SomaliTalk ads
Home | Zakaat | Siiro | Saxaabada | Salaat | Search | Allah Is Great |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m 
SOMALITALK - ELDORET
GUDIYADA DIB U HESHIISIINTA OO SHAQA JOOJIN SAMEEYEY

Wq. Ibraahim Maxameddeeq | SomaliTalk Eldoret | Dec 12, 2002

imdeeq@hotmail.com

Ilaa iyo shalay ayaan xarumihii ay gudiyada dib u heshiisiinta shirka Eldoret ka shaqaynayeen cidi soo xaadirin kaddib markii ay dhamaan madaxda kooxaha soomaalida ee Eldoret ku sugani si weyn uga masuugeen hab maamulka gudiga farsamada Igad isla markaana ay amar ku bixiyeen inay xubnaha gudiyadaasi shaqada joojiyaan. Gebi ahaanba xarunta weyn ee uu shirku ka socdo waxaa ka kacsan yooyaal iyo jaah wareer ka dhashay waraaqo is daba joog ah oo is burinaya oo ka soo baxaya gudiga farsamada Igad, kaas oo ay jawaabtooduna noqotay waraaqo kale oo kuwaas ka soo hor jeeda oo ay madaxda siyaasadda soomaalidu kaga jawaabayaan.

Hoos Akhri

alkarama

Gudiga farsamada Igad waraaqaha ay soo saareen waxay badankoodu ka hadlayaan in dadka ka soo hadhay gudiyada dibu heshiisiinta dib loogu celin doono soomaaliya, iyagoo guud ahaan dadka joogaya markii labaad wax ka bedelay kana dhigay sidan:

  • Madaxda Kooxaha………..56
  • Madaxda haweenka……….6
  • Bulshada rayidka ah………11
  • Gudiyada dib u heshiisiinta..182
  • Madaxda dhaqanka…………23
  • Shaqsiyaadka khayraadka qaranka …9

Taas oo tirada guud ee Eldoret ku hadhaysa ka dhigaysa 287, waxaa kaloo jira haween ay tiradoodu tahay 19 qof oo iyana joogaya oo ay hayadda Novib qarashka ka bixin doonto, waxayna waraaq shaxdan wehelisey gudiga farsamadu ku sheegeen in dadka ka soo hadhay tirada aynu kor ku soo sheegnay intooda haysata casuumaadda rasmiga ah ee wejigii koowaad ee shirka loo diyaarin doono diyaarado ay raacaan, iyadoo loo sheegay inay jimcaha iyo sabtida iska diiwaan geliyaan xafiisyada gudiga farsamada ee Hotel Sirikwa.

Shaqsiyaadka khayraadka qaranka oo sidaynu kor ku soo sheegnay ka kooban 9 aqoon yahan ayeey magacyadooodu kala yihiin sidan:

  • 1- Dr. Maxamed Aadan Sheekh
  • 2- Maxamed Cabdi Gaandhi
  • 3- Cabdirizak Xaaji Xuseen
  • 4- Cabdilqadir Aadan Cabdille
  • 5- Cabdulqadir Ducaale Bile
  • 6- Saynab Jaamac
  • 7- Cabdirisaaq Cusmaan
  • 8- Cabdiraxmaan Shiikh Nuur
  • 9- Cabdillaahi maxam,ed Shirwac

Waraaqahaas go’aamada deg dega ah xambaarsanaa waxay madaxda siyaasaddu kaga fal celiyeen qoraalo ay u kala direen gudiga farsamada Igad, Madaxweyne Moi, Raysal wasaare Zenawi, Madaxweyne Geelle iyo hayadaha caalamiga ah waxayna waraaqahaas ku sheegeen inay diyaar u yihiin heshiis soomaaliyeed oo ay Eldoret ku gadhaan laakiin ay hab maamulka shirka wax weyni ka khaldan yihiin, waxaana jira inay dhamaan madaxda siyaasadda ee halkan ku shirsani dhaliisha hogaamiyayaasha shirka isku wada raacsan yihiin.

Dhinaca kale Raysal wasaaraha dawladda ku meel gaadhka ah Mudane Xasan Abshir Faarax ayaa dadaal weyn ugu jira sidii uu deegaanka jubooyinka iyo magaalada Kismaanyo u nabadayn lahaa, wuxuuna Xasan Abshir ilaa iyo hadda soo afjaray shirar uu la wada yeeshay badiba qabiilooyinka magaalada Kismaanyo dega, iyadoo ay isla ogolaadeen inay ka wada shaqeeyaan nabad iyo heshiis deegaankaas ka dhaca, welina waxay dadka hawshan isu xilqaamay ku guda jiraan sidii loo ebyi lahaa arimaha farsama ahaan loo marayo nabadda Kismaanyo.

Ibraahim Maxameddeeq
SomaliTalk
Eldoret
E-mail: imdeeq@hotmail.com

 

I  I  D  H  E  H

 

"Dowlada Itoobiya oo Rabta Inay Shika Eldoret Burburiso"
Sidaas waxaa yiri Jaamac Cali Jaamac oo SomaliTalk u waramayey isagoo jooga magaalada Eldoret, Kenya.. Waraysigii oo dhan  [Fahad] 11/12

Bayaan ka soo baxay Qowmiyadda Banaadiriga
Eldoret 11/12/02: Qowmiyada Banaadiriga asagoo u diyaar ah wax ka qabashada dhibatada haysata Gobolkooda Banaadir sidii xal loogu heli laha loona  GUJI  11/12

Liiska Wufuuda Kuharaya Eldoret oo lasoo Bandhigay
Waxaa kale oo wararka Eldoret ee maant kamid ah
»» Gen. Gabyow oo jawaab ka bixiyey hadalkii Zenawi »»Madaxweyne Kuxineegnka Puntland oo shir jaraa'id ku qabtay Eldoret.... akhri Warbixintii Ibraahim Maxameddeeq. 09/12

 ... ELDORET: Taxanaha Wararka  

... Soomaaliya iyo dhacdooyinkii  2001/2000 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
..
..
Eldoret waa caynkee
ELdoret- Bishan
Eldoret-Nov 2002
Eldoret-Oct 2002

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD