somalitalk


Home | Webs | Email | TellFriend | Search | Feedback |
w w w . s o m a l i t a l k . c o m
SOMALITALK - RAMADAN

 HABEENKA LEYLATUL QADRIGA

Asalamu alaeykum yaa muslimiin!

Marka hore Ramadan Wacan. Wabacdi, sidaa la wada soconaba waxaaa ku dhex jirnaa tobankii habeen ee bisha Ramadan ugu danbeysay, tobankaas habeen oo ay ku jirto habeen la yiraahdo "Habeenkii Leylatul-Qadri". Marka waxaa su'aal u baahan inaa is weydiino maxey habeenkaas habeenada kale uga duwantahay ama uga fadli badan tahay?

Jawaabtu waa sida soo socota.....

Laylatul-Qadriga waa habeen fadligiisu aad iyo aad u wayn yahay,
waxaa ka mid ah....

HAMBALYADA RAMADAANKA [RAMADAN GREETINGS]
Eidmubarak.com

Bluemountain.com

Egreetings.com

Greetings.yahoo

khalidmosque.com

(1) waa habeen camalka la qabtaa uu ka khayr badan yahay midka la qabto kun bilood (yacni 83 sanno iyo 4 bilood) oo habeenkaas uusan ku jirin.

(2) waa habeenkii Quraanka Lawxul-Maxfuudka laga soo dejiyey, iyadoo la keenay meel la yiraahdogurigii Cizziga iyo Sharafta, dabadeedna qayb-qayb Nabiga SCW loogu soo dejiyey, muddo saddex iyo labaatan sano gudohood ah.

(3) waa habeenka Lawxul-maxfuudka laga soo dejiyo oo laga soo qaado sannadka waxyaabaha dhacaya, sida wixii dhimanaya, wixii dhalanaya, risiqa iwm, iyadoo loo keenayo oo loo dhiibayo malaa'igta u xilsaaran arintaas.

(4) Waa habeen malaa'igta la soo dejiyo, iyadoo uu ka mid yahay Malaku Jibriil, habeenkaa Allaah SW ayaa karaameeyey, kitaabkiisa ku xusay. Waxaana qof kasta oo muslim ah u haboon ah inuu ku dadaalo sidii uu u haleeli lahaa habeenkaas qaaliga ah, oo uusan u seegi lahayn, habeenkaasi waa habeen Ilaaheey uu ummaddaan u gaar yeelay, qofkii haleelana khayr dhamaantiis ayuu haleelay, Rasuulkuna SCW isagoo fadliga habeenkaas ka hadlaya ayuu wuxuu yiri: "Qofkii Laylatul-Qadriga kaca (yacni habeenkaa cibaado sameeya) isagoo aaminsan, ajar iyo xasanaadna Ilaahey ka dalbanaya waxaa loo dhaafayaa dambigiisii hore". Waxaa wariyey Bukhaari iyo Muslim.

Habeenkaas maadaama uu yahay mid fadli wayn leh, ahna mid aad iyo aad qofka muslimka ah ugu muhiim ah, ayaa asaxaabtu waxay jeclaysteen inay ogaadaan habeenka uu yahay, qaar iyaga ka mid ahi waxayba ku riyoodeen inay ku jirto tobanka ugu dambeeya soonka, markaa ayaa Nabiga SCW wuxuu yiri: "Ku dadaala Laylatul-Qadriga habeennada tirada is-dheer (kisiga) ah, sida 21, 23, 25, 27, iyo 29, oo ku jiraan tobanka ugu dambeeya Ramadaanka." Waxaa wariyey Bukhaari iyo Muslim.

Markii uu Rasuulku SCW sidaas yiri ayaa waxaa la ogaaday inay ku jirto tobanka ugu dambeeya soonka, gaar ahaan habeennada kisiga ah, laakiin axaadiista badankood waxayba sii cayimeen oo ay sheegeen inay tahay habeenka 27-aad, iyo kuwa kaleba waxaa haboon in dadaal dheeraad ah la sii-siiyo, oo si fiican loogu dadaalo, iyadoo cibaado lagu soo jeedayo.

HADAAN OGAADO HABEENKA LAYLATUL-QADRIGA MAXAA LEEYAHAY?

Maadaama asaxaabtu aysan ogolayn in waqti muhiimaddaas lehi uu dhaafo, ayaa Caa'isha oo ahayd xaaskii (sowjadii) Nabiga SCW waxay Rasuulka SCW ku tiri: Haddii aan ogaado habeenka uu yahay Laylatul-Qadrigu maxaan leeyahay? Markaas ayuu ku yiri: Waxaa aqrisaa ducadatan:

"ALLAAHUMMA INNAKA CAFUWWUN, TUXIBBUL CAFWA, FACFU CANNII"

....oo ay macnaheedu tahay "Ilaaheeyoow waxaad tahay Ilaah cafin badan, jecelna cafinta, ee i cafi." Waxaa xaddiiska wariyey Axmed Ibnu Maajah iyo Tarmidi.


DHAMAAD

Walaalkiin aad ku walaalowdeen Islaamka Osmanbilad

MUSAAFIRKA SOONKIISA.... 

 SOODHOWEYNTII RAMADAANKA....  

ALLAH SI'UU INOO JECLAADO WA INEYNU IS JECLAANAA
Shiik Xasan
. LONDON, CANADA - Sida aynu ognahay diinta islaamku markii ay soo degtey waxa jasiirada carabta kajirey labo dulmi oo aad u waaweyn, kuwaas oo kala ahaa ... Akhri qoraalka oo dhamaystiran...

TIIRARKA SOONKU UU KU DHISAN YAHAY
Soonku wuxuu leeyahay laba rukni ama laba tiir oo uu ku dhisan yahay, haddii midkood la waayana uu dumayo GUJI

Soonka iyo Taariku Salaadka
Waxaa jira dad badan oo muslimiinta ka mid ah oo sooma laakiin aan tukan, sidaa awgeed ayaa.. GUJI  

Soonka Niyadiisa.....

Dheelmidii Nebiga Sallallahu Calayhi Wasalam GUJI

»» Israa wa Al-Micraaj & Shacbaan oo soo dhow GUJI

»» Ninkii Qur'aanka & Nabiga Caayey oo MN Booqday! GUJI

»»  Ninkii Beeniyey Dajaal oo Lasiiyey Jawaab Xaqiiqtusida GUJI

 

.... SU'aalo Cilmiyeed 


Family | Halal | Islam | Kaaba | Learning | SomBeauty | SomLink | TafsiirQur'aan | Zakat | Saxaabada | Haj 

Powered by www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great
1.gif (17833 bytes)  
Allaahu Abkar (Audio)

 Qiyaam-Faatixa ( Video)
2.gif (9040 bytes)     
  
Rukuuc (Video)

 Rukuuc ka Toosid (Video
)
Sujud Sujuud (
Audio)
sitting down Qucuud -Ataxiyaat (
Audio)
Attaxiyaadka u dambeeya kadib, kusalli Rasuulka (scw): (
Audio)

 Asalaamu Caleykum
(Video)

Booqo Bogga Salaadda

http://somalitalk.com/salaat/ 


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

 

HTML CD