XAFLADII UGU FOOSHA XUMAYD EE GEESKA AFRIKA
LAGU QABTO.

Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.
editor@somalitalk.com
SomaliTalk.com | Nairobi, Kenya
Dec 6, 2003
SANAD GUURADII JABKA SOOMAALIDA:
Prfoser Samatar oo ka qayb galay furitaankii
shirka Soomaalida ayey BBC-du weydisay inuu maalintaas qabay raja ah inuu shirku
najaxayo, wuxuu ku jawaabay qof khiyaali ku jira unbaa rajo ka qabi karay
shirkaas. Axmed Faarax Cali “Idaajaa” isaguna wuxuu sheegay, laga soo bilaabo
xiligii Axmed Guray inuusan garanayn xili ay maanta Soomaalidu ka ildaran tahay.
Cali Mahdi Maxamed shirkoo maalmo ka socda
Eldoret ayuuba ka waswaasay oo isaga baxay, nuxurka hadalkiisuna wuxuu ahaa
inuusan mira dhali doonin shirka, isagoo meela badan eedeeyey, M.Qanyare Afrax
oo hada kamid ah Ragga aadka u jecel mira dhalka shirkan ayaa isaguna qabay
xiligii abaabulka shirka inuusan wax macna ah soo kordhin doonin shirkan la
abaabulayo. Suldaan Maxemd - oo ah sida uu isagu sheegto Suldaanka Dulmanyaasha,
oo aan Eldoret kula kulmay ayaa igu yiri, halkan Eldoret waa meel lagu
qiimeynayo damiirka qofka Soomaaliga ah, sidaan ku jirnana geeri ayaa noo
dhaanta.
Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle waraysigii uu
Wakaalada wararka ee “Irin” siiyey wuxuu yiri. Waxaan fahmi weynay shir
12.Bilood soconaya oo un la isaga cunayo Canshuurtii laga soo uruuriyey
dadweynaha R/Yurub. Madaxweyne C/Qaasim tan iyo maaalintii uu shirku bilowday
wuxuu muujinayey kalsooni la’aanta uu ka qabo dowladaha dariska ah qaarkood ee
shirka gacanta ku haya, ilaa iyo hadana tuhunkaas kama baaba’in.
"arinta Soomaaliya xalkeedu wuxuu yahay in
la xirxiro ragga hada horbooda Siyaadasa Soomaalida" Fahad |
Ridwaan X.C/Wali oo ah Wariye firfircoon ka
hawlgala Idaacada IQRA FM. ee Nairobi ayaa maraan ku soo booqday xarunta
Idaacada i weydiiyey Su’aal ahayd. Aragtidayda shirka haatan ka bilowday
Eldoret, waxaana ugu jawaabay arinta Soomaaliya xalkeedu wuxuu yahay in la
xirxiro ragga hada horbooda Siyaadasa Soomaalida, xiligaasna waxay ku beegneyd
bilowgii shirka Eldoret, hadaalkaasna wuxuu ahaa hadal aan ku niri 98.kii
Safiirkii Masar u fadhiyey Soomaaliya, wuxuu Safiirku naweydiiyey sida aan u
aragno shirkii Soomaalida ee markaas Qaahira ka socday, waxaana Safiirka ugu
jawaabnay. Waxaan dowlada Masar ka codsaneynaa iney xabsi u taxaabaan inta hada
magaca Soomaalida ugu shirsan halkaas. Jawaabtaasi dhab ayey naga ahayd
Safiirkuse kaftan ayuu u qaatay.
15.Oct. ee Sanadkan 2003 waxay ku beegneyd
sanadguuradii furitaanka shirkii Dib-u-heshiisiinta Soomaaliya. Waana
Sanadguuradii jabka Soomaalida. Haddii hal sano raashin fayl loogu jiray. Haddii
hal sano aysan isla afgaran iney baahi u qabaan dowladnimo. Wuxuu ahaa shirkii
ugu sumcadda xumaa ee Soomaali loo qabtay tan iyo kala baaba’ii Soomaalida.
Wuxuu ahaa shirkii astaanta u noqday jabkii Soomaalida, maanta ka hor kama aanan
niyad jabin Soomaali hadase quus baan ka istaagay xaalka Soomaalida, haddii aan
ilaahay noo raxman saan-saan fiican nooma muuqato.
Muragadu waxay iga qabataa oo naxdinta ii sii
kordhisay markaan maqlay in Soomaalidii ku harsanayd goobta shirka ay
xaflad u
dhigeen sanadguuradii jabkii Soomaalida, waxaan ku sigtay inaan muraara-dillaaco
markaan maqlay dad Soomaali ah ayaa xaflad xus ah u dhigay maalintii furitaanka
shirka dib-u-heshiisiinta Soomaalida, iyagoo waliba ku faraxsan iney Sanad dhan
fadhiyeen shir iyaga loo dhigay oo la yiri kuwada hadla.
Wuxuu maankeygu ilaa hada diidan yahay. Ma
qofbaa xus usamaynaya 12.Bilood oo uu heshiin waayey? Ma qofbaa mudnaan u arkaya
12.Bilood oo uu walaalkii la heshiin waayey inuu hadana xuso maalintii la yiri
war kaalay la heshii walaalkaa oo uu ilaa iyo hada diidan yahay? Ma qofbaa
12.Bilood oo wax qabad la’aan ah kadib xus u dhigaya foolxumadiisa? Ma qofbaa
Cizzo mooda xuska maalintii caybtiisa.
Haddii jawaabahaas oo dhan ay tahay maya. Maxaa
dhogorta ina saaray ee aan u xusaynaa halsano kadib oo aan heshiis la’aan meel u
wada fadhinay. 15.Oct ee 2002. oo ah maalin ku calamadsan maalintii furitaanka
shirka dib-u-heshiisiinta Soomaalida, hadana 15.Oct ee 2003. waxay ku
calaamadsan tahay maalintii jabka Soomaalida. Aan adiga ku weydiiyee haddii
halsano aad meel u fadhiday inaad hawl un qabsato misana dayac adiga kaa yimid
aysan kuugu suuragalin ma xusi lahayd sanadguuradaas mise ceeb darteed baad
ciidda isku qarin lahayd? Waxaa hubaal ah damiirka fiican inuu yahay inaan ciid
isku qarin lahayd.
Xafladii xuska Sanadguuradii jabka Soomaalida
ee la yiri waxaa lagu qabtay xarunta shirka Dib-u-heshiisiinta Soomaalida,
kawaran haddii uusan ka soo qayb galin horjoogihii shirka Soomaalida, Mr Kiblagt
ee ka waji qarsaday inuu soo xaadiro isagoo ku xigeenkiisii u wakiishay ka
qaybgalka Xafladaas macnaha la’ , illeen waaba sidaad yeeli lahayd adba. Nabigaa
S.C.W. yiri ( Hadaadan xishooneyn waxaad rabto samee) xishood la’aan, damiir
xumi, iyo garaad yaraan miyaa sabab u ah inaan xusno sanad dhan oo aan heshiin
weynay! Inaad qaracan-santahay ayaan rajaynayaa.
Waxaan filayey haddii ay Soomaali hal sano oo
dhan heshiin waayeen, marka la gaaro 15.Oct ee 2003. in ay maalintaa u aqoonsato
Ceeb qaran, oo fadeexadeedana dusha loo saarayo horjoogayaasha Siyaasada
Soomaalida, shacabka Soomaalidana ay u aqoonsadaan iney tahay maalin murugo oo
aan mid lamid ah Soomaalida Taariikhdeeda soo marin.
Waxaan filayey haddii ay Soomaali ka xishoon
weyday xuska jabkoodii in maamulka goobta lagu qabanayo shirka uu sicad ugu
diido qabashada xuskaas ba’ay ee ay madaxdii maamulaysay ka kala dhuunteen,
illeen qofka Saafiiha ah gacanta ayaa la qabtaa, xoolihiisa ayaa loo maamulaa,
hab maamulkiisa nololeed ayaa loo jeexaa, cunada iyo cabida ayaa la isugu duba
ridaa, sida hadaba loo yeelo.
Taariikhda Soomaalida marka laga waramayo
laguma sheegin iney aqbalaan haddii la damco in dhaawac loo geeysto sharafka
qofka Soomaaliga ah, ninka mid ah raggii ka qayb galay faylka raashinka intii uu
shirku ka socday Eldoret ayaa iigu waraymay inuu qooraansaday faylkii uu ku
jiray, horay iyo gadaalba haduu fiiriyey, waa Wasiir ka tirsanaa Dowladii hore,
waa Hogaamiye kooxeed, waa Ugaas Beeleed, waa Ganacsade taajir ah, waa
Aqoonyahan magac leh, waa wax garad iyo nabadoon, markaasaan iri buu yiri
SOOMAALI SAANNA MA U DANBEYSAY? Qofkii u horeeyey ee ii jawaaba wuxuu noqday buu
yiri, Gudoomiye Jabhadeed oo magac weyn leh, isagoo ileh saan iney foolxumo
tahay waan ognahay laakiin danta Soomaalida ayaa nagu khasbeysa.
Malaha waad rumaysan lahayd inuu danta
Soomaalida faylkaas u galay, haddii uu miro fiican ka dhalan lahaa arintii uu
darteed raashika faylka ugu galay, waxaan kaloo rumaysan lahaa haddii uu ka
sariigan lahaa xuska sanadguuradii heshiis la’aantiisa. Illeen murugo uma dhinto
qof aan damiir lahay, mise macnuhu waa ka dhabaynta maahmaahdii ahayd { Ceebi
waa laba af-maroojis}.
Alla maqadaree waa dhici kartaa inaad aragto
15.Oct ee 2004. oo ay xus labaad u dhigayaan 2.sano oo ay heshiin waayey
qabqablayaasha Soomaalida.
Qoraaladii Siyaasadda
qaybtii 4aad
Fahad Yaasiin Xaaji Daahir.
editor@somalitalk.com
.MAGACA SOMALILAND WAA BEER: BEERNA HILIBKAA LAGU SUGAA

|