SomaliTalk DALSAN
SomaliTalk.com
Online Community
WEATHER LINKS
. AccuWeather
. WeatherNetwork
. WeatherBase
. Weather
. nws.noaa.gov
. IntelliCast
. WeatherOffice
. Environment Canada
SCIENCE
. NationalGeographic
. Discovery
. Animal Discovery
. Discovery ca.
. Nature Magazine
. Science Magazine
. The Lancet
ENGINEERING
. Eng. Net Base
. Clearing House
. ASCE Publications
. Eng.Virtual.Library
. Engineering Info.
. Civil Eng. Journals
. Testing&materials
. CSA International
. P. E. Ontario
. N. S. P. E.
HEALTH TALK
. Asthma Edu. Network
. Asthma Resource
. Asthma & indoor
. Asthma and Immun.
. Asthma and Allergy
. Astham Campain
. Allergy & Asthma

Home | FreeWebs | FreeEmail | TellFriends | Search
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
RAMADAAN - 1423
Family | Halal | Islam | Kaaba | Learning | SomBeauty | SomLink | TafsiirQur'aan | Zakat | Saxaabada | Siiro | Haj
KHUDBATUL WADAAC

Khudbadii ugu dambeeysay ee Nabiga SCW.

I  I  D  H  E  H

Khudbadii ugu dambeeysay oo Nabi Maxamed SCW jeediyey oo loo yaqaan “Khudbatul Wadaac.” Khudbadda waxaa la jeediyey maalinta 9aad ee bisha Dul Hajj sanadkii 10aad ee Hijriyada, waxaana laga jeediyey dooxada Curana ee buurta Carrafa.

Kaddib markuu Ilaah koryeelay oo ku mahadiyey Nabiga SCW wuxuu yiri:

Dadow! aad ii dhageysta oo hadalkeyga dhuuxa, maxaa yeelay ma garanaayo sannadkaan kaddib in aan idinla joogi doono sidaan oo kale. Marka si wanaagsan u dhageysta warkaan idin leeyahay una gudbiya ereyadaan kuwa aan nala joogin halkaan maanta.

Dadow! Sida aad u qadarisaan bishaan (carafo), maalintaan (ciida ah), magaaladaan barakeysan (ee Makka), u qaddariya nafta iyo xoolaha (maalka) qof kasta oo Muslim ah, taasoo idinku ah amaano aad u xaq dhowr mudan. U celiya xoolaha leydinku amaaneystay dadka xaqa u leh. Qofna ha xumeeynina si aan qofna idiin xumeyn. Xasuusta in aad Ilaah hor imaan doontaan maalinka Qiyaame oo uu idinla xisaabtami doono. Ilaah waa xarrimay in aad qaadataan dulsaar-deyn ama riba (interest), marka wax walba oo dulsaar ah oo deyn ahaan dadka loogu leeyahay waa in la cafiyaa. Raasumaalkaaga adiga ayaa xaq u leh. Markaad sidaa yeeshaan cidna xaqdarro ma gaarsiineeysaan, mana idiin soo gaareeyso xaqdarro. Ilaah wuxuu go’aamiyey in layska daayo dulsaar-deyn ama riba (interest) oo aan lagu dhaqmin, sidaa darteed dulsaarka uu Cabbaas Ibn’ Cabdal Mutalib dadka ku leeyahay waa la saamaxay wixii maanta ka dambeeya….

Iska jira sheydaanka, si aad u badbaadisaan diintiina. Sheydaanku waa ka rajo beelay in uu dariiqa xun idinku soo jiito isagoo isticmaalaya waxyaabaha waaweyn (ee dambiyada ah) ee iska jira in uu idinku soo dhuunto waxyaabaha yaryar (oo la fududeysto).

Dadow! Waa run in aad ku leedihiin xuquuq haweenkiina, balse ogaada in ay ayagana xaquuq idinku leeyihiin. Xasuusta in aad ammaano Ilaah iyo ogolaanshihiisa darteed aad ku guursateen hawenkiina. Haddey ogolaadaan xaqa aad ku leedihiin, waxay idinku leeyihiin xuquuqda ah in aad si naxariis leh u masruuftaan aadna marasho siisaan. Si wanaagsan ula dhaqma haweenkiina oo darleeya, ogaada in ay yihiin kuwa idiin caawiya oo go’aansaday in ay hawsha idiinla wadaagaan. Waxaad xaq u leedihiin in aysan haweenkiina la noqon saaxiib qof (dad) aad idinka raalli ka aheyn, iyo ineysan faaxisho la imaan weligood.

Dadow! Si fiican ii dhageysta, Ilaah caabuda, shanta salad dukada, sooma bisha Ramadaan, maalkiinana Zako ka bixiya. Xajka hala guto haddii aad awoodaan.

Dadka oo dhan wuxuu ka farcamay Aadan iyo Xaawo, nin carab ah kama sarreeyo nin aan carab aheyn, siddoo kale nin aan carab aheynna kama sareeyo nin carab ah; sidoo kale caddaanku kama sareeyo madowga, madowguna kama sarreeyo caddaanka, illaa (waxaa lagu kala sarreeyaa oo kaliya) Alle ka cabsi (taqwo) iyo camal wanaagsan. Ogaada in qof kasta oo Muslim ah uu u yahay walaal qof walba oo Muslim ah, iyo in ay Muslimiintu oo dhan yihiin walaalo. Uma bannaana qof Muslim ah xoolaha iyo xaqa qof kale oo Muslim ah ilaa in la siiyo oo u ogolaado (si xor ah) qof xaqa leh moyee. Marka ha ku sameynina nafsadiina cadaalad darro.

Xusuusta in maalinta aad Ilaah soo horjoogsan doontaan oo aad camalkiina ka jawaabi doontaan. Iska jira, haka leexanina dariiqa toosan markaan idinka tago (oo aan dhinto).

Dadow! Aniga ka dib Nabi iyo Rasuul imaan doona ma jiro, diin cusubna ma dhalaneyso. Si fiican u fekera dadow, aadna u fahma erayada iyo fariinta aan idiin soo gudbinaayo. Waxaan idinkaga tagaayaa laba walxaad, Qur’aanka Kariimka ah iyo Tusaalaheyga (Sunnada), haddii aad raacdaan labadooda dariiqa toosaan weligiin kama leexan doontaan.

Qof walba oo maanta i maqlay waa in uu u gudbiyaa erayadeyda (dardaarankeyga) dadka kale oo dhan oo ayagana ay sii gudbiyaan. Waxaan Ilaah ka baryaa in kuwa ugu dambeeya oo dardaarankeyga maqla ay ka sii fahmad bataan dadka maanta si toos ah ii dhageysanaaya. Ilaahayow markhaati ii noqo in aan u gudbiyey fariintaadii umaddaada.”………Dhamaad.

Walaalkiin aad ku walaalowdeen Islaamka, oo idin leh Ramadan Al-Karim! 

WQ. OsmanBilad osmanbilad@hotmail.com 

KA HAORTAGGA KHILAAFKA.... GUJI

Nov 11, 2002

MUSAAFIRKA SOONKIISA
Casharadii taxanaha Ramadanka.. GUJI

Soo Dhoweyn Diiran Ramadanka
Maalmuhu iyo bilooyinkuba waxay soo laablaabtaan-ba waxaa na soo martiyay bishii kheyrka badneyd ee Ramadaan... Ibraahim Saalax  


TIIRARKA SOONKU UU KU DHISAN YAHAY
Soonku wuxuu leeyahay laba rukni ama laba tiir oo uu ku dhisan yahay, haddii midkood la waayana uu dumayo GUJI

Soonka iyo Taariku Salaadka
Waxaa jira dad badan oo muslimiinta ka mid ah oo sooma laakiin aan tukan, sidaa awgeed ayaa.. GUJI  


Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Kor/up
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
KNOWLEDGE

Chemicals and Health

Mosquito bytes

Air pollution

Still smoking

Copyright © SomaliTalk.com. All rights reserved.



HTML CD