SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - SWEDEN

 Soomaalida Sweden iyo u coddeynta lacagta euro-da. Qaybtii 3 aad

Qore: C/risaaq maxamed xuseen
University of Gavle-Sweden
habdirisak@hotmail.com

Faalo iyo Gabagabo

Qaybtii: 1aad | 2aad

Waxaan horay uga soo hadalay laba qaybood oo ku saabsanaa habka ku biiritaanka lacagta-euroda ay u saamayn doonto dhaqaalaha wadankan Sweden. Waxaan taabanay waxyaalaha ay ku kala doodayaan labada qaybood ee arintan. Waa kuwa diidan lacagtaas euro-da iyo kuwa ogole. Waxaan si aad ah uga hadalay kaalinta bangiga dhexe wakhtigan xaadirka ah iyo mida uu yeelan doono haddii lacagta euro-da la qaato. Waxaan kaloo falanqaynay habka kale ee dowladdu isticmaasho kolkii ay dooneyso iney dhaqaalaha dar-dar geliso ama xakameyso. Habkaas oo ah kan lagu magacaabo ”fiscal policy”( faahfaahin ka akhri qaybtii 2aad)

Qaybteenaan 3aad oo ah qaybta ugu dameysa taxanihii aan kaga hadleyney ”Soomalida sweden iyo u coddeynta lacagta euro-da” waxaan ku falanqayn doonaa arimaha kale ee doodu ka taagan tahay iyo weliba faalo kooban oo gabagabo ah.

Arimaha kale ee qolyaha lacagtan u ololeeyaa ay aad u hadal hayaan waxaa ka mid ah in shirkadaha ay lacag badan oo ay ku bixin jireen isku bedelka lacagaha u baaqan doonto. Arintaasi waa arin run ahaantii dhab ah walow ay aad u quseyso shirkadaha ganacsiga la leh wadamada lacagta euro-da isticmaala. Balse kuwa mareykanka ama jabaanka ama wadamada kale ganacsiga la leh faaěidadaas ma heli doonaan. Maxaa yeelay waxaa la isticmaali doonaa sida badan dollar ama Yen ama lacago kale. Arinta kale ee iyana badanaaba doodaha soo gasha waa iyadoo la leeyahay shirkaduhu waxa ay ka badbaadayaan isbedbedelka badan ee ku dhaco lacagaha wax lagu kala iibsado.( Exchange risk). Taas waxaa loola jeedaa hoos u dhaca sarifka lacagaha wax lagu kala gataa badanaaba wuu isbedelaa, weliba isagoon isla socon oo maalinba lacagi isbedeli karto. Taasi waxay keentaa iyadoo aaney shirkaduhu garan kareynin inta sarifku noqon doono maalinta la bixinaayo lacagtii alaabtii horey loo kala iibsadey.

Waxaa kaloo iyana aad loo soo qaataa, in shirkadaha swedishu ay heli doonaan suuq aad uga weyn kan ay maanta haystaan. Maxaa yeelay kolkii yurub hal lacag isticmaaleyso, waxaa weynaanayo suuqii alaabta loo iibgeyn lahaa. Taasoo faa iido u noqon karta shirkadaha swedishka. Suuqan weyn ee shirkadaha kala duwani ku jiraan wuxuu keenayaa tartan aad u kulul oo dhexmaro shirkadahaasi. Arintaasi waxay ku khasbeysaa shirkad walba iney alaabteedii hagaajiso( quality development). Haddii aaney taas sameyn karina ay suuqa iskaga baxdo. Waxaa kaloo iyana macquul ah in tartankaas adagi uu cadaadis saaro qiimihii alaabta lagu kala iibsan jirey, uuna sababo in sicirka alaabtu uu hoos u dhaco. Iyadoo ay arintaas faaěido weyn u tahay dadka caadiga ah ee wax iibsada (consumers).

Gabagabo

Isku soo wada duuboo, waxaa caddaan ah in arintan dhinacii la aadaba ay saameyn inagu yeelan doonto hadii aynu nahay soomaalida ku dhaqan wadankan. Maadaama ay saameyntaasi lama huraan tahay waxaa loo baahan yahay inaan aad u fahamno oo aan weliba falanqeyno waxyaalaha laysku haysto. Intaas ka dibna aan dhinac raacno: JA eller NeJ.(haa ama maya ) . Anigu sidaan horey u xusay waxaan bartay cilmiga dhaqaalaha , waxaana jaamacad kaga baxay ilaa mastrate ah wadankan isweden. Isgarabdhig, baaris iyo falanqeyn badan ka dib waa ii cad yahay goŕankii aan qaadan lahaa kolkii doorashada loo dareero 14ka-september. Balse ma doonayo inaan saameyn ku yeeshu qofka doonaya inuu codeeeyo, ee waxan rabaa inaad gaarto goŕan aad soo bislaysay. Qofkii su aal isagu qaba, ku saabsan arintaan doorashada iwm waa ila soo xiriiri karaa. waxaa kaloo isna ila soo xiriiri karo qofkii waxuun mugdi kaga jiraan. Waan u cadeyndoonaa waxii ilaahay naga solonsiiso.Insha allah

Mar kale waxaan ku xasuusinayaa akhristow in dooda arintu laba qaybood tahay. waa dhinaca dhaqaalaha iyo dhinaca siyaasada. Dhinaca dhaqaalaha waa midkii aan ka soo hadalay, kaasoo kolkii pluska- iyo Miniska( Dhibta iyo dheefta) la isu tuuro lagu soo dhacayo, waxa dhaqaalayahanadu ugu yeeraan ”Zero profit” ama faaidada iyo khasaaraha oo is le ekaada.

Hadaba waxaa goaanka qofku gaari lahaa u sahlayo kolkii u arintan dhaqaalaha ku lamaaniyo mida siyaasada. waxaa ay u badan tahay hadii qofku uu sidaas yeelo in uu goaan uu ku qanco qaadan karo. Bal aan u joogno waxa dadka Sweden ku dhaqani ay door bidaan 14-ka september. Euro eller Krona. Euro ama karoon.

Qaybtii: 1aad | 2aad

Mahadsanidin

Qore: C/risaaq maxamed xuseen

University of Gavle-Sweden

habdirisak@hotmail.com

 QORAALADII HORE EE C/RISAAQ MAXAMED

| Quraan | Siiro | Saxaabo | Salaat |  Zakaat | Halal  | Hajj | isxisaabi |

Faafin: SomaliTalk.com | Aug 27, 2003 


Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri
 

 

Quraan 114 Suuradood ee Qur'aanka

 .... Copyright & Islaamku wuxuu ka qabo.... Akhri

Kulaabo bogga hore ee  www.somalitalk.com

 

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
xayaysiis
mahuraan 
MAHURAAN
: Waa buug dhowaan soo baxay GUJI...

XAAFID QUR'AAN cFatax Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD [an error occurred while processing this directive]