SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - CIYAARAHA

FAAQIDAADDA CIYAARAHA
Qormada TALAADADA

WAXAA DIYAARIYAY: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

QORMADA: AXAD | TALAADA |
KHAMIIS

Daabacaaad: June 30, 2004


   

GOOLHAYE AXMED MAX’UD FAARAX (ITOOBIYA) “Waxaa la joogaa waqtigii aan noqon lahaa Goolhayaha Xulka Qaranka Soomaaliya”

         Goolhayihii hore ee Kooxaha Gaheyr iyo Qodxaaley, haatanna u safa kooxda Kubadda Cagta Savana FC ee kooxaha heerka 2-aad ee dalkeenna Soomaaliya ayaa maalintii shalay ahayd wareysi uu siinayay wargeyska Gool ayaa waxa uu ku sheegay in xilligan ay tahay xilligii looga gacan haatin lahaa shabaqa xulka Qaranka Soomaaliyeed.

         “Waxaan filayaa anigoo isku kalsoon in aan waardiyeyn karo shabaqa xulka Qaranka da’ yarta Soomaaliyeed, maxaa yeelay awood ayaan u leeyahay arrintaasi”. Goolhaye Itoobiya waxa uu intaa ku sii daray “Waa in aan fursad u helaa waqti aan ku soo bandhigo xirfadeheyga goolhayenimo”.         Goolhaye Itoobiya oo 20-jir ah, waxa uu sheegay in uu haatan aad ugu faraxsan yahay la joogistiisa kooxda Savana oo xilli ciyaareedka soo socda loo saadaalinayo in ay ka mid noqon doonto kooxaha heerka 1-aad ee dalkeenna, maadaama ay hoggaanka u hayso haatan horyaalka kooxaha heerka 2-aad, iyadoo leh 25-dhibcood, waxaana ku xiga kooxda Bakaal oo leh 19-dhibcood, waxaana goolhaye Itoobiya 10-kulan oo kooxdiisa Savana FC uu u saftay ay ka dhasheen 5-gool oo qura.

Goolhaye Itoobiya oo kooxdiisu aysan la kulmin wax guuldarro ah ayaa si aad ah u ammaanay saaxiibadiisa daafaca ka ciyaara ee kala ah Liibaan Cabdulle, Siciid Qaamey, Cabdi Buulo iyo Yoonis Ilkaana, isagoo sheegay in markii 4-taasi ciyaartoy ay daafaca u taagan yihiin ay niyaddiisu aad u dhisan tahay.

 


AXAD | TALAADA | KHAMIIS

Waxaa diyaariyey:
Amiin Yuusuf Khasaaro
amiinkhasaaro@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya

Faafin: SomaliTalk.com

Links: http://Soccerage.com  , http://Soccernet.com  iyo http://Worldsoccer.com , http://cnnsi.com | Sawirada: Google search

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

AXAD|TALAADA|KHAMIIS


:::CIYAARYAHANADII QARNIGII 20aad::::


Xulka Soomaalida... Guji



Wararysi:weeraryahanka xulka Qaranka Soomaaliya iyo kooxda Simba ee waddanka Tanzania Ciise Aadan Abshir “Ciise Midnimo”... Guji
 

CIBAADADA SALAADDA

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD