SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - SOCDAAL

Socdaalkii Dheera ee Shiike ee 2001

Waa toban qaybood oo ku saabsan socdaalkii Dheeraa eee Maxamed Cabdi Faarax (Shiike) uu ku maray meelo badan oo kamid ah Kenya, Jabuuti iyo Soomaaliya. Meelaha uu maray waxaa kamid ah:  Nairobi | Muqdisho | Jabuuti | BerBera | Bosaso | Qardho | Dangorayo | Garoowe | Laascaanood.

Qaybta 1aad ka akhri boggan, qaybtana waxay kusii xiririsan tahay bog kasta kan ku xiga.


SOCDAALKII DHEERAA EE NAIROBI, MUQDISHO, JABUTI, BER-BERA
Qore: Maxamed Cabdi Farax Botan - Shiike

Socdaalkii | Nairobi | Muqdisho | Jabuuti | BerBera | Bosaso | Qardho | Dangorayo | Garoowe | Laascaanood

February 15, 2001

Waxaan aad iyo aad ugu Faraxsanahay in aan Xog warankan Dhabta ah usoo Gudbiyo Beesha Soomaliyeed meelkasta oo ay joogto Anigoo usoomarinaya Aaladda Inter-Netka ee Somalitalk oo ah Waax inta badan looga munaashaqooda Arrimaha Somaliya kuwa uugu xasaasisan.

Qoraalkan waxa ukakooban yahay Xog Waran laga soo Aruurshay Magaalooyinka Kor kuxusan ee aan Socdaalka Kusoo Maray ,Socdaalkayguna waxaa uu kabilaabmay Magalada Nairobi Ee dalka kenya, .

Sida aan lawada socono Magaalada Nairobi ee dalka Kenya waa magalo ay kunool yihiin dad aad iyo aad ufara badan oo Somali ah ,waana magalada ay ugu badan yihiin Umadda Somaliyeed marka loo'eeego Caasimadaha waddamada kale ee dariska aannu nahay ee East Afrika Tusaale ahaan magalada Kampala, Dar-Es-Salaam , Addis-Ababa iyo jabuti, Haddana waxaa taas sii dheer , Dalka Kenya wali Xuduudka Somaliya waa ufuran yahay ,Haddii ay tahay Xagga Hawada, Haddii ay tahay Xagga Dhulka iyo haddii ay tahay Xagga Baddaba ,halklaas waxad ka dareemaysaa in Dadka somaliyeed ay ku haystaan dalka Kenya Nolol inteey Doonto hala'ekaato.

Dhinaca Ganacsiga waxaa la'oran karaa aad buu ufur furan yahay gaar ahaan dadka somalida ahi aad iyo aad ayay oga shaqaystaan Dalka kenya Haddii ay tahay ganacsiga yar ayar iyo haddii ay tahay ganacsiga waa wayn, Magaalada Nairobi sidaasoo looga shaqaysto haddana Dhibkeeda ayay wadataa ,Tusaale ahaan Habaynkii waxaa Nolosha caadiga ahi kamid noqotay in Askarta Wadanka ay u'isticmalaan Somaalida ganacsi,hadalkaas marka aan bayaansho waxaa ay tahay ,Dadka somalida ahi Sharciga Dalka kenya ma wada haystaan sidaas darteed waxaa dhacda marka ninka somaliga ahi laqabto oo Askarta wareegysaa ay lakulanto isagoo wadada haya sida dhacda inta badan waxaa lawaydiinayaa in uu sharci leeyahay iyo inkale waxaa dabadeed cadaanaysa in sharci qofkani uusan haysan,haddaba waxaa loo bahan yahay sidee buu Ninkaan Askarta isaga Badbaadin karaa ?.

Su'aashaa jawabteda wax weeye Haddii aad jeebkaaga hubto in wax kujiraan Adigaa Isdabaraya, Askarigii ayaa ku'oranaya Lacag baad leedihiin waadna shaqaysataan dadkiina ayaa dibadaha idiinn jira marka is furo, marka lagaa waayo lacagtaas waxaa suurta gal ah in Xabsisa lagu geeyo habaynkaas , markii xabsiga lagugeeyo Meeshii Oobiga lagaa qori lahaa Somalida inta badan laguma qoro, Arrinkaas Maxaa keenay ayaad is waydiinaysaa marka aad sheekadan Si fiica ugu kuurgasho, waxa ay Reer kenya og yihiin In somalida Dadkeeda aysan jeclayn inay xabsiga ku baryaan haddaba Ninkii Xirnaa waa laga daba imaan Dadkiisii, Qaraabadiisii , Ehelkisii, Asaxabtiisii,Xaskiisii IWM.

Qofkuu doonaba ha'ahaadee waa lootagi, Lacagtii ayaa labixin, Marka Keentay in aan Oobiga lagu darin waasidaas,oo haddii uu Qofkan Magaciisa Oobiga lagu daro Askarta waxa ay ku qasban yihiin inay Subaxnimada qofkaan ku daraan Liska dadka maxkamadda loo qaadayo ,dabadeedna Gacantooda waa uu kabaxayaa ,Markii maxkamadda lageeyo qofka xabsiga Looma baahna Maxkamadda ayaad la heshiinaysaa maxkamaddi ayaa Qofkii Gudbinaynin ,dabadeedna waad soo daysanaysaa qofkaba , Marka Askarta Xabsiga Arrinkaas ayay Og tahay, marka hadiiba qofkii ay soo qabsadeen oo ay iyagu wax ku heli lahayeen ay maxkamadda iska geeyaan maxaad helaysaan ayay iswaydiin waxaa usoo baxaysa Waxba Marka halkaas waxaad ka garan (Intii Cali Cuni Lahaa ,Canbaro Ha Cunto).

Umadaha kale ee jaaliyadaha Sida Ethiopin-ka , Ugan-dhayska , Tanzanian-ka ,Ruwandian-ka, Burundian-ka ,marka laqabto wax su'aal ah lama waydiinayo Waxa lawaydiin Sharci maleedahay Maya haddi uu yiraahdo Katiinad ayaa gacanta loo suri dhagahana waa laga garacayaa ,waxa dhacda marar badan in Marka la'isla qabto qof somali ahi iyo Ethiopian isku si loolama dhaqmo ,Ninka Itoobiyanka ahi haddii uu Malayiin lacag ah wato laga yaabo lagama yaabo inuu Baxsho ,waamarka loo'eego xaaladda aan idinka soo waramay Ee sheekada dheer , Jeebkisa ayaa lataaban, waxaa ladaremayaa inuu wax haysto waxaa laleeyahay Isdabar saaxiib intaas bixi ,wuu is adkayn ,Ninka somaliga ah waxaa laleeahay Wax mahaystaa ,haddii uu haysto waxa uushegaya waxan haystaa intaas sida waxaan haystaa (100ksh) waa Boqol Lacagta Kenya ah,lasocda wax kale mahaysid maya ,keen iskana Bax, sida kale haddii usan haysan wax lacag ahi waa la'aaminayaa waxana laleeyahay iska bax,macna meesha kujira oolo fasaxayo Ninkaan haddii usan haysan lacag maxay Tahay ayaad Iswaydiin Markale ? . Waxaa meesha kujira waxaala'og yahay in Ninkaan haddii uu haysto lacag uusan rabinba in Askarta caawa oo idil lawareegto, Askartana waxay og yihiin in Qofka Somaliga ahi haddii uu haysto lacag isdabari lahaa oo xallisan lahaa waxa haysta.

Xaaladda aan idinka soo waramay waxa ay ka turjumaysaa in Daruuftaasi ay kamid tahay Nolosha Caadiga ahi,Dhinaca kale Haddii aan wax yar oo Qosol ahi idinku daro sheekada oo ah wax dhab ah lakiin markii aad aqridan aad ku qoslaysaan waxaa ay tahay, habayn baa waxaa TV-ga Dalka Ka qudbeeyay Madaxwaynaha Wadanka Madaxwayne Danial Torotech Arab Moi, Hadaladiisii waxa kamid ah ,Dadka Somaliyeed Ee Kunool Nairobi waxaan u shegaynaa in aysan isaga Ciyaarin Dhaqaalahooda ,maxaa yelay waxan ogsoon nahay inay lacag siiyaan Askarteena marka aan niraahno Aruursha dadka aan haysan Sharciga Dalka ,marka haddii aad lacagta aad hayso o idil baxsato Caawa oo lagaa Tago ,Habayn Danbana aad Bixiso oo lagaa tago Habayn 3aadkana aad Bixiso oo lagaa Tago ,Sow howshii Masii soconayso, Marka aad lacagta iska dhamayso ,Idinka oo Fadhiya Guriga Gudihiisa ayaa lagugu imaan jeegadaa lagu sooqaban haddaba lacagta ha'iska dhamaynina , waa Caan Hadalkaas Madaxwaynihu Yiri.

Dhinaca Kale wax yaabaha dadka Somalida ahi mara badan lagu nacay ayaa waxaa kamid ah inay si dadban oo aan sharciga waafaqsanayn usoo sartaan Passport-ka dalka kenya iyagoo lacag iyo wax lamid ahi baxinaya, ID-ga Dalka oo aan jirin ayaa lasoo daabacanayaa , dhibtaas oo idil inaga isu gaysanay , haddii aan intaas oga gudbo arrimaha Xasaasiga ahi oo aan Qoraal lagu soo kobi kari,

Dhinaca kale xagga gacansiga aad iyo aad ayuu u fiican yahay Diyaarado kadiiwaan gashan Shirkadda dayuurahada ee Kenya loona yaqaan KA oo ah Kenya AirWays ayaa dalka somaliya u kicitima Sida dayuuraha kala ah Jama Blue Air , waxa Mararka qaar yimada Diyaaradda Daalo Air Line ee Somalida ah, waxa dirahada Sida Jama Blue Air ay dadka ka kentaa Somaliya ,waxayna aad iyo aad ugu xiran tahay Deeganka Mamul Goboledka Puntland State of Somaliya PSS, waxa kaloo jira Diyaarado Kale oo kayimada Muqdisho ooshirkado yar yar ay leeyihiin kuna xiran kenya ,waxa diyaaradahan keenan Dadka waxayna Dalka geyaan Qaadka iyo Sigarka, Kuwa Muqdisho kayimadana mar qar kood waxay keenaan Caano Booraha ,

Dhibtii ugu waynayd waxa ay ahayd Markii Diyaarad Muqdisho katimid ay Kusoo dagtay garonka Loogu Talagalay Diyaradaha Somaliya kayimada oo idil,ayaa waxa baaritaan Lagu sameeyay alaabooyinkii ay siday Diyaaraddas waxaa la arkay oo qalabka baaritanka uu qabtay Gasac baano Boora ah oo Bastoolad kujirto iyo Rasasteedii, Arrinkaas Dhib aad iyo aad uwayn ayuu Somalida ukeenay oo Awalba loogu mar marsiyoonayay inay Xududka xagga Dhulka kaso gashaan Hubka sida shuftada kajirta waqooyi Bariga kenya oo somalida ay dagto ,maleeshiyooyinka hubaysan ee Aagga Kismaayo ,ceelwaaq ,Dhoobleey oo inta badan soogala xuduudka oo dadka dhaca askarta laaya ,Tiibaa Umaddii kusii caddaatay ,Umaddana wax udooda majirto iyo Dowlad looga baqo ama lagala xaajoodo.

Arrimaha Kenya ee Somaliya intaas aan kaga baxo , NB: Waxan horay oga Cudurdaartay in qoraal aan lagu soo koobi karin arrimaha Somalida ee Kunool Kenya Magalada Nairobi.

Inshala Allah Qoralkan waxaa ku xigi doona Magalada Muqdisho oo aan Soomaray , Waxa Raaci Doona Jabuuti ugu danbaytiina Ber-Bera.

Akhri qaybta 2aad

Mahadsanidin

Qore:
Maxamed Cabdi Farax Botan - Shiike
E-Mail: faaraxbotan@hotmail.com 
ama faaraxbotan@yahoo.com 

Faafin: SomaliTalk.com February 15, 2001

Socdaalkii | Nairobi | Muqdisho | Jabuuti | BerBera | Bosaso | Qardho | Dangorayo | Garoowe | Laascaanood


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD