Magacyada ciyaartoyda xulka Qaranka Soomaaliya ee shalay ka 
             ambabaxay…
 
           
           
              
           Waxaa 
           xalay Hotel Shamo ee Magaallada Muqdisho lagu qabtay xaflad lagu 
           sagootinayo xulka Qaranka K/Cagta Soomaaliyeed ee ka qayb galaya 
           tartanka dhowaan ka furmaya waddanka Sudan ee Juniors-ka Qaaradda 
           Afrika, waxaana mas’uuliyiintii halkaasi ka hadashay ka mid ahaa 
           Wasiirka Isboortiga DKMG ah Axmed Diiriye oo sheegay in dadka 
           Soomaaliyeed ee ku nool Sudan ay u diyaar garoobeen soo dhoweynta 
           ciyaartoyda xulka Qaranka Soomaaliya, sidoo kale waxaa ka hadlay 
           Wasiirka dib u heshiisiitna ee DKMG ah Siciid Cismaan oo isna 
           dar-daaran siiyey ciyaartoyda xulka Qaranka, waxaa kaloo ka hadlay 
           Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda Cagta Salaad Macallin Maxamed (Salaad 
           Gaab) oo sheegay in loo baahan yahay in ay ciyaartoyda Qaranku ay 
           dhowraan magaca umadda Soomaaliyeed, maadaama ay huwan yihiin calanka 
           Soomaaliyeed, waxaa kaloo ka hadlay Xoghahaya GOS, C/llaahi Axmed 
           Tarabbi oo u mahad celiyey intii gacanta ka geysatay ambabixidda 
           xulka Qaranka Soomaaliyeed.
           
            
           
           
                     Wafdiga ciyaartoyda waxaa hoggaaminaya Guddoomiye ku 
           xigeenka Xiriirka K/Cagta Siciid Mugambe iyo ku xigeenka Kaaliyaha 
           Xoghayaha Cabdi Qani Siciid Carab.
           
           
           Magacyada ciyaartoyda Xulka Qaranka ee da’doodu ka 
           hooseyso 20-jirka
           
           C/qaadir 
           Cumar Ibraahim “Bakiyaa” (Elman), Kamaal Cali Cumar (Dekedaha), Anas 
           Cali Max’ud (Elman), Mustaf Xasan Cumar (Banaadir Telecom), Yaasiin 
           Cali Cigaal (Horsee/Elman), Xuseen Meegaag Max’ed “Dhiidhaco” (Qodxaaley/Elman), 
           C/qaadir Cali Max’ed (Dekedaha/Elman), Yuusuf Cali Nuur “Yuu-cali” (Elman), 
           Mahad C/raxmaan Isaaq (Elman), Maxamed Nuur “Shaarkey” (Dekedaha/Elman), 
           Jamaal Amiin Cali (Elman), C/raxmaan Ismaaciil Cismaan (Elman), C/qaadir 
           SH. Cismaan Guduudow (Elman, Captain), Mowlaanaa Sh. Xasan (Elman), 
           C/casiis Salaad Cawaale (Elman), Ciise Aadan Abshir (Elman), Cismaan 
           Cumar Wakiil (Daallo), waxaana tababare u ah  xulka Qaranka Cabdi 
           Faarax Geela.
           
           Dhinaca kale kooxda 
           Elman oo heysata Horyaalka K/Cagta Somalia ayaa la filayaa in dalka 
           Rwanda ay kaga qayb gasho tartanka Horyaallda Bariga iyo Bartamaha 
           Afrika, waxaana tababare u ah Cabdi Faarax Geela, waxayna kooxda 
           Elman ku jirtaa qaybta A oo ay ku wada jiraan:
           
           QAYBTA A:
           
           Elman (Somalia), 
           
           
           Aprfc (Rwanda), 
           
           
           St, George (Ethiopia)
           
           Ulinzi Stars (Kenya), 
           
           
           Jamhuri (Zanzibar)
           
           QAYBTA B:
           
           Express (Uganda)
           
           Simba (Tanzania)
           
           Al Hilal (Sudan)
           
           Anseba (Eritrea)
           
           QAYBTA C:
           
           Police (Jabuuti)
           
           Champions (Brundi)
           
           Kyovu FC (Rwanda)
           
           SC Villa (Uganda)
           
             
             Magacyada 
             Orodyahannada Soomaaliyeed uga qayb galaya tartan… 
             
           
 
           
                       
           22-ka Bishan 
           April ayaa magaallada Muqdisho waxaa ka ambabixi doona orodyahanno 
           Soomaaliyeed oo ka qayb galaya tartanka Juniors-ka Bariga iyo 
           Bartamaha Afrika ee ka dhici doona waddanka Sudan, waxaana 
           Orodyahannadaasi magacyadoodu kala yihiin:-
           
           Cabdulle Maxamed 
           Xuseen (Weah) 800-Miter
           
           Raaxo Muxiyadiin 
           Axmed (1500-800-Miter).
           
           Fartuun Abuukar 
           Cumar (1500-800-Miter).
           
           Maxamed Cismaan 
           Nuur “Who” (5000-Miter)
           
           Maxamed Daahir Xeyd 
           “Ooyaaye” (1500-Miter), waxaana orodyahannadaasi hor kici doona 
           Macallin Maxamuud Caddow Nuur, iyadoo wafdigaasi uu hoggaamin doono 
           C/llaahi Cilmi Afrax.
           
           Dhowaan ayaa orodyahanno 
           Soomaaliyeed waxa ay ka qayb galeen tartan ka dhacay Waddanka Jabuuti, 
           hase yeeshee wax natiijo ah oo ay Soomaalidu ku farxaan kama aysan 
           soo hoyn.
            
           
 FAAQIDAADA CIYAARAHA: AXAD 
 | 
           TALAADA | 
 
 KHAMIIS