SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - CIYAARAHA

FAAQIDAADDA CIYAARAHA
Qormada TALAADADA

WAXAA DIYAARIYAY: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

QORMADA: AXAD | TALAADA |
KHAMIIS

Daabacaaad: Apr 5, 2005



Xaggee marayaa Horyaalka saddexaad ee Fustalka ee ka socda garoonka….

Waxaa dhowaan garoonka Muqdisho Stadium qaybtiisa Fustal-ka dib uga billowday tartankii saddexaad ee Horyaalka Fustal-ka heerarkiisa A, B iyo C, waxaana tartankaasi oo galab walba ay ka soo qayb galaan taageerayaal aad u fara badan iyo maamulka cusub ee dhowaan guddigaasi loo sameeyey ayaa waxaa ay sheegeen in uu ka xiiso badan yahay tartan-kan xilliyadiisii hore ee la qaban jirey, waxaana natiijooyinkiisii ugu dambeeyey ay kooxuhu u kala badiyeen sidatan:-

Heerka koowaad:

Hagardiid Vs Telenet 4-3

Jubba Airways Vs Midnimo 2-6

Caafi Vs Tarooje 4-7

Dahabshiil Vs Telenet 5-2

Hagardiid Vs Nucmaan 2-5

Telenet Vs Jubba Airways 3-3

Midnimo Vs Dahabshiil 4-3

Heerka Labaad:

Al-Kowthar Vs Olympic Fitness Center 3-4

Super Stars Vs Nasiib Buundo 0-8

Daacad Vs Amadeeyo 5-0

Nationlink Vs Al-Kowthar 4-2

Heerka Saddexaad:

Gatsby Vs Faanoole 2-2

NBC Vs Dalta CGS 4-3

Dalsan Vs Al-waasac 11-0

Gatsby Vs Jaamacadaha 8-2

Faanoole Vs Muqdisho Stars 4-2

Tababar loo furayo Macallimiin ka tirsan Kooxaha Kubadda Cagta……..

Cashirro lagu baranayo qaabka tababarka ugu wanaagsan ayaa lagu wadaa in 9-ka Bisha loo furo 26-tababare oo ah tababareyaasha naadiyada heerka labaad, labaad iyo saddexaad, waxaana tababarkan oo ka dhacaya xarunta xiriirka Soomaaliyeed ee K/Cagta ka bixin doona cashirro macallimiin khibrad u leh qaabka tababarenimo.

Warqad qoraal ah oo uu soo saaray xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Cagta oo uu ku saxiixnaa C/qani Siciid Carab oo ah Xoghayaha xiriirkaasi ayaas lagu sheegay in tababarka lagu doonayo in lagu kordhiyo horumar saa'id ah macallinka, si isna ciyaartoyda uu tababarayo tayadooda kor ugu qaado. Waxaa kaloo warqadda ku qornaa in ay jiri doonaan imtixaan iyo su'aallo is weydiin iyo weliba soo bandhigidda macallin kasta xirfadda uu u leeyahay tababarenimada iyo waayo aragnimada uu heysto, iyadoo tababarkanna uu socon doono muddo 4-maalmood ah, waxaana muuqata in haddii ay dhisanto aqoonta macallinku ay dhismayso iyana midda ciyaaryahanka, kooxuhuna gaari karaan horumar la taaban karo.

 

Wafdi ballaaran oo dorraad u ambabaxay waddanka Sucuudiga, si...

Waxaa maalintii dorraad ahayd garoonka Balidoogle ee Magaallada Muqdisho ka amba-baxay wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Xiriirka Soomaaliyeed ee Kubadda Koleyga Aadan Xaaji Yabaroow Wiish, waxaana wafdiga iyo ciyaaryahannaduba ay ka qayb galayaan tartanka 1-aad ee Islaamka ee ka dhacaya waddanka Sucuudiga. Wuxuu wafdigani ku biiri doonaa laba Wafdi oo hore u joogtay magaallada Jeddah ee dalka Sucuudiga, kuwaasoo ay kala hoggaaminayeen Faarax Sendiko iyo C/qaadir Ibraahim Gacal Abkoow oo iyagu shir kaga qayb galaya halkaasi, waxaana saddexda xiriir ee Tennis-ka dheer, Kubadda Koleyga iyo ciyaaraha fudud ay sheegeen in ciyaartoydoodu ay isku kalsoon yihiin. Bye Farah Blue

 

Campbell oo mar kale dib ugu soo laabanaya...

       Daafaca wadnaha u ah kooxda Kubadda Cagta Arsenal ee waddanka Ingiriiska Sol Campbell oo garoommada uga maqnaa dhaawac ka soo gaaray anqawga ayaa lagu warramay in mar kale uu dib ugu soo laaban doono kooxdiisa kulanka ay 16-ka Bishan April la yeelan doonto kooxda Blackburn ee ka dhici doona magaallada Cardiff ee Gobolka Wales taasoo ka tirsan Koobka FA-ga Ingiriiska.

            Campbell oo 19-kulan oo keliya u saftay xilli ciyaareedkan kooxdiisa Arsenal ayaa dib u soo noqoshadiisa waxaa si weyn u daneynaya tababaraha xulka Qaranka Ingiriiska Sven Goran Eriksson oo isagu doonaya in uu ogaado diyaar garowga daafacan ee ku aaddan xulka Q/Ingiriiska, waxaana Campbell oo booskiisa xulka Ingiriiska uu haatan ciyaarayo Daafaca kooxda Chelsea John Terry uu xulkiisa 9-kulan oo 3-ka mid ah ay ahaayeen kulammo saaxiibtinimo, halka 6-da kalena ay ahaayeen kulammo rasmi ah uu ka ciyaaray 2-kulan oo qura.

Newcastle oo Man. Utd ka dooneysa laba ka….

     Tababaraha kooxda Newcastle United Graeme Souness oo u warramayay wargeyska “The People” ayaa shaaca ka qaaday in uu kooxda Manchester United ka doonayo in uu kala soo wareego marka uu dib u furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda Qaaradda Yurub labada weerar-yahan ee kala ah Luis Saha iyo Alan Smith.

Tababare Souness waxa uu sheegay in labadan ciyaarya-han uu dalbaday markii uu xaqiiqsaday in Kluivert uu ka sii shiraacanayo garoonka St James Park, halka weeraryahankoodii kale ee Craig Bellamy isna uusan ku soo noqon doonin mar kale kooxdaasi, waxaana wargeysku uu sheegay oo kale in Man. Utd aysan oggolaan doonin sii deynta Smith, halka laga yaabo in Saha oo xilli ciyaareedkan 6-kulan oo qura u saftay Man. United, dhaawacyana ay hareeyeen tan iyo wixii ka dambeeyey markii 14-bilood ka hor ay Man. Utd 11-Milyan oo Gini kagala soo wareegtay Fulham laga iibiyo Newcastle United.

Montella oo heshiis cusub lagu dhimay mushaarkiisii

   Weeraryahanka kooxda K/Cagta AS Roma ee wadanka Talyaaniga Vicenzo Montella ayaa lagu warramay in uu aqbalay mushaar dhimis lagu sameeyey.

            Mushaarkan laga dhimay Montella oo 30-jir ah ayaa yimid markii ciyaaryahankaasi uu oggolaaday heshiis cusub oo garoonka Olimpico uu ku sii joogayo illaa sanadka 2009-ka, waxaana Montella oo mushaar ahaan u qaadanayay hanti gaareysa 2.5-Milyan oo Gini wixii haatan ka dambeeya uu qaadan doonaa 1.75-Milyan oo Gini, iyadoo wada hadallo gooni ahna ay u socdaan isaga iyo haweeneyda Xoghayaha u ah kooxda Roma Rosella Sensi taasoo uu qalinka ku duugayo heshiiskan cusub.

Juva oo soo bandhigtay liiska ciyaartoydeeda….

         Tababaraha Kooxda K/Cagta Juventus Fabio Capello ayaa soo bandhigay liiska ciyaartoydiisa ka hor tagaysa kooxda Liverpool ee Koobka Horyaallada Yurub (EUFA Champions League)  Talaadada soo socota, waxaana ciyaartoydan oo ka kooban 20-ciyaartooy ka maqan Tacchinardi oo kaarka guduudan loo taagay kulankii Juventus iyo Real Madrid iyo Oliver Kapo oo isna dhaawac ku maqan, waxaana ay kala yihiin:-

            Buffon, Thuram, Fabio Cannavaro, Jonathon Zebbina, Gianluca Zambrotta, Blassi, Emerson, Mauro Camoranesi, Pavel Nedved, Alex Del Piero, Zlatan Ibrahimovic, Montero, Pessoto, Brandelli, Stephen Abbiah, Trezeguet, Zalayeta, Oliveira iyo Bonovi.           

 

 

Werder Bremen oo isha ku heysa ciyaaryahan….

       Horyaalka waddanka Jarmal-ka ee xilli ciyaareedkii la soo dhaafay Werder Bremen ayaa shaaca ka qaadday in ay si aad ah u daneyneyso la soo wareegidda laacibka kooxda Middlesbrough ee waddanka Ingiriiska Bojdewin Zenden.

            Naadiga Bremen ayaa iyagu doonaya ciyaaryahan ka ciyaara Khadka oo aad u wanaagsan, maadaama la xaqiijiyey in xidiggooda Khadka dhexe Fabian Ernest uu xilli ciyaareedka soo socda ku biiri doono kooxda Schalke 04, iyadoo dooneysa in Zenden uu kooxdaasi ka caawiyo hoos u dhaca la soo gudboonaaday, waxaana Zenden oo qandaraaskiisa kooxda Middlesbrough ku eg yahay dhammaadka xilli ciyaareedkan aan illaa iyo haatan la garanayn in uu ka tagayo kooxdiisa iyo in kale, iyadoo kooxdiisuna aysan weli u soo bandhigin heshiis cusub.

 

Yaa ugu mushaar badan Ciyaarta K/Koleyga??

       Jariidadda "US To Day" ee dalka Mareykanka ayaa qortay in xidigga Kubadda Koleyga ee kooxda Miami Shaquille O'neill uu qaato mushaarka ugu badan ee sanadlaha ah ee uu qaato ciyaaryahan ciyaara Kubadda Koleyga Mareykanka, waxaana jariidaddu mushaarka O'neill ee sanadlaha ah ay ku sheegtay in uu yahay 27-Milyan oo Dollar-ka Mareykanka ah.

Oneill ayaa markii ugu horreysay kaalinta 1-aad ka galay ciyaartoyda K/Koleyga tan iyo wixii ka dambeeyey xilli ciyaa-reedkii 1999-2000, waqtigaas oo uu kaalinta 1-aad ee xidigga ugu mushaarka badan ku galay mushaar gaaraya 17,1-Milyan oo Dollar, kaailnta 2-aad ee ciyaartoyda ugu mushaarka badan K/Koleyga Mareykanka ayaa noqday Motombo oo u dhashay dalka Mozambique oo u ciyaara kooxda Houston,  waxaana mushaarkiisu yahay 18.8-Milyan oo Dollar, kaalinta 3-aad waxaa wada galay Alan (New York) iyo Chris oo u ciyaara Philadelphia halka kaalinta 4-aadna uu xirtay Garnet (Minnesota).

Bolton oo soo cusbooney-siisay doonisteedii.

      Kooxda K/Cagta Bolton Wanderers ee dalka Ingiriiska ayaa mar kale soo cusbooney-siisay doonis-teedii daafaca kooxda Roma & Xulka Giriigga Traianos Dellas. Ciyaaryahan Dellas oo qandaraaskiisa kooxda Roma ku eg yahay Bisha June ee sanadkan, isla markaa-na weli aan wax heshiis cusub ah u saxiixin kooxdiisa Roma ayaa kooxda Bolton waxay isku dayaysaa sidii ay xilli ciyaareed-kan u keeni lahayd garoonka Reebok Stadium, iyadoo taana u sii mareysa Gianokopolus oo ay isku waddan ka soo wada jeedaan Dellas oo u ciyaara Naadiga Bolton, sidoo kale Liverpool iyo Arsenal ayaa iyaguna xilli ciyaareedkan si aad ah u doonayay ciyaaryahankan.

Baros, Haypia iyo Dudek oo wada safan doona….

          Xiddigaha Liverpool ee kala ah Milan Baros oo ku maqnaa ganaax saddex kulan ah, Sami Haypia oo dhaawac ku maqnaa iyo goolhaye Dudek oo isna uu kulanka adag ee Juventus uu u dhigtay tababare Benitez ayaa dhammaantood wada safan doona kulanka caawa, waxaana ciyaartoyda caawa u safanaysa Liverpool kulanka Anfeild ay kala yihiin: Dudek, Finnan, Carragher, Haypia, Luis Garcia, Taraure, Luis Garcia, Gerard, Biscan, Riise, Nunez, Smicer, Baros, Carson, Welsh, Potter, Le Tallec, Warnock iyo Raven.

Totti oo ka faallooday Pope John Paul II

       Kabtanka kooxda Roma, kana tirsan xiddigaha xulka Q/Talyaaniga Francesco Totti ayaa shaaca ka qaaday in uu si aad ah uga xun yahay geeridii ku timid hoggaami-yihii Diinta Catholic-gga Pope John Paul II ee fadhigiisu ahaa Vatican-ka dalka Talyaaniga, waxaana uu yiri "Ma hilmaami doono Pope John, markii aan carruurta ahaa ayaan anigoo ka soo laabtay Iskuulka aan la kulmay, markii aan soo hor fariistay ayuu iga dhunkaday foolkeyga, waxaana markaa ogaaday in dhunkashadaasi ay ahayd mid barakaysan oo sare u qaadday ciyaarteyda K/Cagta, waana ku dhegganaan doonaa dhunkashadaasi, waxaana ahay ciyaaryahan nasiib leh".

Real Madrid oo dooneysa ciyaartooy uu ka mid

       Wararkii ugu dambeeyey ee ku saabsan ciyaartoyda ay dooneyso kooxda Real Madrid in ay la soo wareegto xilli ciyaareed-kan ayaa waxaa ugu horreeya Xidigga Khadka dhexe uga ciyaara AC Milan iyo Talyaaniga Andrea Pirlo, waxaa kale oo ka mid ah Zamprotta (Juventus), De Rossi (Roma) iyo Joaquin oo isna u ciyaara kooxda Real Betis.

    Ma aha markii ugu horreysay ee Real ay ku dhawaaqdo in ay aad u daneyneyso Pirlo, hase yeeshee waxaa arrintani ay soo taagneyd tan iyo markii uu Maamulaha guud ee Real Madrid noqday Eriggo Sacchi oo xilka haya boqol iyo dhowr maalmood oo qura, hase yeeshee waxa uu sheegay in caqabadda keliya ee haatan heysata ay tahay isagoo ka cabsi qaba in Pirlo loo kordhiyo qandaraas cusub oo laba sanadood ah, iyadoo qanda-raaskiisa haaatnna ku eg yahay sanadka 2008-da.

Natiijooyinkii kulammadii toddobaad-kan ee Horyaalka waddanka Ingiriiska

        Waxaa garoommada kala duwan ee waddanka Ingiriiska toddobaadkan ka dhacay kulammadii 31-aad ee Horyaalka dalkaasi oo aad u xiiso badnaa, waxaana ay kooxuhu isku arkeen qaabkan:-

02/04/2005  Charlton Vs Manchester City 2-2

4' Hreidersson (City) Kama'gool, 10'Bartlett, 38' Fowler (City), 90' Perry.

02/04/2005 Southampton Vs Chelsea 1-3

22' Frank Lampard, 39' Gudjohsen, 69' Phillips (Southampton), 83' Gudjohsen.

02/04/2005 Newcastle United Vs Aston Villa 0-3

5' Juan P. Angel, 73' Taylor "Kaarka guduudan", 73' Barry (Rigoore), 80' Barry (Rigoore) 83' Lee Bowyer (Kaarka guduudan), Dyer (Kaarka guduudan).

02/04/2005 Crystal Palace Vs Middlesbrough 0-1

35' Queudrue.

02/04/2005 Birmingham City Vs Tottenham 1-1

59' Kelly (Tottenham), 66' Carter.

02/04/2005 Arsenal Vs Norwich City 4-1

19' Henry, 22' Henry, 30' Huckerby (Norwich), 50' Freddie Ljungberg, 66' Henry.

02/04/2005 Liverpool Vs Bolton 1-0, 86' Biscan.

02/04/2005 Man. United Vs Blackburn Rovers 0-0

03/04/2005 Fulham Vs Portmouth 3-1

32' Lualua (Portmouth), 45' Malpranque (Rigoore/ Khasaariyey), 63' Cole, 81' McBride, 90' Boa Morte.

03/04/2005 West Bromwich Albion V Everton 1-0

63' Gera,  waxaana kooxuhu xagga dhibcaha ay u kala horreeyaan sidatan:-

 

No.

Kooxaha

Kulan

Dhibco

1

Chelsea FC

31

80

2

Arsenal FC

31

67

3

Manchester Untied

31

67

4

Everton

31

51

5

Liverpool

31

50

6

Bolton Wonderers

31

46

7

Middlesbrough

31

45

8

Charlton Athletic

31

44

9

Tottenham Hotspur

31

43

10

Aston Villa

31

41

11

Newcastle United

30

38

12

Manchester City

31

37

13

Birmingham

31

36

14

Fulham

30

33

15

Blackburn Rovers

31

33

16

Portsmouth

31

31

17

Southampton

31

27

18

W Bromwich City

31

27

19

Crystal Palace

31

26

20

Norwich City

31

20

 

Dhinaca Gool dhalinta:  Thierry Henry (Arsenal) 25-gool, Andrew Johson (Crystal Palace) 17-gool, Jermaine Defoe (Tottenham) 12-gool, Hasselbaink (Bro), Andy Cole (Fulham min 11-gool.

 

Kulammadii ugu dambeeyey ee Horyaalka waddanka Spain (La Liga)

          Kulammadii 29-aad ee Horyaalka waddanka Spain (La Liga) ayaa la ciyaaray toddobaadkan, waxaana ugu xiiso badnaa kulankii dhex maray Barcelona Vs Real Betes 3-3, iyadoo kooxaha kalena ay isku arkeen sidatan:-

02/04/2005 Villarreal Vs Athletic Bilbao 3-1

11' Jose Mari, 22' Ezquerro (Bilbao), 32' Jose Mari, 57' Diego Forlan.

02/04/2005 Real Zaragoza Vs Valencia 2-2

44' Generio, 49' Albeida "Kama'gool", 81' Corradi, 85' Caneira.

02/04/2005 Real Sociedad Vs Osasuna 2-0

41' Uranga, 45' Karpin.

03/04/2005 Barcelona Vs Real Betis 3-3

11' Joaquin (Betis), 12' Rivas "Kaarka guduudan", 14' Eto'o (Rigoore), 39' Oliveira (Betis), 62' Joaquin (Betis), 82' Eto'o (Rigoore), 90' van Bronckhorost.

03/04/2005 Albacete Vs Real Madrid 1-2

10' Redondo (Albacete), 14' Helguera, 45' M. Owen.

03/04/2005 Atletico Madrid Vs Mallorca 4-0

27' Colsa, 58' Ballestaros "Kaarka guduudan" 60' Fernando Torres (Rigoore), 77' Luliano "Kaarka guduudan" 86' Salva, 89' Salva.

03/04/05 Real Sevilla V Numancia 1-0, 68' Adriano.

03/04/2005 Racing Santander Vs Espanyol 1-3

15' Raul Tamudo (Rigoore), 36' Benayoun (Racing), 43' Jorque, 48' Rodriguez.

03/04/2005 Real Malaag Vs Getafe 1-1

14' Baiano (Malaga), 32' Nano, 88' Duda "Kaarka guduudan".

03/04/2005 Levante Vs Deportivo La Coruna 0-1

40' Diego Tristan, waxaana xagga dhibcaha ay ciyaartoydu ugu kala horreeyaan:-

No.

Kooxaha

Kulan

Dhibco

1

Barcelona

30

69

2

Real Madrid

30

60

3

Villarreal

29

50

4

Real Betis

30

49

5

Espanyol

30

49

6

Real Sevilla

30

49

7

Valencia

30

47

8

Atletico Madrid

30

46

9

Deportivo

30

45

10

Athletic Bilbao

30

41

11

Real Zaragoza

30

40

12

Real Sociedad

30

39

13

Getafe

30

36

14

Real  Malaga

30

35

15

Levante

30

34

16

Racing Santander

30

34

17

Osasuna

29

31

18

Real Mallorca

30

24

19

Albacete

30

24

20

Numancia

30

20

Dhinaca Gool dhalinta:  Samuel Eto'o (Barca) 20-gool, Diego Forlan (Villarreal) 18-gool, Ricardo Oliveira (Real Betis), Torres (Atl. Madrid) min 16-gool, Julio Cesar (Sevilla), Baptista (Sevilla) 14-gool.

 


AXAD | TALAADA | KHAMIIS

Waxaa diyaariyey:
Amiin Yuusuf Khasaaro
amiinkhasaaro@hotmail.com
Muqdisho, Soomaaliya

Faafin: SomaliTalk.com

ISHA: wwww.plannetfootball.com   , www.goal.comwww.soccernet.comwww.worldsoccer.com, wwww.teamtalk.com , www.channel4.com  iyo www.euro2004.com  http://Soccerage.com  , http://Soccernet.com  iyo http://Worldsoccer.com , http://cnnsi.com

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More...
 
Allah Is Great

AXAD|TALAADA|KHAMIIS


:::CIYAARYAHANADII QARNIGII 20aad::::


SOOMAALIDA MAXAY CADDAALAD DARRIDA KU JECLAATAY



Salaad Gaab oo loo magacaabay Guddoomiyaha xiriirka Soomaaliyeed



Ciyaaryahanadii Soomaaliyeed ee tababarka uu aadey Spain


Xulka Soomaalida... Guji



Wararysi:weeraryahanka xulka Qaranka Soomaaliya iyo kooxda Simba ee waddanka Tanzania Ciise Aadan Abshir “Ciise Midnimo”... Guji



GOOLHAYE AXMED MAX’UD FAARAX (ITOOBIYA) “Waxaa la joogaa waqtigii aan noqon lahaa Goolhayaha Xulka Qaranka Soomaaliya” Guji 

CIBAADADA SALAADDA

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD