SOMALITALK.COM  


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
ARAGTIDA - DADWEYNAHA

WAA MAXAY GEELA DOOFARKU LAAYAY? 

Xagar Yare | xagar91@hotmail.com

July 11, 2002 

WAA WARIYIHII; RADIO MUQDISHO 1984-86 IYO RADIO HALGAN (radio kulmis)1986-88 IYO RADIO HARGAYSA 1988-1991-- (xagar yare). oo leh sidi qabax aduunyooyo sidanina maxay tahay?

" haddii aan mawduuca laga doodayo la weerarin oo shaqsiyadda qofka la weeraro waxaa lumaya ujeeddadii doodda ama quruxdii qoraalka, arrintuna waxay isu beddelaysaa weerar shaqsi iyo difaac shaqsi". Maxamed-Deeq  

4tii July ayaan akhriyay cadad ku soobaxay bogga aan macmiilka akhriska la ahay ee SOMALITALK, oo uu fikir ku cabirayay idaacada BBC; waxaan ka dhadhamiyay qoraalkaas mid si guud ama habsiyaasadeed uga soo horjeeda fikir guumaysi oo si guud ah, isagoo qoruhu u arkayay in ay idaacadu tahay mid uu ku adeegto.

Sidii ii caadada ahayd 11kii July markii aan shaqada kasoo galay gurigaygii ayaan furay PC bogii aan ku bilaabijiray ee SOMALITALK si aan Uga xog ogaado xaalka dalkii hooyo guud ahaan. waxaase i hardiyay war malaha aan ka dhagwayn noqday oo anan aad u garan. WAAYO? waxaa ku saxeexan suxufi aan oran lahaa waa mid caalami, use cabiraya aragtidiisa si' aanay sagaarana ka biiqsanin (waa catoosh). oo ila noqday uun ninba meesha bugtaa isagay balbashaa.

Haba yaraatee mataaban bogu qabiil ee suxufi ayuunbuu cabiraayay iyo aragtida guud ee siduu hadalka u dhigay ku wajahnayd guumaysiga. laakiin catoosh wuxuu uun ila ahaa nin doofaar geel ka laayay, oo wuxuu uun ku bilaabay (WAARYAA QABIIL BAAD KAWADAA IYO BADAW ILBAXAY 12 SANO KA HOR AYAAD TAHAY:EE GARAAD WAA ADEERKAY EE HA KA XUMAANIN WAA WADANI IYO WAXAAN MEESHABA OOLIN).

" cidina garaadka ma haysanine, siguud iyo hadafka guumaysigaa laga hadlaayay" Xagar yare  
Runtii aniga XAGAR YARE ahaan yuusuf imtixaankii idaacada aan u galaynay radio muqdisho waxaannu ahayn 100 nin aniga iyo yuusuf-na waxaan ka mid ahayn 7 nin oo ku baastay imtixaanka, idaacaduna qaadatay, markii aan imid radio hargaysana dhawr jeeerbuu iigu yimid BARBARA oo waan ogahay inuu yahay nin qabiil ka sareeya, aadna udhisan, aadna umacaan. laakiin catooshoow waxaan qoraalkayga kuugu soo xirayaa (DHINACAAN KA HADLAY QAMAAN WAAKAA DHAAFAY HADALKIIYE): saaxiib hadalku laba shub ayuu kuugu dhacay. doofara geel malaayee cidlaad ka barooratay. cidina garaadka ma haysanine, siguud iyo hadafka guumaysigaa laga hadlaayay

saaxiib catoosh (SIDI-SIDIDAADA MOOYEE DHUL U DHACAAGA HUBSO)

Xagar Yare | xagar91@hotmail.com

###

AFEEF: Aragtida qoraaladani waa kuwo u gaara qorayasha ku saxiixan

 

 
Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
 
First lady Laura Bush presents the Annual Democracy Award to Mariam Hussein Mohamed, founder and co-chairperson of Somalia's human rights group, the Dr. Ismail Jumale Human Rights Organization Tuesday, July 9, 2002 in Washington. (AP Photo, Susan Walsh)  SOURCE...
 

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD