SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - CIYAARAHA

Ciyaartoydii ugu wanaagsanayd qarnigii 20-aad

 

[Best Players of 20th Century]

 

WAXAA ISU SOO DUBARIDEY: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

FAAQIDAADA CIYAARADA: AXAD | TALAADA |
KHAMIIS

Daabacaaad:  sept 14, 2004



SOOMAALIDA MAXAY CADDAALAD DARRIDA KU JECLAATAY
(Tanna waa caddaalad darro cusub oo iminka ka taagan GOS)
MUDANE WIISH: "Balaagoow been baad iga sheegtay, oo liiskii aad tiri Qalinka cas iyo midka madow ayuu u haystay ma ahayn….!" 

Guddiga Olympic-kada Soomaaliyeed (GOS) tan iyo xilligii burburka wuxuu ahaa ha’ayd u taagan difaaca iyo ilaalinta Magaca Soomaaliyeed, waxayna ku guuleysatay in goobo badan ay ka taagaan calanka Soom-aaliyeed, sidoo kalena waxay soo saareen ciyaartoy fara badan oo Soomaaliyeed oo qaarkood iminka dibadda ay ka ciyaaraan. Si kastaba ha ahaatee, Dadaalkaas GOS ay waday iyo guulihii ay gaartay waxaan marnaba ka marnayn qaladaad iyo ku tumasho sharciyada GOS u yaallay, balse xubnaha faraha badan ee GOS ku midoobay oo intooda badan ku shaqeeya si mutadawacnimo ayaa mar kasta ku dadaali jiray in qalad kasta oo dhaca uusan noqon mid GOS u baaba’ado. Qalinka uma qaadan in aan soo dhiraandhiriyo qaladaadka faraha badan leh ee salka ku haya cadaaladdarro ee ka dhacay guddiga Olympic-kada Soomaaliyeed (GOS), balse waxaan doonayaa inaan ifiyo qalad iminka ka taagan GOS gudaheeda, kaasoo dulucdiisu tahay in qaar ka mid ah Mas’uuliyiinta GOS ay ku tumanayaan sharciga iyo nidaamka GOS ay lafteeda degsatay.

Waxaa dhawaan u amababaxaya dalka Al-Jeeriya koox Soomaaliyeed oo kubadda Koleyga ah ayna wehlin doonaan mas’uulyiiin ka tirsan xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga iyo kuwo ka socda GOS iyo weliba weriyeyaal, howshaan safarka ah markii ay soo baxday ayaa mas’uuliyiintii u xilsaarnaa howshaan ku dhaqaaqeen xulidda dadkii bixi lahaa, waxaana durbadiiba soo if baxay qaladaadkii ugu horreeyay, waxaanan doonayaa inaan si gaar ah u tilmaamo xubintii weriye ee raaci lahaa wafdigaa oo aan anigu markii hore u haystay in ay laba ruux ahaayeen balse uu Mudane C/qaadir Gacal Abkoow igu yiri "Waa hal xubin".

Waxaa dhacday in xubintaas loo maga-caabay Weriye aan ka mid ahayn ururka Saxafiyiinta Isboortiga oo ka mid ah ururrada hoos yimaada GOS kaas oo waajibaadkiisa ay ka mid yihiin daboolidda baahida saxaafadeed ee GOS, isla markaana xaq u leh fursad kasta oo ay GOS hesho oo dhanka saxaafadda ah. 

Markii arrintani ay soo ifbaxday ayaa waxan la xiriiray habeennimadii Khamiista ahayd Mudane Aadan Xaaji Yabarow Wiish oo ah Guddoomiye ku xigeenka GOS, isla markaana ah madaxa howl fulinta GOS isla markaana ah guddoomiyaha xiriirka kubadda Koleyga Soomaaliyeed, taasoo muujinaysa in uu si toos ah howsha safarka maamulkeeda u leeyahay, habeenkaasi wax hadal ah oo badan isma aynaan dhaafsan oo subaxnimadii khamiista ayuu igu ballamiyay xafiiskiisa, waxaan u wada tagnay aniga oo C/llaahi Black ah ahna guddoomiyaha ururka Saxafiyiinta Isboortiga iyo Xog-hayaha guud ee ururka Shaafici Muxyadiin Isloow, guddoomiye Wiish markiiba wuxuu noo sheegay in howshan uusan waxaba ka ogeyn waxna kala socon, wuxuuna yiri: "Intii aan Athens ku maqnaa ayaa howshaan bixitaanka ah billaabatay, markii aan imidna waan ka gaabsaday inaan faraha la galo, waxaana howshaan horay u waday qaar ka mid ah mas’uuliyiinta GOS iyo xiriirka kubadda Koleyga, iyaga ayaadna kala xiriiraysaan".

Markii uu Wiish ereyadaa nagu oranayay waxaa miiska u saarnaa liis dheer oo ay ku taxan yihiin magacyada ciyaartoyda, tababarayaasha iyo mas’uuliyiinta kubadda koleyga ee loo qorsheeyay inay safarka Aljeeriya u ambababaxaan, wuxuu gacanta ku haystay laba qalin oo mid madow yahay midna casaan (guduud) yahay, isha ayuu la raacay liiska wuxuuna bilaabay in dhowr qof uu qalinka casaanka ah mariyo uuna ka reebo safarka, waxaana xilligaa dul taagnaa guddoomiye ku xigeenkiisa Ibraahim Roombe oo qofkii uu garan waayo u sharxayay Wiish, taasina waxay si dhab ah u muujinaysay awooddiisa iyo xilkiisa.

Qorshuhu wuxuu ahaa in Aniga, Shaafici, Wiish iyo Abkoow aan shir wadajir ah qaadanno fikraddaas oo uu noo soo jeediyay Mudane Wiish, balse markii aan duhurkii tukannay ayuu Wiish qadhiisa cudurdaar la yimid, isagoo nagu yiri: "Kowda Duhurnimo ayaan ballan magaalada ku leeyahay ee adinku u taga Abkoow". Markiiba waxaan u soo gudubnay xafiiskii Mudane Abkoow, oo markaa ka faaruqay kulan ballaaran oo loo sameeyay wafdi ka socday magaalada Caabudwaaq, markii aan arrintaan dhacday wax ka weydiinnay iyo sababta keentay in weriye aan GOS ka tirsanayn loo magacaabo safarkaas wuxuu ereyo kulkulul nagu yiri: "Hadal yuusan idin dilin howshaan innagaa sameynay mana laga noqonayo". Intaa kaddib wixii aan la kulannay waxaan ogeysiinnay xoghayaha guud ee GOS iyo qaar ka mid ah Mas’uulyiiinta GOS oo intooda badan noo sheegay in qaladkaasi ay wada arkeen.

Waxaan maanta oo sabti ah qoraalo ashtako ah gaarsiinaynaa Wakiilka Guddoo-miyaha GOS Mudane Xaaji Cabdi Guddoomiyaha GOS Mudane Sendiko, iyo weliba Abkow, Wiish iyo Xoghayaha Guud ee GOS Tarabi, waxaana rajeynaynaa in qaladka jira la sixi doono haddii EEBBE idmo.

Qormadii shalay ee hal ku dhiggeedu ahaa Caddaalad darro cusub oo iminka ka taagan GOS oo uu wargeysku soo baddhigay ayaa waxay dood uga timid mudane Aadan Xaaji Yabaroow "Wiish" oo aniga shaqsiyan mar aan xafiiskiisa ugu tagay igu yiri: "Balaagoow been baad iga sheegtay!".

Markii uu ereygaa igu dhahayay waxaan taagnaa albaabka xafiiskiisa, waxaana u siday nuqul ka mid ah warqad ashtako ah oo ay soo qoreen ururka saxafiyiinta Isboortiga, gudaha ayaan u soo gudbay waxayna indhahaygu ku dhaceen nuqul ka mid ah wargeyska Ayaamaha oo hor yiillay mudane Wiish markii aan dul imid ayaan weydiiyay beenta aan ka sheegay waxay tahay wuxuuna igu yiri: "Liiskii aad tiri: Wiish wuxuu u haystay qalin cas iyo mid madow oo dadkii safarka aadayay ayuu qaarna ka reebayay qaarna ku darayay been baad ku sheegtay, oo liiska aan saxayay oo aan dadka ka reebayay wuxuu ahaa liiskii ciyaartoyda kubadda Koleyga ee kooxaha Heegan iyo Horseed kuwaasoo la doonayay in ciyaartoy xaddidan ay ka qaybgalaan tartankaas, waxaa qorsheysnaa in koox walba ay la timaaddo 12-ciyaartoy iyo saddex isugu jira guddi iyo garsoor, waxayna soo qorteen illaa 30-ciyaarto, taas ayaana kala saarayay".

Wiish waxaan u ballan qaaday in wixii khalad ah ee aan qoray aan saxayo, si ay anigana aan fursad ugu helo in erayo intaas ka badan aan ka helo guddoomiye Wiish ayaa xalay khadka taleefoonka ku weydiiyay dhowr su’aalood, waxaana ku iri: "Waxaad tahay madaxa howl fulinta ee GOS sidey ku dhici kartaa howl aadan gacan ku lahayn in laga fuliyo GOS gudaheeda?" wuxuu iigu jawaabay: "Horay ayaan kuugu sheegay anigu safar ayaan ku maqnaa markii ay howshaan billaabanaysay markii aan imidna meel fiican ayay maraysay, sideedabana howshu waxay ahayd howl guddiga Olympic-kada ay hormuud ka yihiin, waxaana jooga madax iga sarreysa, annaga ka xiriir ahaan waxaan lahayn xulidda kooxdii Basketball-ka iyo tababarayaashooda, markii aan imid waxaa la ii sheegay in dhamaan la xulay aniguna waan ku raacay".

Waxaa weydiiyay su’aal kale oo ahayd: "Markii la xulayay xubintii weriyaha adigu ma maqanayd mise waad joogtay?" wuxuu ku jawaabay: "Waan joogay", waxaan ku iri: "Mar haddii aad joogtay adigu go’aankaagu muxuu ahaa maadaama GOS ay lahayd urur saxafiyiin?", wuxuu iigu jawaabay: "Dhab ahaantii, ururka saxafiyiinta waayadaan ma uusan shaqeyn, waxaana la baadi goobay weriyeyaal waayadaan nala shaqeynayay, markii laga dooday oo la isku raacay xulashada weriyaha, aniguna waan ku raacay".

Waxaan ku iri: "Ururka suxufiyiinta Isboortiga ma waxaad leedahay wax shaqo ah ma uusan qaban, teeda kalena ma isagaa howl-gab noqday mise amar mas’uuliyiintiina ka yimid ayaa shaqadiisa hakad loo geliyay?" mudane Wiish wuxuu ku jawaabay: "Waa runtaa… ururka saxafiyiinta isboortiga shaqo wanaagsan ayuu soo qabtay oo ma beeninayo wayna jirtaa in amar ka yimid maamulka sare ee GOS Howshiisa lagu halkiyay balse howshan xulidda ah sidaas ayay noogula muuqatay".

Mudane Wiish waxaan kaloo ku iri: "Tallaabada aad qaadateen ma habboon tahay, mana habboon tahay in ururkii saxafiyiinta isboortiga ee aad adinku dhisteen sidaa lagu illoobo?", wuxuu ku jawaabay: "Way habboon tahay in wixii la qabtay la qiro, annaga waxaan ka hadalnay oo keliya ciddii waayadaan shaqeynaysay, taas keliya ayaa hadafkeennu ahaa".

Ugu dambeyntii waxaan weydiiyay "Gooma ayay baxayaan guddigaasi?" wuxuuna igu yiri: "Weli waqti go’an looma qorsheyn waxaana rajeynaynaa inay goor dhaw baxaan".

W/D: Abdullaahi Black

E-mail: abdulahiblack@hotmail.com

 

 


 

Faafin: SomaliTalk.com

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD