| 
 
	
	
	BAYAAN. 
	  
	
	BAYAAN AY SOO SAARTAY 
	
	JAALIYADDA ABSAME EE KOONFUR AFRIKA. 
	
	  
	Thursday, 24 November 
	2005. 
	  
	Ayadoo lala wada socdo 
	dhibaatada dhabta ah ee ka jirta gobolka ay Soomaalidu degto ee
	Itoobiya 
	gumaysato (Ogaden/Soomali-galbeed), balse adduunku uu indhaha ka 
	qarsanayo, ayaa haddana waxaa maalmahan danbe soo ban-baxay in ciidamada
	gumaysigu ay  ku wadaan 
	xasuuq arxan la’aan ah ummadda ku dhaqan gobokaas, dhacdooyinkii ugu 
	danbeeyay ee ummadda gobolkaas ku reebtay raad aan marnaba go’aynin, ayaa 
	waxay kala ahaayeen dilkii waxashnimada ahaa ee loo gaystay maxaabiistii ku 
	xidh-xidhnayd xabsiga Qabri-Dahare
	15/11/2005, kuwaasoo si ula kac ah loo 
	laayay, falkaasoo weliba cadaynaya xad-gudubka joogtada ah ee
	gumaystuhu kula kaco ummadda soomaaliyeed 
	ee ku dhaqan gobolkaas, waxaa taa soo raacay, naxdintii murugada lahayd ee 
	gubista tuulada Fool-Jeex
	21/11/2005 ee lagu waayay in ka badan
	45guri iyo dalagii soo baxay ee lagu 
	uruuriyay tuuladaa, taasoo  dhinaca Bari ka xigta 
	magaalada Q/dahare ayay taasi waxay 
	ku tusinaysaa sida waxshinimada ah ee ay ciidamada
	gumaystuhu ula dhaqmayaan shacbiga degan 
	gobolka. 
	  
	Sidaa daraadeed waxay 
	Jaaliayaddu Ilaaheey uga baryaysaa in uu Alle u naxariisto dhamaan dadkii ku 
	geeriyooday xasuuqyadii kala duwana iyo gaar ahaan kuwoodii ugu danbeeyayba, 
	Allena uu sabar iyo iimaan ka siiyo dhamaan shacabka Soomaaliyeed, gaar 
	ahaan eheladoodii iyo qaraabadii ay ka geeriyoodeenba. 
	  
Haddaba
	  
	Ayadoo 
	og Jaaliayaddu dhibka lagu hayo ummadda Soomaaliyeed ee degan gobolka. 
	Ayadoo 
	og Jaaliyaddu in ay tanina ka mid tahay qaababka uu gumaysigu adeegsado 
	isagoo ku wiiqaya shucuubta uu gumaysto. 
	
	Ayadoo 
	og Jaaliyaddu in gumaystuhu uusan wax raali gelin ah ka bixinin falalkiisii 
	gumaadka ku salaysnaa. 
	Ayadoo 
	og Jaaliyaddu in xukuumad goboleedku aysan wax talaabo ah ka qaadin ilaa iyo 
	hadda dhacdooyinkaas asal goynta ku salaysan iyo sal kicintaba. 
	  
	Ayay Jaaliyaddu waxay 
	talooyinka hoos ku qoran u soo jeedinaysaa ummadda Soomaaliyeed ee
	gumaystuhu ku amar ku taaglaynaayo guud 
	ahaan gobolka Qoraxeey, gaar ahaanna 
	magaalada Qabri-dahare iyo tuulooyinka ku 
	dhow dhow sida degaanka Fool-Jeex. 
	  
	
	in ay ku dadaalaan 
	cabsida Eebbe isagana ku xidhnaadaan.
	in bulshada 
	Soomaaliyeed ee ku dhaqan gobolka, gaar ahaan deegaanka ay waxyeelada ba’ani 
	hadda soo gaadheen ay isku dardaarmaan sidii ay ugu nagaan lahaayeen 
	goobahooda iyaguna isugu tashan lahaayeen, isla markaana ay dib u dhistaan 
	guryihii laga gubay, koleey ku tahay in ay balbalo ka taagtaan oo ay 
	cadceeda ka galaan, taasina waxay ka tarjumaysaa sida dhabta ah ee ay dadku 
	ugu diyaarka yihiin in dhulkooda ku gaajoodaan doog iyo diraacba.
	in ay gacmaha is 
	qabsadaan kuna dadaalaan midnimada meel kastooy joogaan, ayagoo u doodaya 
	xuquuqdooda bini’aadinimo iyo tooda aasaasiga ahba.
	in ay ku dadaalaan 
	sidii ay u gaadhsiin lahaayeen dhibaatadooda, ururada u dooda xuquuqaha 
	dadyawga tabaalaysan ee la gumaysto, iyo waliba inay gudbiyaan hadal 
	midaysan, kolka ay u yimaadaan ururada hawlahaasoo kale ku jidha. 
	Haddaba waxay 
	Jaaliyadda Absame ee ku dhaqan wadanka Koonfur Afrika ku dhiiri-gelinaysaa, 
	dhamaan shacabka Soomaaliyeed meel kasa oo ka joogo adduunka in uu 
	cambaareyn u soo jeediyo falalka foolxumada ah ee lagula dhaqmayo shacabka 
	Soomaali Galbeed, gaar ahaan waxay Jaaliyaddu u soo jeedinaysaa Jaaliyadaha 
	Soomaali Galbeed iyo kuwa Absameba ee ku dhaqan wadanka dibadiisa iyo 
	gudahiisaba, inay iyaguna si hagar la’aan ah ugu soo jeedinyaan cambaareeyn 
	kulul gumaystaha fashiistiga ah. 
	  
	Ugu danbayn waxay 
	Jaaliyadu ka codsanaysaa ururada iyo dadka samafalka jecelba in ay gar-gaar 
	deg-deg ah la gaadhaan  goobahaas ay wax-yeelada ba’an ee 
	mood iyo maalba lahi ay soo gaadhsiiyeen ciidamada gumaystaha. 
	  
	Wuxuu ka soo baxay
	 
	Xafiiska Arimaha 
	Xidhiidhka Dibadda ee Jaaliyadda Absame. Afeef: Aragtida qoraalkan waxaa leh qoraaga ku 
saxiixan Faafin: SomaliTalk.com | Nov 25, 2005  
 
						
						 
						
						 |