| FAALLO KUSAABSAN ITAXAADKA SOOMAALIYA
 Qaybta 1aad | 2aad
 BAARITAAN MUDDO DHEER QAADATAY oo SomaliTalk.com idiin soo bandhigeyso
  Waxaa
isku soo dubaridey: Fahad Yaasiin Xaaji Daahir
 editor@somalitalk.com
  December 27, 2002 "ITAXAADKU WAA HURDAAYEE YAAN NALAGU
TOOSIN:" sidaas waxaa yiri nin Soomaaliyeed oo
idaacad dhegeysanayey, sida aad gabagabada qoraalka ku arki doontid.
 Al-itaxaad
Al-islaami waa ururka kaliya ee Soomaaliga ah ee uu hadda naceb yahay Maraykanku,
xubnihiisuna ay Soomaali yihiin, waxa uu baaxad weyn ku lahaa meela badan oo
Soomaaliya ka mid ah, waxa uu qayb libaax ka qaatay faafinta Diinta Islaamka,
raggii aasaasay waxay ahaayeen ardaydii waxa ku soo baratay Jaamacadaha
Sacuudiga gaar ahaan kuweeda diiniga ah, waxaase hadda Maraykanku indho adag ku
eegayaa Itaxaadka, isagoo leh waa urur argagixiso ah oo ku lug lahaa weerarro
loo geystay Maraykanka. Hadaba si aan fikrad uga qaadanno ururkan aan u ka eegno
dhawr kan waji. 
   
        
          |   Choose kaah for confidence, convenience
& competitive, rapid, reliable & responsive
 |  . Muxuu ahaan jiray Itaxaadku. . Itaxaadka iyo aragtida Caalamku ka qabo: .   Itaxaadka iyo aragtida siyaasiyiinta Soomaalida: .  Hadda iyo Itaxaadka: 
   Muxuu ahaan Jiray Ururkan.
 Itaxaadku waa ururkii Soomaaliyeed ee ku
    dhisnaa Islaam-nimada, oo misana awood u helay inuu ka taliyo 3.Degmo oo
    kamid ah Soomaaliya, waa Luuq, Doolow, iyo B/Xaawo oo kawada tirsan Gobolka
    Gado. Itaxaadku waa ururkii awooday inuu isugu
    keeno hal xero tiro kabadan lix kun oo askari, iyadoo ay isu keentay xiriir
    caqiido ku dhisan, ee aan isugu iman isku xirnaan qabiil ama mid
    wadaniyadeed, waxayna markaa islahaayeen waxaad ku taagan tihiin tubtii
    saxda ahayd ee lagu badbaadin lahaa diinta iyo dalkaba. Itaxaadku waa ururkii isagoo muujinaya
    taageerada uu ka haysto shacabka Soomaaliyeed ku uruursaday hal mar ciidamo
    meelo ay u bixiyeen "Mucaskaraad", kana furay meelo badan oo ka
    mid ah dalka Soomaaliya, sida Kismaayo, Dhoobley, Luuq, B/Xaawo, Muqdisho,
    Marka, Qoryooley, Raas-kanbooni, Boosaaso, Laascaanood, Boorama, B/weyne,
    Laasqoray iyo meelo kale. Itaxaadku waa ururkii ka taliyey gobollada
    W/bari iyo Nugaal muddo ku dhaw 38.Saacadood, oo ahayd tii sababtay isku
    dhacii la baxay dagaalkii Bari ee dhexmaray Itaxaadka iyo S.S.D.F.ta. Itaxaadku waa ururkii kaliya ee hubeysnaa
    oo fursad u helay inuu gacanta ku dhigo 30.kamid ah xubnihii ugu waaweynaa
    jabhaddii ay markaa colka ahaayeen, "Waa qabsashadoodii Garawo"
    xiligaasna waxay xabsi u taxaabeen xubo ay ugu sareeyeen, Jen.Maxamed Abshir
    Muuse.iyo Col.C/Laahi Yuusuf Ahmed, Iyagoo kadib ku sii daayey Fatwa diimeed
    uu soo saaray "Sheekh C/Qaadir Nuur Faarax" (Gacamey) oo ah Wadaad
    ay aad u tixgalinayeen xubnaha Itaxaadka ah iyo dadka raacsanba, haddana ah
    Caalimka ugu magaca dheer Gobollada Puntland. Itaxaadku waa ururkii sida cad ugu
    fashilmay Siyaasadda Soomaaliya, iyadoo ay dadbadani sabab uga dhigaan
    ineysan helin Siyaasiyiin u falanqeeya hadba waxa loo baahan yahay, ee
    damcay iney Siyaasadda u maamulaan Wadaado Diinta yaqaanay assii aan maado
    ahaan u aqoon Siyaasadda. Itaxaadku waa ururkii ay ka tirsanaayeen
    inta badan Culimada Soomaalidii ugu magaca dheeraa 20.kii Sano ee u
    danbeeyey, taasoo u soo jiiday iney taageero badan ku helaan. Itaxaadku waa ururkii ugu magaca dheeraa
    ururradii Islaamiga ahaa ee kajiray Soomaaliya, waxaana la oran karaa
    taageerada uu haystay waxay u sahli kartay haddii doorasho lagali lahaa inuu
    ku guuleysan lahaa codadka dadka 70%. Itaxaadku waa ururka uu hadda Maraykanku
    wareegta uu soo saaray qaraxii mombasa
    kadib yiri, iyaga ayaa lug ku leh
    qaraxaas, oo uu xubnihiisuna ku sheegay iney gaarayaan laba kun oo qofood. Itaxaadku waa ururkii kasbaday Dumarka iyo
    caruurta, taasoo sabab u noqotay iney guri kasta oo Soomaaliyeed ay galaan. Itaxaadka iyo aragtida Caalamku ka qabo. Maxamed Saxnuun. Waa wakiilkii qaramada midowbay uga ahaa
    Soomaaliya xilliyadii UNISOM, sida uu waraysi ku siiyey Jariidada "Al-wadan
    Al-carabi" Cadadkii 874. Maalin Jimce ah, Taariikhduna ay ahayd.
    3-12-1993.Oo su’aalo badan laga weydiiyey xaaladda dalka Soomaaliya uu
    xiligaa ku sugnaa, su’aalihii la weydiiyey waxaa kamid ahaa. (Nooga waran ururka Al-itaxaad Al-islaami
    ee ka jira Soomaaliya?.) wuxuuna ku jawaabay { ururka Al-itaxaad waa urur
    aysan ku dhameeyn qaybaha Soomaalida oo dhan, xubnaha ka tirsanna waxay u
    badan yihiin dalka dibaddiisa, aniguse weyba ila haboonaan lahayd hadduu
    jiri lahaa xisbi ay Soomaalida oo dhan ku mideysan yihiin haba’ahaadee
    xisbi diin ku dhisan, waana talaabo aan soo dhawayn lahaa, waxaase jira
    meelo ay Asal-raacu ku leeyihiin xoog Millatari sida Marka, iyo Boosaaso,
    walow aan dareemayo inaysan jirin isku xirnaan ka dhaxeysa xubnahooda ku
    kala nool waqoyiga iyo koonfurta Soomaaliya.}. Millas Zinaawi: Waa R/Wasaaraha dalka Itoobiya, waa ninka
    sida fog toosha ula daba jooga ururkan, waxaan shaki ku jirin iney jirto
    sabab colaaddaas ku sii fogeyneysa, ha’ahaato dagaallada dhexmara
    ciidankiisa iyo Itaxaadka S/Galbeed, ama inuu ka faa’iideysanayo fursadda
    hadda dunida taal, Si kastaba ha’ahaatee R/Wasaare Milas aragtida uu ka
    qabo Itaxaadka waa mid uu qofkasta aad ula socdo. Waxa uu marar badan ku
    soo celiceliyaa in Itaxaadku ay yihiin balada kaliya ee ka jirta Geeska
    Afrika, isagoo leh Itaxaadku waxa ay dhaawac dhaqaale iyo mid ciidanba u
    geesteen dalka Itoobaya, taasoo xitaa ay nanba xubnaha ka tirsan Itaxaadka
    S/Galbeed ku faanaan waa tii ay sheegateen isku daygii shirqooleed ee lala
    beegsaday D.r. C/Majiid Xuseen oo hadda ah Safiirka Itoobiya u fadhiya U.N.ka,
    sida uu sheegay Afhayeen xiligaas Itaxaadka S/Galbeed Xamar uga hadlay,
    dowladda Itoobaya laf’ahaanteeda waa tii ay soo gashay gudaha Soomaaliya
    iyadoo daba joogta xubnaha ka tirsan Itaxaadka oo markaa sida ay Itoobiya
    sheeganeysay fariisimo ciidan ku lahaa gudaha Soomaaliya. Dagaalladii hubeysnaa ee dhexmari jiray
    dowladda Itoobaya iyo Itaxaadka ma’ahan wax u bahaan cadeymo, saa awgeed
    waxaad ka garan kartaa colaaddaasi ineysan wali damin, hadalkii uu habeeyn
    dhawayd R/Wasaaraha Itoobiya ka sii daayey Idaacada BBCda Af-ingiriisiga, kadib markii uu
    ka soo laabtay kulankii dhexmaray isaga iyo Bush, waxa uu yiri {Qaraxii
    Mombasa waxaa suura gal ah in laga soo abaabulay "Raaskanbooni" oo
    ah sida uu sheegay meel ay dagan yihiin Itaxaadka iyo Al-qaacida), taaso ay
    jawaabo adag ka bixiyeen maamulka hadda gacanta ku haya Dooxada
    Jubba, iyo Jen Adan Gabyow, sida ay ku sheegeen war lagu daabacay barta ineternet-ka ee
    Somalitalk.com. 
      
        |  "Waa in aynaan
          kuxiraan in aan akhbaarta keliya ka qaadano Itoobiya kuwaas oo inkasta
          oo ay saaxiibadeen yihiin haddana waxay wataan qorshe iyaga u gaara oo
          aan caddayn, waxayna kabadbadiyaan khatarta." sidaas waxa
          yiri Ken Menkhaus, oo professor sare ka ah Davidson College, USA, kaas oo ku
          takhasusay Soomaaliya iyo dhaqdhaqaaq yadeeda Islaamiga ah,
          islamarkaana  lataliye xagga siyaasadda uga ahaa hawlgalkii
          Qaramada midoobey ee Soomaaliya, marka uu hadalkaas yiri waxay ahayd
          talaado November 27, 2001 asagoo ka hadlayey kulanka Carnegie
          Endowment for International Peace symposium  (Washington, D.C.) oo looga hadlay Afrika,
          Islaamka iyo argagixisada "Africa, Islam, and Terrorism". GUJI.... |  | 1894 ayaa heshiiska
          loo yaqaab "Tripartite Accord" waxaa wada garey
          Ingiriiska [Great Britain], Talyaaniga [Italy], iyo Itoobiya
          [Ethiopia], kaas oo kusaabsanaa dhulka Soomaaliya. Talyaaniga waxaa
          lasiiyey dhulka soo eegaya badweynta Hindiya oo waagii dambe loo
          bixiyey Italian Somaliland. Heshiiskaasu wuxuu aqoonsaday in
          Mililikh [Menelik] uu qaato dhulka galbeed ee Soomaaliya ee loo yaqaan
          Ogaden. GUJI... |  Hadaba intaa waxaa dheer in dad badan oo
    aad uga warhaya arimaha Soomaaliya, waliba kuwa ka faallooda Siyaasadda
    Geeska Afrika, waxay ay tibaaxayaan in dowlada la’aanta Soomaaliya ka
    jirta ay qayb weyn ka tahay xiriirka cadaawadeed ee u dhaxeeye Itoobiya iyo
    Itaxaadka, iyagoo marag uga dhigaya, aragtida ah ineysan Itoobiyaanku ku
    qanci doonin dowlada gacan saar la leh Islaamiyiinta ka jira Soomaaliya,
    sida aysan ugu qanceyn Islaamiyiinta Soomaliya dawlad gacan saar la leh
    Itoobiya. Waxaan markaa anigu soo bandhigi laha su’aal
    oraneysa "Suura gal matahay in la is afgaran siiyo Itoobiya iyo
    ururrada Islaamiga ah ee ka jira Soomaaliya, gaar ahaan "Itaxaadka S/Galbeed"
    oo ah kuwa hadda dagaalka kula jira dowlada Itoobiya, lana oran karo waxa’ay
    buundo aan la dhaafi karin u noqotay xiriirka Itoobiya iyo Soomaliya,"
    waa su’aal u taal dadka isleh waxbaad ka qaban kartaan arimaha geeska
    Afrika, waxaana ku qanacsanahay haddii aan qodobkan meel la isla dhigin iney
    aad u dheertahay nabad galyo waarta oo ka islaaxda geeska Afrika. Maraykanka: Waa dowladda ugu quwada badan dunida asii
    ka adkaan la’ ururro ka jira dalalka aduunka ugu faqrisan, sida Soomaaliya,
    Afgaanistaan, Khishmiir, Yaman, iyo meelo lamid ah, inkastoo "Maxaweyne
    Bush laftigiisu khudbad uu u jeediyey aqalka Odayaasha Maraykanka uu ku
    sheegay in wax yaabihii laga faa’iideystay dhacdaddii 11.Seb. ay kamid
    ahaayeen in dowladaha faqriga ah ay ka iman karto khatar ka weyn midda laga
    filanayo wadamada horumaray". Wadamadaas aan soo sheegay Maraykanku
    waxay ku tilmaameen iney yihiin xarumo argagixiso, meelaha qaarna weyba
    weerareen sida Afgaanistaan, iyo Yaman oo ay meeshay kaga ogaato ay
    gantaallo ku rido xubnaha ay u taqaan argagixisada, Soomaaliyana haddeyba u
    birtumanayaan, "WADEECA ALLA." "Aamiin bal ii dheh." . Haddaan u soo noqdo aragtida ay dowlada
    Maraykanku ka qabo ururka Al-Itaxaad, waa mid aad ka ogaan karta markii uu
    Maraykanku ururkan ku daray liiska ururrada argagixisada Caalamiga ah, waxa
    uuna ku daray liiskii ugu horeeyey ee uu soo saaro 11.Seb. kadib, waxa uu
    sirdoonkiisii u kala diray dhamaan gobollada Soomaaliya si uu u hubiyo
    awoodda cududeed ee uu hadda leeyahay ururkan, jawaabtii ay soo heleen waxay
    noqotay, walow aan la helin iyadoo qoraal ah hadana waxaa la rumeysan yahay
    in ay ka soo qanceen in hadda aysan jirin khatar muuqata oo laga filan karo
    Itaxaadka Soomaaliya, inkastoo qaraxii dhawaan Mombasa ka dhacay ay qaar ka
    mid ah Saraakiisha sarsare ee Maraykanku ku eedeeyeen in Itaxaadku ay ka
    danbeeyeen qaraxaas, horayna waxay shaaciyeen iney ku tuhun san yihiin in ay
    taageero ka geysteen qaraxii lagula kacay Safaaradaha Maraykanku ku leeyahay
    wadamada Kenya iyo Tanzaaniya, waxaana ilaa iyo hadda la hubaa in uusan wali
    Maraykanku ka qaadin talaabo ku aadan Itaxaad. Kenaya: Dowlada Kenya oo Siyaasad ahaan ku dhaqanta
    in aan cidna lala diririn cidnana colaad lagu abuurin, taasoo sabab looga
    dhigayo Ruugcaddaa-nimada Madaxweyne Moi oo ah Siyaasi ay Siyaasadiisu ku
    dhisan tahay soo dhawayn iyo dab-damin, waakii uu ka yiri shirkii uu ku
    furayey shirka Soomaalida ee Eldoret, waxa uu ahaa "Kenya kama mid ahan
    dalalka ka qayb qaatay dhiigga Soomaalida", [Alley-lahay waa runtiis oo
    anaaba marag uga ah ineysan Kenya kama mid ahayn dowladaha ka qayb qaadatay
    daadinta dhiigga soomaalida, iska daa Soomaaliyee oo kaliyee dalalka kalaba
    waa sidoo kale ayaa la dhihi karaa]. Dowlada Kenya in badan waxay sheegtay in
    aysan jirin khatar argagixiso oo iyada col la’ah, shacabka Kenyana
    qaraxyada ka dhaca dalkooda waxa ay ku macneeyaan xabad aan loo wadin oo si
    kama’ah ugu dhacda, Wasiirkii hore ee arimaha
    dibada u qaabilsanaa Kenya, waxa uu u sheegay Saxaafadda in ururuka Itaxaaka
    uusan wax khatar ah ku hayn dalka Kenya, islamarkaana aysan Kenya ka jirin
    urur islaami ah oo dhibaato ku haya dalkiisa. [Qaybta
2aad] Qaybta Labaad
    Ka Akhri Halkan... GUJI Waxaa isku soo dubaridey:Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.
 Email: editor@somalitalk.com
 URL: www.Somalitalk.com/baaris
 Dec 27, 2002 Qaybta 2aad ee Qoraalka
waxay ku saabsan tahay:. Itaxaadka iyo aragtida siyaasiyiinta Soomaalida:
 . Hadda iyo Itaxaadka:
 GUJI.......    
 |