SomaliTalk DALSAN
w w w . S o m a l i T a l k . c o m
SOMALITALK - CIYAARAHA

Ciyaartoydii ugu wanaagsanayd qarnigii 20-aad

 

[Best Players of 20th Century]

 

WAXAA ISU SOO DUBARIDEY: Amiin Yuusuf Khasaaro
E-mail: amiinkhasaaro@hotmail.com

FAAQIDAADA CIYAARADA: AXAD | TALAADA |
KHAMIIS

Daabacaaad: June 17, 2004



WAAYIHII ISBOORTI EE BOQORKII KUBADDA CAGTA ADDUUNKA EDSON ARANTAS DO NASCIMENTO PELE

Qaybta 1aad:

Pele

Waxaan horey idinkugu ballan qaadnay in aan idiin soo gudbineyno  ciyaaryahanadii  ugau fiicnaa adduunka dhinaca Kubadda Cagta qarnigii 20-aad ee aynu soo dhaafnay, waxaana maanta ku billaabi doonnaa Taariikh kooban, misna xambaarsan nuxur, oo uu leeyahay Boqorkii Kubadda Cagta Reer Brazil Pele.

Pele waxa uu ku dhashay waddanka Brazil 23-kii October 1940-kii, magaciisa oo buuxa waa Edson Arantas Do Nascimento Pele, aad ayayna u adkeyd waqtigaasi in ciyaaryahan uu soo bandhigo farsamooyin la mid ah kuwii uu soo bandhigay Pele, wuxuuna Pele ahaa ciyaaryahankii keliya ee Koobkii Adduunka la qaaday xulkiisa Brazil saddex jeer, isagoo ku guuleystay sanadihii 1958-kii, 1962-kii iyo 1970-kii, waxaana Pele uu ahaa ciyaaryahankii ugu goolasha badnaa ciyaaryahannada Reer Brazil saddexaasi Koob Adduun.

Pele waxa uu noqday ciyaaryahankii ugu yaraa ee ku guuleysta Koobka Adduunka, isagoo 17-jir ah ayuu xulkiisa u qaaday Koobkii Adduunka ee 1958-kii, kaasoo lagu qabtay waddanka Sweden oo isla waddankaasi ay kaga adkaadeen 5-2, sidoo kale Pele waxa uu mar kale xulkiisa Brazil u suurtogeliyey in ay difaacdaan Koobkii Adduunka 1962-kii lagu qabtay waddanka Chile, iyagoo Final-kii Koobkaasina 3-1 afka ciidda ugu daray waddankii Czechoslovakia, laakiin Pele waxaa uu seegay inta badan ciyaarahaasi dhaawacyo soo gaaray kulammadii ugu horreeyey awgeed, waxaana sidoo kale ay dhaawacyo soo gaareen Koobkii Adduunka ee 1966-kii lagu qabtay waddanka Ingiriiska oo uu 4-2 Koobkaasi ku hantay xulka Ingiriiska.

Dhaawacyadaasi soo gaaray Pele ayaa waxa ay sababeen in xulkiisii Brazil uu ku haro wareeggii hore ee Koobkaasi, laakiin taa waxaa meesha ka saaray markii uu garoommada soo galay 1970-k ii isagoo mar kale hor kacaya xulkiisa Brazil oo si indho la’aan ah koobkaasi oo lagu qabtay waddanka Mexico ku qaaday, kaddib markii 4-1 ay ku dharbaaxeen Italia, taasina waxa ay ahayd Record cusub oo xulka Brazil uu u dhigay xulalkii kale ee caalamka, kaddib markii saddex jeer ay ku guuleysteen K/Adduunka. Pele waxa uu xulkiisa u dhaliyey in ka badan 100-gool, waxaana in uu shabaqa goolka ku hubsado u ahayd Pele mid aad u fudud, isagoo sidoo kalena, iyadoo lagu tilmaamay in uu ahaa nin si dhaqso ah u fikira marka uu banooniga arko ama marka uu la kulmo difaacyo aad u xirfad badan, isagoo markaana goolasha sida uu doono u abuuran karay, waxaana uu ka qayb qaatay 4-Koob Adduun oo kala ahaa 1958, 1962-kii, 1966-kii iyo 1970-kii, illaa iyo haatanna Pele waa uu noolyahay, waxaana da’diisu ay sii caga-cageyneysaa 64-sanadood, inkastoo dhinaca indhaha uu haatan ka sheeganayo xanuun yar, waxaana uu ka tirsan yahay xiriirka Kubadda Cagta waddanka Brazil.

W/D: Faarax Maxamed Cali (Mr. Blue)
E-mail: farahblue_545@hotmail.com 

 

 


 

Faafin: SomaliTalk.com

Kulaabo bogga hore ee www.somalitalk.com 

© www.SomaliTalk.com
All About Somalia and More..
.
>> Usheeg Asxaabtaada
Allah Is Great

Copyright © somalitalk.com. All rights reserved.

HTML CD