SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - DOXA, QADAR
JIDKA DHEER EE AAN USOO MAREY MARKII AAN SOO GALAYEY…

Qaybtii 2aad

Qore: Al-Hassan | abuzuhri1@hotmail.com

KAAH

Markaan 14 jirsadey, ayaan heley shaqadii iigu horeysey (ice cream store).Lacagtii ugu horeysey ee aan soo qaatey(walow ay aad uyareed) waxaan udirey urur layirahdo Foster Parents Plan (magaca iminka waa iska badaleen). Waxaay hayeen caruur masaakiin ah dibidaha laga caawiyo .

4sano oo aan dhiganayey dugsiga sare, waxan sponsor ka ahaa wiil yar oo Misri ah (Egyptian) oo layirahdo Sheriff. Bil kasta waxaan udiraa qayb kamid ah lacagta aan soo qaato, waxaana isdhaafsan jirney waraaqaha. (Waraaqadaha wuxuu kusoo qoraa af carabi. Markaan iminka dib u eego, waxay la’aheyd inuu lahadlayo qof qaan gaar ah. Ma oga inuu lahadlayo gabar 5sano oo kali ah kaweyn isaga). Wuxuu ahaa 9 jir. Aabihiis wuu dhintey, hooyadiisna waay xanuunsaneyd oo mashaqeyn karin. Wuxuu lahaa labo wiil oo walaalo ah oo kayar iyo gabar da’deyda oo kale ah.

Waxaan xasuusta mar uu waraaq ii soo direy anigoo markaas 16 jir ah, isagoo aad ufaraxsan. Wuxuu ii sheegey in walaashiis kaweyn lasoo dooney! Waxaan isweydiiyey: “Aniga ayey igu da’a tahey waana lasoo dooney!!!” Waxaay iila muuqatey waxaan macquul aheyn.

Kaasi wuxuu ahaa xariirkii ugu horeeyeye ee aan layeesho qof muslim ah. Dhanka kale waxaay kaqeyb qaadan jirey howlaha schoolka(school activities). Waxaan luuqada Englishka bari jirey ardeyda katimaada Central America, group la oranjirey “Students for Social Responsibility,” Waxaan lacag u aruurin jirney ciyaalka yar yar ee reer Nicaraguans iyo Kenyans ee aan iska bixin karin wax barashada schoolka ee kunool tuulooyinka fog-fog. Waxan kaqeyb qaadan jirney mudaharaadyada looga soo horjeeda nuclear (waayo wuxuu ahaa cabsida guud ee markaas jirtey)

Ardey fransis ah (French) ayaan ku casuumi jirey gurigeyga si’aan fikrado isu dhaafsano.Waxa kale oo aan lahaa saaxiib aan waraaqaha kuwada xariirna(pen pals) caalamka oo dhan.

Sanadkii iigu danbeeyey ee schoolka waxaan martagaliney group layirahdo: “Children of War” oo ahaa dhalanyaro ka kala timid wadama S.Africa, Gaza Strip (Palestine),Guatemala iyo wadama ay aafeeyeen dagaalada, kuwaas oo booqashooyin kukala bixinayey wadamo aduunka kamid ah ayagoo kasheekeynaya dhibaatooyinka soo marey iyo sida ay nabadgalyada udoonayaan. Labo kamid ahi waxaay joogeen gurigeyga, mus’uulkii kooxda oo Nicagragua kayimid iyo wiilyar oo S.Africanka madow ah.

Summerkii kuxigey waxaan shaqo volunteer ah kaheley San Francisco (Tenderloin district),waxaan afka Englishka udhigayey dumar qaxooti ah.Waxa ardeydaas kamid ahaa labo gabdhood oo layirahdo Fatimah iyo Maysoon.Waxay ahaayeen Chinese muslimiin ah oo aan laqabin(widows). Kuwaani waxaay ahaayeen muslimiintii kale ee aan lakulmey waligey, inkasta oo aan wada hadlin waxbadan waayo luuqadooda Englishka oo aad uliitadey awgeed. Markasta oo aan lahadlo waay iska qoslaan.

Dhamaan howlahaas oo dhan waxaay ii sahleen inaan xariir layeesho aduunka kale(outside America), waxaa kale oo ay ii sahashey inaan kala barto dadyowga aduunka kunool oo dhan.

Intii aan schoolka kujirey , waxaa ii siyaadey labo arimood: Iimaan Allah (God) Iyo sidii aan udhaxgalilahaa dadyowga kale ee ka kala yimid wadamada kala duwan.

Markaan katagey guriga bal si’aan ugu biiro college kuyeelo Portland,Oregan, ayaan horey usii qaatey dareenkaan qeymaha badan iyo wixii aan gorarsadey . Waxaan bilaabey luuqadaha French iyo Spanishka waayo waxaan maanka kuhayey inaan maalin ay noqataba kashaqeyn doona meel samo fal ah ama dad soo jabey oo qaxooti ah caawindoona ama aan noqondoona macalin English ah.

Waxaan meel wada dagney labo gabdhood, midood waxaay katimid tuulada aan ka imid meel ujirta 10daqiiqo oo kali ah, tankalana waxaay aheyd 29 jir japanese ah, ana waxaan ahaa 17 jir.

Cidkale oo aan kagaranaayey schoolka majirin,sidaasi darteed ayaan isku dayey inaan kaqeyb galo howlaha bulshada ee schoolka kasocda bal inaan dad kabarto. Waxaan doortey inaan kubiiro labo group oo markaas kashaqeynayey waxyaabaha aan aniga xiiseeto oo kala ahaa: Campus Crusade for Christ (waa iska cadahey inaay christaan yihiin) iyo Conversation Group(waa urur ay ku kulmaan ardeyda Americanka ah iyo kuwa kayimaado wadama kale ee aan Englishka looga hadlin si’ay uxoojiyaan luuqadooda xaga Englishka ah). Waxan lakulmay ardeydii Crusadeka.Waxay ahaayeen dad aad ufiican oo qalbi furan laakinse badankoodu waxay ahaayeen dad ostentatious ah (faanbadan).

Waxan kulana maalinkasta oo Axmed ah.Waxan qaadna heeso diini ah. Usbuuc kasta waxaan tagijirney Kaniisad horleh oo magaalada kutaal. Kaniisad waliba waxaan ku aragna wax kaduwan tankale sidii kuwii hore ee aan kusoo arki jirey meeshii aan ka imid.

Booqashadii iigu danbeysey ee aan Kaniisad aado waxay aheyd mid kutaaley konfur-bari magaalada,waana tii igu dhalisey inaan kaharo kulamadii aan layeelan jirey Crusade group. Waxyaabaha layaabka leh ee aan Kaniisadan kusoo arkey waxay ahaayeen waxaan horey usoo arag.Koox music ah oo qalabkeedii udhanyahey oo inta gacmaha korka utaagan, indhahana isku qabtaan kuheesa “hallelujah”. Haseyeeshe saaxibadey aad bay ula dhaceen, waxaayna go’aansadeen inaay aadaan maalinkasta oo Axad ah. Jawiga waxuu ila noqday meel kafog Alle-caabudid sidaasi darted majecleysan inaan kunoqdo markale.
Waxaan jeclaadey kalinimada. Waxan bilaabey inaan ku dhex lugeeyo banaanka college ee quruxda badan. Intaan kuraasta banaanka kufariista ayaan fiir-fiiriya buurta layirahdo Mount Hood iyo ubaxyada geedaha. Sidaas ayaan ahaa sanadkii oo dhan anigoo maalinkasta dareemaya inaan Allah usii dhawaanaya, waxaana siinacaya kaniisada iyo howlaheeda.

Dhanka kale waxaan sii wadey kaqeyb galka Conversation Group ee ay ardeyda kala jinsiyada ahi isugu imaanjireen maadama ay qeyb ka aheyd barnaamajka college. Waxaan aheyn markaan 5 qof, aniga, nin talyaani ah, nin iyo naag Japanese ah iyo nin Falestiini ah.

Usbuucii labo jeer ayaan ku kulana qado si’aan English practice ugu sameyno. Waxaan kahadalna qoysaska naga, waxbarashada, ciyaalnimada wixii aan sameyn jirney iyo kala duwananta xaga dhaqanka iyo Diimaha.

Ninkii Falestiiniga (Faris la’oranjirey) ayaa bilaabey inuu kasheekeeyo dhaqankiisa iyo dadkiisa.Waxaan dib uxasuustey Sheriff, Fatima iyo Maysoon oo ahaa muslimiinta kale ee isoo marey hortiis.

Markii hore dhaqankooda, waxa ay aaminsanyihiin iyo qaab noolalaleedkooda oo dhan wuxuu ila ah wax qalaad. Wax ahmiyad ah masiin inaan barto. Haseyeshee markii aan wax ka akhriyey Islaamka ayaan jecleystey inaan u sii dhabo galo dhaqankan.

Teeramkii labaad(second term) ee schoolka ayaa waxa burburey kooxdii Conversation Group oo ardadii waxaa loo kala direy schoola kaladuwan.

Mawaadiicdii aan kawada hadlijirney ayaa horteyda yeela markasta.Waxaay igu reebtey raadweyn.

Sanadkii labaad waxaan isqorey class lagu barto Diimaha (Introduction to Islam). Classkan waxuu dib usoo nooleeyey shakiyadii aan horey ugu qabey Diinta Christanka.Waxaan jawaabo uheley su’aalo badan oo aan qabey. Waxan ogaadey inaan cidi loo heysan wixii uu Adam galey oo danbi ah. Waxan ogaadey in uu Adam Allah danbi dhaaf weydiistey oo uu udanbi dhaafey. Waxaa ii cadaatey inuusan Allah naga rabin in dhiig loo daadiyo (blood sacrifice) si’uu danbigeena udhaafo. Waxaan bartey in Allah danbidhaaf weydiisano si Ikhlaas ah kadibna qaadno tubta toosan. Waxaa la’iisheegey inuusan Ciise A.S. inuusan aheyn Ilaah ee uu ahaa Nabi ka mid ah Nabiyada Allah kuwaas oo dadka ugu yeerayey Diin kali ah: “Allah kaligiis caabuda cidkalana ha barbar dhigina”

Waxaan heley jawaabtii aan kuwareerey ee aheyd: “Ilaah sedex noqdey oo hadana hal ah(trinity)”, Bani Adam dhex galey Allah iyo isku qaskii(combinations). Waxaan bartey inuu Allah Caadil yahey ee uu na abaal marinayo hadba wixii aan geysano xumaan iyo wanaag .

Sharaxaada noocaan ah aad baan ugu qancay, qalbigeygana aad buu usoo dhaweeyey. Waxaayna ila noqotey wax aad usahlan oo shey kasta booskiis ladhigey. Waxaan u arkey inaay tahey Diintii aan waligey raadinayey.

Qaybta 3aad ka akhri halkan.....

Kulaabo Qaybtii 1aad


Al-Hassan.
abuzuhri1@hotmail.com


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 1, 2003

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis

mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...


XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya. Akhri



Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD