Sucdaa Bintu Thaclaba waxay doonaysay inay tolkeeda reer
Banii Macan soo booqato, waxaana waqtigaas socdaalka ku wehelinayay wiilkeeda
Zeyd Binu Xaaritha Al-Kacbiyi. Xaaritha wuxuu sagootiyay xaaskiisii Sucdaa iyo
wiilkiisii yaraa ee Zeyd. Wuxuu si fiican ugu hubsaday awrkii ay saarnaayeen,
gacmaha ayuu kor ugu qaadayay, isagoo sagootinaya. Mararka qaarkood, galgacaylka
iyo jacaylka weyn ee uu qabay xaaskiisa iyo wiilkiisa Zeyd ayaa qaadayay, oo
wuxuu is arkayay isagoo daba socda awrkii ay saarnaayeen. Laakiin gadaal danbe
ayuu dib u soo xasuustay inuusan safarka ku wehelinaynin. Sidaas darteed ayuu
dib ugu soo noqday guriga.
Sucdaa iyo wiilkeedii waxay socdaan, markay soo gaareen daarihii ay
degganaayeen tolkeedii ayaa waxaa iyada iyo dadkii la socotayba hal mar soo
weeraray fardoollaydii reer Banii Qayn, dabadeedna waxay billillaqaysteen
dhammaan hantidii ay wateen, ratigii ay wateena way kaxaysteen, sidoo kale
wiilashiina way qafaasheen.
Zeyd oo la qafaashay
Haddaba, wiilashii la qafaashay ayaa waxaa ku jiray Saxaabiga aan ka
sheekeenayno ee Zeyd Binu Xaaritha. Waqtigaas iyada ah waxay Zeyd Binu Xaaritha
da’diisu ahayd qiyaastii 8 jir. Zeyd Binu Xaairtha iyo wiilashii kale ee la
qafaashay waxaa la keenay suuqii weynaa ee la oran jiray Cukaada, iyagoo la
doonayo in dadka loo bandhigo inay iibsadaan caruurtaas la soo qafaashay.
Waxaa Zeyd Binu Xaaritha gatay nin hantiile ah kana mid ahaa madaxda Qureysh.
Ninkaas magaciisa waxaa la yiraahdaa Xakiim Binu Xazaam Binu Khuweylid, wuxuuna
ku gatay Zeyd lacag gaaraysa 400 dirham, ma ahayn Zeyd oo keliya, ee wuxuu kaloo
goobtii suuqa ka soo gatay wiilal kale oo fara badan.
Markii uu Xakiim Binu Xazaam yimid magaallada Makka, waxaa warkiisii maqashay
Khadiija Bintu Khuweylid oo eeddo ugu toosnayd Xakiim. Way soo booqatay, iyadoo
salaamaysa soona dhoweynaysa, wuxuuna Xakiim ku yiri eeddadiis “eeddo, waxaan
suuqa Cukaada ka soo gatay wiilal, ee kaad doontid wiilashaas ka dooro waan kuu
hadiyeenayaaye”.
Khadiija Bintu Khuweylid ayaa si fiican u eegtay wiilashii, dabadeedna waxay
ka dooratay Zeyd Binu Xaaritha, kadib markay ku aragtay inuu leeyahay astaamaha
wanaagsan sida xilkasnimo iyo caqli qoto dheer oo ay ku tuhmaysay. Zeyd Binu
Xaaritha wuxuu soo raacay Khadiija Bintu Khuweylid. Maba ka soo wareegan
waqtigaas waxyar jeer uu Rasuulka (scw) guursaday
Wiilkii nasiibka badnaa wuxuu u soo wareegay xanaanaynta iyo la deriska
suubbanaha Rasuulka (scw), isagoo nasiib u yeeshay inuu ka ag dhowaado inta uu
Alle uummay kii ugu sharafta iyo fadliga badnaa, si uu markaas uu uga shidaal
qaato hanuunka iyo akhlaaqda suubban ee uu ku sifaysnaa Rasuulka (scw).
Hooyada Zeyd Binu Xaaritha labo indhood isuma aynan keenin laga soo billaabo
markii la qafaashay wiilkeeda. Taas waxaa uga sii darnayd iyadoo aan nolol iyo
geeri toona midna ku ogeyn Zeyd. Maadaama ay tahay hooyo wax dhashay waxay isaga
jirtay welwelkaas iyo walbahaarkaas. Dhinaca kale, Zeyd aabihiis isna dhinaciisa
ayuu dadaal kaga jiray sidii ugu guuleysan lahaa wararka ku saabsan wiilkiisii
la qafaashay.
Xilli ay dadka u soo cibaado tagaan Kacbada ayaa qaar ka mid ah Zeyd tolkiisa
yimaadeen guriga barakaysan ee Kacbada, iyagoo ku dawaafaya kacbada ayaa waxay
si fool-ka-fool u arkeen Zeyd, durbadiiba way garteen, isna wuu gartay. Way
waraysteen, isna wuu waraystay. Markii ay guteen cibaadadoodii, waxay ku
laabteen magaalooyinkoodii, waxayna Xaaritha oo ahaa Zeyd aabihiis u sheegeen
inay indhaha soo saareen oo ay la kulmeen Zeyd markii ay joogeen Makka.
Xaaritha wuxuu durbadiiba diyaarsaday awrkiisii, wixii hanti ahayd ee uu
qaadan karayna horey ayuu u sii qaatay sii uu wiilkiisa ugu soo furto, sidoo
kale, waxaa safarka u sii raacay walaalkiis Kacab.
Way anbabaxeen, waxayna u kicitimeen jihada magaallada Makka. Markay
yimaadeen magaalladii, waxay u soo galeen Muxammad Binu Cabdullaahi (Rasuulka
s.c.w) oo waqtigaas lagu soo dejin waxyiga, waxayna ku yiraahdeen “Ina
CabdilMudhalib, waxaad tihiin kuwo deris la ah kacbada, waxaad sii daysaan kan
idin weydiista magangalyada, kan gaajaysanna waad quudisaan, kan dhibaataysanna
waad u gargaartaan. Waxaan kuugu nimid inaad sii dayso wiilkeena kula jooga,
waxaana soo qaadanay wixii hanti ah ee aan ku furanaynay wiilkeena, ee nagu
galladayso oo wiilka aan ku furanno waxaad doontid oo hanti ah”.
Rasuulka (scw) ayaa ugu jawaabay “waa kuma wiilka aad weydiisanaysaan?”.
Waxay yiraahdeen “wiilka addoon ahaanta aad u haysatid ee Zeyd Binu Xaaritha”.
Wuxuu misna yiri Rasuulka (scw) hadal macnihiisu yahay “ ka warama hadduu jiro
wax ka kheyr badan furashada wiilkiina”. Waxay yiraahdeen “oo waa maxay waxaasi?”.
Wuxuu yiri hadallo u macno dhowaa “waan idinkugu yeerayaa, waxaana
dooransiinayaa inuu ila joogo anniga iyo inuu idinka idinla joogo, hadduu idin
doorto, idinkaa wadanaya mana bixinaysaan wax hanti ah, haddiise uu i doorto
waxaan tixgelinayaa doorashadiisa”. Waxay yiraahdeen “caddaalad baad samaysay
waadna ku xeel-dheeraatay caddaaladda”.
Mowqifkii qiimaha badnaa ee Zeyd
Rasuulka (scw) wuxuu u yeeray Zeyd Binu Xaaritha, wuxuuna ku yiri “ma
garanaysaa labadan nin?”. Zeyd wuxuu yiri “haa, kani waa aabahay Xaaritha Binu
Shuraaxiil, ninka kalena waa adeerkay Kacab”. Wuxuu Rasuulka (scw) ku yiri Zeyd
“waan ku dooransiiyay inaad iyaga raacdid iyo inaad anniga ila degganaatid”.
Zeyd ayaa isagoon jawaabta la dib dhicin markiiba yiri “maya, ee waxaan doonayaa
inaan adiga kula degganaado”.
Aabihii ayaa wiilkiisa Zeyd ku yiri “wiilkaygiyoow ma aabahaa iyo hooyadaa
ayaad ka dooranaysaa addoonsiga lagu addoonsanayo?”. Zeyd ayaa misna markale ku
yiri aabihiis “ninkan anniga unbaa og waxaan ku arkay, dooni maayo inaan
weligeey ka tago”.
Markii uu Rasuulka (scw) maqlay arkayna mowqifka uu qaatay Zeyd ayaa intuu
labadiisii gacmood qabtay u soo waday kacbada, wuxuuna isagoo gacanta haya Zeyd
koray dhagaxa (xajarul-aswadka) wuxuuna isagoo koox qureysh ka mid ah hadal u
jeedinaya yiri “qureeshay waxaad ka marag noqotaan inuu Zeyd yahay wiilkayga,
uuna i dhaxlayo aan isagana dhaxlayo”.
Hadalladaas waxay farxad geliyeen Xaaritha iyo walaalkiis Kacab, waxayna
wiilkoodii uga tageen Muxammad Binu Cabdillaahi, iyagoo ku soo laabtay tolkooda,
isla mar ahaantaana aan ka cabsi qabin aayatiinka Zeyd Binu Xaaritha.
Wixii maalintaas ka danbeey, waxaa Zeyd loogu yeeri jiray Zeyd Binu Muxammad,
magacaas ayuu lahaa jeer laga soo saaro Rasuulka (scw), waxaana waxyar kadib soo
degtay aayad lagu mamnuucayo in qofka uu qaato magac ka duwan magaca waalidkiis,
oo wuxuu Allaah suuradda Al-axzaab ku yiri aayadda 5-aad “ugu yeera aabayaashood”.
Wixii aayaddaas ka danbeeyay waxaa Zeyd loogu yeeri jiray magaciisii hore ee
Zeyd Binu Xaaritha.
Zeyd maalintii uu sayidkiisa ka dooranayay wiilidkiis dhab ahaantii ma uusan
ogeyn inuu sayidka uu doortay uu yahay sayidka ugu fadliga badan inta dunida soo
martay oo dhan. Dhab ahaantii ma uusan ogeyn Zeyd markii uu Rasuulka (scw) ka
dooranayay waalidkii dhalay inuu noqonayo Rasuulka Nabadgalyo iyo naxariis
dushiisa ha ahaatee loo soo saarayo ummaddan islaamka. Zeyd, ma uusan ogeyn
shaqsiga uu doortay inuu noqon doono kan cadligiisu iyo samafalkiisu hareen
doonaan barriga iyo galbeedka dunidan aynu saarannahay. Waxaasoo dhan ma ogeyn,
hase ahaatee waxay tani ka mid tahay fadliga Allaah ee uu siiyo qofkii uu doono
oo addoomadiisa ka mid ah.
Dhacdadaas soo martay Zeyd kama soo wareegan waqti gaaban markii uu Allaah (sw)
soo saaray Nabigiisa isagoo wata diintii hanuunka iyo xaqa ahayd. Haddaba, Zeyd
Binu Xaaritha Ilaah ha ka raalli noqdee wuxuu ka mid ahaa raggii ugu horreeyay
ee qaata hanuunkii iyo xaqii lagu soo saaray Rasuulka (scw).
Inkastoo uu Zeyd Binu Xaaritha Allaha ka raalli noqdee ku soo barbaaray
gurigii Xabiibka suubbanaha Rasuulka (scw), haddana wuxuu ahaa ninka uu Rasuulku
(scw) ku qarsado sirihiisa. Dhinaca kale, wuxuu Zeyd Binu Xaaritha ka mid ahaa
hoggaamiyayaasha ciidamada ilaalada muslimiinta, iyo isagoo uu Rasuulka (scw)
mararka qaarkood magaallada uga tagi jiray, waana xilliyada uusan Rasuulka (scw)
ku sugnayn magaallada.
Sidii uu Zeyd Binu Xaaritha u jeclaaday Rasuulka (scw) oo uu isaga ka doortay
waalidkiisii dhalay, ayuu misna Rasuulka (scw) dhinaciisa u jeclaa Zeyd Binu
Xaaritha. Rasuulka (scw) wuxuu markasta jeclaan jiray inuu arko Zeyd. Hadduusan
arag maalmo wuu u hiloobi jiray aragtidiisa, markuu arkana wuu ku farxi jiray.
Rasuulka (scw) si uusan dadka kale ugu farxin ayuu ugu farxi jiray aragtida Zeyd
Binu Xaaritha.
Innagoo tusaale ka mid ah sidii uu Rasuulka (scw) u jeclaa Zeyd, ayaan waxaan
bal isku dayaynaa inaan dhagaysanno sheeko ay arrintan nooga hayso hooyadeen
Caa’isha Allaha ka raalli noqdee. Waxay tiri Caa’isha Allaha ka raalli noqdee
“waxaa yimid Zeyd Binu Xaaritha, iyadoo Rasuulku-na (scw) joogo gurigayga,
albaabka ayuu soo garaacay, waxaa xaggiisa u istaagay Rasuulka (scw) oo aan dhar
fiican qabin (wuxuu qabay dhar asturayay inta u dhaxaysa lowga/jilbaha iyo
xuddunta), wuxuu yimid albaabka isagoo jiidaya dharkuu qabay, wuu ku soo booday
oo wuu dhunkaday. Wallaahi ma aanan arag Rasuulka Alle (scw) oo qaawan
maalintaas kahor iyo kadibba..”. Sidoo kale waxay oran jirtay Caa’isha Allaha ka
raalli noqdee “Ma uusan dirin Rasuulka (scw) ciidan illaa hadduu diro wuxuu
madax uga dhigi jiray Zeyd Binu Xaaritha, hadduu Zeyd noolaan lahaa Rasuulka (scw)
gadaashiis isaga ayaa muslimiinta khaliifkeeda noqon lahaa”. Heerkaas ayuu
gaaray tusaalaha wanaagsan ee uu kulansaday Zeyd Binu Xaaritha.
Sida uu noo sheegay qur’aankaba wuxuu Zeyd Binu Xaaritha guursaday Zeynaba
Bintu Jaxshah oo ay qaraabo ahaayeen Rasuulka (scw). Inkastoo uu Rasuulka (scw)
ku daray Zeyd gabadhii ay qaraabada dhow ahaayeen Rasuulka (scw), haddana ma sii
cumrinin guurkoodii, oo markii danbe wuu furay, waxaana Zeynaba guursaday
Rasuulka (scw), iyadoo si toos ah uu Alle u tawalliyay guurkooda, oo aayad cad
ayuu Allaah ugu guuriyay Nebigiisa (scw) gabadha la yiraahdo Zeynaba Bintu
Jaxsha. Hase ahaatee, wuxuu Zeyd Binu Xaaritha markii danbe guursaday gabar kale
oo la yiraahdo Ummu Kalthuum Bintu Cuqbah.
Sannadkii 8-aad ee hijriga waxaa Rasuulka (scw) la soo gudboonaatay murugo
kaga timid geeridii Zeyd Binu Xaaritha Allaha ka raalli noqdee.
Waxay ahayd, kadib markii uu Rasuulka (scw) diray Xaarith Binu Cumeyr Al-azdiyyi
isagoo sida dhambaal ku socota boqorkii Busraa oo loogu yeerayo inuu soo galo
diinta islaamka. Markii uu Xaairth Binu Cumeyr soo gaaray “Mu’ta”, ayaa waxaa ku
soo baxay mid ka mid ah ciidamadii Qasaasinah, ninkaan oo la oran jiray
Shuraxbiil Binu Camr. Wuxuu qabtay saxaabigii Xaarith, dabadeedna wuxuu si adag
ugu dabray xarigii uu ku xiray, kadibna wuxuu soo taagay tiirkii, isagoo sidaas
qoorta uga gooyay. Sidii ayuu ku shahiiday saxaabigii siday ama waday
dhambaalkii ka socotay Rasuulka (scw), kuna socotay boqorka Busraa.
Geeridii Xaarith waxaa si daran uga naxay Rasuulka (scw), maxaa yeelay lama
arag waqtigaas kahor ergay sidaasoo kale loo dilay. Intaa kadib, wuxuu Rasuulka
(scw) diyaariyay ciidan ka kooban ilaa 3000 ciidan si ay ugu duullaan Mu’ta,
wuxuuna ciidankaas madax uga dhigay saxaabigiisii uu sida daran u jeclaa ee ahaa
Zeyd Binu Xaaritha Ilaahay ha ka raalli noqdee.
Wuxuu Rasuulka (scw) yiri “haddii la asiibo (la dilo) Zeyd hoggaan waxaa
qabanaya Jacfar Binu Abii Dhaalib, haddii Jacfar-na la asiibo waxaa hoggaanka
qabanaya Cabdullaahi Binu Rawaaxa, haddii la asiibo Cabdullaahi-na muslimiinta
naftooda ha u dooraan nin ka mid ah iyaga”.
Ciidamadii 3000-ka kun ka koobnaa ee uu hoggaaminayay Zeyd Binu Xaaritha ayaa
sidii ku dhaqaaqay. Way socdeen ilaa ay gaareen meesha la yiraahdo Macaan ee ku
taalla barriga Urdun.
Boqorka reer Ruum ee Hiraqle oo wata ciidan gaaraya 100.000 ayaa soo baxay,
isagoo doonaya inuu difaaco ciidamadii dilay saxaabigii Xaaritha. Ciidamo kale
oo iyagana gaaraya ilaa 100 000 ayaa ku darsamay ciidamadii Hiraqle, iyagoo
difaac ka galay meel aan ka fogeyn goobtii ay degganaayeen ciidamada muslimiinta.
Waa labo tiro oo aan marnaba la isla meel dhigi karin. Tirada ciidamada
muslimiinta iyo kuwa gaallada. Ciidamadii muslimiintii waxay seexdeen degmada
Macaan labo habeen, iyagoo labadaas habeenood oo dhan wada-tashi ku jiray.
Muslimiinta oo la soo gudboonaatay arrin culus
Mid ka mid ah ciidamada muslimiintii ayaa wuxuu ku yiri isagoo arrintan kala
tashanaya muslimiinta “ka warama haddaan dhambaal u dirno Rasuulka (scw) oo aan
u sheegno tirada cadoowgeena oo markaas isaga aan jawaab ka sugno”. Mid kale
ayaa yiri “wallaahi ayaan ku dhaartaye –tolkaygiyoow- innagu waxaad ogaataan
inaan u dagaalamaynin tiro iyo awood toona, ee waxaan u dagaalamaynaa diintan
islaamka , ee ina wadiya aan u dhaqaaqno dantii aan u soo baxnay. Wuxuu Allaah
idiin yaboohay labadii wanaagsanaa middood, inaan guuleysanno iyo inaan
shahiidno”.
Iyadoo farqiga xagga tirada iyo awooddaba aan marnaba isu dheellitirnayn,
haddana muslimiinta meesha ay dhammaantood u degdegayeen ayaa ahayd Jannada iyo
wanaagga xagga Alle agtiisa yaalla.
Sidii ayeey ciidamadii muslimiinta u qaateen taladaas. Labadii ciidan ayaa
madaxa isla galay, waxayna ku dagaallameen goobtii Mu’ta. Inkastoo tirada
ciidamada muslimiinta ay yaraayeen, haddana waxay soo bandhigeen dagaal cabsi
weyn ku beeray ciidamadii gaallada ee roomaanka. Ciidamadan gaaraya 3000 ayaa
waxay is hortaageen ciidan ka tiro iyo awood badan. Waxay la dagaalamayaan
ciidan tiradooda gaaraya ilaa 200 000 qof.
Zeyd Binu Xaaritha ayaa seeftii uu watay ku laayay gaallo badan, isagoo
markaas iyada ahna xanbaarsan calankii Rasuulka (scw). Wacdarihii uu soo
bandhigay maalintaas aad ayeey u jeclaysteen asxaabta, inkastoo ugu danbeyntii
ay jirkiisii ka dhex duseen warmo iyo seefaf badan sidiina ayuu isagoo dhiig
baxaya ku dhacay dhulka, weliba isagoo sidaas ku helay sharafka shahaadadii uu
in badan ku taamayay inuu helo.
Siday ballantuba ahayd, waxaa durbadiiba calankii la wareegay Jacfar Binu
Abii Dhaalib sidiina ayuu dhinaciisana u muujiyay geesinimo weyn. Hase ahaatee,
isna waxyar kadib wuxuu maray waddadii uu maray saaxiibkiisii ka horeeyay, kadib
markii uu ku shahiiday dagaalka.
Waxaa sidoo kale calanka qaaday Cabdullaahi Binu Rawaaxa. Wacdarro iyo
geesinimo la yaab leh ayuu isna muujiyay, jeer markii danbe isagana laga asiibo
oo uu sidaas ku shahiiday. Saddexdii nin ee uu magacaabay Rasuulka (scw) sidaas
ayeey ku shahiideen. Sidii la filyayba, waxay muslimiinta isugula noqdeen wada
tashi iyo inay iska soo dhex saaraan ninkii ay u dhiibi lahaayeen hoggaaminta
ciidamada. Wadatashi gaaban kadib, waxay muslimiintii hoggaanka ciidanka u
calaamo-saareen geesigii halyeeyga ahaa ee Khaalid Binu Waliid. Waqtigaas iyada
ah, wuu ku cusbaa diinta, oo waqti gaaban ayaa laga joogay markuu ku soo biiray
bahweynta muslimiinta. Ciidamadii ayuu dhinac u riixay, wuxuuna muslimiintii ka
badbaadiyay jabkii weynaa ee looga cabsanayay, sidaas ayeeyna uga guuleysteen
ciidamadii gaallada ahaa.
Rasuulka (scw) ayaa waxaa soo gaaray wixii ka dhacay Mu’ta, iyo
hoggaamiyayaashii uu magacaabay oo dhammaantood ku shahiiday dagaalka. Si aan la
tilmaami karin ayuu Rasuulka (scw) uga naxay geeridooda, wuxuuna aaday
qoysaskooda isagoo u tacsiyaynaya.
Markii uu Rasuulka (scw) soo gaaray gurigii Zeyd Binu Xaaritha Ilaah ha ka
raalli noqdee, waxaa xaggiisa ku soo carartay gabadhii yareyd ee uu dhalay Zeyd,
iyadoo markaas-na si xad-dhaaf ah u oonaysa. Xabiibka Rasuulka (scw) ayeey
arrintaas saamaysay, dabadeedna wuxuu billaabay inuu isna ooyo. Sacad Binu
Mucaad oo la socday Rasuulka (scw) ayaa ku yiri “maxay tahay tanina Rasuulkii
Alloow”, wuxuuna Rasuulka (scw) ugu jawaabay “waa oohinta xabiibka uu u ooyo
xabiibka uu jecel yahay”. Ilaahay ha ka raalli noqdo Zeyd Binu Xaaritha iyo
dhammaan intii u soo hurtay fidinta diinta islaamka, aamiin.