SomaliTalk


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

WARARKA IQRA FM - NAIROBI

Dasuuqi: waxaan ahay Al Islaax nabadda ayaana ka shaqaynaa
Sawirka oo Weyn
IQRA FM Laanta Soomaaliga 

Ridwan Xaaji Cabdiwali  

iqrafm@bidii.com | ridwanhaji@journalist.com

Nairobi, Kenya | Nov 2, 2002

 IQRA FM
95.1 IQRA F.M 

 

Dr ibraahin sheekh maxamed (Dasuuqi)oo kamid ah mudanayaasha baarlamaanka dawladda kumeel gaarka isla markaana ah dhakhtar ku takhasusay cuduradda wadnaha iyo kuwa guud kana mid ah ergooyinka ka qayb galaya shirka Eldoret ayaa maanta waxaa uu nagu soo booqday Xarunta IQRA ee magaalada Nairobi waxaana uu sheegay in shirka dib u heshiisiinta soomaalida eldoret uu ka duwan yahay shirarkii horay 13ka ahaa ee soomaalida loo qabtay hadii ay yihiin ururada bulshada ama jabhadaha hubaysan isagoo xusay in shirkii carta aysan u dhamayn soomaalida.

Dr Dasuuqi oo idaacaddu ay ka qaaday waraysi dheer ayaa waxaa kaloo uu sheegay in shirka eldoret wajigiisa labaad uu noqon doono mid fudud sida uu rajaynayo maadaama laga gudabay caqabadii ugu horaysay oo koox waliba iminka ay ku saxiixday magaca looga yaqaano caalamka sida dawladda kumeel gaarka.

mar wax laga waydiiyay hub kadhigista soomaaliya sida ay ula muuqato waxaa uu sheegay in mashaariicda dawlada TNG ay la hir gali la'dahay ay tahay baaritaan kadib hubka soomaaliya oo gacanta u galay cid walba hakii oo xataa ilmaha 10ka sano jira ay haystaan mana jirto ayuu yiri dawlda caalamka shacbkeeda ay hubaysan yihiin ,dawladda kumeel gaarkana in badan ayay beesha caalamka kala hadashay sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen hu ka dhigista, waxaana uu intaas ku daray in loo baahan yahay dawlad soomaaliyeed oo shacabka hubka ka dhigta.

Dasuuqi waxaa uu yiri: aniga waxaan ka tirsanahay al islaax shirka eldoret iyo kii cartana ugama qayb galin Al Islaax waxaana shirka isugu imayanay ururada bulshada iyo jabhadaha hubaysan waxaana baar laamankii jabuuti aan ku helay beeshayda oo imagacaabatay, kuwa ku hadaaqaya in aan anigu kamid ahaa 20kii xubnood ee Dawladda jabuuti ay magacaawday wax ka jira malahan waxaana arintaas ay tahay mid sharciyan ku salaysan ali silaax way ku jiraan dawladda laakiin jabuuti ma magacaabin ee beelohooda ayaa keensaday.

waxaan jelahay in aan hoosta ka xariiqo ayuu yiri dasuuqi hadii aan anaga nahay al islaax waxaa naga maqan dawlad soomaaliyeed waxaan ka shaqaynaa midnimada soomaaliyeed iyo heshiisiinteeda waxaana taageeraynaa cidda ka shaqaynaysa danta umada hadii ay tahay kumeel gaarka ama midda lagu dhisayo Eldoret.

al islaax ma qaadanin hub waligeed hal qorina ha ahaadee waxaan ahayn kuwa ka shaqaynaya isu keenidda umadda waxaana kasoo horheednaa ururada siyaasadeed ee is hubeeyay iyo kuwa wadaadda ah oo an mar walba ku lahayn hubka dhiga wada hadla oo nabadda ka shaqeeya waxaana aan ka soo hor jeednaa wax alaala wixii lidi ku ah umada ,waxaan nahay dad laga yaqaano soomaalida iyo aduunka oo waligood aan wax dilin waxna dhicin waxaana jira dadka qaar wanaaga kasoo hor jeedda.

mar uu ka hadlayay Argagixisada ayaa waxaa uu sheegay in kalmadda argagixiso ay tahay kalmadaha marka laga tarjoma carabiga iyo igiriiska soomaaliduna aysan dhaqan u lahayn waxaana aan maqli jirnay annaga dhaqan ahaan ayuu yiri: kalmadaha anfariir, burcad,shufto gurdama ama qawlaysato marka soomaalida,laaikin kalmadan aysan kamid ahayn dhaqanka soomaaliyeed oo ay tahay wax casrigan ku soo biiray waxaana uun haatan loo yaqaanaa dadka wax argagixiya iyadoo aduunkana aan la isku wada raacsanayn micnaha laakiin waxaa uun loo adeegsadaa dadka basaska, dayuuradaha ama hoteeladda weerara ee dadka rayidka ah dhibaato u gaysta ,anagana mar walba waan kasoo horjeednaa waana cambaaraynaynaa iyadoo ay jiraan dad umadda argagixiso ku ahaa hadii ay yihiin ajinabi ama soomaali oo doonaya in dhiigii ay galeen ay annaga nagu rirtiraan laakiin beentooda ay soo baxayso,al islaax waxa ay soomaalida u qabato waxaa lasocda ilaahay,umadiisa ,cirka iyo dhulka iyo dunida oo dhan waxaana ka sheegay CNN,BBC iyo Wargaysyada caalmka arintaas, lamana helayo fal argagixiso ah oo al islaax ay ku dhaqaaqday taariikhda caalamka, anaguna waxaanu nahay kuwo dadka wax bara oo dab damis ahaa mudadii dagaalada sokeeye. 

Prof. Ibbi: Waxaan ahay Islaax, itixaad, qaadiriya, tabliiq iyo suufi. GUJI

ridwanhaji@journalist.com 

iqrafm@bidii.com 

Daabacaad Nov 2 | Dib-u-sixid: Nov 3

Al ISLAAX: MA URUR DIINEEDBAA MISE URUR DANEED?
Ahmed Shire | June 2002
Ka dib burburkii dowladii Soomaliya dhamaadkii sideetamaadkii waxaa dhacday in qof walba oo Soomaali ah uu helay fursad uu ku gudbiyo ama...
GUJI

 ELDORET: Taxanaha Wararka 

FAAFIN: SOMALITALK.COM 

KAYDKA WARARKA EE IQRA - News Archive - GUJI/CLICK

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA..
   
 

 

Shirkii Eldoret oo Furmay
Labawarbixinood oo kusaabsan shirka dib u heshiisiinta Soomaalida. 
»» Warbixintii Radio IQRA fm 
»» Warbixintii Maxamed Xaaji Ingiriis
»» Eldoret Oct 15 & Aragtida Shacabka[DoodFuran]


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD