SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - CIYAARAHA

FAAQIDAADDA CIYAARAHA
Qormada Khamiista

WAXAA DIYAARIYAY: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

QORMADA: AXAD | TALAADA |
KHAMIIS

Daabacaaad: April 4, 2004


April 4, 2004

KULANKII XALAY EE XULALKA QARANKA SUDAN IYO SOMALIA

         

        


Xulka Qaranka

Waxaa xalay magaallada Khartoum ee caasimadda waddanka Sudan ka dhacday ciyaar ka tirsanayd Isreeb-reebka Koobka  qaramada Afrika ee Juniors-ka , waxaana kulankaasi uu dhex marayay juniors-ka xulalka Sudan iyo Somalia, waxaana ciyaartaasi qaybteedii hore ay ku soo geba-gebowday 1-0.

          Qaybtii labaad markii la isugu soo laabtay ayaa iyadana waxa ay ku soo gunaanadantay 1-0 oo ay guushu ku raacday Xulka Sudan, waxaana ciyaartaas ka qaybgalay in ka badan 1500 oo Soomaali ah oo ku nool dalkaas, uuna horkacayo safiirka Somalia u fadhiya Sudan.

          Xulka dalka Sudan muddo saddex billood ah waxay tababar ku soo qaadanayeen dalka Qatar, iyadoo taasi jirto ayaa haddana xulka Somalia waxay muujiyeen karti iyo farsamooyin heerkoodu sarreeyo, waxa uuna kulankaan ahaa kulankii koowaad , iyadoo kulanka labaadna la ciyaari doono 9-ka bishaan oo ku beegan maalinta Jimcaha ah ee soo socota. Waxaa xiriirka Soomaaliyeed ee kubadda cagta uu horay u sheegay in lagu qaban doono kulankan Magaalada Muqdisho, balse way adkaanaysaa sida ay ku suuro gasho middaas, iyadoo la eegayo dhanka nabadgalayada.

Wafdiga ciyaartoyda waxaa hoggaaminaya Guddoomiye ku xigeenka Xiriirka K/Cagta Siciid Mugambe iyo ku xigeenka Kaaliyaha Xoghayaha Cabdi Qani Siciid Carab.

 

<><><>

April 1, 2004

 

Magacyada ciyaartoyda xulka Qaranka Soomaaliya ee shalay ka ambabaxay…

   Waxaa xalay Hotel Shamo ee Magaallada Muqdisho lagu qabtay xaflad lagu sagootinayo xulka Qaranka K/Cagta Soomaaliyeed ee ka qayb galaya tartanka dhowaan ka furmaya waddanka Sudan ee Juniors-ka Qaaradda Afrika, waxaana mas’uuliyiintii halkaasi ka hadashay ka mid ahaa Wasiirka Isboortiga DKMG ah Axmed Diiriye oo sheegay in dadka Soomaaliyeed ee ku nool Sudan ay u diyaar garoobeen soo dhoweynta ciyaartoyda xulka Qaranka Soomaaliya, sidoo kale waxaa ka hadlay Wasiirka dib u heshiisiitna ee DKMG ah Siciid Cismaan oo isna dar-daaran siiyey ciyaartoyda xulka Qaranka, waxaa kaloo ka hadlay Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Salaad Macallin Maxamed (Salaad Gaab) oo sheegay in loo baahan yahay in ay ciyaartoyda Qaranku ay dhowraan magaca umadda Soomaaliyeed, maadaama ay huwan yihiin calanka Soomaaliyeed, waxaa kaloo ka hadlay Xoghahaya GOS, C/llaahi Axmed Tarabbi oo u mahad celiyey intii gacanta ka geysatay ambabixidda xulka Qaranka Soomaaliyeed.

 

          Wafdiga ciyaartoyda waxaa hoggaaminaya Guddoomiye ku xigeenka Xiriirka K/Cagta Siciid Mugambe iyo ku xigeenka Kaaliyaha Xoghayaha Cabdi Qani Siciid Carab.

Magacyada ciyaartoyda Xulka Qaranka ee da’doodu ka hooseyso 20-jirka

C/qaadir Cumar Ibraahim “Bakiyaa” (Elman), Kamaal Cali Cumar (Dekedaha), Anas Cali Max’ud (Elman), Mustaf Xasan Cumar (Banaadir Telecom), Yaasiin Cali Cigaal (Horsee/Elman), Xuseen Meegaag Max’ed “Dhiidhaco” (Qodxaaley/Elman), C/qaadir Cali Max’ed (Dekedaha/Elman), Yuusuf Cali Nuur “Yuu-cali” (Elman), Mahad C/raxmaan Isaaq (Elman), Maxamed Nuur “Shaarkey” (Dekedaha/Elman), Jamaal Amiin Cali (Elman), C/raxmaan Ismaaciil Cismaan (Elman), C/qaadir SH. Cismaan Guduudow (Elman, Captain), Mowlaanaa Sh. Xasan (Elman), C/casiis Salaad Cawaale (Elman), Ciise Aadan Abshir (Elman), Cismaan Cumar Wakiil (Daallo), waxaana tababare u ah  xulka Qaranka Cabdi Faarax Geela.

Dhinaca kale kooxda Elman oo heysata Horyaalka K/Cagta Somalia ayaa la filayaa in dalka Rwanda ay kaga qayb gasho tartanka Horyaallda Bariga iyo Bartamaha Afrika, waxaana tababare u ah Cabdi Faarax Geela, waxayna kooxda Elman ku jirtaa qaybta A oo ay ku wada jiraan:

QAYBTA A:

Elman (Somalia),

Aprfc (Rwanda),

St, George (Ethiopia)

Ulinzi Stars (Kenya),

Jamhuri (Zanzibar)

QAYBTA B:

Express (Uganda)

Simba (Tanzania)

Al Hilal (Sudan)

Anseba (Eritrea)

QAYBTA C:

Police (Jabuuti)

Champions (Brundi)

Kyovu FC (Rwanda)

SC Villa (Uganda)

Magacyada Orodyahannada Soomaaliyeed uga qayb galaya tartan…

            22-ka Bishan April ayaa magaallada Muqdisho waxaa ka ambabixi doona orodyahanno Soomaaliyeed oo ka qayb galaya tartanka Juniors-ka Bariga iyo Bartamaha Afrika ee ka dhici doona waddanka Sudan, waxaana Orodyahannadaasi magacyadoodu kala yihiin:-

Cabdulle Maxamed Xuseen (Weah) 800-Miter

Raaxo Muxiyadiin Axmed (1500-800-Miter).

Fartuun Abuukar Cumar (1500-800-Miter).

Maxamed Cismaan Nuur “Who” (5000-Miter)

Maxamed Daahir Xeyd “Ooyaaye” (1500-Miter), waxaana orodyahannadaasi hor kici doona Macallin Maxamuud Caddow Nuur, iyadoo wafdigaasi uu hoggaamin doono C/llaahi Cilmi Afrax.

Dhowaan ayaa orodyahanno Soomaaliyeed waxa ay ka qayb galeen tartan ka dhacay Waddanka Jabuuti, hase yeeshee wax natiijo ah oo ay Soomaalidu ku farxaan kama aysan soo hoyn.

 

FAAQIDAADA CIYAARAHA: AXAD | TALAADA | KHAMIIS


AXAD | TALAADA | KHAMIIS

Waxaa diyaariyey:
Amiin Yuusuf Khasaaro
amiinkhasaaro@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya

Faafin: SomaliTalk.com

Links: http://Soccerage.com  , http://Soccernet.com  iyo http://Worldsoccer.com , http://cnnsi.com

Faafin: SomaliTalk.com 

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

AXAD|TALAADA|KHAMIIS
 

CIBAADADA SALAADDA

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD