Michael
H. Hart: dadkii magaca reebay ee adduunka soo maray Muxamed baa u mudan
(No. 1).
Cabdulwaaxid Khaliif
cabdulwaxid@hotmail.com
June 19, 2003
Asalaamu calaykum.
I I D H
E H
|
|
Madaxda muslimiinta maanta: qofkii Muxamed
(SCW) raaca waa la madax maray.
“Cilmi nimaan lahayn waa la cajabaayaaye”.
Sidda Qur’aanka iyo sunnaduba sheegeen Nabi Muxamed (SCW) waxaa yaqaanay
Yuhuuddii iyo Kiristaankii joogay intii aan Nabigu (SCW) soo bixin.
Seddexdii qabiil oo Yuhuudda ahaa oo
Madiina soo degay maxay usoo degeen? Nabi Muxamed (SCW) bay raadinayeen.
Hiriqlihii kiristaanka ahaa iyo Abuu Sufyaan maxaa kala qabsaday markii
Hiriqle qiray in Nabi Muxamed uu qabsan doono meeshuu markaas joogay uuna
yahay Nabiga soo bixi doona aakhiru samaanka?
Waraqa Binu Noofal soow ma xasuusano. In
isagoo Carab ah markii uu bartay Diimihii hore uu ogaaday in uu Muxamed (SCW)
yahay Nabigii ugu dambeeyey. Wuxuu Waraqa uu sheegay in Nabiga (SCW) Makkah
laga cayrin doono. Nabigu (SCW) markaas ma ogayn laakiin Waraqa waa ogaa.
Risaalo ahaan iska daaye qofkii taariikh
ahaan raac-raaca oo caqli leh waa ogaanayaa in Muxamed uu Nabi (SCW) Ilahay
ahaa.
Qofkasta oo caqli yar lihi xaqa waa yaqaan.
Waxaa Ilaah SWT noogu sheegay Suurat An-Namal in uu Fircoon uu xaqii diiday
isagoo ogsoon in ay yiqiin tahay dulmi iyo isa saraysiin darteed.
Hadda Michael Hart ma la yaabteen in uu
Muxamed (SCW) halkaas dhigay?
Maxaa Nabi Muxmed (SCW) halkaas geeyey? Ma
qabiil iyo tol? Hanti? Kaabo-qabiilnimo? Gabayo iyo suugaan Carbeed?
Boqortinimo uu aabayaashi ka dhaxlay? Maya laakiin Qur’aanka iyo Islaamka
ayaa halkaas geeyey.
Abuu Jahal wuxuu yiri laftayda iyo tan
Nabiga waxaa naga dhexeeyey tartan. Hadday wax xorreeyaan annugana waan
xoraynay jirnay, haddii ay martida si foocan u sooraan anniguna waan samayn
jirnay, waxaan ahayn sidii fardo isu rahman laakiin hadduu keenay inuu
yiraahdo Waxyi baa samada iiga yimaada. Waad aragtaan faraqa u dhaxeeya inuu
yahay diintaas Islaamka.
Allaah wuxuu Qur’aanka ku sheegay inuu
Nabi Maxamed dadkoo dhan loo soo diray. Inuu yahay Raxmad Caalamka oo dhan
loo soo diray. Inuu Allaah yiri akhlaaqdii ugu saraysay baad leedahay.
Caa’isha (RC) markii la waydiiyey
akhlaaqda Nabiga (SCW) waxay tiri Qur’aanka ayey ahayd. Waxay ka wadaa
sida uu Ilaah ugu sheegay Qur’aanka. Ama Qur’aan soconaya ayuu ahaa.
Akhlaaqdaas Nabiga ayaa furtay Quluubtii
Caalamka laga bilaabo “China Ilaa Chile”, Ruushka ilaa Koonfur Afrika.
Xaggay akhlaaqdaasi hadda taalaa?
Ma Makkah mise White house-ka? Ma masaajida
mise Mbagathi?
Akhlaaqdaas yaa qaatay? Ma Shiikh baa
qaatay mise sharwade?
Abuu Hurayrah (RC) wuxuu dad meel suuq ah
joogay ku yiri dhaxalkii Nabiga masaajidkaa lagu qaybinayaa, markaasay
masaajidka ku yaaceen iyagoo is leh saami kasoo hela.
Muxuu Michael Hart u aamisanyahay Muxumad (SCW)
inuu raad reebay, annaguna inta Masaajida iyo diinta Islaamka ka raad-gadano
aan Mbagathi ugu qamaamaynaa?
Qabqablayaashii diide inay wax ka maqlaan
shiikh iyo shariif. Waxaa maalmahan la isku haystaa oo la leeyahay dadkii
baarlamaanka ku biiri lahaa halaga yareeyo 450.
Qofka shiikha ah hadduu rabo inuu wax ku
sheego wuxuu ku bilaabaa “QAALALLAAHU TACAALAA” laakiin bal ergayga
Maraykan shirka u jooga oo safaarada Nayroobi ka socda fiiri wuxuu yiri:
wuxuu yiri ma jirto cid dad 450 qof ah kharash u haysa, adduunkuna uma
dulqaadan karo ee waa in la yareeyaa! Isaga hadal kuma soo celin karaan.
Waxaad mooddaa inay qab-qablayaashu
udhaqmayaan sidii ninkii ahaa cadowga Ilahay ee Caamir Binu Dhufayl ee dilay
asxaabtii inay Qur’aanka udhigaan loogu diray. Caamir waa ninkii Nabiga ku
yiri Nabiyoow xukunka noo qaybi.
Si kastaba arrintu ha ahaatee Caamir waxaa
ku dhacay daacuunka geela ku dhaca oo waxaa ka soo baxay nabar wayn oo aad u
waynaaday wuxuuna ku dhintay guri haweenay isagoo marti u ah. Markii
sakaraadkii hayey buu yiri war ii keena faraskayga ma rabo in guriga
haweentaan aan ku dhinto ee waxaan isku dayayaa in aan gurigayga ku dhunto
laakiin dhex buu ku dhintay.
Qab-qablayaashu maxay diintooda uga
cararayaan oo ay igu qabaan in Islaamku yahay wax cibaada kaliya ku kooban
sida Salaada, Soonka, iyo qaybaha kale. Iyo in loo baahdo marka wax la
mehersanayo ama wardi la akhirnayo. Laakiin xagga xukunka haddii Islaam la
soo hadal qaado afkay qaylo ku shubanayaan. Islaam iyo xukun aa! Xukun iyo
xag-jirnimo aa!
Marka miyeysan qabqablayaashu ka baqayn
iyagoo meel daran iyo reero muskood jooga oo xal ka raadinaya meel aan Ilaah
dhigin oo uun cadowga ummadda kaliya maqla in tii Ilaah u timaado. Ama inta
eey ama doofaar xeradaas jooga qaniino ay raabito u dhintaan.
Wallaahi qofka muslimka ah waxay u
noqonaysaa qalbi qaboojis mar hadduu arko qab-qablihii oo mar la leeyahay
450 qof saxiix marna cunto loo diidayo, mar meeshuu jiifay laga cayrinayo
marna la leeyahay wixii aad saxiixdeen socon waa. Waxaa ka dhici karta in
iyagoo xerro jooga oo xukun raadinaya uu xukunkii Ilaahay ku dhaco.
Mushrikii Caamir Binu Dhufayl wuu diiday
inuu ku dhinto guri uusan lahayn. Ilaahoow dadka qurbaha jooga ka soo aruuri
oo waddankeenii annagoo nabad ah nagu celi.
Qofkii diin ka muuqatoow ka dheeroow
meelahaas lagu hayo jees-jeeska iyo ihaanada Diinta. Miyeynaan Carta ku
cibro qaadan waatii dad badan oo Diin lagu tuhmayo ay sacabka u garaaceen?
Magaalada Carta ceeb ma lahayn oo waa dhul muslim laakiin waxaa ceebta
keenay dadka la dooranayey.
Maata dooxyada (qab-qablayaal) shisheeyuhu
haku maadaysadeen.
Michael Hart muslim ma ahan,
qab-qablayaashuna waa muslum. Micheal Koow buu Muxamed geeyey laakiin halkee
qab-qablayaashu Diintii iyo masaajiddii dhigeen?
Waxaan ka soo akhriyey sheekada Michael H.
Hart buug yar oo ay soo saartay Islamic Propagation Centre International oo
ku taal South Africa. Ninka sheekada isku duway oo tacliiq raaciyey wuxuu
ahaa Axmed Diidaat.
Buuga uu qoray Michael Hart wuxuu
cinwaankiisu ahaa:
The
100 A Ranking Of The Most Influential Persons in History.
Waa 100-kii qof ee ugu caansanaa ee raadka
kaga tagay taariikhda iyo boosaaska uu kala dhigay. Waxaa ku jiray Nabiyo,
Saynisyahano, xidigis yaqaano, badmareeno, siyaasiyiin, fiilosoofiyiin, IWM.
No.1 wuxuu siiyey Muxamed (SCW).
Buugaas yar dhexdiisa Axmed Diidaat wuxuu
ku leeyahay: Michael Hart waa xidigis-yaqaan, xisaabyahan, qareen,
saynisyahan, iyo isagoo ku xeel dheer ciyaarta “chess”. Waana nin
Kiristaan ah oo Maraykan ah.
WABILLAAHI TOWFIIQ
» Ma
Kiplagat iyo Pat McEvoy Baan Dhexjoognaa? [A/Waxid]
WQ. cabdulwaaxid Khaliif | cabdulwaxid@hotmail.com
AFEEF: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku
saxiixan
Faafin: SomaliTalk.com | June 19,
2003
QORAALADII HORE EE CABDULWAAXID
Wada-shaqayntu
Waa Furaha Guusha.. GUJI
|