SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - CIYAARAHA

FAAQIDAADDA CIYAARAHA
Qormada KHAMIISTA

WAXAA DIYAARIYAY: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

QORMADA: AXAD | TALAADA |
KHAMIIS

Daabacaaad:  May 12, 2005


Muxuu ku dhamaadey  kulankii  kooxaha Arsenal iyo Everton

Kulan aad u xiiso badan oo ahaa mid horay u booqday ayaa kooxaha Arsenal FC iyo Everton xalya isaga horyimaadeen, waxaana kulankaan oo ay ka soo qaybgaleen xubnaha ugu sarsareeya ee xiriirka kubadda cagta England uu ugu horreynba ku billowday jawi aad u kacsan oo ay labada kooxoodba isku dayayeen inay kan kale uga hormarto gool, waxaana kooxda Everton oo ka cararaysa inaan laga gelin kaalinteeda afaraad oo ay ku doonayso ay ku doonayso inay ugu soo baxdo koobka horyaallada, iyadoo dhowr jeer sigtay shabaqa kooxda ka soo horjeedday ee Arsenal, waxaana guud ahaan qaybtii hore ee ciyaartaas ku soo gabagabowday 3-0 oo laheyd kooxda Arsenal.

            Markii ayaa dib la isugu soo laabtay, iyadoo qaybtii labaad ay ahayd, waxaana labada kooxood oo weerar iyo weerar celis ahaa ay ciyaartoodii gabi ahaanba ku soo gabagabowda 7-0, oo ay guushu ku raacday kooxdaa Arsenal waxaana goolasha dhaliyay (2) Roberto Pires (1) Van Piares (1) Vieira (1) Bergkamp (1) Manual Fimini iyo Edu oo dhaliyay gool rigoore ah oo la sheegay in uu ahaa kii ugu dambeeyay ee uu u dhaliyo koox Arsenal, maadaama uu ka tagayo

            Dhinaca kale, waxaa habeen hore iska hor-yimid kooxaha Manchester United iyo Chelsea waxayna ciyaartaas noqotay miud Score lagu jabiyay kaddib markii kooxda Chelsea ay saddex gool iyo hal ku dharbaaxday kooxdii kale ee Manchester United, waxayna kooxada Chelsea aruursatay 94-dhibcood, oo ah Socre cusub oo iyadu sameysay.

 

Baros: “Waan ku jaha-wareeray Liverpool

          Weeraryahanka xulka Qaranka dalka Czech Republic oo u safta kooxda Liverpool ayaa maalinti shalay ahayd waxa uu sheegay inuu ku jaha-wareersan yahay la joogistiisa Liverpool.

            “Waqtigan waan ku jaha-wareersanahay waxaanan haysan waqti aad u fiican oo aan ku soo bandhigo xirfaddayda” ayuu yiri Baros oo intaas sii raaciyay: “Ma jiraan wax khilaaf ah oo naga dhexeeya aniga iyo Tababare Benetiz”.

            Wuxuu Baros sheegay in haddii uu ka tagayo kooxdiisa Liverpool uu raadsanayo koox ay isku heer yihiin kooxda Liverpool oo uu sheegay inuu doonayo inuu kooxdaasi ugu safto si isdaba joog ah oo aan qashqashaad lahayn.

            Baros oo ku guulaystay gooldhalintii koobkii Qarammada Yurub ee 2004 ayaa sheegay inuu aqoon iyo xirfad u leeyahay ku hubsashada shabaqa ee kubad-daha habeysan. 

Henry iyo Baptista oo miiska u saaran……

           Weeraryahannada kooxaha Arsenal iyo Seville oo ka kala dhisan waddamada England iyo Spain Henry iyo Baptista ayaa shaaca laga qaaday inay miiska u saaran yihiin kooxda Barcelona isla markaana ay ka go’an tahay inay ku soo biiriso garoonkooda Nou Camp.

            Guddoomiyaha Barcelona Joan Laporta ayaa sheegay in lacagta ciyaaryahannadaasi ay ku shubeen bankiga, isla markaana ay xilli ciyaareedkan labadaasi ciyaaryahan ku soo biiri doonaan kooxdooda. “Markan waan soo tabaa-busheysannay, wayna naga go’an tahay keenista weeraryahan-nadaasi ayaa lagu sheegay warqad ka soo baxday maamulka sare ee Kooxda Barcelona.         

            Doonista CIyaaryahan-nadan ee kooxda Barcelona ayaa qayb ka ah ololaha uu Frank Rjikaard dhinaca weerarka uga dhisayo kooxda Barcelona, inkasoo kooxda Arsenal ay isla markiiba sheegtay inayan Henry cidka ka iibin doonin.

Roy Makaay: “Waxaan waqtigeyga ku.……

          Weeraryahanka kooxda Bayern Munich ee u dhashay dalka Holland Roy Makaay ayaa shalay war uu siiyay saxaafadda wuxuu ku sheegay in uu gaaray go’aankiisii ugu dambeeyay ee uu kula joogi lahaa kooxda Bayern Munich.

            “Waxaan ku dhameysan doonaa mustaqbalkayga ciyaareed kooxdayda Bayern Munich waxaan doorbiday inaan sii joogo waddanka Jarmalka, waana arrin iga go’an inaan sii joogo kooxda aan la joogo” ayuu yiri Makaay.

            Makaay oo 19-Milyan oo  Euro kooxada Bayern Munich uga soo iibsatay kooxda Barcelona ayaa intii uu la joogay kooxdiisa u dhaliyay 42-gool.  Wuxuuna sheegay inuu sii hormarinayo xirfaddiisa isboorti ee xulka Qaranka Dalkiisa Holland iyo Kooxdiisa Bayern Munich.

Jaap Stam oo weli ku haminaya in kooxdiisa…

          Ciyaaryahanka difaaca uga ciyaara kooxda kubadda cagta ee AC Milan ee dalka Talyaaniga Jaap Stam.ayaa xalay sheegay inay rajo fiican ka qabaa hanashada Horyaalka dalka Talyaaniga.

            Stam waxa uu sheegay in kooxdiisu aysan waxba ka tarayn guuldarradii ay soo gaarsiisay kooxda Juventus, isla markaana ay haatan dadaal weyn u galayaan hanashada Horyaalka Talyaaniga.

            Waxa kale oo uu Stam sheegay in haddii saddexda kulan ee ka hartay horyaalka talyaaniga ay ku dadaali doonaan sidii ay dhibco wanaagsan uga keeni lahayeen isagoo dhanka kalena sheegay in koobka horyaallada Yurub oo ay Finalka joogaan ay isna horay u qaadan doonaan.

            Rajada uu Stam uu gelinayo ciyaaryahannada kooxda AC Milan ayaa la sheegayaa inay tahay mid ay niyadda ku dhisanaya dhinaca horyaalka Talyaaniga maadaama Juventus ay ku soo hartay keligeed hoggaaminta horyaalka Italy.

Barcelona, Valencia, Real Madrid iyo Juventus oo…

          Kooxaha Barcelona, Valencia, Real Madrid iyo Juventus oo ka kala dhisan waddamada Spain iyo Talyaaniga ayaa lagu warramayaa inay ku hardamayaan ciyaaryahanka khadka dhexe uga ciyaara xulka Qaranka dalka Brazil iyo kooxda Arsenal Edu.

            Waxaa la xaqiijiyay in Edu uu sannadkaan ka tagayo kooxda Arsenal waxaana kooxahani ay doonayaa inay ka faa’iideystaan hadalkii ka soo yeeray maamulka kooxda Arsenal, iyadoo kooxda Valencia ay ugu horreysay kooxaha soo codsaday Edu ay iyadu sheegtay inay tahay kooxda la wareegi doonto, hase ahaatee kooxda Juventus ayaa iyadu waxay sheegtay inay kula jiraan qandaraas hoose, iyadoo dhanka kalena kooxda Barcelona xiddiggooda khadka dhexe ee Roanldinho uu Edu ku qalqaalinayo inuu ku soo biiro garoonka Nou Camp.

            Sidoo kale shalay ayaa kooxda Real Madrid ay iyana gudbisay dalabkii ugu dambeeyay ee Ciyaaryahan Edu.

Gilardino oo ay isku haystaan kooxaha ugu..

            Kaddib markii uu ciyaaryahan Gilardino xirfaddiisa Isboorti ayaa waxaa indha wada saaray kooxo fara badan oo ka tirsan qaaradda Yurub, waxaana kooxahaas ugu cadcad: Chelsea, Inter, Real Madrid, AC Milan, Valencia, waxaana ciyaaryahan-kaas illaa hadda lagu raadinayaa lacag ka badan 25-Milyan oo Gini.

            Kooxda Inter iyo Tababara-heeda Mancini ayaa ku dhawaaqay in haddii xili ciyaareed-kaan uu dhammaado uu Gilardino noqon doono ciyaaryahan ay leedahay kooxda Inter, iyadoo kooxda Inter ay Parma u sheegay inaysan cid kale ka gadin Gilardino. Weeraryahankan oo bartilmaameed u ah kooxo badan ayaa Milyihiinka leh Chelsea wuuxuu ergo u diray waddanka Talyaanig si ciyaaryahankaas iyo kuwo kale oo ka ciyaara Italy ay heshiis ula soo gaaraan  

 

Real Madrid oo la xiriirtay daafaca kooxda…

            Kooxda kubadda cagta ee dalka Spain ayaa mar kale la xiriirtay ciyaaryahanka difaaca uga ciyaaraha kooxda Manchester United iyo Xulka Qaranka Dalka Ingiriiska Rio Ferdinand.

            Saxaafadda waddanka Spain oo soo xiganaysa hadal uu sheegay guddoomiyaha kooxda Real Madrid Florentine Perez kaasoo ahaa in Rio Ferdinand uu xilli ciyaareedka soo socda uu si xaqiiqo ah ugu soo biiro doono kooxda Real Madrid, waxayna intaas ku dartay in Ferdinand qudhiisu uu xiisaynayo ka garab ciyaariska ciyaarista ciyaaryahan-nada ay isku qaranka yihiin ee David Beckham, Michael Owen iyo Jonathan Woodgate.

            Saxaafadda waxay kaloo intaas ku dartay in ciyaaryahan Ferdinand laga yaabo inuu ku biiro Real Madrid waayo wuxuu dib u dhigay heshiis uu u cusboonaysiin lahaa kooxdiisa Manchester United, waxaana ciyaaryahankaan oo 26-jir ah uusan weli saxiixin heshiiskii dhawaan ay u soo bandhigtay kooxda Man. United.

Barcelona oo 8-ciyaar-yahan iska iibinaysa…

            Maamulka kooxda kubadda cagta ee Barcelona ayaa maalintii shalay ahayd shaaca ka qaaday inay iska iibinayaa illaa 8-ciyaaryahan oo ka mid ah kooxda Barcelona kuwaasoo amaah ahaan ugu kala maqan kooxo fara badan oo ka dhisan Yurub.

            Ciyaaryahannadaan oo ay ugu cad-cad yihiin Javier Saviola oo u safta kooxda Monoco iyo Juan  Roman Requelme oo u safta kooxda Villarreal ayay kooxda Barcelona sheegtay inay ka maaranto ciyaaryahanadaas, waxaa kaloo iyana la iibinyaa Fabio Rochemback oo u ciyaara kooxda Lisbon, goolhaye Recbar Rusto oo kooxda Fernerbahche ee dalka Turkey, Roman Ros (Nomancia), Oscar Lopez ( SS Lazio), Sergio Garchio iyo Dani Tortelens oo Nastic u safta.     

            Dhammaan ciyaaryahan-nadaan ayay sheegtay kooxda Barcelona kuwo mustaqbal leh hase ahaatee ay iyagu go’aansadeen inay ciyaaryahan-nadaas iska iibiyaan, iyagoo sheegay in xitaa kooxaha ay ciyaaryahannadaas la joogaan ay iska gadayaan haddii ay ku farasxan yihiin     

Luis Figo oo ku sii jeeda waddanka Japan

            Kooxda horyaalka Japan ee Urawa Red Diamonds ayaa shaaca ka qaadday in xilli ciyaareedka soo socda ay la wareegayso ciyaaryahanka khadka dhexe ee xulka Qaranka dalka Portugal iyo kooxda Real Madrid Luis Figo.

            Guddoomiyaha kooxda Urawa Motoaki Inukia ayaa waxa uu sheegay in kooxda Real Madrid ay siinayaan adduun lacageed oo gaaraya  3.5-Milyan oo Euro, wuxuuna sheegay in kooxda Real Madrid oo ay yihiin saaxiibo isku dhow ay isla af-garanayaan sidii Figo uu ugu soo biri lahaa horyaalka dalka Japan, taasoo uu sheegay in haddii uu yimaado Japan uu kasban doono magac iyo dhaqaale fara badan.

            32-jirkaan reer Portuguese oo mustaqbalkiisa kooxda Real Madrid mugsi sii galayo ayaa isagu ku dhawaaqin halka uu kaga dhaqaaqi lahaa marka uu dhammaado xilli ciyaareedkaan, waxaanu ka fikirayaa inuu ka fariisto ciyaaraha iyo inuu horay u sii wato. 

Everton, Tottenham iyo Newcastle oo isku haysta..

            Kooxha kubadda Cagta, Everton, Tottenham iyo Newcastle oo ka wada dhisan dalka Ingiriiska ayaa ku tartamaya helista ciyaaryahanka khadka dhexe ee xulka Qaranka ee waddanka Turkey iyo kooxda Inter Milan Emre.

            Kooxahaan oo aysan jirin mid soo bandhigtay qiimo lacageed oo ay ku doonayso ciyaaryahankaas ayaa la sheegayaa inay u dhowdahay helistiisa kooxda Everton, inkastoo mas’uuliyiin ka tirsan Kooxda Newcastle ay dafireen inay doonayaan ciyaaryahankaan ayaa haddana markii ay ku soo biirtay kooxda Tottenham waxaa gudodomiyaha naadiga Newcastle wuxuuna ergo u diray magaalada Milano si ay uga wada hadlaan helista ciyaaryahankaas. 

Lyon oo diidday inay iska iibiso ciyaaryahan…

            Guddoomiyaha kooxda Kubadda Cagta Lyon ee dalka Faransiiska  Jean Michel Aulas ayaa shaaca ka qaaday in kooxda Lyon aysan iska iibin doonin ciyaaryahankeeda khadka dhexe Micheal Essien.

            Jean waxa uu sheegay in kooxda Chelsea ay ugu dambeysay doonista ciyaar-yahankaas ay direen faro marnaan isla markaana ay u sheegeen inuusan beec ahayn Essien.

            “Waxaan haysannaa ciyaaryahannada khadka dhexe ee ugu caansan qaaradda Yurub oo ay ka mid yihiin Mahamadou Diarra, Essian iyo Juninho mana filayo inaan midkooda fasaxayno” ayuu yiri Jean, oo intaas ku sii daray in kooxda Lyon uu sannadkaan ka tago weeraryahan-kooda reer France Guvu, kaasoo uu sheegay inay u ogol yihiin inay ka gadaan kooxda Chelsea.

            Guddoomiyaha waxa kale oo uu sheegay in kooxda Chelsea oo ku adkeysanaysa helisa Essien aysan isaga ula muuqan inay fasaxaan inkastoo Chelseana ay maaliyad fara badan ku raadinayso ciyaaryahankaas.          

Kooxda Man. United oo heshiis hordhac ah la…

            Kooxda Kubadda cagta ee Manchester United ee dalka Ingiriiska ayaa lagu warramayaa inay heshiis hordhac ah la gashay ciyaaryahanka khadka dhexe ee xulka Qaranka waddanka Portugal iyo Kooxda FC Porto Maniche.

            Jariiradda Times oo soo xiganaysa tababaraha kooxda Manchester United Alex Ferguson ayaa sheegtay in ciyaaryahankaas uu ku soo wajahan yahay garoonka Old Trafford.

            Jariiraddu waxay intaas ku dartay in Keane oo ay ka dabo timid da’da uu buuxinayo booskiisa ciyaaryahakaas cusub.

 


AXAD | TALAADA | KHAMIIS

Waxaa diyaariyey:
Amiin Yuusuf Khasaaro
amiinkhasaaro@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya

Faafin: SomaliTalk.com

ISHA: wwww.plannetfootball.com   , www.goal.comwww.soccernet.comwww.worldsoccer.com, wwww.teamtalk.com , www.channel4.com  iyo www.euro2004.com  http://Soccerage.com  , http://Soccernet.com  iyo http://Worldsoccer.com , http://cnnsi.com

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

CIYAARTOOYADII QARNIGII 20aad


AXAD|TALAADA|KHAMIIS

Ciyaaryahanadii Soomaaliyeed ee tababarka uu aadey Spain



Xulka Soomaalida... Guji



Wararysi:weeraryahanka xulka Qaranka Soomaaliya iyo kooxda Simba ee waddanka Tanzania Ciise Aadan Abshir “Ciise Midnimo”... Guji



GOOLHAYE AXMED MAX’UD FAARAX (ITOOBIYA) “Waxaa la joogaa waqtigii aan noqon lahaa Goolhayaha Xulka Qaranka Soomaaliya” Guji 

CIBAADADA SALAADDA

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD