SomaliTalk DALSAN
Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
DAGAALKA CIRAAQ
WORLD:  AP | AFP | Ruters | interfax | CBC | BBC | CBS | CNN | NBC | ABC | NYTimes | WPost | Fox | Toronto.Star | IOL  | Independent
MID EAST: Asharq.al.awsat | Aljazeera | Al.khaleej | Al.ayam | alwatan | Alrai | Assafir | Arabia | Algeria.El.Watan | AdDustour | BBC.Arabic | Cairo.Times | Egypt.Al.Ahram | Jerusalem.Post | Khaleej.Times | QatarGulfTimes | SaudiGazette  | Dubai News 
Qiiq Sabtidii kasoo baxayey xaydaanka Baqdaad, Sawirka Ap
... 50 QOF AYAA KU DHIMATAY WEERARADII LAGU QAADAY BASRA

Daawo QARAXYADII Baqdaad:  
VIDEO: CBC.TV | ABU-DHABI.TV   |  AL-JAZEERA.TV

WEERARKII CIRAAQ EE MARCH 22, 2003 

  • Baqdaad oo Markale Caawa la weeraray
  • Baqdaad iyo Qaraxyadii Habeenkii Jimcada
  • Turkiga oo Ciidamo u Diray Woqooyiga Ciraaq:
  • Saddam Xuseen oo Ballan Qaaday Abaalmarin
  • Laba Diyaaradood oo UK leedahay oo Isku Dhacay
  • Dagaalka agagaarka Basra

Qaraxyadaii Sabtida iyo Baqdaad

VIDEO: Halkan Ka daawo wararkii Galabta ee CBC TV
SAWIRO: IOL oo soo saaray sawiro carruur ku dhaawacmay dagaalka 

Sida ay werisey hay'adda AP, waxaa daafaha magaalada baqdaad kasoo baxayey qiiq aad u dheer, kaas oo hareeyey magaalada, waxaana taas lagu tilmaamay in Ciraaq dab qabadsiisay haamo ay kujiraan gaas si aan loo arag meelaha yool-baarka ah ee Baqdaad. Akhri Halkan.

Sida uu weriyey TV-ga Canada, waxaa caawa oo Sabti (March 22) markii ay saacadda Baqdaad ahayd 7:15 p.m la maqlayey qarax aad u weyn oo ka dhacay bartamaha magaalada. Akhri Halkan.

TV-ga ABD ayaa sheegay in dagaaladii maanta (sabti) ay ku dhinteen 4 askari oo Maraykan ah kaddib markii gaarigoodii dagaalka ee ay wateen uu ku habsadey Madfac. Akhri Halkan. Sida uu weriyey TV-ga Canada ee CBC waxaa afartaas askari la diley kaddib markii meel loo galay gaarigoodii ay wateen oo ahaa Humvee jeeps. Daawo halkan.

TV-ga Al-Jazeera oo ay soo xiganeysey shabakada Islamonline [IOL] ayaa shegay in magaalada Basra ay kudhinteen 50 qof oo shacab ah oo ay kujiro   u dhashay dalka Ruushka.  waxana warkaasi intaas ku daray in kontonkaas qof ee dhintay ay kujiraan qoys ka koobnaa 11 qof. [Akhri 50 QOF AYAA KU DHIMATAY WEERARADII LAGU QAADAY BASRA]

Sida ay werisey hay'adda wararka ee Ruuska ee loo yaqaan interfax,  laba diyaaradood oo ah kuwa dagaalka ee Ruushka ayaa lakiciyey maanta oo sabti ah kaddib markii sida warku sheegay ay diyaarad ah nooca wax basaasa oo uu leeyahay Maraykanku ay dalkaas Ruushka usoo jirsadeen 20-30Km xadka Ruushka iyo Geargia. Sida ay hay'adu sheegtayna waxaa warkaas cadeeyey afhayeen u hadlayey wasaaradda difaaca Ruushka oo lagu magcaabo Nikolai Deryabin. Akhri halkan. iraq

Halkan ka akhri wararka ugu dambeyeey ee hay'adaha wararka: AP | AFP | Ruters | 

Baqdaad iyo Qaraxyadii Habeenkii Jimcada

Habeenimadii  xalay waxaa magaalada Baqdaad ifiyey holoca kasoo baxay qaraxyo aad u waaweyn oo lala begsaday halkaas. Waxaa lagu tilmaamay in Baqdaada lagu garaacay sawaariiqdii ugu badnayd ilaa intii dagaalka Ciraaq bilaabmay.

TV-ga Abu Dhabi ayaa muujinayey bartamaha Baqdaad oo holcayey, sida sawirka dhanka midig ka muuqda oo kale.

TV-ga Canada ee CBC ayaa sheegay in sawaxanka diyaaradaha dagaalka laga maqlayey magaalada Baqdaad markii ugu horeysey ilaa dagaalku bilaabmay. Daawo wararkii CBC. Waxaa Warku intaas ku daray in markii saacada Baqdaad ahayd 9:00pm in hawada magaalado ay la iftiintay holoca kasoo baxayey qaraxyada sawaariiqda.

Sida ay daabacday shabakada IslamOnline, waxaa caasimada Baqdaad lagu soo gamey 320 gantaal. akhri halkan

Waraka Jimcadii kasoo baxayey Ciraaq ayaa sheegay in ciidanka maraykanku ay qabsadeen laba goobood diyaaradeed oo lagu kala magcaabo H2 iyo H3 oo Galbeed ka xiga Baqadad una jira 350km iyo 435km.  Daawo Wararka TV-ga CBC.

Daawo Qaraxyadii Baqdaaa... Video 
Sawirka: CBC 

Dhanka kale waxaa Jimcadii dunida kasiisocdey mudahadaraadyadii lagaga soo hor jeedey dagaalka Ciraaq. akhri halkan

Sida ay werisey shabakada Saudi Gazette, ceelasha saliida ee Ciraaq in la damiyo aad ayey uga dhib badnaan doonaan kuwii Kuwait ee sannadkii 1991 ay ciraaq dabka qabadsiisay. Sida jariidadaasi cadaysay waxaa arintaas ka digey agaasimaha Farasiiska ee u qaabilsan saliida ceyriin. akhri halkan

Telefishanka ABC ee Maaraykanka ayaa caawa muujiyey sawiro muujinaya dad shacab ah oo kudhaawacmay dagaalada Ciraaq.

Ilaa dagaalka Ciraaq bilowday waxaa lagu soo waramay in laba askari ay dagaalka dhulka ku dhintgeen, iyo 12 kale oo ku dhintay diyaarad ku qaraxday Kuwait. GUJI...

Laba Diyaaradood oo UK leedahay oo Isku Dhacay, 7 ciidankii saaraana waa ku dhinteen
Sawirka google search 
War uu faafiyey TV-ga maraykanka ee CBS ayaa sheegay in ay isku dhaceen laba diyaaradood oo ay leeyihiin ciidanka badda Ingiriisku oo ah Helikobtaro. Waxa ay diyaaradaasi marayeen badda caalamiga ah ee gacanka khaliijka. halkan akhri. Warar uu faafiyey TV-ga ABC aya sheegay in loo malaynayo in toddobadii qof ee diyaaradahaas saaraa ay dhinteen. akhri halkan. Laakiin warar ay mardhowed soo werisey reauters ayaa xaqiijiyey in toddobada ciidankaas saraa labada diyaaradood ay dhinteen, akhri halkan.  Jimcadii ayey ahayd markii ay diyaarad ku qaraxday Kuwait ay ku dhinteen 8 Briton ah iyo 4 ameerikaan ah.

Saddam Xuseen oo Ballan Qaaday Abaalmarin

Warar laga soo xigtey Telefishanka Ciraaq ayaa sheegay in maanta oo sabti ah uu Saddam Xuseen uu soo saaray qoraal uu ku sheegayo in ay tix gelin doonaan maxaabiista ay ku qabtaan dagaalka asagoo tixgelinaya xeerka caalamiga ah ee Geneva. Warku waxa uu intaas ku daray in TV-ga Ciraaq ee loo yaqaan INA (Iraqi News Agency ) uu sheegay Saddam uu u ballan qaaday lacag abaal marin ah siin doono qofkii soo rida diyaarad cadowga ah, waa sida warku u dhigaye, qofki soo rida diyaarad dagaal waxaa lasiin doonaa 100 million dinars (oo u dhiganta $33,000), waxaa kale oo 50 million lasiin doonaa qofkii soo rida helicopter, ayaa warku ku daray. Warkaas oo ay sii tebisey Reuters ka akhri halkan. 

Turkiga oo Ciidamo u Diray Woqooyiga Ciraaq:

Wararka ka imanaya dalka Turkiga ayaa sheegay in wasiirka arimaha dibada ee Turkey, Abdullah Gulmade, uu jimcadii sheegay in uu dalkiisu ciidamo u dirayo woqooyiga Ciraaq si uu dalkiisa Turkigu u horjoogsado boqolaalka qaxootiga ee soo qaxaya Ciraaq. Saacado kadib markii uu hadalkaas yiri waxaa xadka ciraaq u tallabay 1,000 askari oo ciidanka Turkiga ah.  Waxaana wararku sheegayaan in ficilkaas uu Turkigu qaatay in ay kasoo horjeedaan Ciraaqiyiinta Kurdishka ah iyo Mareaykankuba.

Dagaalka agagaarka Basra

Wararka maanta ka imanaya magaalada dagaalka Ciraaq ayaa sheegay in ciidanka maraykanku ay kusii durkayeen magaalada Basra ee kutaal Koonfurta Ciraq. [eeg Khariidada Ciraaq]. Sidoo kale halkan ka akhri warbixintii TV-ga NBC. 

Warar Goosgoos ah:

Wararkii shalay ee dagaalka Ciraaq  Guji Halkan

Daawo Qaraxyadii iyo holocii Baqdaad  

Wixii wararkaan kusoo kordhay ka akhri halkan

Faaladii Jariidada Toronto star

Tixraac iyo sawirada: AP, Reuters, CBC, CBS, ABC, IOL, Yahoo, Google, islamicity

<> TAARIIKHDA CIRAAQ ... HALKAN GUJI <>

HADDA: WARARKII UGU DAMBEEYEY EE CIRAAQ
VIDEO:
Daawo wararka AP ee Ciraaq... 
MAP: Khariidada Ciraaq 

<><><>

March 21, 2003

Wararkii Dagaalka Ciraaq : March 21, 2003
»» Dagaalkii Dhulka oo Bilowday »» Xaaladda Saddam Xuseen... »» Ciidamada uu hoggaaminayo Maraykanku uu gudaha u gala Koonfurta Ciraaq... »» 12 Maraykan iyo Briton ah oo ku dhintay diyaarad militari oo ku qaraxday Kuwait. GUJI...

IRAQ TODAY'S NEWS... | WORLD LATEST NEWS 
»»
Wararka warbaahinta Bariga Dhexe...

DIGNIIN: Virus Cusub [W32/Ganda-A]

Dagaalka Ciraaq
»»VIDEO: Ciraaq oo Gantaalo Ku Gantay Kuwait
»»VIDEO: Bush oo  bixiyey amarkii weerarka ciraaq 
»»VIDEO: Jawaabtii Saddam kabixiyey Weerarka Ciraaq

 WORLD:  AP | AFP | Ruters | CBC | BBC | CBS | CNN | NBC | ABC | NYTimes | WPost | Fox | theStar | IOL  
PAKISTAN: PakNews | Jang | Dawn
MID EAST: Asharq.al.awsat | Aljazeera | Al.khaleej | Al.ayam | alwatan | Alrai | Assafir | Arabia | Algeria.El.Watan | AdDustour | BBC.Arabic | Cairo.Times | Egypt.Al.Ahram | Jerusalem.Post | Khaleej.Times | QatarGulfTimes | SaudiGazette

Somalitalk.com | Canada | March 20, 2003

I  I  D  H  E  H

Tixraac: CBC, ABC, moscow times.

Madaxda Carabta oo Kasoo Horjeestey Dagaalka Ciraaq
Kulankii wadamada ku bahoobey ururka Carabta uga socdey Masar ayey ku sheegeen in.. GUJI... 2/3

VIDEO: WARARKA BAARLAMAANKA TURKIGA--- DAAWO CBC
VIDEO:
Khudbadii Bush u jiidiyey Dadka Maraykanka
VIDEO:
Bush oo diidey taladii Canada ee Ciraaq

ARAFAT: DAGAALKA CIRAAQ WAREEN AYUU KU NOQON XAQA FALASTIIN
Carafaad oo aaladda layska arko qudbad ugaga jeedinaayay shirka ay kuleeyihiin magaalada Kuala Lumpur ayaa yiri... GUJI... Feb 26

SADDAAM OO CODSADAY INUU WADA HADAL TOOS AH LA YEESHO BUSH
Waraysi uu la yeeshay TV-ga CBS ayuu Saddam shaaca kaga qaaday in uu diyaar inuu madaxweynaha Mareykanka kala doodo arrimaha.. GUJI

 

MAXAAD KA TAQAAN CIRAAQ ?? TAARIIKHDA CIRAAQ 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD