SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - DOXA, QADAR
JIDKA DHEER EE AAN USOO MAREY MARKII AAN SOO GALAYEY…

Qaybtii 3aad

Qore: Al-Hassan | abuzuhri1@hotmail.com  

Summarkaas oo dhan markii aan xaafadii kulaabtey ayaan sii waday barashada Diinta Islaamka. Makaatibta ayaan baaraa, waxaana kala niqaashi jirey saaxibadey.

Saaxibadey laftooda waxay ahaayeen dad diin raadinaya. Badankooda waxaay raadinayey diimaha Easternka ah sida Budhism iyo wixii lamid ah. Waxaay fahmeen inaan wax raadinaya. Waxaay kufarxeen inaan heley wax aan kunasto maadama uu dheeraadey Diin raadinteyda. Waxay isweydiyeen bal sida Islamku wax ugu taridoona noolasheyda kadumar ahaan iyo anigoo ah gabar reer Californian ah iyo sida uu noqondoona xariirka naga dhexendoona aniga iyo reerka naga oo ay u’arkayeen inuu xumaandoona haddii aan Diintaan galo.

Markii uu Islamku sifiican qalbigeyga ugalay ayaan bilaabey inaan raadiyo Islamic Centers wax meelahaan kadhow; haseyeeshee kii ugu dhawaa wuxuu noqday San Francisco. laakinse waan kabaaqdey gaari la’aan iyo shaqadeyda iyo buseska meesha aada ayaan isku waqti aheyn. Halkii ayaan kasii wadey baaritaankeygii.

Marka ay timaado wada sheekeysi, waxan kala sheekeysan jirey qoyska naga. Waxaan xasuusta maalin anagoo film daawaneyna kusaabsan Eskimos ayaa waxaay yirahdeen: “ Eskimosku waxay leeyihiin in kabadan 200 erey oo kusaab kalibadaBaraf waayo barafku qaybweyn buu kuleeyahey noolashooda”.

Goor dambe oo habeynkii kamid ah ayaa labilaabey in laga hadlo sida luuqadaha aduunku uleeyihiin ereyo badan sheyga ugu muhiimsan nooshadooda. Aabahey ayaa soo booday oo sheegey inaay Mareyku isticmaalaan kalimado farabadan marka ay kahadlayaan lacagta (money). Markaas ayaan aniga soo booday oo ku iri: “Ma ogtahey Muslimiintu inaay Allah(God) uyaqaaniin 99 magac; waxaan umaleynaya inaay muujineyso muhiimada ay uleedahey noolashooda”.

Markii iigu horeysay ee aan schoolka kulaabtey waxaan xooga saarey sidii aan kula xariirilahaa masaajid kuyeela koonfur-bari Portland. Waxaan weydiistey magaca gabar muslim ah oo aan laxariiro. Waxa la’isiiyey gabar mareykan Muslim ah magaceeda. Isla usbuuciiba waxaan ugu tagey booqasho gurigeeda. Markaan waxyar wada hadalneyba, waxay fahantahey inaan horey u muslimay.Waxaan usheegey inaan raadinaayey oo kali ah qof igu hogaamiyo Cibaadada camaliyan (practicalities) ahaan iyo waxyaabaha looga baahanyahey gabarta muslimka ah, tusaale ahaan sida loo tukada. Book waan ka aqriyey laakinse waan fahmi waayey sida loo sameeya. Dhowr jeer ayaan isku dayey oo aan kutukuday luuqada Englishka, hadana waan ogaa inaaysan sax aheyn salaadaas.

Gabadhii ayaa igu casuumtey meel lagulahaa wanqal(Caqiiqaha).Waxaan wada aadney meeshii caqiiqada. Markaan arkey gabdhihii muslimiinta ahaaba qalbiga ayaa ii dagay, aadna waay ii soo dhaweeyeen habeynkaas. Shahaad ayaan kudhuwaaqey gabdha yar hortood. Waxay ibareen sida loo tukada. Waxay kasheekeeyeen sida ay diinta kusoo galeen . Qaar badan oo kamid ah waxay ahaayeen American soo muslimay sideyda oo kali.

Habeynkaas waxaan meesha katagey anigoo dareemaya inaan bilaabey noolal cusub. Wali waxaan daganaa college oo muslimiinta aad bay iiga fogaayeen. Waxaan soo raaci jirey 2bus marka aan doonaya inaan utago gabdhaha ama Masaajidka.

Islamarkiiba waxaa kala go’ay xariirkii aan lalahaa gabdhahii aan bartey. Waxaay dantu igu qasabtey inaan aniga isdabaro oo aan wax isbaro.

Dhowr jeer ayaan isku dayey inaan masaajidkii kulaabto haseyeeshe waxaan garanwaayey saacadaha laysu yimaado. Marar badan ayaan imaanaya bal inaan masaajidka kaqaato Book laakinse waxaan imaadaa ayadoo ay rag kabuuxaan. Maalinbaan damcey inaan aado Salaadii Jumca ee iigu horeysey haseyeeshe raggii ayaan kawaayey meel aan kamaro.

Ugu danbeyntii waxaa la’ii sheegey inaay dumarku kulmaan maalmo kooban sida galabta Sabtida ah. Runtii aad baan uyara niyad jabay laakinse waxaan go’aansadey inaan samro oo aan kaligey wax isbaro.

6bilood kadib markii aan Islaamka soo galey, ayaa waxaa yimid Ramadankii iigu horeeyey. Waxaan aad ugu fikirijirey arimaha kusaabsan bal inaan xijaab xirto iyo inkale. Waxaay ila aheyd talaabo cabsileh walow aan iska yara asturnaa .Garbaxa waxaan kuxirtey qimar(headscarf).Gabadhba waxay igu tiri waxaad sameysaa: “Qimarka garbaha kuu saran madaxa saar”. Markii iigu horeysey ma’aan jecleysan waayo Iimaankeyga ayaan heer hoose maraayey.

Waxaan gadaal dambe kafahmey micnaha uu leeyahey Xijaabka iyo sababta loo xirto. Waxaan jeclaaday gabdhaha xijaabka qabo. Waxaan u’arkey inaay yihiin gabdho Diin iyo Alle-kacabsi leh. Waxaan ogaa haddii aan xirto inaay dadku iweydindoonaan su’aalo farabadan oo aan kajawaabi karin.

Wax waliba way isbadaleen markuu Ramadan soo galey. Maalintii koobaad ee bisha Ramadan waxaan schoolka kutagey Xijaab. Alhamdullilaahi, wixii intaas kadanbeeyey iskamad qaadan Xijaab. Ramadankii ayaa sii xoojiyey Islaamkeygii iyo inaan kufaano Diinteyda.Waxaan isu diyaariyey inaan ujawaabo su’aal kasta oo la’iweydiyo.

Waxaan dareemey cidlo iyo inaan ahey go’doon Ramadankii iigu horeeyey. Qof muslimiinta kamid ah oo isoo wacey majiro.

Afurka waxaan heshiis xaga afurka ahi lagaley qolooyinka schoolka waayo xiliga aan afurayo ama saxuuranayo jikada mafurno. Waxaa la’iga ogalaadey in cuntadayda kuqaato bac oo aan ku dhigto faranjeerka schoolka oo aan waliba kala bixi karo xiliga aan doona.

Markaan muslimay ayaan usheegey reerka nagii haseyeeshe lama aaney yaabin waayo waay arkaayeen inaay taasi mar un imaandoonta su’aalihii aan weydiiyey iyo saansaankeyga intaba. Way soo dhaweeyeen go’aankeyga sidii ay usoo dhaweeyeen howlihii aan uqaban jirey kaniisada, waxayna u’arkeen inaay daacad iga tahey.

Waxay waxooga yara dideen markii aan Xijaabka bilaabey,waxaayna ufahmeen inaan dadka iska xirxiraya oo ay taasi keenidoon in lay midab sooca(discriminated) oo aan markaasi sii wadan waayo ujeedooyinkeyga xaga mustaqbalka. Iyo in lagu ceebeeya marka la’arko anigoo lasocda.

Xijaabka waxaay u’arkeen mintidnimo(radical). Waxba kama qabaan inaan Diin kaduwan dooda gala laakinse aaney sidaasi usii badalin noolasheyda oo dhan.

Waxaa taasi ugu darneyd markii aan go’aansadey inaan guursado. Waxaan dib ula xariirey Faris, yarkii Falestiinka ahaa ee katirsanaa Conversation Group, islamarkaasna ahaa qofkii uhoreeyey ee Islaamka igu dhaliyey.Wuxuu wali kusugnaa Portland oo college kasiiwadey. Dhowr jeer ayaan wada kulaney.Wax yar kadibna waan isguursaney.
Qoysnagii arintii ayey kabiyo diideen. Ayagoo markii horaba kacaga jiidaya Xijaabka ayaa waxay u’arkeen inaan ceeb horleh usoo jiidey. Waxay kamurmeen da’da aan ku guursadey inaay suurto gal aheyn. Sidoo kale waxay la’aheyd inaan hooyo noqondoona oo aan schoolka kabixidoona oo taasi keeneyso mustaqbalkeygii oo dhan inuu halis galidoona. Muran xun ayaa nadhexmarey kusaabsan arintaan. Waxaan kabaqey inuu xumaada xariirkanaga oo uu gaaro heer aan kala go’ana.

Aniga iyo Faris waxaan usoo gurney Corvallis, Oregan. Waxaan ladegney bulsho muslim ah oo xoog badan.Sanadkii lasoo dhaafey ayaan qalinjabiyey(with a degree in child development). Dhowr shaqo ayaan soo qabtey walina ma’arag wax igu dhibo xijaabka.

Ninkeyga Insha’Allah sanadkan ayuu qalin jabindoona. Reerkanagiina dhowr jeer ayaan sanadkii booqana. Sidoo kale reerka Farisna waan isbaray. Luuqada Carabigana waan bilaabey.

Reerkanagii waxaas oo dhan ayey daawanayeen. Waxay arkeen inaan noolasheydii burburin. Waxaay arkeen inuu Islaamka ii kordhiyey farxad aan murugo iyo tiiraanyo midna laheyn. Xariirnagiina wuxuu ku soo noqdey caadi. Bisha dambe ayaan doonaya Insha’Allah inaan soo booqda.

Allah ayaan kumahadinaya Insha’Allah. Intaasna waxaa kudhan jidkii dheeraa ee aan Diintaan usoo marey.

Walaashiin C.Huda Dodge

Asalaamu Aleykum?


Al-Hassan.
abuzuhri1@hotmail.com

-dhammaad-

ISHA QORAALADAN: www.islammessage.com

Kulaabo Qaybtii 1aad


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 10, 2003

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD