SomaliTalk HTML CD


Home | Zakaat | Quraan |   Siiro | Search | Saxaabo |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK  - DENMARK

SACIID WESTING: WAA INAAN ALLAAH UGA MAHAD CELINNAA BISHA RAMADAAN

Ibraahim Saalax | SomaliTalk Denmark


Saciid Westing

Bashaash iyo weji furnaan weyn ayuu igu qaabilay, kadib markii uu Saciid Westing oo aan maanta salaadda jumcaha kadib ballansanayn uu iga furay albaabka gurigii uu degganaa ee ku yaalay meel aan ka fogeyn bartamaha magaallada Odense ee Denmark.

“Soo dhawoow oo horey u soo dhaaf” ayuu igu yiri isagoo salaan diirran durbadiiba igu soo boobay, kadibna annigoo gadaashiisa socda waxaan soo galnay qolkiisa fadhiga. Peter Westing oo markuu soo islaamay qaatay magaca Saciid Westing ayaa ii sheegay inuu si aad ah ugu faraxsan yahay munaasabadda diineed ee bisha ramadaan ee ka hartay 2-da maalmood (waa markii aan qoraalka qorayay'e).

“Sidaydaba waan jeclahay bisha ramadaan, dareen kale oo aan billooyinka kale igu jirin ayaa igu soo siyaada bisha ramadaan, waa dareen farxad leh, waxaana si dhab ah u yaqiinsanahay fadliga weyn ee uu Allaah dhex yeelay bisha ramadaan, waa taas tan keentay inaan farxaddaas isku arko” ayuu isagoo muusoonaya yiri, wuxuuna haddana markale intaas ii raaciyay “gaajo iyo daal yar ayaan labada maalmood ee hore ayaan dareemaa, hase ahaatee wixii intaa ka danbeeya waan la qabsadaa” ayuu misna yiri Saciid Westing oo muslim ahaa laga soo billaabo sannadkii 1990-kii.

“Dhab ahaantii waa inaan Allaah uga mahad celinnaa fadliga bisha soon ee nagu galladaystay, billooyinka aan ugu jeclahay ayuu ka mid yahay” ayuu yiri Saciid oo dhammaan salaadaha leylka iyo tarawiixda ee lagu oogayo bisha ramadaan masjidka waqafka Odense si joogto ah u yimaada.

Fadliga weyn ee Ramadaanka

Saciid wuxuu jeclaystay fadliga Ramadaanka ee soo noqnoqnaya laguna xusay kitaabka quraanka iyo sunnada Nebiga (scw) sida denbi dhaafka weyn, naxariista ballaaran iyo xoreynta naarta ee loo fidiyay addoomada iyaga markaas muujiya cibaado badan oo nooc kasta leh. “waxa sida gaarka ah naftayda u saamaysay ayaa ka mid ah halka habeyn (leylatul-qadarka) ee lagu xusay quraanka ee tilmaamaya inuu ka kheyrka badan 1000 habeen, allaahu akbar, waa habeen aan markasta ku Alla baryo inuu i waafajiyo” ayuu yiri

Saciid oo markuu intaas yiri aan weydiiyay waxa uu ku duceysan lahaa haddii la waafajiyo habeenkaas, wuxuuna yiri “dabcan waxa ugu horreeya ee aan Allaah weydiisanayo waa Jannada, kadibna inuu soo islaamiyo dhammaan qoyskayga ee aan muslimka ahayn” ayuu yiri isagoo ku taamaya inuu arko qoyskiisa oo hal mar soo wada islaama.

Qoyskayga inay wada islaamaan

“Lama jecli hooyaday iyo walaalahay-ba inay islaamnimo la’aan ku dhintaan, uma dulqaadan karaan kuleylka naarta jahannamo” ayuu isagoo si hoos u hadlaya yiri, wuxuuna ii raaciyay inuu hadda deris la soo noqday hooyadiis oo sanandkan 80 jirsatay. “Sababta ugu weyn ee aan ugu soo dhowaaday hooyaday ayaa ah inaan bal tuso samafalka uu islaamka i baray inaan ugu sameeyo waalidkay iyo walaalahay” ayuu yiri, wuxuuna intaas ku daray “waxaan dareemayaa inay hooyaday ku adag tahay inay waqti fudud gudahood ku fahamto sababta aan ugu doortay islaamka, hase ahaatee markii danbe way tixgelisay qaadashadayda islaamka” ayuu yiri Saciid, wuxuuna sheegay inay ugu wacan tahay aragtida ay islaamka ka aaminsan tahay saamaynta warbaahinta galbeedka guud ahaan, gaar ahaan tan deenishka oo si fool xun wax uga sheega muslimiinta iyo islaamkaba. “waqti iyo! dadaal ayeey u baahan tahay in dacaayadaha warbaahinta wax looga baddalo” ayuu haddana yiri, wuxuuna arrintan sabab uga dhigay qaar ka mid ah muslimiinta oo aan si wacan uga tajumaynin dhaqanka suubban ee uu islaamka leeyahay.

Soo Islaamnimadii Siciid... Guji

"WELIGEEY KAMA AANAN QOOMAMAYN ISLAAMKA AAN QAATAY" Siciid... Guji

Saciid Westing wuxuu ka shaqeeyaa warshad. Mar aan fogeyn ayuu guursaday gabar muslimad ah oo u dhalatay dalka India, kadib markii uu nasiib darro kala kulmay labadii gabdhood ee uu horey u guursaday ee u kala dhashay dalalka Marooko iyo Falastiin. “labaduba islaaminimadii aan ku doortay kama aanan arag, waxaan oran karaa si kooban waxay ahaayeen muslimiin aad ugu liita diinta islaamka” ayuu misna yiri, wuxuuna Alle uga baryay inuu soo hanuuniyo. “inkastoo guurkaygii iyaga ay daacad iga ahayd, haddana waxay wateen dano gaar ah oo aad u hoosaysa” ayuu markale yiri Saciid oo hadda aad ugu faraxsan gabadha n danbe ee uu guursaday qiyaastii 2 sanno kahor.

Wuxuu Saciid ku raji weyn yahay muddo gaaban gudahood inuu ka baxo nolosho cidlada ah ee sannadihii badnaa uu ku jiray. Wuxuu rajeynayaa inay sida ugu dhaqsaha badan ugu timaaddo xaaskiisa oo ay ku kala nool yihiin Denmark iyo India.

Waxaa isku soo dubaridey
Ibraahim Saalax 
ibra88@hotmail.com
SomaliTalk | Odense | Denmark

Faafin: SomaliTalk.com | Oct 26, 2003

 RAMADAN LATEST NEWS | WARARKA RAMADAANKA

 

@Spam!

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
SWEDEN: DILKII WASIIRADII ARIMAHA DIBADA ANNA LINDH Guji Sept 14
WEYDIIMO AAN JAWAABO U WAAYAY Guji... Jul 27, 2003


SHIRKII SHABAKADDA XIRIIRKA SOOMAALIYEED AY KU YEESHEEN MAGAALLADA ODENSE, DENMARK Guji... Feb 23, 2003


WASIIRKA DENMARK OO DOONAYA INUU CIQAABO WAALIDIINTA SOOMAALIDA GUJI... Feb 3, 2003
MA DALKA MAREEKANKA AYAA DUNIDA NABADDEEDA KHATAR KU HAYA GUJI... Jan 20, 2003
DIINTA ISLAAMKA OO SI MAAMUUS LEH LOOGA AQOONSAN YAHAY DALKA SWEDEN GUJI... dec 26, 2002
MAXBUUSADDII AY HOREY U XIREEN TAALIBAAN OO ISLAAMTAY ..GUJI.... 5/9/02 
Dhibaatooyinka Soo Foodsaara Ubadka iyo Hooyooyinka Soomaaliyeed ee Denmark
Warbixin: Ibraahim Saalax oo booqay tuulada Gudbjerg ee gobolka Fyn, Denmark ayaa sheegay in..
GUJI.. 30/8/02
 
SOOMAALIDA ODENSE OO U QAXAYA DALKA ENGLAND  
SOMAALIDA YURUBTA KALE KU NOOL OO KU SOO QULQULAYA DALKA ENGLAND GUJI.. 
. SOOMAALIDA ODENSE, DENMARK 

SOOMAALIDA DENMARK: Bulshada Aynu lanool nahay aynu ka qaadano Wixii na Anfaca
Warbixin:... Ka akhri halkan feb 20/2002

GELLE OO LA KULMAY RA’IISAL WASAARAHA DENMARK GUJI 
DOWLADDA DENMARK OO SOO BANDHIGTAY SHARCI ADKEYNAYA SHISHEEYAHA DALKEEDA KU DHAQAN ...AKHRI HALKAN
ISLAM AMIN OO KU GUULEYSATAY DACWADEEDII (Aug 2000), MAG-DHOW AHAANA LOO SIIYAY 10.000 KR Guji halkan
QOYS SOOMAALIYEED OO DACWAD KU SOO OOGAY DHAQTAR- UDHASHAY DENMARK GUJI.. 
MAXAY GALABSATAY IIMAAN OO 4 BILLOOD JIRTA! GUJI 
Sharci.cusub.Denmarka | 10Beri.Ramadaan.Kadib | Goorma.lagayaabaa.in. | Axmed.Xirsi | Geelle.iyo.Ra'iisulwasaare | Welwelka.Carruurta | Jaaliyada.Som.Odense | Waraysi.Mohamed.Deeq | Wafti.yimid.Denmark | Daraasad.Muslimka.USA | Talo.Muslimiinta.Minnesota | Qubuuraha.Muslimiinta | Xalka.Carruurta.Qurbaha | Islaamnimada.Siciid | Guushii.Islam.Amin | Qaraxyo.Kadahac.USA


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD