SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA
TNG OO DIIDEY GO’AANKII SHALAY IYO SAFARKII C/LLAAHI YUUSUF OO DIB U DHACAY.

Ibraahim Maxameddeeq

 imdeeq@hotmail.com

SomaliTalk.com | Eldoret

Nov 20, 2002

 
RAMADAAN KARIIM

  

I  I  D  H  E  H

Wakiilada dawladda ku meel gaadhka ah ka jooga shirka dibu heshiisiinta soomaalida ee Eldoret ayaa gaashaanka ku dhuftay go’aankii shalaytoole ka soo baxay gudiga farsamada Igad ee ergooyinka wejiga labaad ee shirka ka qayb gelaya soomaalida loogu qaybiyey Hab Qabiil taas oo markii loo soo ban dhigay kooxaha soomaalida aysan jirin cid dood ka keentay, laakiin TNG oo ilaa iyo habayn hore shir ku jirtey ayaa shaaca ka qaaday inaysan ku qanacsanayn in lagala mid dhigo kuwa qabiilka wax loogu qaybinayo.

Raysal wasaaraha dawladda ku meel gaadhka ah Mr. Xasan Abshir faarax ayaa maanta shir jaraa’id oo uu qabtay ku caddeeyey muwqifka TNG wuxuuna sheegay inay doonayaan in iyaga TNG ahaan wax gaar ah loogu qoondeeyo maadaama aysan ahayn qabiil, wuxuuna carabka ku dhuftay inaysan waxba ka qabin soomaalida kale in qabiil wax loogu qaybiyo. 

Dawladda ku meel gaadhka ah oo goor hore ku jirtey kooxaha u ololaynayey in hab qabiil ergooyinka lagu qaybiyo ayaan la ogayn wax ay uga jeedaan diidmadan ay maanta soo ban dhigeen, waxayse wararku sheegayaan inay cabsi weyni uga muuqatay inuu qabiilkan wax lagu qaybsanayaa dawladnimadooda galaafto. 

Qabiilooyinka kale ee soomaalida ayaa ku jira wada tashi ay kaga wada hadlayaan sida ay ka yeelayaan go’aankan cusub ee hadda hor yaalla.

Warbixin: Lacagta Macmalka ah oo Somaliya
Kasoogashay Marsada Laasqoray: laba warbixinood oo kusaasabnay in ugu yaraan 50 Bilyan oo lacagtaas ah ay.. GUJI 14/11

Dhinaca kale waxaa maanta dib u dhacay safar uu Cabdillaahi Yuusuf ku tegi lahaa Puntland taas oo ay sabatay diyaaraddii ay raaci lahaayeen oo ay ciladi gashay isla markaana ku yaraatay weftigii la socday oo u badnaa golihiisa wasiirada oo la doonayey inay hor tagaan baarlamaanka Puntland si loo soo ansixiyo. Ujeedada kale ee ugu weyn safarka Cabdillaahi Yuusuf ayaa ah inuu soo xaliyo dhibaatooyinka ka dhashay lacagta been abuurka ah oo la sheegay inay qalaase weyn ka dhalisay deganaanshihii gobolka Puntland. Cabdillaahi Yuusuf iyo weftigiisa oo saaka laba saac oo subaxnimo tegey garoonka diyaaradaha ee Eldoret ayaa halka ay degan yihiin dib ugu soo laabtay Shan saac oo barqdii ah.

Waxayna weftigu hadda u xidh xidhan yihiin inay berri subixii u duulaan carriga Puntland, wuxuuna madaxweyne ku xigeenka Puntland Mr. Maxamed Cabdi Xaashi oo la wareegey hogaanka weftiga Puntland ii sheegay inuu Cabdillaahi Yuusuf Todobaad kaddib soo noqon doono.

Ibraahim Maxameddeeq
Somali Talk
Eldoret
E-mail: imdeeq@hotmail.com

 

Ergooyinkii Shirka Eldoret oo Lagu Jaan Gooyey Hab Qabiil
Ergada oo laga dhigay 400 iyo xubnaha ka mid noqonaya gudiyada lixda ah oo tiradooda guud laga dhigay 138 qof ayaa maanta lagu qaybiyey hab qabiil..... Warbixintii Warbixintii Ibraahim Maxameddeeq 19/11

Qaar Kamida Kooxihii G8 oo Wax Loo Kordhiyey
Mr. Elijah Mwangale kulan gaar ah oo uu la yeeshay Cismaan Caato, Qanyare, Col. Barre Hiiraale iyo Cumar Finish ayuu ugu soo ban dhigay inay qaybsadaan 24 ergey.... Warbixintii Ibraahim Maxameddeeq 18/11

Bulshada Caalamka oo Dadaal ugu Jira sidii shirka ELdoret Caqabada looga Saari lahaa: Akhri  Warbixintii Ibraahim Maxameddeeq 17/11

Kooxihii Shiray oo Codsaday in 38 Xubnood Lagudaro
Ergooyinka si loo siiyo kooxihii cabanayey.... shirar gooni-gooni ah oo u socda kooxaha.... Mr. Mwangale oo sheegay inuu shirku ismari waa culus wajahay .... iyo saadaal in caqabadan goor dhow laga gudbi doono .. dhammaan ka akhri  Warbixintii Ibraahim Maxameddeeq 14/11

Awood Qaybsiga Soomaaliya oo Laga Salayn doono hab Qabiil
 Mr. Mwangale oocaddeeyey inuu wejiga labaad ee shirku ku saabsan yahay arimo farsamo ... C/Laahi Yuusuf oo sheegay inta shirka kamaqan inay yihiin kuwa carqalad wada ... Mr. Glen Warren oo beeniyey war ay Cismaan Caato iyo Maxamed ... Qanyare u qabsadeen GUJI 10/11

... ELDORET: Taxanaha Wararka  

... Soomaaliya iyo dhacdooyinkii  2001/2000 


WARARKA  SEPTEMBER - GUJI
»
AGOOSTO | JULY | JUNE | MAY | APRIL | MARCH | FEBRAAYO | Janaury 2002 | Wararkii 1999-2001 

com

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
wiilyar

Wiil Yar oo Qaliin degdeg ah u baahan - GUJI HALKAN

 

 

I I D H E H


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD