 Booliiska dalka Sweden ayaa lagu soo waramayaa inay natiijo fiican ka gaari 
 rabaan wararka la xiriira ninkii lagu tuhmayay inuu dilay haweenaydii ahayd 
 wasiirka arrimaha dibadda Sweden
 Anna Lindh.
Booliiska dalka Sweden ayaa lagu soo waramayaa inay natiijo fiican ka gaari 
 rabaan wararka la xiriira ninkii lagu tuhmayay inuu dilay haweenaydii ahayd 
 wasiirka arrimaha dibadda Sweden
 Anna Lindh.
 Anna Lindh ayaa geeriyootay, kadib markii uu nin da’diisa lagu qiyaasay 30 
 jir uu dhowr jeer mindi uu watay geliyay meelo ka mid ah jirkeeda, dhaawacaasoo 
 sababay inay u geeriyooto subaxnimadii khamiistii ina dhaaftay, kadib markii 
 guul laga gaari waayay qaliinkii qaatay saacado badan.
 
   
     |  sawirka ninka lagu tuhmayo inuu dilay Anna Lindh
 | 
 
 Wargayska caanka ka ah dalka Sweden ee la yiraahdo Expressen ayaa maanta soo 
 bandhigay sawir aan si fiican u muuqanin laguna sheegay inuu ahaa ninkii dilay 
 Anna Lindh, wuxuuna wargayska intaas ku daray in sawirkaas laga qaaday ninkaas 
 kahor intuusan dhicin fal-denbiyeedka loo gaystay Anna Lindh.
 Ninkan oo sawirkiisa ay soo bandhigeen maanta wargaysyo badan oo ka soo baxa 
 dalka Sweden ayaa lagu qiyaasay inay da’diisu tahay soddomeeyo, isla markaasna 
 u muuqaal ekaa dadka iswiidishka. Waxaa sawirka qaaday kaamerada ama fiidiyowga 
 uu lahaa dukaankii NK ee ay ka adeeganaysay wasiiradda kuna yaalay bartamaha 
 magaallada Stockholm.
 Ilaa iyo hadda si rasmi ah booliiska Sweden uguma dhawaaqin inuu ninkani 
 yahay ninkii dilay Anna Lindh, sababtuna waa iyagoo doonaya inay si fiican uga 
 sal gaaraan ninkii dilay Lindh.
 Dhinaca kale, aftidii loogu qaadayay lacagta
 Euro ee la filayay inay dhacdo 
 maanta oo axad ah ayaa sidii horey loogu talagalay u dhacayso, iyadoo tirakoob 
 ay maanta samaysay machadka Galup laguna daabacay wargayska Expressen ayaa 
 sheegay in 43 % shacabka Sweden ay u codeenayaan lacagta Euro, halka kuwa ka 
 soo horjeeda ay yihiin 42%. Tiradan ayaa si weyn isu baddeshay kadib dilkii 
 wasiiradda arrimaha dibadda Anna Lindh oo iyadu dowr weyn ka qaadatay u 
 codeynta lacagta Euro. Intaan la dilin Anna Lindh dadka taageersan qaadashada 
 lacagta Euro waxaa lagu qiyaasayay 35 %, halka kuwa diiddan ay ahaayeen 50 %.
 Guud ahaan dadka shisheeyaha ku dhaqan dalka Sweden, gaar ahaan jaaliyadaha 
 muslimiinta ayaa walaac daran ka muujiyay dilka loo geystay Anna Lindh, kadib 
 markii ay jeclaystyeen siyaasadda ay uga barteen Lindh ee la xiriira arrimaha 
 shisheeyaha. “xafiiska Anna Lindh wuxuu u furnaa dhammaan shisheeyaha, gaar 
 ahaan muslimiinta” waxaa sidaas yiri mid ka mid ah muslimiinta ku dhaqan 
 Sweden.
 
   
     |  Dukaankii lagudilay Lindh
 | 
 
 Anna Lindh oo 46 jir ahayd, waxay jagada wasiirnimo qabatay sannadkii 
 1998-kii, iyadoo ahayd qof si weyn uga muuqatay xisbigeeda socail-ka ee dalka 
 xukuma. Waxay ku sifaysnayd Lindh isku kalsoonaan la xiriira fikradaha ay qabto, 
 dhiiranaan dheelitiran, aqoon fiican oo ay u lahayd shaqadeeda iyo iyadoo 
 markasta is garab istaagta dadka tabarta daran ee xoogga loo sheegto. Marar 
 badan waxay Anna Lindh taleefishinka Sweden ka sheegtay inuu Ra’iisal wasaaraha 
 Israel yahay nin waalan, waxayna dadweynaha iyadoo tv-ga kala hadlayso u 
 sheegtay inaynan gadanin alaabta ka timaadda Israel sida khudaarta israel ee 
 lagu iibiyo suuqyada Sweden.
 Sidaas si la mid ah, waxay dhaleeceen kulul u soo jeedisay dowladda Denmark 
 kadib markii ay si aan wanaagsanayn ula dhaqmeen qaxootiga ku dhaqan dalkeeda. 
 Waxay oggolaatay inay dalkeeda soo qaataan qaxooti reer Afghanistan ahaa oo 
 dalka Australia ay u diidday inay magangelyo siiyaan. 
 Waxay Anna Lindh isku dayday inay dhexdhexaadiso dalalka labada kuuriyadood, 
 bal si ay u soo af-jarmaan khilaafaadkooda soo jiraynka ahaa. Waxay si weyn uga 
 soo horjeedday dagaalkii lagu qaaday Ciraaq, waxayna taageersanayd in Qaramada 
 Midoobay loo daayo xal-ka-gaaridda arrimaha Ciraaq. Waxaa waxaasoo dhan ka sii 
 darnaa iyadoo si weyn wax uga sheegtay siyaasadda madaxweynaha Mareekanka 
 George W. Bush ku doonayo in siyaasadda Yurub laga hoggaamiyo Washington.
 Jaceylka iyo kalsoonida weyn ay kasbatay Anna Lindh ma soo billaaban markay 
 noqotay wasiirka, balse waxay billaabatay markay ardayga ka ahayd Jaamacadda 
 Upsala, iyadoo baranaysay sharciyada. Aad ayeey u jeclaayeen dhammaan ardaydii 
 ay isla dhiganayeen jaamacadda, sidaas si la mid ah waxay kasbatay jaaliyadaha 
 islaamka ee ku dhaqan Sweden. Wixii ka danbeeyay qaraxyadii 11-ka sibteembar, 
 muslimiin badan ayaa dhibaato ka soo gaartay qaar ka mid ah dalal badan oo ka 
 mid ah galbeedka gaar ahaan xarumaha islaamka, waxaana sii siyaaday cadaadiska 
 dhinaca xukuumadahaas ay ku hayeen xarumaha islaamka. Hase ahaatee, muslimiinta 
 Sweden ayaanan wax dhibaato ah la kulmin wixii ka danbeeyay 11-kii sibteembar. 
 Anna Lindh ayaa wasaaraddeeda amar ku siisay inay daabacaan kitaab si hufan 
 islaamka uga hadlaya, waxaana kitaabkaas loo qaybiyay ! dhammaan dugsiyada 
 dalka Sweden si ay shacabka reer Sweden si fiican ugu bartaan wanaagga iyo 
 xadaaradda islaamka uu leeyahay. 
 Sannadkii 1986-kii ayaa dilkan mid la mid ah loo gaystay Ra’iisal wasaarihii 
 dalka Sweden ee waqtigaas Olf Palm, isagoo markaas la socday afadiisii kana 
 yimid mid ka mid a shineemooyinka ku yaala Stockholm. Dilkaas oo ilaa iyo hadda 
 laga joogo sannado kabadan ayaanan la ogeyn qofkuu ahaa ninkii dilay Olf Palm.
 Warkii hore ee 
 Wasiirada tooreyda lagu diley.. Guji..