Geeddi ma ka 
									dhegaystey "British Brodcasting Corporation" 
									wixii ka dhacay deegaanka Fooljeex ee 
									Qorraxey waxse mayskabeddeleen gefkiisii 
									qaawanaa? 
									
									Maxammed 
									Ibraahin  ws wr wb 
									
									
									
									deeq64_1@hotmail.com
									
									Wakhti badani 
									kama soo wareegin markii geeddi lahaa 
									majiraan dal iyo dad soomaaliyeed oo la 
									gumaystaa ka dib markii ciidammada Ethiopia 
									ay dab qabadsiiyeen deegaan iska dhan iyagoo 
									aan kala soocin maato iyo rag, dembiile iyo 
									dembilaawe. 
									
									Itoobiyaanku 
									weligood maalin kama qadin xasuuqa iyo dilka 
									dadka Soomaaliyeed laakiin tan waxaad 
									moodaysey in ay jawaab degdeg ah Tikreegu 
									siinayeen Geeddi oo ay lahaayeen Geeddi ha 
									qaldamin waa jiraa dad Soomaaliyeed oo la 
									gumaystaaye. 
									
									Weligeedba waa 
									jirey nin dhuuni qaate ah oo kula midab iyo 
									af ah oo cadawgu adeegsado isagoo mansab ka 
									raadinaya laakiin waxaan aad ulayaabay 
									hadalkii geeddi ee nin kasta oo damiir leh 
									anfariirka ku ridey ragga ku tilmaamay hadal 
									geesinimo leh oo weliba cilmi ku qotoma( 
									cajiib ), kuwaa waxaan ku tilmaamo ma 
									garanayo oo aan ka ahayn dameeri dhaan 
									raacday. 
									
									Haddaba 
									su’aashu waxay tahay Geeddi iyo kuwa la 
									ra’yiga ahi hadda ma garwaaqsadeen gefkooda 
									ka dib markay tusaale cad ka bixiyeen 
									Itoobiyaanku Fooljeex/Qorraxey? 
									
									Ugu dambayn 
									waxaan dadka Soomaaliyeed u sheegayaa in 
									aynu nahay dad walaalo ah cid kastana iska 
									xiga, waxaanan aamminsanahay in xitaa 
									haddaynu toban ”Land” noqono oo mid kasta 
									gooni loo ictiraafo aynaan meel kala tegayn 
									oo aynu nahay dad aan wax kala teedayaa 
									jirin.Taa waxaan uga jeedaa waar ha ku 
									habsaamina S/weyn, S/land, P/land iwm  oo 
									innagu aynu isu dambayno ee aan marka hore 
									cadawga il qudha ku wada eegno(haddii tu 
									sare timaaddo tu hoose laga teg). 
									
									Maxammed 
									Ibraahin  ws wr wb 
									
									
									
									deeq64_1@hotmail.com