SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - CIYAARAHA

FAAQIDAADDA CIYAARAHA
Qormada AXADDA

WAXAA DIYAARIYAY: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

QORMADA: AXAD | TALAADA |
KHAMIIS

Daabacaaad:  May 15, 2005


Degmada Hodan oo ka badisay degmada Balcad ciyaar kubadda…

Waxaa galabnimadii Jimcaha ahayd kulan aad u xiiso badan isaga horyimid dhallinyaro ku ciyaaryaya Magaca degmada Hodan iyo kooxda Towfiiq oo ka dhisan degmada Balcad ee gobolka Shabeellada Dhexe, waxaan ciyaartaas waqtigii loogu talogalay ku soo gabagabowday 1-0 oo ay guushu ku raacday ciyaartoydii Degmada Hodan,. Waxaana goolka oo ahaa mid rigoore ah dhaliyay ciyaaryahan Maxamed Xasan Cabdi Carrbey.

Ciyaartaan oo ka dhacday Degmada Balcad ayaa waxaa u soo daawasho tagay dadweyne aad u fara badan, waxaana sidoo kale ka qaybgalay G/ku xigeenka Olympicada Gobolka Banaadir ee arrimaha howl fulinta Xaaji Maxamed Subeyr Jeelle, waxaana mar aan ka weydiinnay ciyaartaan uu noo sheegay inay ku dhamaatay jawi saraaxad iyo jeclaysi leh, wuxuu kaloo sheegay in Ciyaartoyda Degmada Hodan ay muujiyeen Ciyaar wanaag, isagoo sheegay inay 24-ruux ay uga tageen magaaalada Muqdisho, waxaana kooxda Hodan Tababare u ahaa Baasreella. Xaaji Maxamed Subeyr Jeelle waxa uu sheegay in isaga iyo ciyaartoyda ka socotay degmada Hodan uu halkaas ku soo dhaweeyay Xoghayaha kooxdaasi Maxamed Cusmaan Saciid iyo Maxamed Mukhtaar oo isna ka tirsan maamulka sare ee kooxda isla markaana ahaa garsoorihii ciyaarta dhex dhexaadinayay.

Wareegga labaad ee Horyaalka shanaad ee kooxaha heerka 3-aad

Waxaa la sameeyay is-aragga labaad ee kooxaha kubadda Cagta heerka saddexaad ee tartanka horyaalka Shanaad ee kubadda Cagta ee Soomaaliya. Waxaanay kooxaha oo is araggoodii hore isa soo wada arkay, oo ay wareeggoodii labaad oo lagu waday inuu billowdo maalintii Khamiista ahayd uu hakad geliyeen roobab xoog leh oo ka da’ay Muqdisho, waxayna mar kale isu arki doonaan sidan sidan:

MAALINTA TAARIIKHDA KOOXAHA WADA CIYAARAYA GAROONKA SAACADDA
Axad 15/05/05 Jamhuuriya Vs Kesco Muqdisho 15:00 Pm
Axad 15/05/05 Top Vs Geeska Afrika Banadir 15:00 Pm
Isniin 16/05/05 Somali Tex Vs G/Afgooye Muqdisho 15:00 Pm
Isniin 16/05/05 Jamhuuriya Vs Bariga Dhexe Banadir 15:00 Pm
Talaado 17/05/05 Top Vs Camel Muqdisho 15:00 Pm
Talaado 17/05/05 G/Afrika Vs Kesco Banadir 15:00 Pm
Arbaco 18/05/05 G/Afgooye Vs Jamhuuriya Muqdisho 15:00 Pm
Arbaco 18/05/05 Top Vs Somali Tex Banadir 15:00 Pm
Khamiis 19/05/05 G/Afrika Vs Bariga Dhexe Muqdisho 15:00 Pm
Khamiis 19/05/05 Kesco Vs Camel Banadir 15:00 Pm
Jimco 20/05/05 Top Vs G/Afgooye Muqdisho 15:00 Pm
Jimco 20/05/05 G/Afrika Vs Jamhuuriya Banadir 15:00 Pm
Sabti 21/05/05 Kesco Vs Somali Tex Muqdisho 15:00 Pm
Sabti 21/05/05 Camel Vs B/Dhexe Banadir 15:00 Pm
Axad 22/05/05 G/Afgooye Vs G/Afrika Muqdisho 15:00 Pm
Axad 22/05/05 Kesco Vs Top Banadir 15:00 Pm
Isniin 23/05/05 Camel Vs Jamhuuriya Muqdisho 15:00 Pm
Isniin 23/05/05 B/dhexe Vs Somali Tex Banadir 15:00 Pm
Talaado 24/05/05 Kesco Vs G/Afrika Muqdisho 15:00 Pm
Talaado 24/05/05 Camel Vs G/Afgooye Banadir 15:00 Pm
Arbaco 25/05/05 B/Dhexe Vs Top Muqdisho 15:00 Pm
Arbaco 25/05/05 Somali Tex Vs Jamhuuriya Banadir 15:00 Pm

Morinho: "Ferguson waa in uusan cararin…

Tababaraha kooxda Kubadda Cagta ee Chelsea oo saxaafadda la hadlayay ayaa sheegay in tababaraha kooxda Kubadda Cagta ee kooxda Manchester United Alex Ferguson oo laga yaabo inuu iska casilo jagada tababareni-madiisa kooxda Manchester United wuxuu taas ku tilmamay inay tahay mid ay ku jirto fuleynimo.

"Ferguson waa inuusan ku marmarsiyoon mudahaaryada iyo muranka ka taagan maamulka kooxda Chelsaea, taariikhda ayaa cid kasta sheegta ee waxaan kula talinayaa in Ferguson uusan cabsan" ayuu yiri Murihno oo intaas sii raaciyay: "Hal sano ayaan joogaa Horyaalka England gacanta ayaanan ku dhigay ee ha iska daayo welwelka waxa uu haystaa fursad qaali ah ee Finalka koobka FA-ga".

Morihno waxa uu intaas sii dabadhigay in Ferguson uu bartay ka hor iyo kaddiba inta uusan imaan kooxda Chelsea, wuxuuna Morinho u sheegay weriyeyaal ka tirsan Wageyska The Times in Ferguson oo kooxdisa laylinayay in ka badan 18-sano uu ku nagaado.

Kooxaha Inter Milan iyo Liverpool oo isku…

Kooxaha Inter Milan iyo Liverpool ee ka kala dhisan England iyo Italy ayaa shaaca laga qaaday inay isku beddelayaan ciyaaryahanna-dooda kala ah Joan Riise iyo Alvaro Recoba.

Tababaraha kooxda Inter Roberto Mancini ayaa sheegay in Haddii Riise uu helo uu xal u helay dhibaatada ka taagan Daafaca bidixda oo uu sheegay in muddo ay kooxdiisu dhibaato ka haysatay.

Sidoo kale Recoba oo kooxdiisa ka waayay boos joogto ah ayaa la sheegay inuu ku faraxsan yahay heshiiska ay wadaan labada kooxood.

Kooxda Liverpool ayaa la sheegayaa inay ku adag tahay dhiibisteeda Riise, balse ay xiisaynayso helista Recoba.

Frank Beckenbauer oo wel-wel ka muuiyay…

Khabiirka kubadda cagta ee u dhashay dalka Jarmalka Frank Beckenbauer ayaa wel-wel ka muujiyay qaab ciyaareedka xulka qaranka Dalka Faransiiska ee ku aaddan is reebreebka koobka Adduunka ee 2006 lau qaban doono dalka Jarmalka.

"Waxaan idin kugu dhaaranayaa in musiibo ay soo socoto, xulka Faransiisku waa awood yareeyay, haddii ay dhacdo inay koobkaas ka haraanna aysan dhadhan yeelan doonin ciyaaraha koobka aduunka ee lagu qabanayo Jarmalka" ayuu yiri Beckenbauer oo intaas sii raaciyay in faransiisku uusan u muuqan inuusan ka soo bixi Karin Group-ka afaraad ee uu ku jiro.

Wuxuu sheegay Frank Beckenbauer in xulalka Israa’iil, Switzerlandm iyo Republic of Ireland oo ay xulka faransiiska isku guruub yihiin kuwo ka adag, maadaama xulka ay ka fariisteen ciyaaryahanno laf dhabar ah.

Saxaafadda oo markiiba warkan dhinac kale u dhigtay ayaa sheegaysa in hadalka Beckenbauer uu ku riixayo Micheal Platini oo ay ku tartamayaan jagada guddoomi-yenimada ee kubadda cagta ee Qaaradda Yurub. .

Barcelona, Arsenal, Man. Utd Bayer iyo Chelsea oo..

Shanta kooxood ee ka mid ah kooxaha ugu caansan isla markaana ugu dhaqaalaha badan qaaradda Yurub ee kala ah: Barcelona, Arsenal, Man United, Bayer Munich iyo Chelsae ayaa isku haysta gool-hayaha laga yaabay ee kooxda La Laverne ee ka dhisan dalka waddanka Belgium Silvio Porto.

Gool-hayaan oo 21-jir ah ayaa la sheegayaa inuu wacdaro ka dhigay kooxdiisa waxaana mar la wareystay uu sheegay in dhammaan kooxahani ay la soo xiriireen, waxaana mar uu ka jawaabayay su’aal ahayd waddankeed u baqooli doontaa ku jawaabay: "Uma socdo London, gaar ahaan Chelsea, maxaa yeelay laba gool-haye oo waaweyn ayay leeyihiin, waxaanse la fiirsanayaa Barcelona iyo Bayer Munich tii aan ku biiri lahaa".

Porto oo hadalkiisa sii wata wuxuu sheegya inuu ku faraxsan yahay la soo xiriirista kooxaha waaweyn ee Q/Yurub.

Crespo: "Goolka quusta ayaa la iga rabaa markii..

Weeraryahanka kooxda AC Milan ee xulka Qaranka dalka Argentine Herman Crespo oo ay waayadaan dambe saxaafaddu aad u xiisayso hadalladiisa ayaa mar kale shalay wax laga weydiiyay sida uu u arko Final-ka koobka Horyaallada Yurub.

"Goolka ugu dambeeyay ee lagu soo afjarayo ciyaarta ayaan ka dhalin doonaa Liverpool taasina waa ridayda, haddii koobka aan qaadano waxaa ii hirgalay hamigeygii" ayuu yiri Crespo oo intaas ku daray "qatinka ayaan Istanbul la iga sugayaa"

kooxda AC Milan oo la xiriirtay ciyaaryahan...

Kooxda Kubadda Cagta AC Milan ee waddanka Talyaaniga ayaa shalay codsi u dirtay ciyaaryahanka daafaca uga ciyaara kooxda Real Madrid iyo xulka Qaranka Argentine Welter Samuel.

Milna waxay sheegtay in ciyaaryahankaan ay si aad ah ugu baahan yihiin maadaama daafacyadoodii ay ka duqoobeen.

"Cafu, Maldini, Pancaro, Stam iyo Costacurta waa shaybab 30-kii ayay dhaafeen, sidaa daraadeed waa in aan helnaa daafac sheybabkaas ka da’yar" lagu yiri qoraal ka soo baxay majliska sare ee kooxda AC Milan.

Samuel oo horay uga soo ciyaaray wadanka Talyaaniga, gaar ahaan kooxda Roma ayaa la sheegayaa in isagu uu ku faraxsan xiirirka ay la soo sameysay kooxda AC Milan, maadaama uu ka helayo boos joogto, hase ahaatee ma soo bandhigin qiimaha lacageed ee ay ku doonayso ciyaaryahan-kaas.

Kooxda Man. United oo ku hanjabtay inay...

Kooxda kubadda Cagta Manchester United ayaa ku hanjabtay inay dacweynayso maamulka kooxda Chelsea kaddib markii ay kooxda Chelsea sheegtay inay afduub ku hayso John Obi.

Tababare ku xigeenka Kooxda Machester United Carlos Queiroz ayaa saxaafadda u sheegay in Chelsea ay afduub ku hayso ciyaaryahanka John Obi oo uu sheegay inay lagaleen heshiis hore.

"Waa in la is xushmee-yaa, waana in la iska dhaafaa xoog-weyn xoog-weynta, innagu Obi waxaan la gaarnay heshiis waana nagu soo fool leeyahay, laakiin xodxodashada Chelsea haddii aysan dayn waxaan qoreynaa eedaymo ka dhan ah" ayuu yiri Queiroz oo intaas sii raaciyay: In xiddigan oo u dhashay dalka Nigeria isla markaana 18-jir ah kana ciyaara khadka uu ku faraxsan yahay inuu ka ciyaaro garoonka Old Trafford hase ahaatee boorsooyin lacag ah ay kala daba ordayso kooxda Chelsea.

Xiddigaan oo u safta kooxda Lyon ayaa ku soo biiray liiska ciyaaryahannada ay kooxda Chelsea ka baar-baaranayso Horyaalka France.

Inzaghi" Rajadeennu ma xuma, balse waxaan...

Weeraryahanka kooxda AC Milan Pipo Inzaghi oo u warrmayay saxaafadda Isboortiga ayaa ku cel-celiyay in rajadoodaku aaddan hanashada horyaalka dalka Talyaaniga aysan ahayn mid dhimatay isla markaana ay tahay mid rajadeedu caymo leedahay.

Inzaghi wuxuu sheegay in intii tabartooda ah ay isku dayayaan faraq ku dhegidda kooxda Juventus ee hor kacaysa horyaalka Talyaaniga ay ka dhiman yihiin saddex kulan, wuxuuna sheegay in 1-kulan oo ay beerdarreyso Juventus ay soo noolaynayso rajada Milan.

Pipp oo safanaya kulanka caawa ay kooxdiisu la yeelanayso kooxda Lecce maadaama uu maqan yahay Herman Crespo ayaa sheegay inuu masraxa gool-dhalinta uu ku soo noqonayo isla markaana ay u muuqato rajo ku aaddan hanashada horyaalka Italy.

Kooxda Bilboa oo dafirtay wada xaajood ay kula….

Guddoomiyaha kooxda Kubada Cagta ee Atletico Bilboa Fernando Laminkiz ayaa shaaca ka qaaday inaysan jirin wada hadal dhex maray isaga iyo maamulka sare ee kooxda Chelsea, kaasoo ku aaddan doonistooda daafaca kooxda Bilboa Asier Del Horno taasoo uu sheegay inay saxaafaddu ka been abuuratay.

"Ma jirto cid aan is aragnay oo ka socotay kooxda Chelsea, waxaan maqalnay inay ciyaaryahan Del Horno ay la sameeyeen xiriir xatooyo ah" ayuu yiri Lamikiz. Waxa kale oo uu sheegay inay ka arkeen saxaafadda inay Chelsea ku doonayso daafacooda 12-Milyan oo Pound, isla markaana ay weli dhowrayaan inay u yimaadaan mas’uuliyiin ka socota Chelsea oo kala xaajooda Del Horno ee aan horay wax heshiis ah u jirin.

Real Madrid oo ku soo biirtay doonista...

Kooxda Real Madrid ee dalka Spain ayaa ku soo biirtay kooxaha daneynaya ciyaar-yahanka khadka dhexe ee dalka Ghana iyo kooxa Lyon ee dalka Farnsiiska Mikeal Essien.

David Beckham ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan imaanshaha ciyaaryahankaas isagoo sheegay inuu xirfad u leeyahay khadka dhexe, wuxuuna Beckham sheegay inuu kula talinayo maamulka Real Madrid in ciyaaryahankaas ay soo xero geliyaan.

Essien oo miiska u saaran kooxda Chelsea ayaan la ogeyn qaabka ay ku heli karto kooxda Real Madrid, waxaana mar la wareystay guddoomiyaha kooxda Lyon uu sheegay in isagu uusan ku talo jirin inay iska iibiyaan Essien, balse uu isagu leeyahay go’aanka kama dambeysta ah ee ku aaddan mustaqbalkiisa ciyaareed.

Edu iyo Aimer oo la sheegay in ay isku bedeelayaan kooxaha…

Warar ay faafiyeen saxaafadda dalka Ingiriiska ayaa lagu sheegay in kooxda Arsenal ay diyaar u tahay inay ku beddelato ciyaaryahankooda khadka dhexe ee Edu Ciyaaryahanka isna khadka dhexe uga ciyaara Kooxda Valencia ee Pablo Aimer.

Saxaafaddu waxay sheegtay in warkaan oo si sax loo faahin in kooxda Arsenal ay iyadu heshiiskaasi soo bandhigtay maadaam ciyaaryahan Edu uu gabi ahaanba go’aansaday inuu isaga tago garoonka Highbury ee Magaalada London, iyadoo kooxda Valencia-na ay aad u daneynayso ciyaaryahankaan oo ay isku haystaan dhowr kooxood.

Arsenal waxay horay u dalbatay ciyaaryahan ka ciyaara khadka dhexe isla markaana khibrad fiican u leh ciyaaraha Champion-ka waxaana la sheegayaa in Aimer oo fikrad fiican ka haysta Koobka Horyaalada Yurub ay Macquul tahay in kooxda Valencia ay ku baddalato Edu.

Edu oo macsalaameeyay saaxiibadiisa Arsenal ayay gabi ahaanba ka go’an tahay inuu ka ciyaaro Horyaal kale oo aan ahayn England

 


AXAD | TALAADA | KHAMIIS

Waxaa diyaariyey:
Amiin Yuusuf Khasaaro
amiinkhasaaro@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya

Faafin: SomaliTalk.com

ISHA: wwww.plannetfootball.com   , www.goal.comwww.soccernet.comwww.worldsoccer.com, wwww.teamtalk.com , www.channel4.com  iyo www.euro2004.com  http://Soccerage.com  , http://Soccernet.com  iyo http://Worldsoccer.com , http://cnnsi.com

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
 
Allah Is Great

AXAD|TALAADA|KHAMIIS


:::CIYAARYAHANADII QARNIGII 20aad::::


Ciyaaryahanadii Soomaaliyeed ee tababarka uu aadey Spain



Salaad Gaab oo loo magacaabay Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed



SOOMAALIDA MAXAY CADDAALAD DARRIDA KU JECLAATAY



Xulka Soomaalida... Guji



Wararysi:weeraryahanka xulka Qaranka Soomaaliya iyo kooxda Simba ee waddanka Tanzania Ciise Aadan Abshir “Ciise Midnimo”... Guji



GOOLHAYE AXMED MAX’UD FAARAX (ITOOBIYA) “Waxaa la joogaa waqtigii aan noqon lahaa Goolhayaha Xulka Qaranka Soomaaliya” Guji 

CIBAADADA SALAADDA

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD