SOMALITALK.COM XAYAYSII
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - MAQAAL

SOCDAALKII DHEERAA EE NAIROBI, MUQDISHO, JABUTI, BER-BERA (QAYBTII 3aad)
Qore: Maxamed Cabdi Farax Botan - Shiike

April 26, 2001

Qaybta 1aad | Qaybta 2aad | Qaybta 4aad

Qaybtan waxaan kusoo qaadanaynaa Qaybtii Saddexaad(3aad) ee Socdaalkii Dheeraa Waxna aan kaga Hadlaynaa Jabuti Haddii Rabbi idmo.

Waxan kasoo Dagay Madaarka Wadanka Jabuti ee magalada Jaburi saacadda Afrikada Bari markii ay ahayd 3:45 Pm ama Duhurnimo , Xaqiiqatan Garoonka Diyaradaha ee jabuuti Ballac ahaan waa kooban yahay Hase yeeshe Dhererka aad ayuu u dheer yahay, Garoonka gudihiisa waxaa markaas fadhiyay labo(2) Diyaaradood oo ay ku qoran tahay Regional Air Labada Diyaaradood Mid waa ay yar tahay midina way Wayn tahay, Geesta kale ee Air Port waxaa ku yaal Dhismo wayn oo logu tala galay in lagu dayac tiro Dayuurahada waxana ku guda jira dhowr diyaradood , dhinac kale waxa kaaga muuqanaya Diyaradaha qumatiga u kaca oo ay ku qoran tahay D'Jabouti Army, Garoonka intiisa kale waxaa ku wareegsan Silig.

Marka aad Madaarka ka dagto waxaa durbadiiba kugu soo baxaya Baaburta lagu talagalay inay qadaan Xamaamada (luggages), luuqadda somaliga ahi way ku yar tahay Air Portka hasa yeshee haddi laguu garto inaan somali tahay waxaa la'sku dayayaa in laguugula xariiro luqadda Somaliga ahi ,laakin dadka ka shaqeeyay Air Port waxay iyagu kuwada xariiraan luuqadda Faransiska ( Francais), Cimilada magalada waxad dareemaysaa in Somaliya aad joogto oo kale jawigu isku si ayaad u dareemaysaa, dhismayaasha guryahay waxba kama duwana Qaabka somaliya gaar ahaan magaloyinka waawayn ee somaliya , Xagga Ciidda waa bacaad carro cad ah , Boorka waad dareemaysaa xaqiiqatan waxba kama duwana somaliya.

waxaan kusoo dagay Hotal layiraahdo Sharmarke Lodge, Hotelka waa nadiif isla mar ahantana aad ayaa looga shaqeeyay ,goor ay tahay fidkii ayaan soo fariistay Meesha dadka lagu qaabilo ee Hotelka (Reception)ka waxana iisuurta gashay inaan la sheekasto Wiil ka mid ah shaqaalaha Hotelka oo layirahdo Abtidoon , Abtidoon waxa uu ii shegay inuu ku qanac san yahay Barashada dadka somaliyeed , waxana uu yiri walaal waan jeclahay inaan barto dadka Reer Somaliya , maxaa yeelay waa dad fur furan oo aad dareemayso somali nimadooda , isla mar ahantana aadan ka sheeko boganaynin, waxaana uu yiri tan iyo intii aan shaqada ka bilabay Hotelkan waxaan bartay dad somaliyeed oo qaarkood dibadaha ka yimaada oo dano kasoo yeesha jabuti una sii gudba somaliya dhammaan dadkaasi waxay ahaayeen ayuu yiri dad jacel walaalnimada , waxay aamin san yihin ayuu yiri inay jabuuti kamid tahay Somaliya waxayna igu booriyeen ayuu yiri inaan si fiican ubarto luuqadda somalida, waxaan ka faa'iiday ayuu yiri inaan sii dhex galo luuqadda somalida, hotelkana waxaan ugu jeclahay inay kusoo dagaan dad somaliyeed ,waxan aad u xasuustaa markii uu socday Shirkii Dib u heshiisiinta Somaliya ayaa hotelkan waxa uu aha mid ay harqiyeen dad somali ahi taas oo keentay inaan ka faa'iido bal sidii aan wax oga fahmi lahaa luuqadda somaliga isla mar ahantana aan ugu jawaabi lahaa shaqsiga somaliga ah haddii uu hadal na dhexmaro.

khat Doodii Qaadka
Jabuti waxaa laga isticmalaa lacagta looyaqaan faran(Fran) lacagta xoogeeda ma buurna oo ma'ahan lacag xadidan isla mar ahantana wadanka dhaqaalihiisu aad ayuu mar mar uhooseeyaa ayuu iyiri Abtidoon , dadka jabutiyanki ahi waxaa ay ganacsi ahaan ku xiran yihin dalka Itobiya oo ay inta badan dhinaca Dirirdhabe kawada shaqaystaan waxana ay ku xiriiraan Tareen (Train), magaalada gudaheeda habaynkii wax yar oo abtidoon uu Aniga iyo wiilkale aannu ka codsanay inuu magalada bal xoogaa lug uu nagu soo marsho waxaan magalada ka dareemay inay tahay Magaalo habaynkii oo idil laga soojeedo, waxaa jira maqaayado iska furan oo Cabitaan, waxa jira goobo ay dad ku qayilayaan.
kitaab) Akhri Quraanka

Markaad xoogaa socotaba waxad arkaysaa meel lawada gabran yahay oo Haddana heeso Somali ahi kadaaran yihiin ,dadka Reer Jabuti waxa ay xiiseeyaan heesaha Dhallin yarada Somaliyeed ee qurbaha ay ku casriyeeyeen Musikadooda , waxaan dhowr meelood kadaarnaa Cajalad uusoo saaray Maxamed Sulaymaan Tubeec oo ahayd NASTEXO oo ah cajaladaha uu ku sameeyay Qurbaha oo Maxamed Sulayman Ku casriyeeyay waxa kale oo daarnaa cajalad uu Lahaa Hobalka Layiraahdo Cabdi Qayuun (Cabdi Kismaayo) oo isna ka mid ah dhallin yarada Ku casriyeeysay Heesihii Hore Wadamada qurbaha.

waxay aad ugu farax san yihiin jabutiyanku inay ku guulaystaan In somali ay Heshiiso
Si kastaba ha'ahaatee Labo malmood oo aan halkaas joogay waxaan ka dareemay Jabuti inuu yahay Wadan aad u daggan oo dadka jooga ay yihiin dad nolosha fahmay, waxay aad ugu farax san yihiin jabutiyanku inay ku guulaystaan In somali ay Heshiiso iyagoo Magac ahaan u'arkay inay ku sharfan yihin, isla mar ahantana waxay qabaan in dadkaani ay yihiin dad ay wada dhasheen.

Waxa an layaabay waxaa weeye Qofka somaliga ahi haddii uu yar yahay iyo haddii uu wayn yahay ama dhadig yahay ama lab yahay waa wada siyaasi oo siyaasad ayaa laga hadlayaa lakin jabutiyanku way ka duwan yihiin waa dad waxaasba aan ka hadlaynin oo aqoon aan u lahayn amaba isku luraynin.

luuqadda English-ka ahi uma badna dadka reer jabuti waxayna ka doorbidaan inaad taqaano faransiska ama somaliga Carabiga laftirkiisu kuma xoog badna

Mahadsanidin

walalayaal waxaa halkaan kusoo gabagabaynayaa qoraalkii ahaa Socdaalkii dheeraa ee Nairobi Muqdisho Jabuti iyo Ber Bera qaybtan waxa ku soo gaba gabeeyay Qaytii 3aad ee Jabuuti

Halkan Akhri Qaybta 4aad

Qore:
Maxamed Cabdi Farax Botan - Shiike
E-Mail: faaraxbotan@hotmail.com
ama faaraxbotan@yahoo.com


Qaybta 1aad | Qaybta 2aad | Qaybta 4aad

 

Faafin: SomaliTalk.com | 2001

Socdaalkii | Nairobi | Muqdisho | Jabuuti | BerBera | Bosaso | Qardho | Dangorayo | Garoowe | Laascaanood


Kulaabo bogga  www.SomaliTalk.com 
© www.SomaliTalk.com

BAARID | SEARCH

 



HTML CD