SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - CIYAARAHA

FAAQIDAADDA CIYAARAHA
Qormada Axadda

WAXAA DIYAARIYAY: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

QORMADA: AXAD | TALAADA |
KHAMIIS

Daabacaaad: June 6, 2004


 

CIISE AADAN “Waxaan hubaa in Yuu cali, Shaarkey, Dhiidhaco iyo France ay yihiin.

“EXCLUSIVE TO THE  GOOL SPORTS Weriye ka tirsan Wargeyska Gool Sports oo lagu magacaabo Faarax Maxamed Cali (Mr. Blue) ayay u suurtogashay in maalintii Jimcihii ahayd uu wareysi kula yeesho Khadka Internet-ka qaybtiisa wada sheekeysiga “MSN-Messenger” weeraryahanka xulka Qaranka Soomaaliya iyo kooxda Simba ee waddanka Tanzania Ciise Aadan Abshir “Ciise Midnimo”.

Wareysigaasi oo ahaa mid aad u dheer ayaa waxa uu ugu horreyn ku faah-faahiyey ciyaaryahan Ciise qaabkii loogu soo dhoweeyey waddanka Tanzania isaga iyo saaxiibkii goolhaye C/qaadir Cismaan (Bakiyaa), taasoo uu sheegay in laba toddobaad ay saxaafadda waddanka Tanzania bogaggeeda hore uga jireen, isagoo weliba sheegay in calanka Soomaaliya laga luxay goobo aad u fara badan oo ka tirsan waddankaasi. Ciise waxa uu sidoo kale sheegay in uusan weli u saxiixin naadiga qandaraas, isaga iyo saaxiibkii, inkastoo maalinta berri ah oo Isniin ah ay la geli doonaan heshiis laba sanadood ah.

          Mar uu weriye Faarax wax ka weydiiyey qiimaha lagu iibsaday ciyaaryahan Ciise waxa uu sheegay in lagu iibsaday labadooda hanti gaareysa 8,000-Dollarka Mareykanka ah, mushaar ahaanna ay u qaadan doonaan shaqsigiiba 150-Dollar Bishii, inkastoo uu sida uu sheegay Ciise uusan ogeyn lacago kale oo hoosaad ah.          CIise waxa uu sheegay in ay aad ugu faraxsan yihiin ku soo biiriddooda naadiga Simba, isla markaana ay haatan si caadi ah ula jaan qaadeen tababarka naadigaasi oo garoon uu ka wada dhexeeyo iyaga iyo xulka Qaranka waddanka Tanzania.      “Waxaan hubaa in Shaarkey, Mustaf France, Yuusuf Cali Nuur, Wakiil iyo Dhiidhaco ay yihiin ciyaaryahanno ka ciyaari kara Qaaradda Yurub, isla markaana ay lugtooda ku heli karaan hanti aad u fara badan, calanka Soomaaliyana waxa ay bari karaan malaayiin dad oo u dhashay Qaaradda Yurub” ayuu yiri Ciise Aadan oo dar-daaran u fidinayay ciyaaryahanna-da xulka Qaranka Soomaaliyeed, sidoo kale Ciise waxa uu sheegay in naadigiisa Simba uu haatan hoggaaminayo Horyaalka waddankaasi, uu ku hoggaaminayo 6-dhibcood oo nadiif ah, isla markaana haatan leh 23-dhibcood, sanadka soo socdana Bariga iyo Bartamaha Afrika ee ay martigelin doonto waddanka Tanzania ay ka qayb gali doonaan, isagoo sheegay in ay aad u soo dhoweyn doonaan ciyaaryahannada Soomaaliyeed ee ka imaanaya Soomaaliya, waxaana ka mid ha ciyaartooyda Kooxda Simba Kiristopher, Alex, shabaan, Kasiga  iyo Kasenja

Ciise waxa uu kaalinta 2-aad ka galay qiimeyn ay sameeyeen Guddigii loo xilsaaray Guddiga CAF ee Koobka Bariga iyo Bartamaha Afrika ee lagu xulayay ciyaartoydii ka soo qayb gashay Koobkaasi, sidookale Ciise waxa uu ka dhawaajiyaya in uu la kulmay dallaal ciyartooyda u iibiya  koox ka dhisan  Wadanka Cumaan oo uu sheegay in doonayo in uu la areego marak uu u dhamaado qandaraaska Kooxda Simba, waxaana ugu dambeyntii mar uu  Ciise ka hadlayay sida ay durba ula qabsadeen tababrka kooxda Simba waxa uu si kaftan ah u yiri “Cimillada halkani (Tanzania) waa Muqdisho oo nabad dib ugu soo laabatay”. Ciise waxa uu dhashay 1982-kii, waxa uuna ku dhashay Baar-dheere, isagoo kooxda Elman ku soo biiray dhammaadkii sanadkii 2002-dii, waxaana uu ka yimid kooxda Midnimo, isagoo kooxda Elman la qaaday hal Horyaal.   Faarax Maxamed Cali (Mr.Blue) E-mail:- farahblue_545@hotmail.com


AXAD | TALAADA | KHAMIIS

Waxaa diyaariyey:
Amiin Yuusuf Khasaaro
amiinkhasaaro@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya

Faafin: SomaliTalk.com

. XAMAR DAAWO DACALLADA... SAWIRRO....

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great


Xulka Soomaalida... Guji

 


AXAD|TALAADA|KHAMIIS
 



kaah


BILICDA SOMALIYA
Luuq Ganaane, 1987

wiil Waa wiil yar oo Somaliyeed oo nayl yar dhabta kuwata xilli nabadana dhexjooga Bilicda dhulka Soomaaliya.
Akhri



XAAFID QUR'AAN cFatax
Cabdul Fataax waa xaafid qur'aan Somali ah oo wacdaro muujiyey GUJI


Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD