SomaliTalk


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

WARARKA IQRA FM - NAIROBI

yusuf xaaji oo ka hadlay soomalida lagu tuhmay qarixii mombasa. 
Sawirka oo Weyn
IQRA FM Laanta Soomaaliga 

Ridwan Xaaji Cabdiwali  

iqrafm@bidii.com | ridwanhaji@journalist.com

Nairobi, Kenya | Dec 2, 2002

 IQRA FM
95.1 IQRA F.M 

 wasiirka xafiiska madaxwaynaha dalka kenya Maxamed Yuusuf Xaaji oo aan khadka taleefanka kula xiriiray ayaa ii sheegay in haatan la wado baaritaan ku saabsan in soomaalida lahayo ay ka danbeeyeen qarixii mombasa iyo inkale.

wasiirku waxaa uu sheegay in soomaalida 4ta ah ay lamid yihiin kuwa kale ee haatan lasii daayay mar hadii lagu waayo in ay lug ku leeyihiin weeraradii lagu qaaday hotelka paradise iyo gantaalaha lala gafay dayuurada israa'iil.

waxaa haatan la sii daayay nin isbaanish ah iyo haweenaydiisii oo u dhalatay dalka maraykanka markii lagu waayay in ay xiriir la lahaayeen qarixii loo qabtay isla markaana si sharci ah ay ku soo galeen dalka kenya.

booliska dalka kenya waxay horay u sheegeen in 4ta soomaalida ah iyo 6da baakistaaniyiinta loo hayo sharci daro in ay ugu sugnaayeen dalka sidaas daraadeedna la baarayo in ay xiriir la wadaagaan qaraxii hoteelka.

wasiirka gudaha amaanka waxaa uu sheegay in dadka lahayo aysan xiriir la lahayn ururka al qaacidaha ee lagu tuhmayo in uu soo qorsheeyay weeraka lagu qaaday yahuuda dalxiisayaasha ah.

ridwanhaji@journalist.com 

iqrafm@bidii.com 

Dec 2, 2002

Al itixaad oo lagu eedeeyay weerarkii mombasa
mas'uul sare oo u hadlay maraykanka ayaa sheegay in qarixii loo gaystay hotelka paradise ay... IQRA 30/11

 Hotel lagu Qarxiyey Mombasa iyo Diyaarad Gantaal lagaga Gamey Mombasa
Hotelka iyo diyaaradaba waxaa leh Israel, diyaaradu wey ka badbaadey gantaalkaas, hotelka waxaa ku dhintay 11qof kaddib markii gaari ay saaraayeen sadex.. GUJI...

 ELDORET: Taxanaha Wararka 

FAAFIN: SOMALITALK.COM 

KAYDKA WARARKA EE IQRA - News Archive - GUJI/CLICK

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA..
   
 

 

Shirkii Eldoret oo Furmay
Labawarbixinood oo kusaabsan shirka dib u heshiisiinta Soomaalida. 
»» Warbixintii Radio IQRA fm 
»» Warbixintii Maxamed Xaaji Ingiriis
»» Eldoret Oct 15 & Aragtida Shacabka[DoodFuran]


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD