taas oo uu ku tilmaamay mid ay dadka Soomaaliyeed dareemi karaan xanuunka soo gaarey dadka Maraykanka.

Kaddib waxa uu u mahad celiyey qaramada Midoobey oo u dabaal degeya 60-guuradeedii. Waxana uu Qaramada Midoobey ku ammaanay horumarka ay ka geysatey xagga nabadda iyo arrimaha dhaqan-dhaqale. Inkasta oo uu xusay in aan la ankiri karin dib u dhaca soo maray taariikhda Qaramada Midoobey.

Kaddib waxa uu xusay in weli dunida ay dhibaatoyin badani ka tagan yihiin, sida iska-horimaadyo, iyo fakhri kuwaas oo loo baahan yahay in wax laga qabto.

Aqoonsiga xuquuqda dadka reer Falastiin in ay yeeshaan dal ay leeyihiin oo ku dhinac yaal Israel, iyo Bariga dhexe oo nabad ah waa aasaaska yoolka ay tahay in la gaaro si loo xoojiyo nadaba adduunka.

Waqtigan oo ah xilliga ka dambeeya dagaalkii qaboobaa, iska hor imaadyadii gudaha waxaa bedeley iska hor imaadyo dalal ee arimaha caalamiga ah, arintan cusub oo u baahan in waji cusub lagu eego si loo gaaro xasilooni goboleed iyo mid caalami ah.

Waxa loo baahan yhay qarnigan in dib u habayn lagu sameeyo Qaramada Midoobey si ururkaas looga dhigo mid sida uu yahay kasii Dimoqraadisan, kana jawaabi og arrimaha caalamiga ah, ahna mid waxa uu qabanayo ay waadax yihiin.

Kaddib waxa uu ka hadlay arrimaha Soomalaiya, oo uu sheegay in iska hor imaadyadii ka jirey 14kii sano ee la soo dhaafay loo aanayn karo beesha caalamka oo ku guul daraysatay in ay jawaab ku haboon ka bixiyaan. Waxana uu intaas ku daray in dagaalkii ahliga ahaa uu Soomaliya ka dhigay meel gebi ahaanba afka ciida gashatay, ha noqoto xag maamul iyo xag qaab dhismeed guud ahaan, taas oo cawaaqib xun reebtay.

Waxana uu intaas ku daray in dadka Soomaaliyeed ay rabaan isla mar ahaantaasn ay mudan yihiin in beesha caalamku ay si firfircoon arimohooda wax uga qabato oo aan laga huleelin ama aysan u rajo dhigin.

Waqtigii tegey waxa uu la tegey dhammaan murugadiisii, laakiin hadda arintu waxay tahay in taageeradii beesha caalamka ee la ilaawey ay hadda taagan tahay. Beesha caalamku waa in ay ka qayb qaataan dib u soo noolaynta qaranka oo ay dhinac istaagaan isku dayganaga dib u dhiska qarankayaga halkii ay isku mashquulin lahayeen wax aan sidaas u buurayn ama usii ridnayn.

Waxana uu xusay in aan la ilaawi karin dawladaha xubnaha ka ah IGAD, Midowga Yurub, Ururka Carabka iyo Qaramada Midoobey taageeradii ay ka geysteen shirkii Soomaalida mudada 3da sano ku dhow uga socdey Kenya. Waxana uu si gaar ah ugu mahad naqan Dawlada kenya iyo Koffi Annan - xoghayaha guud ee qaramada Midoobey.

Waxana uu xusay in shirkii dheraa ee kenya mirihii ka dhashay ay ahayd dawlada Federaalka kumeel gaarka ah oo kulankan qaramada Midoobey uu ka joogo wafti uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyada Federalka Soomaaliya, Cabdullaahi Yuusuf Axmed.

Waxana uu sheegay in hadda ay hay'adaha dawladu ay ka hawlgalaan magaalada Jawhar oo ah caasimada kumeel gaarka ah oo 90km woqooyi ka xigta Muqdisho oo ah Caasimada Soomaaliya, waa sida uu hadalka u yiri'e.

Waxa kale oo uu xusay in xasilinta Soomaaliya aysan ahayn shaqada Soomaalida oo keliya, laakiin ay tahay in beesha caalamku aysan iska fogeyn markasta oo xaalad baahi timaado.

La'aanta in si rasmi ah loo taageero Soomaaliya si ay ugu soo biirto beesha caalamka oo oo laga dhigo nabad, taas la'aanteedu waxay gacanta u geleysaa argagxisada caalamiga ah iyo kuwa ka shaqaynaya xaalad qas, qalaanqal, qalaalaaso iyo sharci darro.

Ugu dambayntiina wasiirku waxa uu ugu baaqay xubnaha beesha caalamku inay deeq ama gargaar u fidiyaan Soomaaliya si ay uga soo kabato dagaalkii ahliga ahaa ee 14ka sano. Arrintaas oo ah in horay looga dhaqaaqo oo aan la sugin, ayuu yiri.

Tarjumadii SomaliTalk.com | Sept 17, 2005


Reysalwasaare Geedi oo Xafiis ka furanaya Magaalada Muqdisho

Reysalwasaaraha Dowlada Federaalka Soomaaliyeed Prof-Geedi ayaa shaaca ka qaaday in uu dhamaadka Bisha Septembar rajeynayo in uu si toos ah Dawladiisa ooga hawlgeli-doonto magaalada Muqdisho.

Prof-Geedi waxa uu warqad u diray Wakiilka Qaramada Midoobay u qaablisan Soomaaliya, Froncois Fall, wuxuuna ku wargaliyay in isagoo tixgelinaaya danta guud iyo maslaxada Shacabka Soomaaliyeed in uu mustaqbalka dhaw la kulmi doono Xubnaha Golahiisa Wasiirada ee mucaaradka iyo Xildhibaanada Baarlamaanka ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

Mudane Fall ayaa sheegay in uu soo dhaweynayo tegista Reysalwasaaraha ee Magaalada Muqdisho ayna tahay talaabo geesinimo ah oo loo qaaday dhinaca Nabada, waxaana uu ku tilmaamay in Go'aanka uu qaatay Reysalwasaaraha, ay noqon doonto talaabo rajo weyn xanbaarsan oo lagu soo afjari karo khilaafka ka dhex taagan Xubnaha Dawlada iyo Baarlamaanka.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Qaramada Midoobay u qaabilsan xaga siyaasada oo saldhigiisu yahay Neyroobi,ayaa lagu sheegay in Beesha Caalamka ay soo dhaweyneyso hindisaha Reysalwasaare Geedi ayna balan-qaadayaan inay u fidiyaan dhaqaalo deg-deg ah hawsha uu Geedi ku doonayo in Golihiisa Wasiirada uu kulan oogu qabto Magaalada Muqdisho.

Mr-Fall ayaa ku booriyay Wasiirada mucaaradka ah inay ka faaiideystaan fursadan qaaliga ah ayna ka soo qeybgalaan shirka loo qabanayo Wasiirada oo ka dhacayo markii oogu horeysay Magaalada Muqdisho.

Warar lagu kalsoonaan karo ayaa sheegaya in Reysalwasaare Geedi uu saldhig ka dhigan doono Hotel Ramadan iyo Xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, waxaana laga dareemayaa Magaalada Muqdisho dhaq-dhaqaaq balaaran oo lagu soo dhaweynayo Wefdiga Reysalwasaaraha, soo dhaweyntan ayaa loo xilsaaray Wasiirka Arimaha Gudaha Xuseen Ceydiid iyo Gudoomiyaha isku xirka Dawlada iyo Shacabka Mudane Caaqil Koogaar.

Dhinaca kale hadalka ka soo yeeray Prof-Geedi waxaa aad oogu riyaaqay Shacabka ku dhaqan Magaalada Muqdisho,iyadoo Magaalada laga bilaabay in Goobaha Ganacsiga lagu dhejiyo Sawirada Reysalwasaaraha.

Siidoo kale Wakiilka Soomaaliya u qaabilsan Wadanka Talyaaniga Mario Rifenili ayaa maanta soo dhaweeyay hadalka ka soo yeeray Mudane Geedi, wuxuuna ku booriyay in sida oogu dhaqsiyaha badan uu Xafiis ooga furto Magaalada Muqdisho.

Isweydiintu waxay tahay hadii Reysalwasaare Geedi uu xafiiskiisa ka furo Magaalada Muqdisho, Xubnaha Mucaaradka ma la shaqeyn doonaan mise waa mucaaradi doonaan.

Xuseen Yaasiin Gode-Gode

email: godegode_6@hotmail.com

Faafin: SomaliTalk.com | Sept 17, 2005

Socdaalka Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo wafdigiisa ay ku tageen Washington DC, Maryland iyo  Virginia
Jaaliyadaha Soomaaliyeed ee ay booqdeen waftiga Shariif Xasan waxaa kamid ah Washington DC,  Maryland iyo Virginia. Waxana u safri doonaan magaalada Minneapolis ee gobolka Minnesota.. Guji... Sept 12


Waftiga afhayeenka baarlamaanka DFKMG ee booqashada ku maraya USA waxaa kamid ah... Guji
 Sept 10


Markabkii lagu haytey Xarardheere oo u dhaqaaqay Ceel-Macaan



Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalka Australia ayaa DGPL waxay ugu baqeen in muddo 72 saacadood gudhood ah ay kusoo magacawdo guddi xaqiiqo raadis ah oo soo baara heshiiskii shirkada Consort, haddii kale... Guji... Sept 17


Maxaa Run Ka ah Hadalkii "Wakiilka" Terry u Fadhiya Magaalada Garoowe
Mucaawinadii uu Soomaaliya u soo diray Brian Morrison laakiin wakiilka Terry uu sheegay in Guji

Maxamuud Wardheere oo Ku Baaqay in Masaajidada iyo Culimada Islaamka la Ixtiraamo
Qoraal uu Minneapolis ka soo saaray ayuu Guji


»Digaag Gata si Puntland Shidaal Loogu soo Saaro| C/waxid
»»
Jowhar Ma Masaaru- Shariif baa? |  Amiin Yuusuf

Puntland maku Tusaale Qaadan Doontaa Khiyaamadii Ku Dhacday Somaliland iyo Ra'iisul Wasaare Geedi
Xabsigii loo taxaabay Mr. Meier kaddib markii ay ka fashilantay shirkadii shidaalka ka baari lahayd... Guji...


Dr. Alnajjar oo Aad uga Dayriyey Xaalada Soomaalida....
»Cusmaan Caato: C/laahi Yuusuf dagaal ayuu isu diyaarinayaa
»Saddex markab kalluumaysato oo lagu afduubay Soomaaliya
Wararka oo dhan ka akhri halkan... Guji... sept 2

Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD