Daabaco
Boggan | Print |
|
TACSI::: Bahda saxaafadda
Soomaaliyeed iyo shaqaalaha idaacada Waxey tacsi tiiraanyo leh u
dirayaan Khadiijo Maxamed Jimcaale (Khadiijo Khalanjo) oo
aabaheed marxuum Maxamed Jimcaale ku geeriyooday magaalada
Muqdisho. Hadaba waxaan marxuumka Illaahey uga baryeynaa inuu
jannadii Fardowso ka waraabiyo eheladii iyo asxaabtii uu ka
geeriyooday gaar ahaan qoyska reer Maxamed Jimcaale aanu
leenahay Illaahey ha idiin ka samir iyo iimaan saadiq ah siiyo.
Isagana uu Illaahey ku basharo Nabigiisi Muxamed (CSW).
Aaamin Aamin Aamin!!
Tacsidan waxaa diraya.
Ikraam Cali-kaar
C/llaahi Nuur Kolombo
Maxamed Xirsi Ismaaciil Tanaade
Maxamed Ugaas
Maxamed Alfa,
Maxamed Cali
Xuseen Calasow
Shukri Sheekh
Cabdul Mukhtaar
Cismaan Xaaji Goobdoon
C/laahi Sh Xuseen (H/wadaag)
Saciido Sheekh VIP
Canab Mumtaz
Fahad Yaasin Xaaji Daahir
Yuusuf Maxamed Muumin (yuusuf
yare).Tacsida
waxaa loogu hagaajin karaa Ikaraam:
ikraam_k@hotmail.com
|
|
|
Lacag Faalso ah oo Kusoo
Fool Leh Gebi ahaan Puntland
Taas oo Lagu Daabacayo
Boosaaso
Warar SomaliTalk.com ka soo
gaarey ilo war gal ah ayaa
tibaaxay in dhowaan ay
suuqyada Puntland kusoo fool
leedahay lacag aad u xad
dhaaf ah oo faalso ah, taas
oo qiil qiil gelin karta
maciishada guud ahaan
Puntland. Digniin arrintaas
ku wajahan oo naga soo
gaartey wargal weydiistey in
aan la magacaabin ayaa u
qorayd sidan:
Digniin Xaalad khatar ah
Deegaanka Puntland waxaa ku
soo wajahan xaalad khatar ah
oo ka imaanaysa lacag aad u
xaddi badan oo lagu
daabacayo dalka gudihiisa .
mishiinka lacagta daabacaya
oo uu lee yahay ganacsade
Soomaali ah hadda ka horna
ladamcay in lagu sameey
muqdisho balse ay diideen
ganacsato reer muqdisho,
waxaase mashiin kaas hadda
lakeenay boosaaso waxaana
lagu bilaabay in lagu
daabaco lacag faalso ah
iyada oo loomaraayo maamulka
Puntland in ay u daabacaan
lacagdhan 300 oo bilyan oo
isku soo xoori oo arintu
waxay u muuqataa mid aan
barako lahay dadka iyo
dalkana u horseedi doonta
burbur horleh.
"Waayo" ayuu yiri "xadiga
lacagta ladaabacayo oo aad u
faraban iyo dhaqaalaha
Puntland oo aad u hooseeya
darteed waxaa soo fool leh
khatar xogg leh oo weliba
danyartana geyey siin doonta
halis. waxaana lacagtaasi
soo geli doontaa suuqa
Bosaaso wixii loo gaaro
27/09/05 markaas oo
lasugaayo in ay soogasho
lacag dhan 150 bilyan sida
ay xaqiijiyeen dad aad ugu
dhowdhow ganac satada
lacagta gacan ta ku haya".
Isha: Ilo war gal ah.
Faafin: SomaliTalk.com |
Sept 26
USA: Wiil Soomaali ah oo Ku
Geeriyoodey Haro Ay Ku
Dabaalanayeen Isaga iyo
Walaalihiis & Saaxibadiis:
-
Magaca wiilku waa: Cumar C/Casiis
Maalin- Guur
Baltimore, Maryland, USA:
Wiil da'diisu ahayd 17-jir ayaa
Sabtidii geeriyoodey kaddib
markii uu ku qaraqmay haro (war
biyo badani ku jiraan) oo uu ku
dabaalanayey, isaga iyo
walaalihiis. Haradaas oo
magaceeda la yirahdo "Lake
Habeeb" oo ku taal meesha
loo yaqaan "Rocky Gap State
Park", ee gobolka Maryland.
Wiilkan waxaa la waayey ama uu
biyaha ku qaraqmay 3 p.m,
waxaana biyuhu soo tufeen ama la
helay 5:48 p.m. Hoos ka akhri
Tacsida loo dirayo Aabaha iyo
hooyada wiilka oo kala ah Aabbe:
Dr. C/Casiis shiikh Maxamud Maalin-Guur
iyo Hooyo: Hibo Cabdi Nuur.
Tacsi
Inaalilaahi wa inaa ilayhi
raajicuun !!! ilaahow Cumar C/siis Maalin guur
u naxariiso annaga
gadaashiis hana fidnaynin.
Cumar oo 17 jir ahaa ayaa
shalay sabtidii ku geeriyooday tog yar uu ku
dabaalanaayey asaga iyo wallaladiis oo ku yaala
magaallada Baltimore, MD.
Waxaa tacsida diraaya
wallalaha ka ah:
1) Saahid maxamed yusuf
2) C/llaahi aw muuse
3) maxamed cawad muuse
4) axmed aadan kuukaay
5) maxamed mukhtaar
6) maxamed khaliif
7) c/llaahi xaashi nuure
8) cumar ismaaciil (deeq)
9)c/raxmaan daahir( waamo)
10) c/naasir axmed guuleed
11) jamaal maxamed (
guddoomiye)
12) daahir iyo saaxiibkiis xuseen
13) shiikh abdalla abdalla.
14) C/qaadir Cali Qase
15)C/risaaq Cali Aadan
iyo dhamaan dadweynaha
ku dhaqan metropolitanka washington DC, maryland,iyo
Virginia oo aanan magacyadooda halkan ku soo koobi karin .
waxaan u tacsiyeyneynaa
dhamaan qoyska reer shiikh Maxamud Maalin Guur iyo
qoyska reer shiikh Cabdi Nuur.
gaar ahaan aabaha wiilka
saaxiibkey Dr. C/siis shiikh Maxamud Maalin guur iyo
hooyo Hibo cabdi nuur waxaana leeyahay sabra oo allaah
ka ajar dalba. waan hubaa in uu allaah beytul xamdi
idiinka dhisi doono janada inshaa alaah.
Sahid maxamed yusuf
-
Kulan
ka dhacay Degmada Balcad
-
Jinni Boqor “ Cabdulaahi Yuusuf
Fursad buu helay balse kama
faaiideysan “
-
Max’ed Dheere “François dhex
dhexaad kama ahan arrimaha
soomaaliya
-
Siyaasiyiin ka tirsan beesha
Mudulod oo ka digey shirka
Balcad.
-
Xildhibaan Xuseen Caraale
Caddaan “Colaada uu hurinaayo
Qanyere waxay ugu imaan Dayniile..
-
Beesha Dirta Koonfureed oo
dooratay Gudoomiyaha Golaha
Guurtida ..
-
Golaha Bulshada rayidka ah oo
sheegay in aan waqtigaan loo
baahneyn colaad..
-
Shirkii Balcad oo qorshihii hore
laga bedelay laguna koobay
Xaflad Qado-Sharafed
W/D Amiin yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
Kulan
ka dhacay Degmada Balcad
Qanyare
“Ilaah ha ka qabto shacabka Itoobiya iyo dabadhilfkeeda”
Shiikh
Xasan Daahir Aweys “Dawlad Alle la dirirsan yahay ma
soconeyso ee waa…
Yuusuf
Indha cadde “ Jowhar sida uu Maxamed dheere ka yahay baa
maanta ka ahay Balcad”
Waxaa
maalintii shalay ahayd Magaalada Balcad ee Gobalka Sh/dhexe
isugu yimid xubno ka tirsan labada gole uuna horkacayay
guddoomiye ku xigeenka Golaha Baarlamaanka Cismaan Cilmi
Boqore, waxaana kulankaan ka qaybgalay Wasiirada hubeysan ee
Dowladda oo ay ka mid yihiin Muuse Suudi oo marti loo ahaa,
Max’ed Qanyare Afrax, Cismaan Xasan Cali Caato, Barre Aadan
Shire Hiiraale, Max’ed Ibraahim Xaabsade iyo Cumar Finish ,
waxaa kalloo kulankaan ka qaybgalay guddoomiyaha Gobalka Sh/hoose
Yuusuf Max’ed Siyaad (Indha-Cadde), Guddoomiyaha shuurada
Maxkamadda Islaamiga ah ee Ifka Xalane Sh. Xasan Daahir
Aweys iyo guddoomiyaha degamada Afgooye Xuseen Cali Weheliye
Cirfo iyo siyaasiyiin kale, waxaana kulankaasi ugu horeyn ka
hadlay wasiirka ganasiga Muuse Suudi Yalaxow oo sheegay in
kulankaani uu yahay looga hadlayo arrimaha dalka, wuxuuna
gebagabo u ahaa kulamo maalmahan xubnaha labada Gole uga
socday Magaalada Muqdisho kaasoo laga soo saaray qodobo
muhiim ah. Waxaa kalloo ka hadlay wasiirka amniga Qaranka
Max’ed Qanyare Afrax oo isna sheegay in laga hortago
hagardaamada Dowladda Itoobiya waxa uuna Illaah ka baryay in
shacabka Soomaaliyeed uu ka qabto Itoobiya iyo
daba-dhilifyadeeda, mana carabaabin Max’ed Qanyare Afrax
ragga uu ku tilmaamay daba-dhilif isagoo ku gaabsaday
shacabka ayaa garanka kara, wuxuuna sheegay in Madaxweyne C/llaahi
Yuusuf uu ciidamo ka keenay Gobalada Puntland, isagoo
sheegay in la garan karo in ciidankaasi ay yihiin ciidan
duulaan ah, wuxuuna u soo jeediyay dhalinyarada ku xareysan
xeryaha ku yaala Jowhar in ay halkaasi isaga cararaan,
xubnihii kale ee halkaasi ka hadlay waxaa ka mid ahaa Barre
Hiiraale oo sheegay in khilaafka u dhexeeya xubnaha dowladda
loo baahan yahay in lagu dhameeyo wada hadal iyo is afgard,
waxaan kallo ka hadlay Axmed Cumar Jees oo shacabka
Soomaaliyeed ugu baaqay in ay ka digtoonaadaan caddowga
ummaadda Soomaaliyeed, sidoo kale waxaa ka hadlay Cumar
Maxamuud Max’ed (Cumar Finish) oo isna soo jeediyay in
khilaafka lagu dhameeyo is faham. Waxaa kalloo ka hadlay
Shiikh Yuusuf Indha-Cadde oo yiri “Max’ed Dheere sida uu ka
yahay Jowhar ayaa anna manta ka ahay degmada Balcad, waxaana
manta wada joognaa Gobalka Sh/dhexe”. Kulankaan oo ku
dhamaaday is afagarad ayaa sidoo kale waxaa ka hadlay
guddoomiyaha ku xigeenka Golaha Baarlamaanka oo sheegay in
aysan Balcad u imaan in ay ku duulaan koox kale, balse ay u
yimaadeen marti-qaad uu u fidiyay wasiirka ganacsiga Muuse
Suudi Yalaxow
Shiikh Xasan Daahir Aweys uu ka mid aha
Culuma’u-diinkii ka qaybgalay kulankii Balcad ee shalay
isugu yimaadeen xubnaha labada Gole ayaa wuxuu sheegay in
hoggaamiyaasha Soomaaliyeed looga baahan yahay in shacabka
ku hoggaamiyaan dariiqa toosan ee Alle jideeyay.
Shiikh Xasan Daahir Aweys waxa uu u soo jeediyay
hoggaamiyaasha iyo shacabka Soomaaliyeedba in ay Alle la
heshiiyaan oo ay talo saartaan, wuxuuna sheegay in Dowlad
Rabbi la dirirsan yahay aysan marnaba socon doonin, ee waa
in Alle lala heshiiyaa.
Waxa uu sheegay in Maxkamada Islaamiga ay yihiin
kuwo ka shaqeenaya nabadgelyada taasoo uu sheegay in si aad
ah u dareemeen shacabka Soomaali-yeed wax qabadkooda
muddadii koobneyd ee ay jireyn.
Jinni
Boqor “ Cabdulaahi Yuusuf Fursad buu helay balse kama
faaiideysan “
Xildhibaan
Cabdi Cabdule Siciid (Jinni Boqor) oo aan wareysi dhinacyo
badan taabanaya kula yeeshay Hotel Ambassador ayaa ka hadlay
khudbaddii uu Madaxweyne C/llaahi Yuusuf ka jeediyay Golaha
Amaanka, ujeedooyinkii ay u yimaadeen Col. Barre Hiiraale
iyo Xaabsade, waxyaabihii u qabsoomay xubnaha labada Gole
intii ay joogeen iyo imaanshaha Ra’isul wasaare Cali Max’ed
Geedi ee Muqdisho waxa ay ka bedeleyso xaaladda murugsan ee
Soomaaliya. Xildhibaan Jinni Boqor ayaa ugu horeyn
hadalkiisa ku bilaabay in khudbaddii uu ka jeediyay
Madaxweyne C/llaahi Yuusuf Golaha Amaanka ay ahayd fursad uu
helo nin hadlaa hadalkii uu jeedin lahaa, laakiin kama
hadlin wax uu xaq u lahaa, sababtoo ah waxaa halkaasi ku
sugnaa in ka badan 160 Madaxweyne, waana ninka kaliya oo ka
hadlay in loo fasaxo hubka, halkii laga rabay in uu la
dagaalamo Faqriga, Gaajada, Jahliga, Arrimaha xaquuqda
aadanaha iyo dhibaatooyinka Dadka Soomaaliyeed loogu gaysto
dunidda dacaladeed, waxayna dadka Soomaaliyeed ku jiraan
xabsiyada adduunka, iyagoo dhibaatooyin kala duwan ay
halkaasi ku hayso, Dadka Soomaaliyeed ma haystaan sinaantii
xaquuqda aadanaha ee ay kula sinaayeen Adduunka kale,
waxaana noqonay wax aadanaha u eg, laakiin xaquuqdii
aadanuhu uu lahaa aanu haysan. Xildhibaana Jinni Boqor oo
hadalka sii wata ayaa intaasi ku daray in Madaxweynuhu uu
lumiyay fursaddii ugu weyneyd oo nin hadlaa uu helo, waxaana
aaminsannahay khudbaddii uu halkaasi ka jeediyay, haddii aan
wakiilan lahayn Nalsan Mandeela, madaxda shirka joogta waa
inoo garaabi lahayd iyagoo ooyaya, balse taasi ma dhicin,
sababta ku kaliftay Madaxweyne C/llaahi Yuusuf inuu
hadalkaasi meesha ka jeediyo waxay ahayd markii uu
doorashada ku jiray ayaa maskaxdiisa ku qunfulnayd in aan
wax aan ciidan ahayn iyo xoog Soomaaliya wax looga qaban
Karin. Mar uu ka hadlaayay Xildhibaanku Imaanshiyaha Cali
Max’ed Geedi ee Muqdisho wuxuu yiri xildhibaan Jinni Boqor
“Cali Max’ed Geedi kama ahan in siyaasaddii uu wax ka
bedelay ee waxa uu doonayaa in qaldo ra’yul caalamka Dunida
si uu dhaqaale ugu helo, kamana tanaasulayo ujeediyooyinkii
siyaasadeed.
Max’ed Dheere
“François dhex dhexaad kama ahan arrimaha soomaaliya
Maxamed Cumar Xabeeb (Maxmed Dheere) oo
ah Guddoomiyaha siyaasadda ee Gobalka Sh/dhexe oo shalay
shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Jowhar ee xarunta u ah
qaar ka tirsan Dowlaadda Soomaaliya wuxuuna eedeyn u
jeediyay wakilka Qaramadda Midoobay ee Soomaaliaya François
Fall iyo Wasiirka amniga Qaranka Mamxed Qanyare Afrax
wuxuuna sheegay in wakiilka uusan dhex-dhexaad ka aheyn
arrimaha Soomaaliya, taas uu sheegay in uu u hoggaansamay
hadaladii Maxamed Qanyare ee ahaa in hey’daha Samafalka ay
ka baxaan Gobolka Sh/dhexe. Max’ed Dheere ayaa sheegay in
Dowlada Federalka ah ay degan tahay meel aad amaan u ah,
taas oo uu sheegay in caalamka uu si aad ah u garteen. Mar
uu ka hadlaayay hadalkii Maxmed Qanyare ee ahaa qabashadda
Shirka Balcad wuuuna sheegay in Qanyare uusan ka hadli Karin
arrimo la xiriira deegaankaas, isgoo ku tilmaamay in uu
yahay nin aan nabadda jecleyn oo doonaya in uu iska horkeeno
bulshadda Soomaaliyeed ee nabadda ah, islana wada degan.
Waxaa kalloo uu sheegay in Max’ed Qanyare uu yahay nin
afuufaya colaad sokeeye waxa uuna uga digay arrimaha uu
haatan u ololeenayo. Sidoo kale wuxuu ugu baaqay dadka
deegaanka Balcad in aysan ogolaan in deegaankooda uu ka
dhacayo shir lagu carqaladeeyo nabadda Soomaaliya, taasoo uu
sheegay in ay keeni karto dhibaato hor leh.
Siyaasiyiin ka tirsan
beesha Mudulod oo ka digey shirka Balcad.
Maalintii shalay
ahayd ayaa Hotel Ramadaan ee Magaalada Muqdisho waxaa kulan
ku yeeshay siyaasiyin ka tirsan Beesha Mudulood kuwaasoo la
sheegay in intooda badani ay ahaayeen siyaasiyiin ka tirsan
Dowladda Federaalka waxaana looga hadlay shirka maanta ka
dhacaya Magaalada Balcad iyo hadalkii ka soo yeeray Wasiirka
Amniga Qaranka ee Dowladda Federaalka Max’ed Qanyare Afrax.
Xildhibaan Hilowle
Iimaam Cumar oo ka hadlay kulankaasi ayaa waxa uu sheegay in
Beesha Mudulood aysan raali ka ahayn in wixii Qaranka
Soomaaliyeed wax u dhimaya lagu qabto deegaankooda, isagoo
uga digay xubnaha wada kulankaasi in wixii dhibaato ah ee
halkaasi ka yimaada mas’uuliyadeeda ay dusha u radan doonaan.
Mar uu ka hadlayay
hadalka Max’ed Qanyare Afrax waxa uu sheegay in hadalkaasi
uu yahay mid wax u dhimaya nabadda soomaaliyeed, isagoo
sheegay in Qanyare uu hilmaansan yahay in shacabka
Soomaaliyeed ay yihiin kuwo isku dhaqan ah isku Diin ah isku
af ah oo aan loo baahnayn in waqtigaan la kala geeyo.
Sidoo kale waxaa
halkaasi ka hadlay xildhibaana C/llaahi Geedi Shadoor oo
isna sheegay in Max’ed Qanyare uu yahay nin doonaya in iska
horkeeno bulshada Soomaaliyeed isla markaana hurinaya dagaal
sokeeye sidoo kale waxaa ka hadlay xildhibaan Xuseen Caraale
Caddaan oo isna sheegay in Max’ed Qanyare uu yahay nin
afuufaya colaad, balse ha ogaado Qanyare in colaadaasi ay
ugu imaan doonto deegaankiisa, wuxuuna u soo jeediyay dadka
deegaanka in ay ka hortagaan falkaas.
Xildhibaan Xuseen Caraale
Caddaan “Colaada uu hurinaayo Qanyere waxay ugu imaan
Dayniile..
Xildhibaan Xuseen
Caraale Caddaan oo ka mid ah xildhibaanada ka soo jeeda
beelaha Mudulood ayaa waxa uu yiri “Ma ahan wasiirka amniga
Qaranka Max’ed Qanyare Afrax colaad abuuro balse waxaa laga
doonayaa in uu ka shaqeeyo nabadda”.
Xildhibaanka ayaa waxa uu sheegay in wasiirka amniga qaranka
hadalka uu ka sheegay idaacadaha in maalinta Axda ah la
tagayo Balcad, wuxuu ahaa hadalkaasi mid uu ku fududaaday
wasiirku, sababtoo ah Balcad waa guri nabadeed, laakiin
wasiirka amniga waxa uu doonayaa in ay noqoto Balcad guri
colaadeed, “markaad guri nabdeed dab ku qabato, gurigaaga
ayuu kuugu imaanayaa” ayuu yiri xildhibaan Xuseen Caraale,
wuxuu kalloo intaa ku daray “Max’ed Qanyare haddii uu Balcad
nabad daro ka abuuro, garoonkiisa Deyniile ayay ugu
imaaneysaa nabad darida uu abuurayo”.
Ummadda Soomaaliyeed way ka bisishahay waqtigii 1991-dii oo
loo qaybinayay Madfaca, iyagoo rumeysanaya in lagu soo
duulay, ugu dambeyntiina xildhibaanku waxa uu u soo jeediyay
Ma’xed Qanyare in in uu joojiyo colaadda uu abuurayo uuna ka
shaqeeyo nabadda iyo isku soo dhawaanshaha bulshada, isagoo
sheegay in dagaal aan wax xal ah lagu gaari karin.
Beesha
Dirta Koonfureed oo dooratay Gudoomiyaha Golaha Guurtida ..
Kulan ballaaran oo ka dhacay
Magaallada Muqdisho ayaa waxaa isugu yimid Salaadiinta,
Aqooyahan-nada, Culimaa'udiinka, Haweenka iyo dhalilnyarada
Beelaha Dirta Koonfureed, waxaana kulankan oo si aad ah loo
soo abaabulay lagu dhisay Gole Guurti cusub oo ay yeelan
doonto Dirta Koonfureed.
Dood dheer iyo falanqeyn
kaddib waxaa Guddoomiyaha cusub ee Golaha Guurtida Beelaha
Dirta Koonfureed loo doortay Prof. Cabdiraxmaan Macalin Caddoow
(Food Cadde), Guddoomiye ku xigeenka 1-aad loo dooratay
Xuseen Geeddi Jimcaale, Guddoomiye ku xigeenka labaad waxaa
loo doortey Xuseen Geeddi Rooble , halka Xoghayaha Guudna
loo doortay Mudane Bashiir Isaaq Cabdulle.
waxaa kale oo kulankani
lagu dhisay Guddi Fulin waxayna kala yihiin
Maxamed Mursal Cabdi Xubin
Maxamed Shiikh Sabtow Xubin
Macalin Barre Xubin
Mukhtaar Macalin Cismaan Xubin Aadan Macalin Cali Xubin
Cabdalla Cali Maxamed Xubin Aweys Nuur Axmed Xubin Cabdi
-yare Jaamac Xubin Cabdiraxmaan Xuseen Xaaji Xubin Maxamuud
Maxamed Madoobe Xubin Saciid Maxamed Luqmaan Xubin Ibraahim
Maxamed Noolow Xubin Cabdi Saalax Nuur Xubin Axmed Diiriye
Ismaaciil Xubin Golaha
dhexe Guurtida oo isna ka kooban 57-xubnood, iyadoo Golaha
Guurtida Beelaha Dirta Koonfureedna uu la socon doono
howlaha abaabulka, wacyigelinta dib u heshiisiinta iyo in uu
gaar ahaan beesha iyo shacabka Soomaaliyeedba uu u horseedo
horumar.
Dhamaan mas'uuliyiintii
kulankani aadka u weyn isugu yimid ayaa waxa ay isku raaceen
in Prof. C/llaahi Max'ed Caddoow uu yahay ninka keliya ee u
qalma in uu qabto xilkani, iyagoo ku tilmaamay in uu yahay
nin xil kas ah howshiisana si daacad ah u gudan doona,
waxaana kulanka ugu horreeya ee Golaha Guurtida Beelaha
Dirta Koonfureed uu isugu imaan doonaa maalinta Isniinta ah
haddii EEBBE idmo
Golaha Bulshada rayidka ah
oo sheegay in aan waqtigaan loo baahneyn colaad..
“Nabaddu waa
furaha nolosha, waana wadada lagu gaaro horumarka ay bulsho
kastaa ua dheereyso kuwa kale, sidaa darteed waa in qof
walba uu dhankiisa uga dadaalaa sidii himilada nabaddu u
noqon lahayd mid waarta” sidaa waxaa lagu yiri
warsaxaafadeed uu soo saaray Golaha Bulshada Rayidka
Soomaaliyeed (Somali Civil Society Congress) oo uu ku soo
beegay maalinta 21-ka September oo ah maalinta nabadda
adduunka.
Golaha Bulshada
Rayidka ah waxa uu ka degayaa abaabulada dagaal oo dalka dib
looga curinayo, oo waliba xubnaha loo doortay in shacabka
Soomaaliyeed badbaadiyaan ayna ka shaqeeyaan nabadda iyo
horumarka shacabka.
“Shacabka
Soomaaliyeed uma baahna labo Dowladood, labada Baarlamaan,
mana ahan wax Adduunka ka jira hadalada raqiiska ah ee dadka
mas’uuliyadda sheeganaya ay warbaahinta la dhex taagan
yihiin afar labaatanka saac” ayaa lagu yiri
warsaxafadeedkaasi, wuxuuna u soo jeediyay saxaafadda in ay
joojiyaan ka qayb-qaadashada hurinta colaadaha sokeeye, kana
qayb-qaataan nabadeynta bulshada Soomaaliyeed, waxaan
warsaxaafadeedkaan ku saxiinaa Drs. Xaliimo Cali Nuur oo ah
Guddoomiyaha ku xigeenka Golaha Bulshada Rayidka ah.
W/D Amiin yuusuf Khasaaro
E-Mail
amiinkhasaaro@hotmail.com
###
Shirkii Balcad oo qorshihii
hore laga bedelay laguna koobay Xaflad Qado-Sharafed
Wasiirka Ganacsiga Dawlada
Fedaraalka KMG-ah ee Soomaaliyeed Muuse Suudi yalaxoow,
ayaa shaaca ka qaaday in kulanka lagu qaban doono
maalinta Axada Deegaanka Balcad uu yahay Xaflad loogu
magac daray Qado Sharafeed loo sameynayo dhamaan Xubnaha
Golaha Dawlada iyo Baarlamaanka ee ku sugan Magaalada
Muqdisho.
Xafladan qado sharafeedka
ah ayuu Wasiirku ku tilmaamay mid lagu soo dhaweynayo
Xildhibaan Ibraahim Xaabsade,Wasiirka Dib-udhiska iyo
Dib-udejinta Bare Hiiraale iyo General Xirsi Morgan oo
uu sheegay in ay mudooyinkan ku sugnaayeen Magaalada
Muqdisho,ayna xafladaan la mid tahay tii dhawaan loogu
qabtay Deegaanka Deyniile sadexdan Mas,uul.
Hadaba waxaa maalmahan la
isla dhex marayey in Magaalada Balcad lagu qaban doono
shir balaaran oo lagu xoojinayo kii dhawaan lagu dhisay
deegaanka Baraawe,balse cadaadis ka yimid dadka
deegaanka Balcad ayaa qorshihii loo bedelay in loogu
magac daro Qado sharafeed.
Gudoomiyaha Xamar iyo
Xamar-Daye Macalin Maxamed Xaashi oo ay
Maleeshiyaadkiisu gacanta ku hayaan goobta shirka lagu
qabanayo ayaa xaqiijiyay in Degmada Balcad lagu casumay
dhamaan Xubnaha labada gole ee ku sugan Magaalada
Muqdisho,isla markaana la isku afgartay in laga
foojignaado wixii sababi kara gacan-kahadal dhex-mara
Beelweynta Mudulood,Macalin Xaashi ayaa isagu ka soo
horjeeday markii hore in shir lagu qabto Magaalada
Balcad,balse waxa uu sheegay maadaama la soo ogeysiisay
in kulanka Balcad uu ku kooban yahay oo keliya Xaflad
Qado,markaas waan u fasaxnay in ay ka soo
qeyb-gelikaraan Xaflada loogu magac daray
Qado-Sharafeedka ayuu yiri Gudoomiyaha Xamar iyo
Xamar-Daye Macalin Xaashi.
Xafladan ayaa la
rajeynayaa in ay ku dhamaato sidii loogu
tala-galay,maadaama uu carabka ku adkeeyay Wasiirka
Ganacsiga Muuse inuusan la dagaalsaneyn qolooyinka
Jowhar ku sugan iyo qolo meel kale joogta intaba,wuxuuna
cadeeyay in Xubnaha ku sugan Jowhar iyo Balcad ay yihiin
dad walaalo ah,wax abaabul dagaal ahna uusan ka sameyn
doonin deegaanka uu asal ahaan ka soo jeedo.
Sidoo kale Gudoomiyaha
Gobolka Sh/Dhexe Maxamed Dheere oo wax laga weydiiyay
kulanka Axada ka furmaya Magaalada Balcad ayaa yiri:
"ANIGU SHAQO KUMA LIHI
SHIRKA KA DHACAAYA BALCAD,WUUNA DHICI KARAA CID U DIIDI
KARTAANA MA JIRTO MEESHAASI MUUSE AYAA XUKUMA CIDII UU
DOONANA WUU KU MARTI SOORI KARAA"ayuu ku jawaabay
Maxamed Dheere.
Dhinaca kale xiisadii
gacan-kahadalka ee la filayey in ay ka dhici doonto
deegaanka Balcad ayaa qaboowday kadib markii uu Muuse
Suudi xaqiijiyay in kulanka lagu qabanayo Balcad uu
yahay Xaflad Qado oo loo sameynayo Xubnaha Golaha
Dawlada iyo Baarlamaanka ee kusugan Muqdisho.
Wasiirka Amniga Qaranka
Maxamed Qanyare Afrax ayaa shaki laga muujiyay in uu ka
soo qeyb geli doono Xaflada Qadada,maadaama ay shalay
warbaahinta Muqdisho ay hadalo kul-kulul isku
dhaafsadeen qaar ka mid ah qaban-qaabiyaasha Xaflada oo
uu ka mid yahay Gudoomiyaha Xamar iyo Xamar-Daye Macalin
Maxamed Xaashi.
Kulankan Qado Sharafeedka
loogu magac-daray, ayaa ka dhici doono sida aan wararka
ku heleyno Warshadii hore ee Dharka soo saari jirtay, oo
iyadu ah Warshada keliya ee ku taal Koonfurta Soomaaliya
ee ka bad-baaday in la bililiqeysto.
Xuseen Yaasiin Gode-Gode.
Faafin: SomaliTalk.com | Sept 25, 2005
Puntland
oo Guddi u Direysa Jawhar
si ay Arrimaha "Shirkada Consort" ugala
soo Xaajoodaan DFKMG, waxaana guddigaas soo magacaabaya...
Guji
Fartuun
Sheikh iyo Ayeeyadeed oo Laga Sii Daayey Xabsiga Nairobi
Sidaas waxaa shaaca ka
qaaday warsaxaafadeed ka soo baxay xafiiska senator Coleman..
Guji...
|