SomaliTalk


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - KENYA

WARARKA IQRA FM - NAIROBI

 Prof. Ibbi: Waxaan ahay Islaax, itixaad, qaadiriya, tabliiq iyo suufi.
Sawirka oo Weyn
IQRA FM Laanta Soomaaliga 

Ridwan Xaaji Cabdiwali  

iqrafm@bidii.com | ridwanhaji@journalist.com

Nairobi, Kenya | 26 Oct, 2002

 IQRA FM
95.1 IQRA F.M 

 Booqasho maanta uu ku yimid Prof.Cabdi raxmaan Ibbi oo ah wasiirka warfaafinta dawlada kumeel gaarka dhismahan IQRA ay kutaalo ee Pandari House iasagoo waraysi ay ka qaaday idaacada ayaa waxaa uu ku sheegay in uu la yaaban yahay nimanka sheeganaya in ay soomaali yihiin hada iyagoo dano raadis ah idaacadaha ka sheegaya in ay doonayaan sifaynta Islaax iyo al itixaad oo sheegaya in dawladda kumeel gaarka ay tahay mintidiin argagixiso ah.

Kuwa ku cel celinaya dawlada waxay ka koobantahay al islaax iyo al itixaad waxaan u sheegayaa in aniga cabdi raxmaan oo wasiirka warfaafinta ah aan ahay muslim ku dhashay islaamka laguna soo koriyay waligayna waan ku dhaqmayaa waxaana aan ahay: al islaax ,al itixaad, qaadiriya ,tabliiq ,suufi iyo dhamaan wixii islaam sheeganaya waana ku faanaynaa.

dhanka kale waxaa uu sheegay in kooxaha qaarkood ee sheegaya in aysan u aqoonin dawlada kumeel gaarka hadalkooda uu yahay wax kama jiraan waxaana aanu kaga qayb galnay shirkii furitaanka IGAD anaga oo ku socona TNG oo kuraastii wufuudeena ay u diyaariyeen IGAD, waxaana jira hogaamiyo kooxeedyo u yaqaana TNG haatan oo ah magaca ay dawladu kaga qayb galayso shirka nabadaynta.

Shirkii Maanta 26 October 2002

shirkii maanta la isugu yimid goobta shirku uu ka dhacayo ayaa waxaa ka hadlay Aden Gabyoow oo aad ugu taagsaday in soomaalidu ay heshiiyaan oo aysan sugin in la heshiisiiyo waxaana ugu danbayntii uu halkaasi dhacday in uu ooyo oo dhiig kar uu ku dhaco waxaana loola cararay Cisbitaalka oo lagu dawaynayo, Ergooyinka ka qaybgalaya shirkaasi ayaa qaar fara badan maanta ooyay kadib markii hogaamiya kooxeedkaasi laga dhadhansaday in uu la 'ooynayo dhibaatada soomaalida ku habsatay sida ay nasoo gaarsiiyeen wariyayaasha idaacada iqra ee goobtaasi ku sugan.

 

ridwanhaji@journalist.com 

iqrafm@bidii.com 

 

 ELDORET: Taxanaha Wararka 

FAAFIN: SOMALITALK.COM 

KAYDKA WARARKA EE IQRA - News Archive - GUJI/CLICK

 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
Eldoret waa Magaalo sidee ah
Magaalada eldoret oo ah magaalada lagu qabandoono shirka nabada Soomaalida waa magaalo aad u wayn oo . IQRA..
   
 

 

Shirkii Eldoret oo Furmay
Labawarbixinood oo kusaabsan shirka dib u heshiisiinta Soomaalida. 
»» Warbixintii Radio IQRA fm 
»» Warbixintii Maxamed Xaaji Ingiriis
»» Eldoret Oct 15 & Aragtida Shacabka[DoodFuran]


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD